Mucjisooyinka Qur'aanka (1/3)

Afar iyo toban qarni ka hor ayaa ILAAHAY Quraanka u soo rogey aadamaha si ay ugu hanoonaan. ILAAHAY wuxuu ugu talo galay dadku si kitaabkani uga caawiyo ku hanoonidda runta, iyaga oo ka dheehanaya buuggan. Laga bilaabo maalintii uu soo degay illaa maalinta qiyaamena wuu dhex oolayaa isaga oo hanoon u ah aadamaha.

Habka uu u dhigan yahay iyo culayska xigmaddiisa ayaa markhaati ugu filan in uu yahay kelmedihii ilaahay. Intaas waxaa raacda waxaa ka buuxa mucjisooyin kuu caddeynaya in uu yahay hadalkii ilaahay. Waxyaabo mucjiso ahaan tiknoolajiyaddu u ogaatay qarnigii labaatanaad ayaa 1400 sano ka hor Quraanku sheegay. Dabcan Quraankuna maaha buug saynis. Si kastaba ha ahaatee xaqiiqooyin badan ayaa kuu sheegaya koobnaanta iyo macnaha ballaadhan ee aayadaha oo imminka la daahfuray qarnigan 20aad. Xaqiiqooyinkani ma ahayn kuwo la ogaa waqtigii quraanku soo degaayey weliba waxaa la helayaa kumanaan kale oo caddeeynaya in uu quraanku yahay hadalkii ilaahay.

Hadaba si aynu u fahamno mucjisooyinka sayniska lagu ogaaday ee quraanka, marka ugu horeysa waa in aynu jalleecno heerka saynisku marayey waqtigii uu quraanku soo degay.

Qarnigii 7aad markii Quraanku soo degay, dadyawga Carbeed waxay lahaayeen khuraafaad badan iyo Aaaminaado aan tiro lahayn oo ay rumeysnaayeen kuwaas oo arimaha sayniskana waxka khuseeyeen. La’aanta tiknoolajiyad wax lagaga ogaan karo kawnka iyo dabeecadaha, Carabtii waqtigaasi waxay aaminsanaayeen ku tiri kuteenno ay ka dhaxleen dadyawgii ka horeeyey. Tusaale ahaan waxay u rumeysnaayeen in buuraha iyo cirku ay istaageeraan. Waxay qallidsanaayeen in dhulku yahay wax iska goglan oo fidsan iyo in buuraha dhaadheer darafyadeedu isku siman yihiin. Waxaa loo haystay in ay buuruhu ay yihiin tiirar cirka sare u haya. Si kastaba ha ahaatee dhamaan khuraafaadkaas waxaa masaxay oo meesha ka saaray Qur’aanka. Suuradda Saad aayadeeda labaad “ILAAHAY Waa Kan Dushiina Dhigay Samada Iyada Oo Aan Wax Tiirar Ah Ku Taagnayn…” (Qur’aanka 38:2) Ayaaddani waxay meesha ka saartay aaminaaddii ahayd cirka waxa sare u haya buuraha oo tiirar u ah, waxa jira mawduucyo badan oo muhiim ah oo aanay jirin cid wax ka ogi. Qur’aanka oo soo degay xilli dadku ay wax aad ku yar ka yaqaaneen xiddigiska (Astronomy), Fiisigiska (physics), bay’oolojiga (biology) wuxuu xambaarsanaa xaqiiqooyin badan oo ku saabsan mawduucyo kala duwan sida abuuritaanka kawnka, abuuritaanka Bani Aadamka, qaababka xuubab haweedka (atmosphere) iyo miisaanka macquul ka dhigay in dhulka dushiisa noloshu noqoto mad suuro gal ah.

Hadaba bal aan eegno saynis ahaan mucjisooyinka laga ogaaday Qur’aanka.