Xogaha kale ee Qur’aanku kaga warraamay waxyaabo aan weli dhicin oo Mustaqbalka ku saabsan

Hordhac

Dhanka kale ee Qur’aanka Mucjisooyinkiisa waxaa ka mid ah in uu ka warramay waxyaabo aan weli dhicin, oo ku saabsan Mustaqbalka. Aayadda 27aad ee Suuradda Fatax tusaale ahaan ,wuxuu ugu bushaareeyey in ay qabsan doonaan Makka. Magaaladaas oo gacanta ugu jirtay Qureyshtii Maka.

“Ilaahay si dhab ah ayuu ugu rumeeyey Rasuulkiisa riyadiisi,waad geli doontaan Masjid Xaraamka idinka oo aan cidna ka cabsanaynin, oo timaha xiiranaya, gaabsanaya oo aan weliba cabsiyi jirin. Waxa uu ogaaday wax aydaan ogayn, markaas ayaa ilaahay idiin soo dedejiyey furasho dhow” (Suuradda Fatax_ Aayadda 27aad.)

Marka aad si dhow u dhuuxdo aayadda waxaad arkaysaa in ay tilmaamtay furasho dhow oo ka horeysa furashada Makka. Xaqiiqdii Sida Aayadda lagu sheegay,Muslimiintu markii hore waxa ay Qabsadeen Khayr. Halkaas oo ay degganaayeen Yuhuuddu, ka dibna waxa ay galeen Makka.

Bushaaradaas ka hadlaysa Mustaqbalka ee Qur’aanka ee Qur’aanku ku dhawaaqay waxa ay tilmaamaysaa xigmadda iyo qoto dheeraanta Qur’aanka. Sida oo kale tani waxa ay Markhaati u tahay in Qur’aanku yahay hadalkii ILAAHAY. Waayo ilaahay oo keliya ayaa leh aqoon dhamaystiran oo timaadada iyo tagtadaba isku si aqoon ugu leh. In Faarisiinta la jebin doono oo laga guuleysan doono waxa ay ka mid tahay Mucjisooyinka Qur’aanku kaga warramay Mustaqbalka. Weliba waxaa garab taalla lama ogeyn oo xogtan ma ay haynin dadka la jebiyey ee waqtigaas. Waxase ugu cajab badan oo aynu aad u sii lafa-guri doonaa waxa la sheegay in Roomaanka lagu jebiyey gobolka adduunyada ugu hooseeya “the lowest point in the world” waana Aayad qayb ka mid ah. Ummadda waqtigaas joogtay ama tignoolajiyadda xilligaasi macquul uma ahayn inta ay Cabbir qaataan ay sheegaan oo ogaan karaan dhulka halka ugu hooseysa. Kani waa waxyigii Ilaahay isaga ayaa wax walba oge.

map deadsea

1. The Mediterranean
2. Tel Aviv

3. Jerusalem
4. The People of Lut

5. Dead Sea

meesha loo yaqaanno (dead sea basin) waa halkii ay Beershiyaanku ku jebiyeen reer Rooma, sawirka sare waa sawir dayax gacmeedku qaaday. Harada Gobolka Luud, waa halka ugu hooseysa joog ahaan dunida. Waxa ay ka hooseysaa heerka badda 395 mitir

Guushii Faaris

Lama aragta kale ee Qur’aanku kaga warramay Mustaqbalka waxaa ka mid ah, xogta ilaahay kaga warramay Aayadda u horeysa ee suuradda Roma. Oo la xidhiidha boqortooyadii reer Faaris. Ee ku taallay dhanka bari ee boqortooyadii Roomaanka. Aayaddaasi waxa ay sheegaysaa in ay Rooma kala kulantay boqortooyadii Faaris jab aad u daran. Laakiin jabkaas ka dib in ay guul kasoo hoyn doonaan reer Rooma.

“Alif, Lam, Miim. Roomaankii waa laga adkaaday, waxaana lagaga adkaaday halkii dhulka ugu hooseysay, iyaguna ka dib markii laga guuleystay way guuleysan doonaan sannado dhowr ah ka dib. Arrimaha ilaahay ayaa gacanta ku haya bar bilow ilaa bar dhammaad, maalintaasna Mu’miniintu way farxi doonaan”. (Suuradda Ruum- aayadda 1-4)

lake of Lut lake of Lut

sawirkan sare ee dayax gacmeedku qaaday waa Dead Sea Basin, halka ay dhacdo iyo joogga Dead Sea Basin keliya waxaa lagu ogaan karaa cabbirrada Casriga ah. Cabbiradanina waxa ay u markhaati keceen Aayaddii Qur,aanka Ahayd.

Aayadahani waxa ay soo degeen 620 CD, Toddoba sano ka dib dagaalkii Nasaarada(Rooma) lagu jebiyey ee ay ku jebiyeen Beershiyaankii Asnaamta caabudi jiray. Waxaa aayaadka la sii raaciyey in Nasaaradu waqti dhow ka dib guuleysan doonto. Dagaalkaas ka dib waxaa ku dhacay Roomaankii bur bur badan oo aanay macquul ahayn in loo filo guul. Waxaaba shaki galay sii jiritaankooda. Weliba, kama guuleysanayaan oo qudha Beershiyaanka ee Avars, iyo Slavs, iyo weliba Lombards oo khatar aad u daran ku hayey boqortooyada Roomaanka. Avars-ku waxa ay gaadheen gidaarada Constintanople (Koonistantinobal). Boqorkii Roomaanku waxa uu amar ku bixiyey in dahabka iyo Maarta la dhalaaliyo oo loo beddelo lacag si loogu debbero masaariifta ciidamada. Markii ay tani u muuqatay in aanay ku fillayn waxaa amar lagu bixiyey in dhagaxii la dhalaaliyo si uu lacag u noqdo (waa dhagaxii aan ahayn dahabka saafiga ah). Badha-saabbo badan oo gobolada ah ayaa kasoo horjeestay boqorkii Hiraqle (Hiraclius) ka dibna waxa ay boqortooyadii qarka u gaadhay in ay burburto. Mesopotania (dhulka u dhexeeya webiga Tigris iyo Furaat oo imminka loo yaqaanno Ciraaq), Cilicia, Syria(Suuriya), Plastine (Falastine) Masar iyo Armenia (jamhuuriyad ku taallay waqooyi bari ee Aasiya) oo markii hore ay xukumi jirtay boqortooyada Roomaanku ayey weerareen Beershiyaanku. Isku soo wada duub oo qof waliba waxa uu filanayey burburka boqortooyada Roomaanka. laakiin markii ay soo degtay aayadda sheegaysa in Roomaanku guuleysan doonaan sannado yar dabadood. Guushan la sheegayaa waxa ay u muuqatay mid aan macquul ahayn, dad badan oo ah carabtii aan diinta islaamka haysanina waabay ku qosleen, waayo waxa ay u haysteen riyo. Waxay malaysteen guusha Qur’aanku sheegayaa in aanay weligeed rumoobaynin.20

Toddoba sano ka dib soo degitaankii aayadda Qur’aanka ah ee Suuradda Ruum, bishii labo iyo tobnaad 620 CD, ayaa dagaal kama dambays ahi ku dhexmaray boqortooyaddii Roomaanka iyo boqortooyadii Beershiyaanka meesha la yidhahdo Nineveh. Markan ciidamadii Roomaanku waxa ay si lama filaan ah uga guuleysteen ciidamadii Beershiyaanka, bilo yar ka dibna Beershiyaankii waxa ay oggolaadeen in ay Roomaanka u soo celiyaan dhulkii iyo mandaqadihii ay ka haysteen oo dhan.21

Intaas ka dib ayey Roomaanku ku dhawaaqeen,in ILAAHAY Qur’aanku uu soo dejiyey yahay mid run.

Mucjisada kale ee aan waqtigaas cid adduunka joogtaa ogeyn waxa ay ahayd xaqiiqada juquraafiga ah, aayadda saddexaad ee Suuradda Ruum, waxa laynoogu sheegay in Roomaanka lagu jebiyey halka dhulka ugu hooseysa. Kelmedda “Adna Al Arda” carabi ahaan macneheedu waxa uu noqonayaa “u dhow meel” fasiraado badan. Tani maaha xaraf raaca ee waa macnaha dhabta ah sida culimadu u fasirtay. Kelmedda “Adna” waxaa ay ka timid “Deni” oo macneheedu yahay “hoos” kelmedda “Arda” macneheedu waa “Adduunka” sidaa darteed kelmedda macneheedu waxa uu noqonayaa “halka adduunka ugu hooseysa”.

Waxa aadka u xiisaha lihi waxa ay tahay,dagaalkii u xumaa ee Roomaanka iyo Beershiyaanka, Roomaankana lagu jebiyey ee lagaga qaaday Israa’iil, wuxuu ka dhacay halka dhulka ugu hooseysa. Halkaas dhulka ugu hooseysaana waa “Dead Sea Basin” baddaas oo dhacda halka ay ku kulmaan waddamada Suuriya, Falastiin iyo Urdun. Dead Sea waxa ay ku taallaa 395 oo mitir xadka badda ka hooseeya. Dhab ahaan waa halka ugu hooseysa ee adduunyada. Taas macneheedu waxaa weeye in Roomaanka lagu jebiyey halka adduunyada ugu hooseysa, sida lagu sheegay aayadda.

waxa kale ee kasii cajiibsan waxaa ka mid ah in Dead Sea joogeeda lagu ogaaday tignoolajiyadda casriga ah ee maanta iyo cabbirradeeda. Wixii intaas ka horreeyey macquul ma ahayn in cidina ogaan karaysay in ay tahay halka dhulka ugu hooseysa, iyada oo ay sidaas tahay ayaa haddana Qur’aanka lagu sheegay in ay tahay halka dhulka ugu hooseysa. Tani waxa ay markhaati dheeraad ah u tahay in waxyigu kasoo degay xagga Ilaahay.

Kudüs

Footnotes

20.Warren Treadgold, A History of the Byzantine State and Society, Stanford University Press, 1997, p. 287-299.

21.Warren Treadgold, A History of the Byzantine State and Society, Stanford University Press, 1997, p. 287-299.