Mucjisooyinka Qur'aanka (3/3)

The Proportion of Rain

The Proportion of Rain

Mid ka mida xogta uu Qur’aanku innaga siiyey Roobka waxaa ka mida in cabbir go’an dhulka lagu shubo. Xogtan waxa la innoogu sheegay suuradda Sukhruf.

“ilaahay waa kan samada kasoo dejiya biyo cabbirran, waxa aanu ku nooleynaa biyahaas dhul dhintay, sidaas oo kale ayaa idinkana lay diin soo saari doonaa markaad dhimataan ka dib”(Qur’aan: 43:11)

Cabbirkan tirada roobka waxa lagu daahfuray cilmi baadhista casriga ah. Waxaa lagu qiyaasaa in hal ilbidhiqsi. Qiyaastii 16 malyuun oo tan oo biyo ah in ay ka uumi baxaan dhulka. Xaddigaasi wuxuu gaadhaa 513 Tiriliyan oo tan oo biyo ah sannadkiiba. Xaddigaas uumi baxa ahi wuxuu le’egyahay xaddiga roobka ah ee da’a sannadkii. Taas macneheedu waxaa waxa weeye in biyuhu ay ku jiraan wareeggaas iyaga oo “cabbiran”. Inta dhulka ka uumi baxday ayuun baa roob ahaan u soo da’da socdaalkaas ayuun bay biyuhu ku jiraan waxaana la yidhaahdaa “ water circulation”. Nolosha dhulka korkiisa taallana waxay ku xidhan tahay hab- wareeggaas biyaha. Haddii dadku ay adeegsadaan teknoolajiyadda adduunka taalla oo dhan, ma awoodaan in ay wareeggan biyaha oo kale si macmal ahaan ah u soo saaraan.

Xattaa haddii habkan isu miisaamin waxyari ka qalloocsamaan waxaa degaanka ka dhacaya khal khal iyo isu miisaan la’aan, taasina ay sabab u noqonayso geba gebada nolosha dhulka oo dhan. Weliba sidani weligeed ma dhacayso, roobkuna waa da’aya isaga oo cabbiran sida Qur’aanku sheegay waqtigii uu soo degaayey.

The Proportion of Rain

sannadkasta xaddiga biyaha ah ee dhulka ka uumi baxa ayaa dib ugu soo laabta dhulka iyaga oo roob ah “joogto” 513 tiriliyan oo tan. Xaddigan go’an ee joogtada ah ayaa Qur’aanka lagu sheegay markii la lahaa “ biyo cabbiran ayaa samada laga soo dejiyaa”. Joogtaynta xaddigan biyaha ahi waxay muhiim u tahay isu miisaanaanta degaanka iyo noloshaba.

Samaysanka Roobka

The Formation of Rain

sawirkan sare wuxuu muujinayaa dhibco roob ah in hawada lagu sii daayey. Tani waa derejada koowaad ee samaysanka roobka. Intaas ka dib, dhibcihii yar yaraa ee biyaha ahaa ee soo uumi baxay hawada marka ay yimaaddaan iyaga iyo milixdoodu waa ay isku dhegaan oo adkaadaan si ay u qaabeeyaan roobka. Dhamaan derejooyinkan oo dhan Qur’aanka ayaa sharraxay.

Sidee roobku u samaysmaa muddo badan ayey ahayd su’aal la yaab leh oo aan cidina ka warqabin. Keliya ka dib markii la unkay (ikhtiraacay) cimilo haweedka “ weather radar” ayuun baa la ogaaday in roobku kusoo da’o saddex derejo.

Marka la eegayo abuuritaanka roobku waxa uu maraa saddex derejo. Tan u horeysa waxyaabaha uu ka kooban yahay “raw material” waxaa dhulka ka kacda dabayl, waxa ku darsanta mid kale oo hawada joogtay, dabaylahaasi waxa ay cariyaan(rimiyaan ) cirka, waxaa samaysanta daruurta, waxyar ka bacdina waxaa muuqda dhibcihii roobka.

Qur’aanku markuu innooga waramayey samaysanka roobka habkan aynu kor kusoo xusnay oo aan waxba ka beddelnayn ayuu u sheegay, hal aayad ayaa wadadan aynu sheegnay u sheegtay sideeda.

“ilaahay waxa uu diraa dabaylo, waxay abuuraan daruur, waxay (daruurtu) isku ballaadhisaa samada inta ilaahay ka doono, markaas ayuu kala jarjaraa ka dib waxaad arkaysaa roobkii oo kasoo dhexbaxaya daruurta. Marka uu ku shubo cidda uu doono ee ka mid ah addoomaddiisa ayey bushaaraystaan”

Bal haddaba imminka aan is yare dul taagno saddexdan derejo ee aayaddu tilmaantay, sidoo kalena aan dadka u yare saafno.

DEREJADA KOOWAAD: “ waa alle kan diraa dabaylaha…”

The Formation of Rain

(A) Qurubbo yar yar oo daruur ah waxaa la yidhaahdaa (Cumulus Clouds) (B) Daruurta yar yari marka ay isku xidhanto waxa ay u baxdaa kor ka dibna daruurtaasi way is dul rasaysantaa oo is dul fuushaa.

Xumbo aan tiro iyo cadad lahayn oo ka dhashay guulaamooyinka badaha waaweyn ee caalamka si joogto ah, uumigaas iyo dhididkaas ayaa sababa in dhidid biyo ahi u uumi baxo cirka. Dhididkaas oo hodon ku ah maadada milixda. Ka dib waxaa fogeeya oo cirka sare ee gal haweedka loo yaqaanno “Atmosphere” geeya dabaylo. Uumigii biyaha iyo waxyaalo kale oo badan oo dabayshu isku siddo waxaa laysku yidhaahdaa “Aerosols” oo shaqadoodu tahay in ay biyaha soo dabaan iyo in ay qaabeeyaan daruurta iyo dhibceheeda iyaga oo kasoo nuugaya dhamaan biyihii uumi baxay ee kasoo uumi baxay badaha iyaga oo dhibco yar yar ah sida biyaha hindhisada oo kale.

DEREJADA LABAAD: “…. Kuwaas oo sameeya daruuro,wuxuu ku kala bixiyaa cirka inta uu doono, ka dib waxay samaystaan gudcur madow oo is haysta…”

Daruurtu waxa ay ka samaysantay biyaha uumi baxa oo hawada sare ku qaboobay oo milixdiina ku jirto iyo walxo haweedyo badan oo isu tegay. Waayo dhibcaha biyaha ee daruurta noocan ahi waa kuwo aad u yar yar (cabbirka dhumucdoodu waa 0.01 iyo 0.02 mm) daruurahani waxa ay isku fidiyaan cirka, waxay is goglaan dhul ballaadhan dushiisa oo cirka ah. Ka dib cirka oo dhan waxaa qarisa daruur.

The Formation of Rain

1. Ice Crystalss

2. Water Drops

Daruurtu marka ay cirka sare u baxdo waxa ay yeelataa dhumuc korna way u baxdaa isna dul raysantaa. Daruurtani waxa ay u kala baxdaa darafyada qab qabow ee Atomosphere- ka, halkaas oo ay dhibcaha biyaha ahi ku qaabaysmaan. Way is dul kor kortaa daruurtu marbana marka ka dambaysa ayey sii waynaataa. Marka dhibcaha daruurtu ay isku ururto ayey cuslaataa oo xagga sare ee cirka ku cuslaato way is taageertaa. Waxa ay bilowdaa in ay u soo daadato roob ahaan. Xaqiiqadan la daahfuray waxaa sheegtay aayadda 43aad ee Suuradda Nuur afar iyo toban qarni ka hor. ( ka dib) “ waxa ay noqotaa mid raso ah oo is dul saar saaran markaas baad arkaysaa roobkii oo kasoo dhex baxaya daruurta dhexdeeda”

DEREJADA SADDEXAAD: “… Waxaad arkaysaa roobkii oo daruurta dhexdeeda kasoo baxaya”

Dhididka biyaha ah ee xambaarsan milixda iyo waxyaabaha ay siddo dabaysha loo yaqaanno “Cir huris” ama “Dabayl roobaad” oo laysku yidhaahdo ‘aerosols’ ku waxa ay xoojiyaan oo dhumuc waynaysiiyaan dhibcaha roobka, sidaa darteed, dhibcaha roobku waxa ay yeeshaan awood, markaas ka dib waxaa ka dhexbaxda daruurta dabayshii rimisay daruurta markii hore. Markaas ayuu roobku bilaabaa in uu dhulka kusoo da’o.

Sida aynu ku aragnay derejo kasta oo roobku ku samaysmo waxa lagu sheegay aayad Qur’aan ah. Weliba intaas waxaa dheer dhamaan derejooyinkaasi waxa loogu sharraxay Qur’aanka sida ay isugu xig xigaan. Sida xaalad nololeedka kale ee badan ee dhulka ka dhaca oo kale. Ilaahay waxa uu mar walba inna siiyaa sharraxa ugu wanaagsan marka uu innooga warramayo meertada dabeecadda iyo is bedbeddelkeeda. Waana ta sahashay in ay ogaadaan oo fahmaan dadka noolaa qarnigii Qur’aanku soo degaayey. Aayaddan kale ee soo socotaa waxa ay sharrax ballaadhan innaga siin doontaa sida uu roobku u samaysmo:

"Have you not seen how God drives along the clouds, then joins them together, then makes them into a stack, and then you see the rain come out of it? And He sends down from the sky mountain masses (of clouds) with cold hail in them, striking with it anyone He wills and averting it from anyone He wills. The brightness of His lightning almost blinds the sight." (The Qur'an, 24:43)

Saynis yahannadu markay baranayeen qaybaha daruurta ayaa waxa u soo baxay maxsuul aad u cajiib ah oo la xidhiidha samaysanka daruurta roobka. Daruurta roobka waxa ay u qaabaysan tahay oo u egtahay habkeeda iyo marxaladeheeda. Marxaladda loo yaqaanno “Cumulonimbus” waa nooc ah daruurta roobka, waana kuwan:

clouds

Daruuro yar yar oo loo yaqaano (Cumulus Clouds) oo teel teel ah ayaa waxaa isu keenta dabaysha oo isku xidh-dha. Waa habka ay Aayaddu u sheegtay “Allah daruurta ayuu kaxeeyaa ka dibna wuu isku xidhaa”

1. MAR-XALADDA, Daruurta kaxaynteeda: daruurta waa la kaxeeyaa, haa waa, waa la socod siiyaa waxaana kaxeeya dabaylaha

2. MAR-XALADDA Isku dhegga: Ka dib daruuro yar yar oo badan “cumulus clauds” oo dabaylo soo kaxayeen ayaa isu yimaadda oo is dhexgala si ay u samayaan daruuro waaweyn.9

3. MAR-XALADDA Cir-baxa: Marka ay daruurihii yar yaraa isku darsamaan ayey sameeyaan cir-bixid oo sare ayey u baxaan iyaga oo is kor fuulaya oo waynaanaya. Cir-bixistaas daruurta halka badhtankeeda ahi waa ay ka xooggan tahay kana awood badan tahay meelaha cidhifyada ah. Sidoo kale cir-baxaasi wuxuu sababaa in ay daruurtii korto oo yeelato dhumuc qumman, waayo waa ay is dul rasaysan tahay. Kor u koritaanka daruurtu waxa uu ku sababaa in ay isku kala bixiso oo sare u gaadho Atmosphere-ka, halkaas oo ah meesha dhibcaha biyaha ah iyo barafka culaysiya daruurta lagu qaabeeyo ka dibna ku waynaadaan haddana kusii waynaadaan. Marka barahaas biyaha ah iyo berefka is wataa noqdaan kuwo aad u cusleeya cir-bixii si ay u caawiyaan ayey bilaabaan in ay u soo da’aan roob ahaan, beref dhagax ah iwm.10

Waxa aynu mar walba xasuusan-nahay in dadka hawada sare aqoonta u lihi ay dhowaan si faahfaahsan u ogaadeen samaysanka daruurta, qaabkeeda iyo shaqadeeda iyaga oo adeegsanaya qalab casri ah sida diyaaradaha, Satalaydhada, Kamba-yuutarrada iwm.

Tani waxa ay xaqiiqo u tahay in ALLAH uu inna siiyey xog aad muhiim u ah oo aan la ogeyn 1,400 sano ka hor.

Dabaysha bacriminta

Aayad Qur’aanka ka mida ayaa (bacriminta) astaameheeda iyo roobka samaysankiisa ka warranta.

waxa aanu dirnaa dabaysha iyada oo ah bacramiye, ka dibna samada ayaanu idiinka soo shubnaa biyo aanu idunku waraabinno mana aha biyo aad idinku kaydsateen

Aayaddani waxa ay tilmaantay marxaladda koowaad ee samaysanka roobku in ay tahay dabaysha. Ilaa iyo lasoo gaadhay qarnigii 20 aad keliya waxaa la yaqaannay xidhiidhka ka dhexeeya roobka iyo dabaysha in uu yahay dabaysha ayaa kaxaysa daruurta. Si kastaba ha ahaatee cilmiga casriga ah ee hawada sare (meteorology) waxa uu iclaamiyey shaqada (rimiyaha) iyo samaysanka roobka.

waves

sawirkani waxa uu muujinayaa hababka ay u samaysanto Mawjaddu. Mawjadda waxa sameeya dabaysha ku dhacaysa biya dusheeda. Dabaysha ku dhexjirta darteed biyuhu waxa ay bilaabaan socdaal goobo ah. Dhaq dhaqaaqaas ayaa sameeya mawjadda kala dambaysa ee is dabo socota, waxa halkaas ka dhalata xumbo iyo ciiro, ciiradaas ayaa gasha hawada. Xaaladdani waa marxaladda koowaad ee samaysanka roobka. Haddaba qaabkan waxaa ku dhawaaqday oo sheegtay Aayad Qur’aan ah “waxa aanu dirnaa dabaysha bacriminta taas oo sababta biyaha samada idiinka yimaadda”.

Shaqada barimiyaha dabayshu iyo sida ay u shaqayso waa qaababkan soo socda:

Badaha waaweyn iyo kuwa yar yar dushooda waxaa jira xaddi aan tiro lahayn oo xumbo ah, kuwaas oo ka dhasha cartanka biyaha. Marka ay xumbooyinkaas ka dhasha hirdanka biyuhu abuurmaanba waxaa farcama kumanaan yar yar oo dhumucdoodu qiyaas ahaan tahay boqol milimitir oo dhidid ah, kumanaankaas ayaa kor uga kaca badda isla markaasna gala hawada.

Waxa walxahaas yar yar ee hawada u baxa waxaa loo yaqaan “Aerols” waxa ay isku qasmaan habaas ay dhulka dabayshu kasoo kicisay oo ay keentay xagga sare ee Atomosphere-ka. Walxahaas is wataa waxa ay tagaan halka ugu sarraysa ee cir dhuleedka, waxaa kulma uumi-baxii biyaha iyo habaaskii dabayshu kasoo qaadday dhulka oo ku kulma hawada sare. Uumi bixii biyuhu marka ay halkaas sare gaadhaan aad ayey u qaboobaan waxana ay isu beddelaan dhibco biyo ah. Dhibcahaas way isku darsamaan ka dibna waxa ay sameeyaan daruur ka dibna dhulka ayey ugu soo daataan roob ahaan.

Uumibixii biyaha oo hawada sabbaynaya iyo waxyaabihii badaha korkooda laga soo qaaday oo iskaashaday ayaa sameeya daruur roobaadda.

dalgalar

Haddii aan dabayshu helin waxyaabahan isku dhafan, dhibcahan biyaha ah ee ku samaysma xagga sare Atomosphere-ku ma qaabayn kareen. Mana jireen hab roob ku yimaadda.

Isku soo wada duubo waxa ugu muhiimsani waxa uu yahay kaalinta dabayshu ay ka qaadato roobka iyo samaysan kiisa waxaa lagu sheegay Aayad Qur’aan ah qarniyo ka hor. Xilli ay dadku waxyar ka yaqaaneen dhaqanka iyo dabeecadda…

Badaha aan isku darsamin

Mid ka mid ah astaamaha badaha ee dhowaan la ogaaday ayaa waqti hore Aayad Qur ahaan ahi inoo sheegtay.

“Ilaahay labo badood ayuu isku dhexdaray ,haddana dhexdooda waxa la dhigay xuub aanay midina tan kale ku qasmaynin”

oceans

A. Depths (metres)
1. Atlantic Ocean
2. Mediterranean Sea

3. Atlantic Ocean Water Salinity lower than 0.36 %
4. Mediterranean Sea Water

5. Salinity higher than 0.365 %
6. Gibraltar Sill

Sawirkan waxaa ka muuqda mawjado waaweyn iyo qulqul xooggan, iyo buuxsanaan labada badood ee Mediterranean sea iyo Atlantic Ocean-ka. Biyaha Mediterranean ku waxa ay dhexgalaan biyaha Atlantic Ocean-ka waxayna ka galaan Gibraltar. Laakiin heerkulkooda, Milixdooda iyo cufkooda midna ma beddelmo. Sababtuna waa xayndaabka ku kala dhexjira ee lama arkaha ah

Astaamaha baddan waxaa ka mid ah in ay isku dhexjiraan haddana aanay isku milmin haba yaraatee. Arrintan ayaa dhowaan waxaa ogaaday dadka cilmiga badaha waa weyn yaqaanna ee la yidhaahdo “Oceanographers”. Waayo waxaa jira waxa loogu yeedho physical force “surface tension” biyaha badahan deriska ahi iskuma qasmaan. Waxaana sabab u ah cufnaanta labada biyood ayaa kala duwan (culus). Markaa surface tension-ku wuxuu u diidaa inay isku milmaan sidii gidaar yar oo aan la arkayn oo kale u dhexyaallo.11

Arrnta xiisaha lihi waxa ay tahay markii lagu jiray waqtigii aanay dadku waxba ka aqoonin fiisigiska, surface tension-ka amaba Oceanography ayaa arrintan lagaga warramay Qur’aanka.

A satellite photograph of Gibraltar

A satellite photograph of Gibraltar

Gudcurka Badaha Iyo Mawjadaha Gunta Hoose Ee Badda.

Ilaahay ayaa Qur’aanka innoogu sheegay Suuradda Nuur.

Degaanka guud ee badaha hoostooda waxaa lagu qeexay boogga la yidhaahdo Ocean.

Gudcurka badaha guntooda waxaa lagu gaadhaa masaafo ah ilaa 200 oo mitir iyo wixii ka hooseeya. Guntan badda ma jiraan wax laydh ahi. Marka hoos loo gaadho ilaa 1000 mitirna wax laydh ahi haba yaraatee ma jiro.12

darksea

Measurements made with today's technology have revealed that between 3 and 30 percent of the sunlight is reflected at the surface of the sea. Then, almost all of the seven colours of the light spectrum are absorbed, one after another, in the first 200 meters, except for blue light (picture at left). Below a depth of 1,000 meters, there is no light at all. (above picture). This scientific fact was pointed out in the verse 40 of Sura Nur in the Qur'an 1,400 years ago.

Maanta waan wada ognahay xaaladda iyo qaab dhismeedka badda. Dhaqammada iyo dabeecadaha noolaha ku dhexjira, milixdeeda, iyo dabcan biyaha ku jira inta ay le’egyihiin, masaaxadeeda iyo inta ay hoos u fog tahay. Gujisyada iyo qalabka casrigan la sameeyey ayaa awooday in ay xogtaas ka keenaan badda gunteeda

Bani-Aadamku ma awoodaan in ay quusaan wax ka badan 40 mitir haddii aanay sidan qalabka u khaaska ah quusitaanka. Qalab la’aan kuma badbaadi karaan dhushinka hoose, qaybaha gudcurka ah ee badaha waaweyn sida 200 oo mitir oo taxadka ah. Sababahaas dartood ayey Saynis yahannadu awoodeen in ay xogtan daah furan ku saabsan badda iyo gunteeda. Si kastaba ha ahaatee kelmedda “Gudcurka badda hoosteeda” waxaa la isticmaalay oo xogteeda la inna siiyey waqti aanay jirin wax qalab ah oo ka waramaya badda hoosteeda iyo inta ay hoos u hulan tahay midna.

The Region That Controls Our Movements

1. Surface Waves
2. Dense Water

3. Less Dense Water
4. Internal Waves

sawirkan dhinaca bidix ka muuqdaa waxa uu kala sheegayaa mawjado ka kala dhacaya laba lakab oo kala duwan xagga cufnaanta. Lakabka hoose waa uu ka cufnaan badan yahay lakabka sare. Xaqiiqadan sayniska la mariyey waxaa lagu sheegay aayadda 40aad ee suuradda Nuur afar iyo toban qarni ka hor.isla markaana saynis-yahanada ayaa maanta ikhtiraacay oo ogaaday dhowaan.

Weliba habka suuradda Nuur aayadeeda 40 aad lagu sheegay ee odhanaysa “ waa sida gudcurka badda, kaas oo ay dabooleen mawjado, mawjadahaasna ay ka sarreeyaan mawjado kale, mawdahaasna ay kasii sareeyaan daruuro…” waxa ay maankeenna ku ridayaan mucjisooyin kale oo Qur’aanka ku duugan

Saynis-yahannadu waxa ay dhowaan ogaadeen in ay badda gunteeda jiraan Mawjado ka dhex dhasha lakabyada badda ee kala cufnaanta duwan. Mawjado hooseedyadaasi waxa ay ka dhacaan taxadka hoose ee badaha waayo biyaha xagga hoose ee baddu way ka cufnaan badan yihiin kuwan kale ee dusha. Mawjado hooseedyadaasi waxa ay u dhacaan sida kuwa dusha oo kale, waxa ay u jabaan sida kuwa dusha oo kale, mawjado gudeedkaasi laguma arki karo indhaha dadka ee qaawan. Laakiin waxa lagu ogaan karaa marka la daraaseeyo heer kulkooda ama isbeddelka milixdooda meelo laga soo qaaday.13

Habka Qur’aanku u sheegay iyo habkan aan kor kusoo sharraxnay waxa ay isu baal ordayaan si isla mid ah oo aan waxyarna ku kala duwanayn. Haddaan cilmi baadhis la samaynin way iska fududdahay in qofku uu arko mawjadda badda korkeeda ka jabaysa, laakiin macquul maaha in uu ogaado mawjadda badda badhtankeeda ka jabaysa. Iyada oo ay sidaas tahay ayaa ilaahay maankeenna kusoo jeediyey in ay jiraan nooc kale oo mawjado ah oo ka dhaca badaha guntooda. Isla markaas aad xaqiiqadan eegto waxaad ogaanaysaa in uu Qur’aanku yahay hadalkii Ilaahay.

Gobolka Xukuma Dhaq Dhaqaaqeena.

The Region That Controls Our Movements

1. xagga hore ee maskaxda

“Haddii aanu ka waantoobin! Waxa aanu qaban doonnaa foodda, Food beenalay ah oo dembiilad ah”. (Suuradda Qaddar)

Kelmedda “food dembiilad iyo beena-leey ah” eek u jirta aayadda aan sare kusoo sheegnay malaha wax xiiso ah. Cilmi baadhis la sameeyey ayaa waxa ay sheegtay in mas’uuliyadda iyo maamulka qaar shaqooyinka maskaxda laga maamulo ay ku taallo qaybta foodda loo yaqaanno ee madaxa (prefrontal Area). Saynis-yahannadu waxa ay ogaadeen shaqada qaybtani ay qabato muddo imminka laga joogo dhawr iyo lixdan sano, halka Qur’aankuna tibaaxay 1400 oo sano. Haddii aynu lafta madaxa gudeheeda eegno waxaa innoo muuqanaysa maskaxda xag-geeda hore ee “cerebrum-ka” buugga la magac baxay Essential Anatomy and physiology oo lagu daray cilmi baadhistii ugu dambeysay ee qeexaysay shaqada maskaxda gaar ahaan qaybtan waxaa lagu leeyahay:

Dhiiri-gelinta iyo qorshaynta arrimaha Mustaqbalka iyo sidoo kale bar bilowga dhaq dhaqaaqyadu waxa ay ka dhacaan xagga hore ee maskaxdda loona yaqaanno “frontal lobes”. Sidaa darteed xagga hore ee maskaxdu waa gobolka loo yaqaanno association cortex14

Waxa kale oo buuggu leeyahay:

Xidhiidhka iyo ku taxaluqista dhiiri-gelintu waxaa loo haystay in ay tahay xarunta shaqada ee argagax gelinta iyo cabsida.15

Isku soo wada duuboo shaqada qaybtan Cerebrumka ee maskaxdu waxa ay Mas’uul ka tahay qorshaynta, dhiiri-gelinta iyo bilaabista dabeecado wanaagsan iyo kuwa xun xun ee dembiga ah, waxa kale oo ay mas’uul ka tahay sheegista beenta iyo runta.

Marka way caddahay kelmedda “food beena-leey ah oo dembiilad ah” in looga jeedo dhammaan waxa aan sharraxaad xaagga sare kusoo bixinnay. Xaqiiqadan uu saynisku daahfuray keliya 60-kii sano ee u dambeeyey ayaa ILAAHAY waqti aad u horreeyey Qur’aanka innoogu sheegay.

Dhalashada Aadamaha

Waxyaabo badan oo kala duwan ayaa Qur’aanka lagu sheegay iyada oo looga jeedo si ay dadku u rumeeyaan. Mararka qaarkood samooyinka, marar kale xayawaanka, Kol kale dhirta waxyaabahaas oo dhammi waxa ay markhaati u yihiin jiritaanka ILAAHAY. Aayado badan oo kale waxaa dadka lagu wacyi gelinayaa in ay u fiirsadaan iyaga abuuri-taankooda. Aayadahaasi waxa ay dadka xasuusinayaan bal sida ay adduunkan ku yimaad-deen. Inta marxaladood ee ay kasoo gudebeen iyo aas aaskiisu waxa uu ahaa:

>“Annaga Ayaa Idin Abuurnay ee Maxaad u Rumaysan La’dihiin Xaqa, Bal ka warama Siidhka aad Ridaysaan Ma Idinka Ayaa Soo Saara Mise Xagga-yaga Ayuu Abuurku Ahaaday”.

Abuuritaanka Aadamaha waxaa ku jira Mucjisooyin badan. Mucjisooyinkanna waxaa lagu sheegay aayado kale oo badan, qaar ka mida aayadaha xogahan ka waramaa aad bay u faah faahsan yihiin. Faah faahsanaan aanayse macquul ahayn in qofkii noolaa qarnigii 7aad uu ogaan karayo. Xogahan waxaa ka mid ah:

  1. Manida ninka dhamaanteed qof kama abuurmo laakiin waa qayb aad u yar oo ka mid ah manida “sperm-ka”.
  2. Ninka weeye kan ka mas’uulka ah rag iyo dumar ka uu noqonayo ilmaha dhalanayaa.
  3. Ilmaha yari waxa uu iska soo laad laadiyaa makaanka hooyada sida calaa-cusha oo kale.
  4. Ilmaha yar waxaa lagu koriya saddex gudcur oo iska saaran makaanka hooyada dhexdiisa.

Dadkii noolaa waqtigii Qur’aanku soo degayey sida runta ah keliya waxa ay garanayeen in qofku ka samaysmo biyaha xiliga galmada. Sida xaqiiqadu tahay ilmuhu waxa uu dhashaa sagaal bilood ka dib, wax baadhitaan oo intaas kasii gudo ballaadhan lagama ogeyn. Waxaa cilmigan lagu sheegay si ka qoto dheer aqoonta ay dadkaasi lahaayeen. Waxaase u markhaati kacay sayniska la daahfuray qarnigii 20aad.

Aan kala dhig dhigno haddaba mid mid.

Dhibic Mani ah.

Waqtiga lagu jiro galmada waxa ninku soo daayaa 250 milyan oo Mani ah. Manidaasi waxa ay gashaa safar dheer oo jidhka hooyada ah ilaa ay ka helayso biyaha hooyada (ovum-ka). Kun ka mida 250 milyan ayaa ku guuleysta in ay gaadhaan ugxantii (ovum) hooyada. Tartanka shanta daqiiqo ah dhamaadkiisa, ugxanta hooyada oo cabbirkeedu le’egyahay xabbad xadhuudh ayaa u oggolaata in hal xabbo oo manidii ahi soo gasho. Waa sidaas. Aas aaska aadamuhu waxaa innoo caddaatay in uu yahay qayb yar oo ka mid ah biyaha ninka ee aanay ahayn biyaha oo dhan. Arrintaas waxaa lagu caddeeyey Qur’aanka.

“ma waxa uu u malaynayaa Aadamuhu in sidaas lagaga tegi doono,miyaanu ahayn candhuufyar oo mani isla markaasna lagu ganayo makaanka hooyada”.

sperm rahim

sawirka dhinaca bidix ka muuqda, waxa aan ku arkaynaa mani lagu siidaayey mak-kaanka hooyada. Keliya tiro aad u yar oo ka mid ah 250 kii milyan ee labku ganay ayaa gaadhay ugxantii hooyada. Mid ka mida ah kunkii manida ayaa ayaa qarxinaya ugxantii hooyada kaas oo ka soo badbaaday kunkii soo dhaafay Aysiidha jidhka hooyada laga soo daayey. Xaqiiqadu waxa weeye qofku kama abuurmo dhamaan manida lagu gano mak-kaanka hooyada. Arrinta layaabka leh waxa ay tahay in Qur’aanku inooga warramay marka lagu sheegay “ dhibic biyo la ganay ah”.

Sida aynu arkayno waxaa Qur’aanku innoo sheegay in aan qofka laga wada abuurin manida oo dhan laakiin qayb yar oo ka mid ah laga abuuro. Qaybtan waxa lagu ogaaday dhowaan indhaha sayniska isla markaasna lagu dhawaaqay laakiinse waqti laga joogo 14qarni ayaa ilaahay innooga waramay xaqiiqadeeda.

Sku jirka Manida.

sperm

kelmedda carabiga ah ee “Sulaala” waxaa lagu macneeyey biyo is “jiidinaya” macneheedu waxaa weeye aas aaska ama qayb ka mida shay. Sawirka guud waxa weeye qayb ka mida shay dhamaystiran. Taasi waxa ay inna tusaysaa in Qur’aanku ka yimid Allah oo garanaya abuuritaanka Aadamaha iyo meesha ay ka yimaaddeen. Ilaahay waa kan Abuuray aadamaha iyo adduunka oo dhan.

Biyaha loo yaqaanno Mani ee ay ku jiraan (sperm-ka) keliya kama koobna Sperm- oo keliya. Waa dareere-yaal isku jira. Dareere-yaashani waxa ay qabtaan shaqooyin kala duwan waxaa ka mid ah Sonkor muhiim u ah in ay tamar siiso biyaha sperm-ka, waxaa ka mid ah in ay balan-beelyeyso Aysiidha ku jirta wadada loo maro mak-kaanka, waxa kale oo ay samaysaa deggaan siisiibasho leh mak-kaanka dhexdiisa si ay ugu fududaato in sperm-ku dhexmaro.

Waxaa cajiib ah markii Qur’aanku ka waramayey biyaha manida. Xaqiiqadan ay imminka arkeen indhaha saynisku waxaa tilmaamay in ay yihiin biyo isku Milan ah.

“Annaga ayaa Aadamaha ka abuurnay candhuuf isku jirta si aanu u imtixaanno, markaas baanu ka dhignay mid waxna maqlaya waxna arkaya”

Marka kale waxaa lagu sheegay in dadka laga abuuray isku jir. Waxaana lagu qeexay in dadka laga abuuray dareere isku Milan oo dhawr qaybood isugu jirta.

Jinsiga Ilmaha

kromozom

The Y chromosome carries characteristics of masculinity, while the X chromosome carries those of femininity. In the mother's egg, there is only the X chromosome, which determines female characteristics. In the semen from the father, there are sperms that includes either X or Y chromosomes. Therefore, the sex of the baby depends on whether the sperm fertilising the egg contains an X or Y chromosome. In other words, as stated in the verse, the factor determining the sex of the baby is the semen, which comes from the father. This knowledge, which could not have been known at the time when the Qur'an was revealed, is evidence to the fact that the Qur'an is the word of God.

Ilaa dhowaan loo ogaaday si caddaalad ah, waxaa loo haystay in lab iyo dheddig kan uu noqonayo ilmaha ay dhalaan hooyada iyo Aabuhu uu ka samaysmo nudaha jidhka hooyada. Amaba waxaa loo malaynayey in jinsiga ilamaha uu ka yimaaddo oo laga jaro jidhka hooyada iyo aabbaha labadooduba. Laakiin waxaa Qur’aanka laynagu siiyey xog ka duwan sidan, waxaa la innoo sheegay in ninnimada iyo dumarnimaduba ka yimaaddaan biyaha manida loo yaqaanno ee lagu shubo jidhka hooyada.

“ilaahay waa kan idinka abuuray labad jinsi ee rag iyo dumarba candhuuf yar oo la ganay”

Akhlaaqiyaadka la hore mariyey iyo moolikuyuulada Saynisku waxa ay saxda ku duugeen xogtan Qur’aanku inna siiyey runnimadeeda iyo jiritaankeedaba. Imminka ayaa la ogaaday in cidda jaangoysaa jinsiga ilmuhu ay tahay biyaha labka ee loo yaqaanno “Sperm-ka” iyo in aan wax shaqo ah ku lahayn dheddigu habkan

Koromosomisku(Choromosomes) waa kuwa ugu xooggan ee jaangooya jinsiga ilmaha. Labo ka mida 46 koromosomiska ayaa jaangooya qaabaynta Aadamaha waxaa loo aqoonsan yahay in ay yihiin hidde-sideyaasha loo yaqaanno “XY” labka, hidde-sideyaasha dheddig “XX” maxaa yeelay xarfahan waxa ay u taagan yihiin qaabka. Xarafka Y waxa uu sidaa hiddihii labnimada, halka xarafka X-na uu sido hiddii dheddignimada.

Unkamista aadame cusub wuxuu ka bilaabmaa isdhaafka xarfahan. Kuwaas oo ku jira lab iyo dheddigba. Dumarka labada jinsi sideba waxay ku jiraan cellka . kaasina wuxuu u qaybsamaa labo waqtiga la soo daynayo Ovulation . wuxuu soo qaadaa X koromosomes. Hidde-sidaha ragguna wuxuu soo qaadaa labo. Mid waxa uu ka kooban yahay X kan kalena wuxuu sidaa Y Koromosomes. Haddii X koromosomes oo dheddiga ka timid ay la midowdo X koromosomes kii biyaha labka ka timid ilmaha dhalanayaa waxa uu noqonayaa gabadh. Sidoo kale haddii ay la midowdo X- oo ka timid dhinaca hooyadu Y- oo la socotay biyaha Aabaha ilmuhu markanna wuxuu noqonayaa wiil.

çocuklar

In the Qur'an, it is said that masculinity or femininity are created out of "a drop of semen which has been ejected". However, until fairly recently, it was believed that a baby's sex was determined by the mother's cells. Science only discovered this information given in the Qur'an in the 20th century. This and many other similar details about the creation of man were stated in the Qur'an centuries ago.

Si kale haddii aan u nidhaahdo jinsiga ilmaha waxaa xaqiiqijiya Koromosomiska Aabaha oo la midooba biyaha hooyad.

Dhamaan xogtan midna war lagama haynin ilaa iyo qarnigii labaatanaad markii la daahfuray cilmiga hidde-sidayaasha. Dhaqammo badan ayaa aaminsanaa in jinsiga ilmaha laga soo dheego jidhka hooyada. Waana sababta hooyada loogu canaanan jiray marka ay dhasho gabadh.

Saddex iyo toban qarni ka hor intii aan cilmiga hidde-sideyaasha la daahfurin ayuu Qur’aanku diiday khuraafaadkaas la aaminsanaa.

Xinjirta ku dhegsan Mak-kaanka.

zygote

Wejiga ugu horreeya ee koritaanka Embryo ilmaha ku jira uurka hooyadu waa marxaladda zygote( waa midowga koowaad ee biyaha hooyada iyo biyaha Aabbaha” kaas oo ku dhega mak-kaanka hooyada si uu uga helo nafaqada dhiigga hooyada iyo jidhkeeda, sawirka xagga sare ka muuqdaa waa Zygote, kaas oo u eg inyar oo hilib ah. Amaamudiddan oo dhowaan lagu ogaaday cilmiga Embryology ayaa si mucjiso ah loogu sheegay Qur’aanka 14 qarni ka hor kelmedda “ Calaq” taas oo macneheedu yahay “ shay laga soo laad laadshay meel” kana turjumaysa wasladdaas yar ee jidhka hooyada laga soo lulay ee dhiigga jaqaysa si ay uga hesho waxyaabihii aas aasiga u ahaa jiritaankeeda iyo weliba koritaankeeda.

Haddii aynu u fiirsanno xaqiiqooyinka Qur’aanku inna hoga-tusaaleeyey ee ku saabsan abuuritaanka Aadamaha,waxaa innooga soo dhex baxaya Mucjisooyin Sayniseed oo muhiim innoo ah.

Marka sperm-ka labku la midoobo ovum-ka dumarka waxaa bilaabma bar bilowga koowaad ee qaabaynta ilmaha. Nudahan yare e midoobay waxa aynu u naqaan “Zygote” dhanka Biyaalajiga, nudahan yari markaba wuxuu bilaabaa in uu tarmo isaga oo qayb qaybsamaya, ugu dambayntana wuxuu noqdaa “waslad yar oo hilib ah” loona yaqaanno Embryo. Markan waxaa keliya oo lagu arki karaa indhaha aadamaha oo adeegsanaya microscope ama wayneyso.

Dabcan Embryo- yadu kuma korto meel iska cidla ah, laakiin waxa ay ku dhegtaa oo qabsataa Mak-kaanka hooyada, weliba sida xididka dhirtu uu u qabsado dhulka oo kale ayey ugu dhegtaa oo dhidibada ugu aasataa. Xididkan ay Mak-kaanka la haleeshay ayey ka heshaa dhammaan waxyaabihii ka caawin lahaa koritaankeeda oo dhan, iyada oo kala soo dhex baxaysa jidhka hooyada.16

Hadaba, halkan, mucjisada gaarka ah ee Qur’aanka lagu soo dejiyey waa. Markii ilmahaas yar lagu dhexbeeray hooyada ayaa ILAAHAY wuxuu isticmaalay kelmedda “Calaq” oo Qur’aanka lagu sheegay waana tilmaanta keliya iyo magac-bixintii ugu habboonayd waayo calaq afka carabiga waa wax soo laad-laada.

kelmeddan waxaa loo isticmaalay waa shay ku dhegsan jidhka hooyada isla markaana dhiigga ka jaqaya. Hadaba, isticmaalka Qur’aanku isticmaalay kelmeddan mar labaad waxa ay innoo caddaynaysaa in Qur’aanku ka yimid xagga ILAAHAY isla markaana yahay hadalkii ILAAHAY SWT.

Hilibka la Huwiyey Lafaha.

kemikler

Lafaha ilmaha uur-ku jirta waxaa lagu dhamaystiraa uurka hooyada isla markaasna lagu duhaadhaa jiidhka iyo hilibka.

Waxyaabaha kale ee Muhiimka ah ee lagala soo dhexbixi karayo xogaha aayaadka Qur’aanka la innoogu sheegay marka laga hadlayo marxaladaha kala duwan ee aadamuhu kusoo maro caloosha hooyada. Waxaa la tilmaamay in lafaha marka ugu horeysa la qaabeeyo, ka dibna hilibka la huwiyo.

Ka “dibna” waxa aanu ka abuurnaa Candhuuf, Candhuuftiina waxaan ka abuurnaa Xinjir, Xinjirtiina waxaa ka abuurnaa Waslad, wasladdiina waxaan ka abuurnaa Laffo, lafihii ayaanu huwinnaa hilib, ka dibna ayaanu u beddelnaa abuur kale,Waxaa Barakaysnaaday ILAAHAY kan ugu Abuurka wanaagsan.

Cilmiga Embryology waa laan ka mid ah Sayniska oo lagu daraaseeyo koritaanka Ilamaha gaar ahaan inta uu uurka hooyada ku Jiro. Embryologist-igu illaa muddo dhowayd waxa ay u haysteen in lafaha iyo jiidhka hal mar la wada abuuro. Sababtaas darteed, muddo dheer, dad badani waxa ay ku andacoon jireen in Aayaddan iyo Saynisku ay iska soo horjeedaan. Weliba, waynisooyin casri ah oo hore marsan ayaa sheegay in tiknoolajiyadda casriga ahi iyo sida Qur’aanku tilmaamay aanay saxar ku kala duwanayn isla markaana uu Qur’aanku isticmaalay kelmeddii ugu habboonayd.

Markii aad loogu fiirsaday waynisooyinka waxaa la arkay marka koritaanka ilmaha uurku jirta ahi in sida Aayadda lagu sheegay aanay waxba ka duwanayn. Marka ugu horeysa, carjawda ilmuhu ka kooban yahay waxa ay isu beddeshaa laf. Ka dibna hilbo laga soo ururiyey meelaha lafaha u dhow ayaa isu yimaadda ka dibna waxaa la huwiyaa lafaha.

Dhacdadan waxaa lagu sheegay daabicistii Sayniseed ee loogu magac daray koritaanka Aadamaha waxaana loo qeexay sidan soo socota:

Marka lagu jiro wig-ga toddobaad, hab dhiska lafaha ayaa bilaaba in ay jidhka oo dhan ku fidaan, ka dibna waxa ay lafuhu bilaabaan in ay qaabkooda samaystaan.asbuuca toddobaad dhammaadkiisa,iyo marka lagu jiro asbuuca siddedaad,ayaa hilibku buuxiyaa boosaskii lafaha oo qaabaysan.17

Isku soo wada duub oo, koritaanka Aadamaha iyo marxaladaha lagu qeexay Qur’aanka, weliba waxaa loogu tilmaamay si cajaa’ib ah oo ay ula jaanqaadi karta cilmiga casriga ah ee Embryology.

embryo embryo

marxalado badan oo uur-ku jirta ka waramaysa marka ay hooyada caloosheeda ku jirto ayaa Qur’aanku ka waramay. Sida lagu qeexay aayadda 14aad ee Suuradda Mu’minuun waxa lagu sheegay carjawda Uur-ku jirta marka ay hooyada mak-kaankeeda ku jirto in ay isu beddesho lafo. Ka dibna laftaas lagu dedo hilib iyo jiidh. Ilahay ayaa ku qeexay koritaankan uur-ku jirta Aayad…(ka dib) waxa aanu u beddelnaa lafo, lafahana waxa aanu huwinaa hilib.

Saddex-da marxaladood ee ilmuhu marka uu uurka ku jiro

Qur’aanka waxa la innoogu sheegay in Aadamuhu kusoo maro uurka hooyada saddex marxaladood.

Waxa uu idinka Abuuray (ILAAHAY) naf keli ah, ka dib waxa uu u sameeyey lammaaneheedii, ka dibna waxa uu idin siiyey nimcooleydii oo siddeed qaybood ah, wuxuu idinku abuuray caloosha hooyadiin, abuuris ka dib abuur kale mugdiyo saddex ah dhexdood. Kaasi waa Ilaahay, Rabbigiin, isaga ayaa Mulkiga iska leh. Ilaah mar jiro isaga mooyee, xaggee laydiin duufsaday.

embryo embryo embryo

Aayadda lixaad ee Suuradda Zumar waxaa lagu tilmaamay in Aadamaha lagu abuuray uurka hooyadu uu maro saddex marxaladood oo kala duwan. Maantana waxaa lagu ogaaday cilmiga Cusub ee loo yaqaanno Embryology-ga in koritaanka Uur-ku jirtu uu maro saddex derejo

Sida laga fahmayo tilmaanta aayaddan, waxa ay innoo tilmaamaysaa abuuritaanka Aadamuhu in ay maraan marka ay uurka hooyada ku jiraan saddex marxaladood oo isku xig xiga. Xaqiiqdii, biology-ga casriga ahi waxa uu ogaaday in koritaanka ilmaha yar ee uurka ku jiraa in uu maro saddex derejo uurka hooyada dhexdiisa. Maanta dhamaan buugta ka hadasha uurku-jirta (Embryology) faraca ee Caafimaadka (medicine) arrintan waxa ay uga hadlaan si aqoon kooban ah (basic knowledge). Laakiin buugta loo yaqaanno (human Embryology) uurku jirta aadamaha qaybteeda biyo kama dhibcaanka ahi waxa ay u dhigaysaaa sidan:

“Nolosha Mak-kaanka dhexdiisa waxa ay martaa saddex marxaladood oo la kala yidhaahdo; pre-embryonic stage: waa labada iyo badhka toddobaad ee ugu horreeya ilmaha. Embryonic waa ilaa dhamaystiranka toddobaadka siddeedaad. Iyo marxaladda loo yaqaanno Fetal oo ah laga soo bilaabo asbuuca siddeedaad ilaa foosha”18

Marxaladahani waxa uu ku soo maraa ilmuhu derejooyin kala duwan oo dhinaca koritaankiisa ah. Haddaan soo kobo waxyaabaha ugu waaweyn ee ay mid waliba leedahay waxaa ka mida:

- Pre-embryonic stage

wejiga koowaad, zygote-ku wuxuu u koraa isaga oo badanaya oo qayb qaybsamaya ilaa uu noqdo urur nudo ah oo isu tegay (cluster of cells) waxa ay isku aasaan gidaarka Mak-kaanka, halkaas oo ay kasii wataan koritaankooda, ka dibna ururkii waxa ay noqdaan saddex lakab.

çocuk

- Embryonic Stage

wejiga labaad, waxa uu jira ilaa shan iyo badh toddobaad, waa inta laga gaadhayo in ilmaha loogu yeedho “Embryo”. Marxaladdan unugyada jidhka iyo hab-dhiskiisu waxa ay bilaabaan in ay muuqdaan oo ay ka dhexmuuqdaan lakabyadii nudaha ururay.

- Fetal stage

marka marxaladdan lasoo gaadho waxaa ilmaha loogu yeedhaa (foetes). Marxaladdani waxa ay bilaabantaa illaa asbuuca siddeedaad ee uurka waxana ay ku dhammaataa daqiiqadda uu dhasho ilmuhu. Waxyaabaha ay kaga duwan tahay marxaladihii hore waxaa ka mida in ilmuhu uu leeyahay dhammaan calaamadihii dadka isla markaana u egyahay Aadame, wejigiisa, gacmihiisa iyo addimadiisuba. Iyada oo weliba uu yahay keliya 3CM. Dhererkiisu bar bilowga si fiican ayey u kala muuqdaan xubnihiisu. Wejigan waxa uu ku jiraa ilaa laga gaadhayo asbuuca soddonaad. Koritaankuna waa uu socdaa ilaa laga gaadhayo toddobaadka dhalashada.

mother child

Xogaha ku saabsan marxaladda koritaan ee ilmaha ku jira caloosha hooyada waxaa la ogaaday markii la helay qalab lagu eego ilmaha oo lagala socdo xaaladdiisa. Weliba, sida xaqiiqooyin sayniseed oo kale oo badan xogtooda waxaa si mucjiso ah uga warramaye aayado Qur’aan ah. Xaqiiqadaas sidan u faah faahsan ee boqol kiiba boqol saxda ah waxaa lagu sheegay Qur’aanka xilli dadka uu u soo degayey ay haysay cilmi yaraan badan oo dhinaca tignoolajiyadda iyo sayniskaba ah. Weliba gaar ahaan dhanka caafimaadka, taasi waxa ay marag u tahay in aan Qur’aanku ahayn hadal Bani-Aadam ee uu yahay hadalkii ILAAHAY

Caanaha Hooyada

baby

Caanaha naaska hooyadu waa isku dar aan isku mid ahayn oo ILAAHAY isku abuuray labada isku darba. Waa ishii cunto ee ugu wanaagsanayd ilmaha iyo sidoo kale, waxyaabo korinaya ilmaha difaaciisa si uu isaga celiyo (xejiyo) xanuunnada. Xataa cuntada dad samayga ah ee la socota tegnoolajiyadda maanta iskuma dari karaan nafaqada mucjisada ah ee ku jirta naaska hooyada. Maalin walba faa’iido cusub oo ilmaha ugu jirta naaska hooyada ayaa la daahfuraa. Xaqiiqooyinka Saynisku ogaaday ee ilmaha ugu jira naaska hooyada waxaa ka mida in ilmaha oo naaska la jaqsiiyaa labo sano ay faa’iido ku jirto. Xog aad u muhiim ah oo ILAAHAY inna siiyey ayaa Saynisku daahfuray waqti dhowayd.

Waxa aanu u dar daarannay Aadamaha labadiisa waalid, waxa qaadday hooyadiis, waxa ay ku qaadday daal loo geeyey daal kale, ababistiisuna waa labo sano. Aniga ii shugri naq iyo labadaada waalid, maxaa yeelay xaggayga ayaa soo noqodku ahaaday.

Aqoonsiga Suul iyo Saxeexa

finger prints

Everyone, including identical twins, has a unique fingerprint. In other 1, people's identities are coded at their fingertips. This coding system may also be compared to the barcode system that is used today.

Markii Qur’aanka la innoogaga warramayey sida ay ilaahay ugu fududdahay in uu dadka dib u soo nooleynayo marka ay dhintaan ka dib, waxa si gaar ah loo tilmaamay xariiqaha faraha ee qofka lagu aqoonsado.

Haa, waxa aanu awoodnaa in aanu dib usoo celin doonno weliba xarriiqaha farihiisa ku yaalla ayaanu soo celinaynaa”

cid waliba xataa labada mataanaha ah ee aadka isugu eg, waxa ay leeyihiin fariiqo fareed u gaar ah (unique finger print), si kale haddii loo yidhaahdo dadka aqoonsigooda waxaa lagu summadeeyaa xariiqaha farahooda, habkan summadaynta waxaa la garab dhigaa habka kale ee loo yaqaanno (barcode system) ee adduunyadu maanta isticmaasho.

Tilmaanta xariiqaha faruhu waxa ay leedahay macno aad u khaas ah. Sababtuna waxa weeye qofkasta waxaa uu leeyahay xariiqo isaga u gaar ah. Qof kasta oo nool amaba weligii adduunyadan kusoo noolaa waxa u gaar ah oo aan cidina ku haysan xariiqaha farihiisa (suul iyo saxeex). Waana sababta suulka iyo saxeexa loogu aqoonsaday in qof kasta lagu hubiyo isaga ahaanshihiisa, iyo ahaan-shihiisa la hubo. Ujeedadaas darteed ayaa adduunka oo dhan looga isticmaalaa.

Waxaase ay muhiimaddu tahay arrintan waxaa la ogaaday qarnigii 19th, intaas ka hor, waxaa loo yaqaannay xariiqo is dhaaf dhaafsan oo aan wax macno ah lahayn. Si kastaba ha ahaatee, Qur’aanku wuxuu farta innoogu fiiqay xariiqaha faraha,laakiin qofna ma ay soo jiidan waqtigaas hore arrintani maankiisa, laakiin waxa ay si cajiib ah u soo jiidatay maskaxda iyo dareemadeenna markii la ogaaday muhiimadda ay leeyihiin iyo sababta ilaahay u tilmaamay.

Footnotes

9.Anthes, Richard A., John J. Cahir, Alistair B. Fraser, and Hans A. Panofsky, 1981, The Atmosphere, 3. edition, Columbus, Charles E. Merrill Publishing Company, p. 268-269; Millers, Albert; and Jack C. Thompson, 1975, Elements of Meteorology, 2. edition, Columbus, Charles E. Merrill Publishing Company, p. 141

10.Anthes, Richard A.; John J. Cahir; Alistair B. Fraser; and Hans A. Panofsky, 1981, The Atmosphere, p. 269; Millers, Albert; and Jack C. Thompson, 1975, Elements of Meteorology, p. 141-142

11.Davis, Richard A., Jr. 1972, Principles of Oceanography, Don Mills, Ontario, Addison-Wesley Publishing, p. 92-93

12.Elder, Danny; and John Pernetta, 1991, Oceans, London, Mitchell Beazley Publishers, p. 27

13.Gross, M. Grant; 1993, Oceanography, a View of Earth, 6. edition, Englewood Cliffs, Prentice-Hall Inc., p. 205

14.Seeley, Rod R.; Trent D. Stephens; and Philip Tate, 1996, Essentials of Anatomy & Physiology, 2. edition, St. Louis, Mosby-Year Book Inc., p. 211; Noback, Charles R.; N. L. Strominger; and R. J. Demarest, 1991, The Human Nervous System, Introduction and Review, 4. edition, Philadelphia, Lea & Febiger , p. 410-411

15.Seeley, Rod R.; Trent D. Stephens; and Philip Tate, 1996, Essentials of Anatomy & Physiology, 2. edition, St. Louis, Mosby-Year Book Inc., p. 211

16.Moore, Keith L., E. Marshall Johnson, T. V. N. Persaud, Gerald C. Goeringer, Abdul-Majeed A. Zindani, and Mustafa A. Ahmed, 1992, Human Development as Described in the Qur'an and Sunnah, Makkah, Commission on Scientific Signs of the Qur'an and Sunnah, p. 36

17.Moore, Developing Human, 6. edition,1998.

18.Williams P., Basic Human Embryology, 3. edition, 1984, p. 64.

19.Rex D. Russell, Design in Infant Nutrition, http:// www. icr.org/pubs/imp-259.htm