Mucjisooyinka Qur'aanka (2/3)

Kownku Sidee Ayuu Ku Noqday Mid Jira

cosmic radiation

1. Dark brown regions represent the background radiation
2. Light brown regions are cold
3. Dark pink regions are the hottest places
4. Light pink regions are hot

The sensitive sensors on board the COBE space satellite which was launched by NASA in 1992, captured evidentiary remnants of the Big Bang. This discovery served as evidence for the Big Bang, which is the scientific explanation of the fact that the universe was created from nothing.

Kawnku sida uu markiisi hore ahaa waxaa lagu sheegay quraanka.

(ILAAHAY waa bilaabaha cirka iyo dhulka).(Qur’aan 6:101)

Xogta Qur’aanka laynagu siiyey waxay si buuxda u waafaqaysaa waxyaabaha sayniska casriga ahi helay maanta. Geba gebada ay cilmi felagga fiisigisku gaadheen maanta waxay odhanaysaa in adduunka oo dhan, guud ahaantii cabbirkiisa iyo waqtiguba ay ka yimaaddeen qarax aad u wayn oo dhacay waqti aan la ogaynin xilli ay ahayd.

büyük patlama

Qaraxa xilligaas dhacay waxa loo yaqaan ( the Big_ bang)(Qaraxii waynaa) taas oo caddaynaysa in aad kawnka laga abuurin wax aan ka ahayn qaraxaas hal mar dhacay. Sayniska maantuna waxay qirayaan in qaraxii_ waynaa yahay sida keliya ee macquulka ah ee lagu sharxi karo barbilowga adduunyada iyo sida adduunyadu ku noqotay mid jirta.

Qaraxaas wayn ka hor waxbaba ma jirin. Waxay ahayd xaalad la yidhaahdo waxba ma jiraan (non coexistence) taas oo lagu fasiri karo xaalad Maatar ah, oo aan tamari jirin, waqtina jirin. Xaaladdaas sida keliya ee lagu cabbiri karaa waa sifada saynisku u yaqaanno metaphysically sidaa darteed Maatarka, Tamarta iyo waqtiga dhamaantood waa la abuuray. Xaqiiqadan waqti dhowayd ayaa la daahfuray oo ay Fiisigis-yahannadu ogaadeen, halka innagana quraanku innoo sheegay 1400 sano ka hor.

Fiditaanka Caalamka

lemaitre

Georges Lemaitre

Qur’aanka soo degay 14 qani ka hor, waqtigaas oo barashada cilmi feleggu ay ahayd socod barad, ayaa fiditaanka adduunyada laynoogu qeexay sidan.

Samada waxa aanu ku dhisnay gacmahayga, annaga ayaana sii fidinayna(Suuradda Daariyaad aayadeeda 47aad)

Kelmedda (Samada) sida ay aayaddan ugu jiryo meelo badan oo kale oo Qur’aankana lagu isticmaalay macneheedu waa Felegga iyo kawnka oo dhan.halkanna sidaas oo kale ayaa ay ugu jirtaa. Meelo kale oo Qur’aanka ahna waxay ugu jirtaa “Fiditaan”. Waana tan ay maanta saynis yahannadu gaadheen.

Ilaa la gaadhay qarnigii 20aad aragtida keliya ee laga qabay caalamka saynisku ka aaminsanaa waxay ahayd “kawnku wuxuu leeyahay dabeecad joogto ah oo aan is beddelin illaa maalintii la abuuray”. Cilmi baadhis, u dhugyeelasho xeeldheer iyo xisaabo badan oo laysku daray waxaa tiknoolajiyadda cusubi ogaatay in adduunyadu ay lahayd bar bilow mar kastana uu ku jiro “Fiditaan”.

Bilowgii qarnigii 20aad ayaa khabiirkii Ruushka ahaa ee dhanka Fiisigiska lana odhan jiray Alexander Friedmann iyo khabiir kale oo reer Biljam ahaa oo la odhan jiray George Lemaitre waxay soo saareen aragti odhanaysa kawnku wuxuu ku jiraa socdaal joogto ah waana uu fidayaa. GEORGE LEMAIRE.

Edwin hubble telescope The Expansion of the Universe

Edwin Hubble with his giant telescope

Laga bilaabo daqiiqaddii uu dhacay qaraxii_ waynaa kawnku wuxuu ku jiraa fiditaan ku soconaya xawaare dheeraynaya. Saynis yahannadu waxay fiditaanka caalamka waxay kasoo qaadeen sida buufino la neefiyey oo kale.

Aragtidan waxaa lagu caddeeyey xog la daahfuray 1929. Ka dib markii cirka lagu daawaday Telescope kii Edwin Hubble. Maraykanka aqoonyahannadoodu waxay daahfureen in Xidigaha iyo Meerayaashu ay ku jiraan socdaal oo midba midka kale kasii fogaanayo. Wax kasta oo kawnka dulsaarani wuxuu u soconayaa dhinac kale oo ka fog meerihiisa taasina waxay caddaynaysaa fiditaan caalamku ku jiro. Sidaa darteed baadhitaanno xeel dheer oo muddo soconayey ka dib waxa laysla xaqiijiyey in kawnku si joogto ah u kala baxayo. Xaqiiqadan waxaa si cad u sharraxay Qur’aanka iyada oo aan cidina ogaanin. Taasi waxay caddaynaysaa in Qur’aanku yahay hadalkii ILAAHAY (SWT), Abuuraha iyo maamulaha kawnka

Kala Fuqitaankii “Cirka Iyo Dhulka”

The Splitting Asunder of The Heavens and The Earth

Sawirkan hoose wuxuu tilmaamayaa Qaraxii _waynaa kaas oo mar labaad caddeynaya in ILAAHAY kawnka ka abuuray qaraxaas. Qaraxa waxyni waa aragti ay saynis yahannadu caddeeyeen oo laysla xaqiijiyey. Saynis yahanno kale ayaa isku dayey in ay hore mariyaan aragtidan oo mid kasoo horjeedda qaraxa wayn keenaan, xaqiiqooyinka baadhitaankan ayaase ka dhigay in ay si buuxda u aqbalaan saynis yahannadu inay aratidani tahay tan ugu mac quulsan.

“Miyaanay ogeyn kuwa gaaloobay in Cirka iyo dhulka ay isku dhegsanaayeen (isku ahaayeen hal shayn) ka hor intii aannaan kala fujin, ka dibna wax kasta oo Nool waxaanu ka Yeellay biyo ee miyaanay rumaynin”? (Qur’aan 21:30)

Kelmedda Ratqi macneheedu waa (isku tolan) oo macneheedu noqonayo wax isku dhegsan. Sida qaamuusyada Carabtu u qeexeen waa laba shay iyo wax ka badan oo hal mid layskaga dhigay. Jumladda ah (Anagaa kala furfurnay) waa ficil carabi ahaanna waxaa la yidhaahdaa Fataq oo ah kala fujin,taas oo tusaysa shay si ahaa oo la kala jeexjeexay ama laga burburiyey qaabkii uu lahaa markuu Ratqiga ahaa. Kala dhillinta siidhka marka ciidda laga soo saaro waa mid ka mida ficillada ay kelmedda Fataqa tilmaamayso.

Bal aynu yar milicsanno aayaddan mar labaad inaga oo maskaxda u haysanna cilmigan. Aayaddani waxa ay sheegaysaa ee isku dhegsanaa waa cirka iyo dhulka (ratqi). Markii la kala bixiyeyna mid waliba kan kale ayuu kasoo dhex baxay. Sidaas oo kale, marka aynu xasuusanno daqiiqaddii ugu horeysay Qaraxa_wayn waxaynu arkaynaa hal meel ay ka yimaaddeen dhamaan waxa kawnka dul saarani. Si kale haddii loo yidhaahdo wax kasti “oo ay ku jiraan cirka iyo dhulka” iyaga oo aan weli la abuurin in ay hal xaalad ku wada jireen oo ah RATQI. Xaaladdaasi ay qaraxday,qaraxaasna ay ka dhasheen kala furfurashada iyo qaabaynta kawnka oo dhammi.

Hadaba marka aynu is barbar dhigno sida aayadda Qur’aanku sheegtay iyo waxyaabaha ay saynis yahannadu sheegeen si aan kala habaabis lahayn ayey isu waafaqayaan. Waxaa layaab inoogu filan waxyaabahan lama ogeyn illaa laga soo gaadhay qarnigii 20aad.

Sawirkan hoose wuxuu tilmaamayaa Qaraxii _waynaa kaas oo mar labaad caddeynaya in ILAAHAY kawnka ka abuuray qaraxaas. Qaraxa waxyni waa aragti ay saynis yahannadu caddeeyeen oo laysla xaqiijiyey. Saynis yahanno kale ayaa isku dayey in ay hore mariyaan aragtidan oo mid kasoo horjeedda qaraxa wayn keenaan, xaqiiqooyinka baadhitaankan ayaase ka dhigay in ay si buuxda u aqbalaan saynis yahannadu inay aratidani tahay tan ugu mac quulsan.

Majiire

orbits

Marka uu Qur’aanku ka hadlayo cad Cadceedda iyo Dayaxa waxa uu sheegay in mid waliba uu maro majiire uu gaar u leeyahay.

“ilaahay waa kan abuuray habeenka iyo maalinta,Qorraxda iyo Dayax, mid kasta oo ka mida wuxuu maraa majare uu leeyahay”.(Qur’aan 21:33)

Waxaa lagu sheegay aayad kale in aanay Qorraxdu ahayn wax meel iska taagan, laakiin ay ku socoto majiire ay leedahay.

Xaqiiqooyinkan uu Qur’aanku inna baray maanta ayaa saynis yahannada xidigisku daahfureen . Marka loo eego xisaabaadka ay dadka ku takhasusay cilmiga xiddigisku ogaadeen waxa lagu sheegay in ay cadceeddu socoto xawaare ah 720,000 kiilo mitir saacaddiiba jihada loo yaqaanno Star Vega oo ah majiire khaas ah oo la yidhaahdo Solar Apex. Taas macneheedu waxa weeye in ay cadceeddu socoto 17,280,000 kiilo mitir maalintii. Sida cad ceedda oo kale dhamaan meerayaasha waxay socdaan fogaan intaas la mid ah. Weliba intaas waxaa raaca dhamaan xidigaha caalamku waxay u socdaan socdaal isla mid ah oo qorshaysan.

Markaa waxa kuu muuqanaysa in kawnka oo dhan ay ka buuxaan waddooyin kuwan la mid ah.

“Waxaan ku dhaartay samada ay ka buuxaan waddooyinka iyo majiireyaashu”(Qur’aan 51:7)

Waxaa jira ilaa laba 200 oo meere oo mid kasta ka kooban yahay 200 oo xiddigood, intooda badan xiddigahani waxay leeyihiin meere gaar ah,meera kastana waxa uu leeyahay satalayd u gaar ah, dhamaan walxo haweedyadani waxay si qiyaasan u maraan majiirahooda. Malaayiin sannadoodna waa ay qulqulayeen dhammaantood midna kama baxo majiirihiisa loogu talo galay. Weliba waxaa kale oo majiiraha kula jira waxyaabo badan oo kale sida Baraf, Qiiq, iyo Hawo.

orbits orbits

sida ka muuqata walxo haweedyadan badan ee ay ka midka yihiin Halley’s comet (iftiin aad u cad oo dhulka laga arko75_76 sanadoodba hal mar) kuwa loo yaqaan, laftoodu waxay ku socdaan majiire qorshaysan, waxay leeyihiin majiire u gaar ah oo ay si jalasan ugu socdaalaan iyaga oo meerayaasha kala is garab socda.

Dhamaan walaxya haweedyada oo ay ku jiraan meerayaasha,satalaydyada meerayaashan xidigaha iyo weliba dhamaan malluugaha oo dhammi waxay leeyihiin majiire_yaal oo jaan gooyey. Kan sidaas quruxda badan u fadhiisiyey ee haddana halkooda ku ilaaliyaa waa ALLAHA kawnka oo dhan abuuray

Weliba majiireyaasha oo keli ahi ma laha waxyaabaha loo yaqaanno celestial bodies ka meerayaasha laftoodu waxay ku socdaalaan xawaare xisaabaysan iyo majiire qorshaysan. Dhamaan socdaalladan iyo dhaqdhaqaaqyadani marka ay socdaan midna mid kale kuma khaldamo ama iskuma khaldamaan.

Sida xaqiiqadu tahay waqtigii uu Qur’aanku soo degayey bani aadanku ma ay haysan Telescope ka aynu maanta haysanno iyo qalabkan casriga ah ee malaayiin kiilo mitir wax lagaga arkayo oo hawada sare ah, sido kale ma ay jirin cilmigan casriga ah ee fiisigiska iyo xidigska midna. Sidaa darteed waqtigaas may jirin in si aqoonaysan oo lagu ogaan karayey in ay hawada sare ay tahay wada waddooyin iyo majiire “ full of path and orbits” sida aayaddu u sheegtay. Si kastaba ha ahaatee Qur’aanku si furan oo la fahmi karayo ayuu innoogu sheegay waqtigaas. Taas ayaa inoo caddeynaysa in Qur’aanku yahay hadalkii ILAAHAY.

sida ka muuqata walxo haweedyadan badan ee ay ka midka yihiin Halley’s comet (iftiin aad u cad oo dhulka laga arko75_76 sanadoodba hal mar) kuwa loo yaqaan, laftoodu waxay ku socdaan majiire qorshaysan, waxay leeyihiin majiire u gaar ah oo ay si jalasan ugu socdaalaan iyaga oo meerayaasha kala is garab socda.

Dhamaan walaxya haweedyada oo ay ku jiraan meerayaasha,satalaydyada meerayaashan xidigaha iyo weliba dhamaan malluugaha oo dhammi waxay leeyihiin majiire_yaal oo jaan gooyey. Kan sidaas quruxda badan u fadhiisiyey ee haddana halkooda ku ilaaliyaa waa ALLAHA kawnka oo dhan abuuray.

Goobada Dhulka

“cirka iyo samada wuxuu ku abuuray xaq,habeenka ayuu huwiyaa maalintii, maalintiina habeen ayuu hullaabiyaa”(Qur’aan 39:5)

The Roundness of the Earth

Qur’aanku kelmedaha uu isticmaalo marka uu kawnka sifeynayo waa kelmedo aad u cad cad. Carabi ahaan kelmedda “Takwiir” ee Aayadda sare ka muuqata waxay soomaali ahaan noqonaysaa “Shay lagu laabay shay kale, ama shay la huwiyey shay kale” Carabi ahaanna sida Qaamuuskooda ku qoran waxay noqonaysaa “shay lagu duubay shay kale sida cimaamadda loogu duubo madaxa oo kale”.

Macluumaadka ay Aayaddani inna siisay ee sheegaya in habeenka iyo maalinta laysku duubo oo marba mid sarraynayo waxaynu kala soo dhex bixi karaynaa in dhulku yahay goobo wareegsan. Waayo duubitaankani keliya wuxuu keliya oo suurto gelayaa marka dhulku yahay mid wareegsan sida goobada.

Taas macneheedu waa Qur’aanka oo soo degay 14 qarni ka hor in uu innoo tilmaamay wareegga dhulka.

Waxa ay tahay in la xasuusto inta laga fahamsanaa cilmiga xiddigisku waxaa la qabay in dhulku uu ka duwan yahay sidan aynu kor kusoo xusnay. Waxaa loo haystay in dhulku uu yahay mid fidsan oo dhamaan baadhitaanka iyo sharraxyadoodu waxay ku fadhiyeen aragtidan ah in dhulku ballaadhsan yahay. Aayadda Qur’aanka ahani waxay inna siisay xog aynu ogaannay hal qarni ka hor. Sidaa darteed taasina waxay caddeynaysaa in Qur’aanku yahay hadalkii ILAAHAY.

Uuna isticmaalay kelmeddii ugu saxsanayd marka ay noqoto tilmaamista kawnka.

Roofka Bad Baadada.

Ultraviolet rays

Atmosphere keliya waxa uu oggolaadaa fallaadhaha looga baahan dhulku in ay soo gaadhaan. Fallaadhaha Ultravoilet ku tusaale ahaan, dhulka waxaa looga soo daaya qayb. Waana inta ugu fiican ee dhirtu cagaariye ku samaysan Karto iyada oo raacaysa habka Footosayntesiska, Kama dambaystana dhamaan noolaha oo dhan ayaa Ku badbaada.

Waxaa aanu dushiina ka yeelnay saqaf ilaalineed iyaguna aayadahayaga way iskaga jeesanayaan.(Qur’aan 21:32)

Ilaahay waxa uu si naxariis leh dusheenna ugu dalleeyey xayaab uu ugu talo galay bad baadadeenna.

Xayaabkaasi waxa ay saynis yahannadu xaqiijiyeen qarnigan 20aad.

Atomasphere ka dhulka ku gadaamani wuxuu qayb laxaadleh ka ciyaara sii jiritaanka nolosha, waxa uu burburiyaa oo u kala jejebiyaa qaar yar iyo kuwo waaweynba waxyaabo badan oo hawada sare ka yimaadda layskuna yidhaahdo (Meteors) sidaas haddaan loo rigaaxinna dhibaato badan u geysan lahaa noolaha dhulka dul saaran.

Sidaa si la mida waxa atmosphere ku dhulka ka shaandheeyaa falaadhaha cadceedda ee ka imaanaya hawada sare, kuwaas oo markay hawada sare joogaan noolaha dhibaato u leh. Atmosphere ku wuxuu keliya oo innoo soo daayaa inta aan dhibaatada lahayn ee aynu isticmaalno maalin kasta, sida Iftiinka aynu wax ku aragno, ultraviolet ka, kan hirarka hawada eeinoo sahla isticmaalka idaahadaha iwm. Loona yaqaanno( radio waves pass through). Dhamaan fallaadhahaasi waxay lagama maarmaan u yihiin nolosha.

Kuwan kale ee loo yaqaanno Ultravoilet ka oo qayb Atmosphere_ku inooga soo daayo waxa ay muhiim u yihiin cagaariyaha dhirta ee loo yaqaanno “photosynthesis” kuwaas oo dhamaan badbaado u ah noolaha, waayo haddaan cagaarka dhirtu jirin noloshu way adkaan lahayd. Qaybta ugu badan ee Ultravoiletka ka yimaadda cadceedda waxaa kala miira xuub haweedka loo yaqaanno “ozone layer” oo ka mid ah atmosphere waxyar oo xaddidan_ ahna muhiimaddii ayaa soo gaadha dhulka.

Habka difaaca ah ee atmosphere ku halkan kuma dhamaato. Atmosphere ku wuxuu dhulka ka ilaaliyaa barafawga iyo qabawga ka imaanaya hawada sare kaas oo gaadha _270C.

arizona meteor

Dad badan oo cirka sare u eega marna kama fekeraan jiritaanka xuubka difaaca ah ee Atmosphere ka. Kamana fekeraan sida uu dhulku noqon lahaa haddii aanu jirin habkan difaaca ahi. . sawirkani wuxuu muujinayaa qayb wayn oo ka mida meteors oo kusoo dhacday Arizona_da dalka Maraynkanka. Haddii aanu jirin Atmosphere ku waxaa soo daadan lahaa milyan ah meteors oo dhulka kusoo dhici lahaa, Dhulkuna wuxuu noqon lahaa lama degaan aan nololi ka suurtoobin. Weliba xuubka Atmosphere ku wuxuu u aggolaadaa in nooluhu si nabad gelyo qabta u badbaadaan. Tani waa ilaalin ILAAHAY u Ku ilaaliyey dadkiisa iyo mucjisooyinka Qur’aanka lay noogu sheegay.

van allen

Xuubka Megnetosphere waxaa qaabeeyey dhulka birlabtiisa, waxay dhulka u tahay sida gaashaanka oo kale,waxayna gaashaan uga tahay celestial bodies iyo cosmic rayska iyo waxyaabo kale oo dhibaato innoo lahaan lahaa hadday dhulka toos ugu soo dhacaan. Sida sawirka ka sare waa magnetosphere layer, waxaana lagu magcaabaa Van Allen Belts, waana kan ka muuqda sawirka. Belt wuxuu dhulka ka sarreeyaa kumanaan kiilo mitir,wuxuu ilaaliyaa dhamaan waxyaabaha nool ee dhulka jooga, kuwaas oo haddaan difaacaas ilaahay u samayn aan la arkeen meel jaan iyo cidhib ay dhigeen. Dhamaan tijaabooyinka saynisku waxay isku raacsan yihiin in dhulka loo xafiday si aan caadi ahayn. Laakiin tan muhiimka ahi waa in arrintan difaaca ah Qur’aanku inoogu sheegay Aayaddan 1400 sano ka hor. “waxa aanu samada ka yeelnay mid la ilaaliyey iyaguna way iskaga jeesanayaan”

sun earth

Tamarta laga soo daayaa cadceeddu waa mid aad u awood badan, oo ay ku adag tahay maskaxda bani aadamku inay fahamto awooddaas, halka burst wuxuu u dhigmaa 100 bilyan oo Atomic bambkii lagu dhuftay Hiroshima oo kale ah. Awoodda intaas le’eg waxaa dhulka ka ilaaliya in ay wax yeesho Atmosphere ka iyo Van Allen Belt.

marka aynu ka dhaqaaqno dhulka oo loo qaabeeyey hab nololeedka aadamaha,ee aynu gaadhno Atmosphere ka hawada sare, waxaynu gaadhaynaa beref, dhulkase waa laga ilaaliyey berefowga,kaas oo hawada sare gaadha _270 digree, arrintaas waxaa innaga caawiya atmosphere ka.

atmosphere ka oo keliya maaha waxa dhulka ka ilaaliya dhibaatada xagga sare ka timaadda. Waxaa Jirta maaddo loo yaqaanno the Van Allen Belt.waa xuub dhulba birlabtiisu sababto wuxuu u shaqeeya sida oo weliba dhulka u yahay sida gaashaan oo kale,wuxuu gaashaan uga yahay dhamaan waxyaabaha shucaaca ah ee ka yimaadda xagga sare isla markaana waxyeello u leh dhulka. Shucaacyadaas oo kasoo falliidhma cadceedda iyo xidigaha kale. Shucaacyadaas oo dhimasho u ah wixii nool ee dunida kor joogaba. Haddaba haddii aanu jirin Van Allen Belt, dhimbiilahaas tamarta badan oo laysku yidhaado “Solar Flares” ee sida isdaba joogga ah ugu dhacaya dhulku waxay baabi’in lahaayeen waxa nolol dhulka dul taallaba.

Atmosphere

sawirkani waxa uu inna tusayaa in in meteorsku burburinayaan dhulka. Sidoo kale walaxya haweedka loo yaqaanno celestial bodiesku ay dhaawac laxaadle soo gaadhsiin lahaayeen dhulka. Laakiin ALLAH oo u unkay sidii ugu wanaagsanayd ayaa xuubkan difaaca ee atmosphere ka u sameeyey hawada si uu ilaaliye dhulka ugu noqdo innaguna ugu noolaanno. Ilaahay ayaa mahad iska leh, innaga xafiday wax kasta oo dhib inoo geysan lahaa. Meteors ku waxba dhib ah dhulka masoo gaadhsiiyaan waayo waxa burburiya Atmosphere_ka kana dhiga waxyaabo yaryar.

Dr Hough Rose mar uu ka hadlayey Van Allen Belt muhiimadda uu u leeyahay nolosheenna wuxuu yidhi.

Xaqiiqdii,dhulku wuxuu leeyahay qiimeyntii degaameed middii u sarreysay mana laha waxyaabihiisan oo kale meerayaasha kale.

Middan loo yaqaan large Nickel Iron waxay mas’uul inooga tahay large magnetic Field. Birlabtan waxay soo saartaa Van Allen gaashaanka shucaaca kaaso oo dhulka ka difaaca shucaaca Bombardment. Haddaan gaashaankaasi jirin nololi suurta gal kama noqoteen dhulka. Meeraha kale ee keliya ee leh Megnetic Field waa Mercury, laakiin tamartiisu 100 jeer ayey ka yar tahay tan dhulku leeyahay. Xataa Venus oo ah walaasheenna meeraha innaguna xigta malaha magnetic field. Van Allen Belt waa hab yaableh oo dhulka oo qudha ku khaas ah.1

Tamarta cadceedda ka timaadda ee uu Van Allen innaga celiyo hal mid sida dhowaan la ogaaday markii la xisaabiyey waxay u dhigantaa 100 Bilyan oo Atomic Bomb kii lagu dhuftay Hiroshima ah. Konton iyo sideed saacadood gubashada ka dib ayaa la arkaa irbadaha birlabta magnetic field. 250 kiilomitir dhulka dushiisa, Atmosphere, xaraaradduna deg deg ayey u kacdaa oo gaadhaa ilaa 2,500 digrii.

Isku soo duuduub oo shaqo aad u layaable ayaa ka socota dhulka dushiisa. Way innagu wareegsan tahay waxayna gaadh ka haysaa dhamaan wixii dhulka waxyeello u leh. Saynis yahannadu waxay waxaas ogaadeen hal qarni ka hor. ILAAHAYna waxa uu Qur’aanka innagu ogaysiiyey Atmosphere ku in uu waardiye u yahay dhulka dhibta ka ilaalinaya.

Roogal Celiska Cirka

“waxaan ku dhaartay cirka soo noqnoqonaya”( Qur’aan 86:11)

Kelmedda “Cyclical” ee Qur’aanka ku jirta waxaa lagu fasiraa “Rogaal ceis” ama “ dib u noqosho”.

Sida la ogyahay Atmophere ka dhulka ku gedaamani wuxuu ka kooban yahay dhawr lakab oo kala sarreeya. Lakab kasti waxa uu ka shaqeeyaa shaqo u gaar ah muhiimna u ah nolosha. Cilmi baadhis waxaa lagu ogaaday in lakabyadaasi ka shaqeeyaan dib u celinta waxyaabaha ka yimaadda hawada sare iyo inay dhulka ku soo celiyaan waxyaabaha hawada aaday. Bal aan haddaba dhawr tusaale ku eegno “rogaal celiska” iyo “ dib u celiska dhulka”.

The Returning Sky

haddii la rabo in dhulka nololi ka suurtowdo waxa lagama maarmaan ah in biyo la helo. Waxyaabaha ka qayb qaata helitaanka biyahana waxaa kaw ka ah Troposphere, waxaa lakab ka mida lakabyada Atmosphere_ka. Troposphere_ ku wuxuu awoodaa in uu qabto uumi baxa dhulka dushiisa ka tegaya ee xagga sare aadaya ka dibna inta uu qaboojiyo ayuu dhulka dib ugu soo celiyaa roob ahaan

Gibilkan ka mida gibillada Atmosphere ee innaga difaaca waxyaabaha dhibaatada innoo leh lagana yaabo in ay inna layn lahaayeen hadday dhulka soo gaadhaan waa gibilka loo yaqaano Ozonosphere. Ozonosphere wuxuu qabtaa inta aanay dhulka soo gaadhin shucaacyada hawada sare sida Ultravoilet_ka oo kale. Weliba waa waardiye ka jira in aanay dhulka gaadhin fallaadhaasi.

Gibil kasta oo ka mida gibillada Atmosphere ku wuxuu hayaa shaqo aadamaha u dan ah. Gibilka Ionisphere oo ah lakabka ugu sarreeya Atmosphere ka lakabyadiisa tusaale ahaan wuxuu dib usoo celiyaa radio waves ka kob dhulka ka mida ka tegaya ka dibna adduunka oo dhan ayuu u qaybiyaa, ka dibna si sahlan ayaa loogaga faa’iideystaa meel fog.

Troposphere wuxuu dhulka ka sarreeyaa 13 ilaa 15 kiilo mitir. Wuxuu awoodaa in uu uumi_baxa dhulka ka tegaya qaboojiyo ka dibna dhulka dib ugu soo celiyo isaga oo roob ah. Xayndaabka Ozone layer la yidhaahdo oo dherer ahaan dhulka ka kacsan 25Km wuxuu dib u celiyaa waxyaabaha shucaaca ah ee dhibaatada innoo leh sida Ultravoiletka, wuxuuna dib ugu laalaa hawada sare ee loo yaqaanno “space”.

Ionosphere wuxuu dib usoo dhirbaaxaa mawjadaha dhulka ka kaca ee Radio Waves ka la yadhi wuxuuna u kala jejebiyaa dhulal badan oo adduunka ka mid ah. Iyaga oo nasakhan si sahlanna loogu xidhiidhi karo sida satalaydhyada, Wireless_yada, Radio_yada, TV_ yada weliba iyaga oo masaafo durugsan laga maamulayo.

Magnetosphere dahaadhkani wuxuu innaga celiyaa,fallaadhaha wax gumaada ee ka imaanaya cad ceedda iyo xidigaha kale inta aanay dhulka soo gaadhin ayuu dib ugu celiyaa hawada sare iyo meesha ay awalba ka yimaaddeen. Xaqiiqdaasi waa faa’iidada uu innoo leeyahay Atmosphere ku. Keliya Qur’aanku innooma sheegayn in ay waxyaabahaasi jiraan oo keliya, balse waxa kale oo uu innoo sheegayey in Qur’aanku yahay hadalkii ILAAHAY.

Gibillada Atmosphere_Ka

The Layers of the Atmosphere

14 Qarni ka hor markii la rumaysnaa in cirku yahay mid qudha, ayaa Qur’aanku si mucjiso leh u sheegay in cirku ka kooban yahay toddoba oo ay jiraan toddoba cir. Iyo weliba “toddoba” lakab. Sayniskan casriga ah ayaa lagu ogaaday in Atmosphere_ku ka ka samaysan yahay “toddoba” qaybood waqti yar ka hor ayay ogaaden.

Xaqiiqooyinka Qur’aanka la innoogu sheegay waxa ka mida in cirku yahay toddoba cir oo kala sarreeya, Sida ku cad Aayaddan hoose.

”ILAAHAY waxa dhulka kor saaran ayuu idiin abuuray, ka dibna waxa uu ahaaday Carshigiisa dushiisa, ka dibna ILAAHAY waxa uu ka yeelay toddoba samo, ILAAHAY ayaa wax kasta u cilmi badan”(Qur’aan 2:29)

“ILAAHAY samada ayuu korkeeda ahaaday iyada oo Qiiq/qaac ah, ILAAHAY waxa uu abuuray Samooyinka iyaga oo toddoba ah ,Samo kastana waxaa la faray amarkeedii.” (Qur’aan 41:12)

Kelmedda “Samo” oo aayado badan inooga dhex muuqata Qur’aanka dhexdiisa, waxa loo isticmaalaa cirka dhulka ka sarreeya, iyo weliba caalamka oo dhan dushiisa. Macnahan la siiyey kelmeddu wuxuu inna tusayaa in laga hadlayo cirkan dhulka dushiisa ah, Ama Atmosphere ka oo ka kooban toddoba lakab. Xaqiiqdii dhowaan ayaa la ogaaday in ay samadu ka kooban tahay lakabyadaas kala sarreeya. Weliba waxay u dhigan tahay sida Qur’aanku u sheegay toddoba samo. Xaqiiqooyinka sayniska sida laga ogaaday waxay u kala sarreysaa sidan soo socota.

Saynis_yahannadu waxay ogaadeen in Atmosphere ku uu ka kooban yahay gibillo dhawr ah. Gibilladaasina ay ku kala duwan yihiin muuqaalka duleed cadaadiska iyo noocyada hawooyinka. Atmosphere ka dhulka ugu soo dhow waxaa la yidhaahdaa TROPOSPHERE. Wuxuu ka kooban yahay 90% isu geynta cufka Atmosphere ka. Lakabka ka sareeya Troposphere_ka waxaa la yidhaahdaa STRATOSPHERE. OZONE LAYER_ku waa qayb ka mida Stratosphere_ka waana halka difaacista falaadhaha cadceedda ee Ultravoilets ku ka dhaco. Gibilka kor uga sii sarreeyaana MESOSPHERE. THERMOSPHERE_kuna wuxuu dhacaa Mesosphere_ ka dushiisa, qaabka Ayoonnada hawada ah ee ku dhexjirana waxaa loo yaqaan IONOSPHERE. Qaybta ugu sarreysa ee Atmosphere ka dhulka waxay gaadhaa 480km ilaa 960km. lakabkaasna waxa la yidhaahdaa EXOSPHERE.2

The Layers of the Atmosphere

1. Atmosphere
2. Earth

The Earth has all the attributes that are needed for life. One of them is the atmosphere, which serves as a shield protecting living things. Today, it is an established fact that the atmosphere is made up of different layers lying on top of one another. Just as it is described in the Qur'an, the atmosphere is made up of exactly seven layers. This is certainly one of the miracles of the Qur'an.

Haddii aynu kow laba nidhaahno tirada ay ilahani sheegeen waxaynu ogaan doonnaa sidii Aayddu sheegtay in aan waxba ka beddelnayn.

1. Troposphere
2. Stratosphere
3. Ozonosphere
4. Mesosphere
5. Thermosphere
6. Ionosphere
7. Exosphere

Mucjisada kale ee xubintan laynoogu sheegay waxa weeye kelmedda aayadda ku jirta ee ah “ Samo kasta waxaa la faray amarkeeda” Aayadda 12 ee Suuradda Fusilat, ILAAHAY wuxuu sheegay in samo kasta waajibaadkeeda iyo waxay qabanayso loo sheegay. Dabcan sida ayeynu hore u soo sheegnay lakab kasta waxa uu qabtaa shaqo aas aasi u ah nolosha dadka iyo dhamaan noolaha dunida kor saaran. Lakab kastina wuxuu hayaa waajibaad u gaar ah oo aan lala wadaagin, mid roob abuuraya, mid falaadhaha innaga difaacaya, mid radio waves ka dhulka dib ugu soo celinaya, mid dib innooga dabbaalaya waxyaabaha hawada fog kasoo dhaca ee meteors waxyeellona u leh nolosheenna.

Mid ka mida shaqooyinkaas sida lagu sheegay xogtan sayniska waxay leedahay.

Atomosphere ka dhulku wuxuu leeyahay 7 lakab, kan ugu hooseeya waxaa la yidhaahdaa troposphere Roobka, Daruuraha iyo Dabayshu keliya waxay ka dhacaan Troposphere ka oo keliya.

Waa Mucjiso aad u wayn, kuwaas oo aan lagu ogaan kareen tiknoolajiyadda qarnigan 20aad wax aan ahayn halka Qur’aankuna innagala hadlayey 1400 sano ka hor. Waxay caddayn u tahay in Qur’aanku yahay hadalkii ILAAHAY.

Shaqada Buuraha.

Qur’aanku wuxuu dareenkeenna u si xariifnimo ku jirto ugu soo jeedinayaa shaqada buuraha iyo waxa ay innoo qabtaan

“waxaa aanu dhulka ku joojinnay buuro si aanu idiinla ruxmin, idiinlana dhaq dhaqaaqin” (Qur’aan, 21:31)

mountain root

Ocean
2. Sediment

3. Continental Crust
4. Moho

5. Mantle
6. Horizontal distance not to scale

Mountains have roots deep under the surface of the ground. (Earth, Press and Siever, p. 413)

mountain root

1. British Isles
2. N. Germany

3. Alps
4. Europe

5. Russian Platform
6. Caucasus

Schematic section. Mountains, like pegs, have deep roots embedded in the ground. (Anatomy of the Earth, Cailleux, p.220)

mountains deep root, Erosion

1. Mountain Range
2. Erosion

3. Deposition
4. Sea Level

5. Continental Crust
6. Mantle

7. Mountain Root

Another illustration shows how mountains are peglike in shape, due to their deep roots. (Earth Science, Tarbuck and Lutgens, p.158)

sida aan hore u soo sheegnay waxa ay buurahu dhulka ka ilaaliyaan in uu dhulku dek_keeyo oo dhaq dhaqaaq sameeyo, sidaa darteed waa masaabiirta dhulka buuruhu.

Xaqiiqadan cidina ma ogeyn waqtigii uu Qur’aanku soo degayey, waxa ay ka mid tahay xaqiiqooyinka maanta cilmiga casriga ah ee loo yaqaanno geology_gu daahfuray.

Marka loo eego waxyaabahan cusub ee la helay. Buuruhu waxa soo saaray dhaq dhaqaaqa iyo xamaarasho xooggan oo dhulka hoostiisa ah markuu is qaabaynayey. Haddii laba bilaydh la is dulsaaro kan xooggani wuxuu hoos ula degi lahaa qaybta laga fudud ee janjeedh ayaa dhici lahaa, sidaa darteed marka mid la buurto foorar ayaa innagu dhici lahaa. Sidoo kale waxa la ogaaday in qaybta dhulka ku jirta buuraha ee qarsooni in ay dhulka hoos u gasho oo weliba ay ku fiddo, sidaa darteed buurta qaybteeda aasan iyo qaybta muuqataa ay is le’eg yihiin.

Qaab dhismeedka buuraha saynisku waxa uu u tilmaamay sidatan:

Where continents are thicker, as in mountain ranges, the crust sinks deeper into the mantle.4

In a verse, this role of the mountains is pointed out by a comparison with "pegs":

“dhulka miyaanaan idiinka dhigin gogol,buurahana qotommo miyaanaan uga dhigin”

mountains

way is le’eg yihiin,sidaa darteed waxaa jira isku tolan ay lakabyada dhulku isku tolan yihiin tolliinkaasna waxaa u sahla buuraha ayaa ah tiirarka isaga dhex tallaaba lakabyada dhulka. Qaababka dhulka u yaallaa aad ayey u dhaq dhaqaaq badan yihiin sidaa darteed haddaanay jirin buuruhu waxaa kala siiban lahaa lakabyada dhul ka.

Buuruhu dhanka kale waxay leeyihiin meelo sidii ribidh-dhadii oo kale layskaga xidho bilaydh_dhada dhulka ee isa saaran oo mid waliba meel ku began yahay, waxay isku tolaan dhulka si ay uga hortagaan kala siibasho in ay dhacdo, kala siibashadaas oo ah in ay is dhaafaan lakabyada loo yaqaanno “Magma Stratum” oo bilaydh-dhada dhulku leeyihiin isagana tallaabaan lakabyada dhulka. Isku soo wada duub oo buuruhu waxay dhulka u yihiin sida masaabiirta laysugu qabto looxaanta.

Isku tolista dhulka ee ka mida shaqada ay buuruhu innoo qabtaan waxay ku soo koobeen saynis-yahannadu kelmedda “Isostasy” isostasy macne ahaan waxay noqonaysaa:

Isostasy : waa miisaamaha guud ee dhulka, kaas oo ka hor taga in ay qulqulaan oo ay socdaan dhadhaabaha dulsaaran dhulka iyo kuwa ku dhexjiraaba iyada oo uu jiidanayo waxa loo yaqaanno “gravitational Stress”.5

Shaqadan aadka u ballaadhan ee sayniska casriga ahi ogaaday imminka, waxaa Qur’aanka la inoogu sheegay qarniyo badan ka hor, taasina waxa ay innoo caddaynaysaa xikmadda ilaahay koonkan ku abuuray.

“dhulka waxaannu yeelnay buuro calculus si aanay idiinla dhaq dhaqaaqin”

Dhaq dhaqaaqa Buuraha

Hal aayad, waxa ay inna tusaysaa in aan buuruhu iska taagnayn sida ay u muuqdaan, laakiin ay ku jiraan socdaal iyo fiditaan joogto ah.

“waxaad arkaysaa buurihii oo aad u malaynaysid in ay taagan yihiin, iyaga oo u soconaysa sida daruurta” (suuradda 27: aayadda 88)

Dhaq dhaqaaqa Buuraha

mountains

1. 200 milyan oo sano ka hor
2. 135 oo milyan oo sano hor.
3. 65 milyan oo sano ka hor.

4. Maanta
5. Qaybta dhinaca galbeedku waxa ay noqonaysaa 50 milyan oo sano ka dib.
6. Dhinaca bariguna waxa ay 50 milyan oo sano noqonaysaa sidan.

Sawirkan dhinaca bidix waxa uu muujinayaa inta qaaraduhu ay le’ekaayeen waqtiyadii hore,haddii uu sidaas u sii socdo dhaq dhaqaaqa iyo fiditaanka dhulku, milyanaad sano ka dib in ay qaaraduhu le’ekaanayaan inta sawirka ka muuqata imminka

Socdaalka buuraha waxaa sabab u ah dhaq dhaqaaqa dhulka ay ku fadhiyaan ama dhexyaallaan. Dhulku wuxuu ku dul fadhiyaa, qaybta hoose ee adkaha ah loona yaqaanno “mantle layer” waxa ay ahayd bilowgii qarnigii 20aad markii ugu horeysay ee inta taariikhda aadamaha, saynis yahan Jarmal ah oo la odhan jiray Alfred Wegener uu sheegay in qaaradaha dunidu ay isku dhegsanaayeen markii hore ee la sameeyey, laakiin sidii ay dib ugu kala guranayeen ay caadi u kala baxeen oo ay u kala fogaadeen.

Saynis-yahannadu waxa ay fahmeen in Wegener uu saxnaa 1980s, 50 sano ka dib dhimashadiisi. Sida uu Wegener ku sheegay qodob la daabacay 1915, uu kaga waramayey dhulka xajmigiisu in uu isku dhegsanaa qiyaastii 500 oo milyan oo sano ka hor. Xajmigan cufan ee dhulka waxaa loo yaqaan ‘Pangaea’ oo ku taalla cidhifka waqooyi.

Qiyaastii 180 milyan oo sano ka hor, Pangaea wuxuu u qaybsamay labo qaybood, kuwaas oo u kala socday jihooyin kala duwan. Mid ka mida qaaradahaas waaweyn waa Gondwana, waxaana ka mid ah Afrika, Ustareeliya,Antartica iyo Hindiya. Tan labaadna waa Laurasia waxaana ka mid ah Yurub, koonfurta Maraykanka, Eeshiya marka laga reebo Hindiya. 150 kii milyan ee xigayna Godwana iyo Laurasia waxay sii wadeen kala goog’gii, waxa ayna u kala goog’geen qaybo yaryar.

Qaaradahani waxa ay ka abuurmeen ka dib markii uu kala jajabay Pangaea socdaalna ay galeen dhulka dushiisa iyaga oo sannad kasta soconaya dhawr senti mitir, isla waqtigaas waxa iyana isbeddel ku imaanaya badihii iyo dhulkii ay ku fadhiyeen.

Daahfurka maxsuul ka soo baxay cilmi-baadhis ay sameeyeen geologist-yaal bilowgii qarnigii 20 aad socdaalkan dhulka waxa ay u sharraxeen saynis-yahannadu sidan:

Dhulka qaybtiisa hoose iyo inta sare ee loo yaqaano ‘mantle’ oo dhumucdiisu isku tahay 100KM, ayaa waxa ay u qaybsamaan qaybo loo yaqaanno ‘ plates ’ ama lakabyo. Waxa jira lix lakab oo ugu waaweyn iyo dhawr kale oo yar yar. Marka loo eego aragtida “plate tectonics” ama “dhismaha lakabyada” lakabyadani way guuraan iyaga oo wata qaaradohoodii iyo sagxaddii badaha waaweyn ee dunida. Socdaalka qaaradaha waxaa lagu qiyaasaa 1_5 cm sannadkiiba. Socdaalkaas ay qaaraduhu ku jiraan ee iska soconayaa wuxuu keenayaa in isbeddel aan badnayni ku dhaco Juquraafigii dhulka. Socdaalkaas sannad kasta ahi wuxuu sababayaa in badihii waaweynaa ee dunidu ay ballaadhaan xoogaa.7

Waxa jira qodob muhiim oo ay tahay in aan sheegno. Allah waxa uu inna ogeysiiyey socdaalka buuraha isaga oo weliba innoo tilmaamay in socdaalkaasi yahay mid aad u yar oo aan la dareemi Karin. Maanta sayniska casriga ahi wuxuu isticmaalay kelmedda ah “Continental Drift” Iyaga oo socdaalkan u jeeda.

Waxaan su’aali ku jirin in ay ka mid tahay mucjisooyinka Qur’aanka ee maanta sayniska casriga ahi xaqiijiyey. Sayniskaas oo waqtiyar ka hor uun la daahfuray waxa uu arkay waxa ay noqdeen wax Qur’aanku inna baray.

Mucjisooyinka Birta.

iron

Iron ingot

Birtu waxa ay ka mid tahay waxyaabaha lagu sheegay Qur’aanka. Suuradda Al-Xadiid oo macneheedu yahay Birta aynu naqaanno.

“waxa aanu soo dejinnay Birta oo dhibaato leh, dadkana waxaa ugu jirta wax badan oo ay manaafacaadsadaan”

Kelmedda “ soo dejinnay” gaar ahaan waxa aayaddu u jeeddo waa Birta, waxa loo malaynayey qaab ah metaphorical, waxa ay sharraxaysaa in birta loo soo dejiyey in ay aadamuhu ka faa’iideystaan. Laakiin marka aynu qayb uga sii fekerno macnaha aayadda waxa aad ogaanaysaa in loo jeedo “birta si caadi ayaa Samada birta looga soo dejiyey” waxa aynu xaqiiqsannay marka aynu aayaddan aragnay mucjisooyinka Qur’aanka ee saynisku daahfuray.

Sababtuna waxa weeye sayniska casriga ahi (modern Astronomicla) wuxuu ogaaday in birtu ay ka timid xidigaha waaweyn ee samada “ outer space”. Biraha waaweyn ee kawnka dulsaarani waxa laga soo saaray bu’da xiddigaha waaweyn. Habka ay innaga cadceeddu inoogu timaaddo ma laha hab laga soo saari karo biraha. Biraha waxaa laga heli karaa uun xidigo aad uga waaweyn cadceedda, kuwaas oo kulaylkoodu gaadho dhawr boqol oo milyan oo digrii. Marka xiddiga birta ahi uu ku jiro qayb ka mid ah xidigaha kulaylkaas dartii ma xammisho ka dibna waxa ay samaysaa qaraxa loo yaqaanno “Nova” ama “Supernova”. Maxsuulkii kasoo baxay qaraxaas ayaa waxa dunida ku firdha wax yaabaha loo yaqaanno meteors- oo ay birtu ku jirto, waxa ayna ka soo dhacaan iyaga oo soo dhex maraya Void ka waxaana soo jiita cuf is jiidadka dhulka iyaga iyo celestial bodies kaba.

Waxyaabaha aynu kor kusoo sheegnay oo dhammi waxa ay tilmaamayaan in aan birta dhulka lagu farsamayn ee ay tahay maxsuulkii ka dhashay qaraxa xiddig kululaatay falliidhadeedii oo ay wada socdeen meteors ka dibna “Dhulka loo soo dejiyey” waa sidii ay aayaddu sheegtay oo aan waxba ka geddisanayn: sida xaqiiqadu tahay dhamaan waxyaabahan war looma haynin qarnigii 7aad oo Qur’aanku soo degayey.

Abuurka Lammaanaha

Prof. Paul Dirac

Prof. Poul Dirac

waxaa xumo ka nasahan kan dhamaan lammaanayaasha ka abuuray, waxyaabaha dhulku soo saaro,nafahooda iyo waxyaabo kale oo aan la garanayn” (Qur’aan suuradda: 37:36)

Kelmedda lammaane ama “ Labo” waxaa ay badanaa u taagan tahay lab iyo dheddig, murtida aayadda ku jirta ee odhanaysa “ waxyaabo aan la garanayn” waxa ay iftiiminaysaa arrimo badan. Maanta mid ka mida waxyaabaha ay aayaddu sheegtay. Saynis-yahankii Ingriis Poul Dirac waxa uu tilmaamay in Maatarka loo abuuray lammaan, waxaana uu ku qaatay shahaadada Noble Prize Fiisigiska sannadkii 1933. Daahfurkaasna waxa loo bixiyey “Parite” sheegaysana in Maatarka loo abuuray laba laba iska soo horjeeda. Lid Maatar. Lid Maatarku wuxuu leeyahay dhamaan astaamaha Maatarka. Weliba, iyada oo Maatarka kasoo horjeeda, elektaroonnada lid Maatarku waxa ay leeyihiin danab togan Borotoonadeeduna waxa ay leeyihiin danab taban.xaqiiqadan waxaa si cilmiyeysan loogu sheegay sidan soo socota:

“Waxyaabaha Maatarku ka kooban yahay oo dhammi waxa ay leeyihiin lammaane kasoo horjeeda oo leh danab lid ku ah,shaki la’aan xidhiidhkaasi wuxuu inna tusayaa in lammaana-yaasha abuurkooda iyo qaabayntoodu hal mar ka wada dhacday hal meel”.8

Xidhiidhka waqtiga.

hourglass

Xidhiidhka waqtiga waxa maanta lagu xaqiijiyey tijaabo saynis. Waxaa lagu xaqiijiyey aragtidii Albert Einstein ee xidhiidhka waqtiga bilowgii qarnigii labaatanaad. Ilaa waqtigaas dadku ma ay ogeyn in waqtiga xidhiidh ka dhexeeyo. Waxa is beddelkaas ka qayb qaata marka loo eego degaanka. Weliba. Saynis-yahankii waynaa ee Albert Einstein waxa uu si furan ugu caddeeyey fekreddiisi xidhiidhinta. Wuxuu tusay in ay ku xidhan tahay cufka iyo kaynaanka. Taariikhda aadamaha, ma jirin qof sidaa u caddeyn karayey una sharrixi karayey xaqiiqadan xilligaas ka hor.

Marka laga reebo hal feker; Qur’aanku waxa uu ku daray cilmiga uu inna siinayey in waqtigu leeyahay xidhiidh! Aayadaha ka hadla mawduucan waxaa ka mida ah.

“waxa ay ku waydiinayaan in cadaabka loo soo dedejiyo. Ilaahayna ballanta kama baxo. Maalinta Ilaahay waxa ay u dhigantaa kun sano oo kuwiina aad tirisaan ah”. ( Qur'aan, 22:47)

“wuxuu amuuraha ka maamulaa Samada ilaa dhulka. Ka dibna waxaa loo hayaamiyaa xaggiisa maalin dhererkeedu yahay kun sano cabbirkiina” (Qur'aan, 32:5)

“Malaa’igta iyo Malakul Jibriil waxa ay u kori doonaan xaggiisa maalin dhererkeedu yahay konton kun oo sano”. (Qur'aan, 70:4)

Aayadaha qaar waxa ay tilmaamayaan in dadku waqtiga ka aaminsan yihiin fekerro kala duwan, mararka qaar waxa dhacda in waqti dheer ay u arkaan mid gaaban. Sheekadan soo socota ee aakhiro marka la xukumayo ayaa ah tusaale aad u fiican:

“Ilaahay waxa uu su’aalayaa: immisa sannadood ayaad dhulka dushiisa soo joogteen? Markaas ayey ku jawaabayaan waxa aan soo joognay maalin ama maalin badhkeed, ilaahow waxaad warsataa kuwa wax tiriya. Waxaa lagu odhanayaa waxa aad soo joogteen ku.

Xidhiidhka waqtiga waxaa si cad loogu sheegay Qur’aanka xilligii uu soo degayey 610 tanina waa cadday kale oo muujinaysa in uu Qur’aanku ka yimid kitaab barakaysan.

waqtigu waa feker lagu kala aragti duwan yahay. Xilliyada qaar waqtigu wuxuu ugu muuqdaa qof wax dheer, halka uu la yahay wax gaaban qaar kale. Si aad u fahamto kooda sax san waa in aan haynaa ilo waqtiyeed sida Saacad ama Jaantus taariikheed. Macquul maaha in aad xukunto qalabkaas la’aantood.

Footnotes

1.http://www.jps.net/bygrace/index. html Taken from Big Bang Refined by Fire by Dr. Hugh Ross, 1998. Reasons To Believe, Pasadena, CA.

2.Carolyn Sheets, Robert Gardner, Samuel F. Howe; General Science, Allyn and Bacon Inc. Newton, Massachusetts, 1985, p. 319-322

3.http://muttley.ucdavis.edu/Book/ Atmosphere/beginner/layers-01.html

4.Carolyn Sheets, Robert Gardner, Samuel F. Howe, General Science, Allyn and Bacon Inc. Newton, Massachusetts, 1985, p. 305

5.http://southport.jpl.nasa.gov/ scienceapps/dixon/report6.html

6.Carolyn Sheets, Robert Gardner, Samuel F. Howe; General Science, Allyn and Bacon Inc. Newton, Massachusetts, 1985, p. 305

7.National Geographic Society, Powers of Nature, Washington D.C., 1978, p.12-13

8.http://www.2think.org/nothingness. html, Henning Genz – Nothingness: The Science of Empty Space, p. 205