Mucjisooyinka Taariikheed ee Qur'aanka

Kelmedda “Haamaan” ee Qur’aanka Ku Jirta

The Word Haman in the Qur'an

The name "Haman" was not known until the decoding of Egyptian hieroglyphics in the 19th century. When the hieroglyphics were decoded, it was understood that Haman was a close helper of the Pharaoh, and was "the head of the stone quarries". (Above are shown ancient Egyptian construction workers). The really important point here is that Haman is mentioned in the Qur'an as the person who directed construction work under the command of the Pharaoh. This means that information that could not have been known by anybody else at that time was given by the Qur'an.

Xogaha Qur’aanka la innagu siiyey eek u saabsan Masaaridii hore waxaa ka buuxa xaqiiqooyin badan oo muddo ogaan ilaa waqti dhowayd. Sidoo kale waxa ay xaqiiqooyinkaasi innoo tilmaamayaan in kelmed kasta oo Qur’aanka ku jirta lagu soo dejiyey xikmad ee aanay iska soo degin. Haamaan waa Qof magiciisa lagu sheegay Qur’aanka, isaga iyo Fircoon. Waxa la isku xidhiidhiyey lix meelood Qur’aanka ka mida waxaana laga fahmayaa in uu ahaa qofka ugu dhow Fircoon. Waxaa cajiib ah magaca Haamaan laguma sheegin kitaabkii Tawraad ee lagu soo dejiyey Nebi Muuse (cs). Si kastaba ha ahaatee magac-dhebista Haamaan waxa keliya oo laga helayaa cutubka u dambeeya ee “ Old Testament” caawiyihii Babylonian (dadkii hore ee degganaan jiray Babylon) si uu u caawiyo boqorkii Babylon. Waa boqor axmaqnimo badan kula kacay reer Israa’iil qiyaastii 1,100 sano ka dib Muuse.

Dadka qaar ka mid ah ee ku andacooda in Nebi Maxamed (Nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee) uu qoray Qur’aanka oo kasoo koobiyeeyey kitaabadii ka horeeyey ee Tawraad iyo Injiil. Sidoo kale waa loo akhriyaa ka dibna waxa uu innaga innoo sheegaa waa qaybo uu ka soo guuriyey kitaabadaas hore waxaa beeninaysa arrintan.

Dhamaan sheega-shooyinkaas oo dhammi waxa ay daaqadda ka bexeen markii ka dib markii Masaarida sawiradoodii oo qoraal u taagnaa (Hieroglyphics) la aqoonsaday oo la akhriyey 200 oo sano ka hor, waxaa laga dhex helay magaca “Haamaan” intii aan daahfurkan la samayn qoraalada iyo sawir gacmeedyada masaarida cidina ma fahmi karaynin. Luuqadda Masaaridii hore waxa ay ahayd sawirro “Hieroglyphic” Kuwaas oo waqti badan la hayey oo badbaaday. Si kastaba ha ahaatee fiditaankii diinta Kiristaanka iyo saamayntii dhaqanka ee qarniyadii 2aad iyo 3aad Ciise Dabadiis, Masaaridu waxa ay iska sii haysteen dhaqamadoodii iyo sawir gacmeedyadoodii ka turjumayey Qoraalka iyo fartooda (inscription”. Tusaalihii ugu dambeeyey ee isticmaalka Hieroglyphics (sawirro) wuxuu ahaa qoraal (inscription) waqtigiisu ahaa 394CD. Ka dib luuqaddaas waa la illaaway, ma jirin cid akhrin kartaa ama fahmi kartaa. Ka dib xaaladdii luuqaddaasi sidaas bay iska ahayd ilaa 200 oo sano ka hor…

Halxidhaalihii luuqadda Masaarida ee sawirada iyo dhagxaanta ahaa waxaa la daahfuray 1799 waxaana daahfuray nin la odhan jiray “Rosetta Stone” oo taariikhda dib ugu celiyey 196CH (Ciise Hortii) muhiimadda akhrinta farta sawirada reer Masar ee ka turjumaysay luuqad ay isku fahmaan waxaa loo dhigi jiray saddex qaab oo kala ah : Hieroglyphics oo sawirro ahayd, Demotic (qaabkii hore ee Masridu wax u qoran jirtay oo la yar fududeeyey) iyo Giriig. Iyada oo la kaashanayo qoraalka Giriiggii, ayaa Masaaridii hore farteedii loo beddelay qoraal caadiya (decoded) . ka dibna turjumaaddiisi oo dhan waa la dhamaystiray waxaana dhamaystiray nin Faransiis ah oo la odhan jiray Jean Francoise Chompollion. Sidaas ayaa luuqaddii la iska hilmaamay iyo xaqiiqooyinkii ku xeernaa loo iftiimiyey. Sidan ayaa aqoontii ku saabsanayd ilbaxnimadii, diintii iyo noloshii bulshadii hore ee Masaaridu ku noqdeen wax dunida yaalla oo aan lumin.

Markii la beddelayey Hieroglyph-ka aqoonta ugu wayn ee aynu uga soconno waxa laga dhex helay magaca “Haamaan” kaas oo xaqiiqadii lagu sheegay fartaas Masaarida iyo qoraalkeeda. Waxaana laga helayaa oo ay maanta yaalliin qoraalkaas oo uu ku jiro magaca Haamaan Museum-ka Vienna. 22

Dictionary-ga dadka Boqortooyada cusub kaas oo lagu diyaariyey dhamaan qoraalku wuxuu ka koobna oo dhan. Waxa la sheegay in Haamaan uu ahaa “madaxa raggii dhismaha ee dhagaxa ka shaqayn jiray”.23

Maxsuulkii waxaa kasoo baxday run aad u muhiim ah. In aan Qur’aanku lahayn been is khilaafaysa oo iska hor imaanaysa. Haamaan waxa uu ahaa qof Masar ku nool waqtigii Nebi Muuse, wuxu aad ugu dhowaa Fircoon, wuxuu ku shaqo lahaa arrimaha dhismaha, sida Qur’aanku u sheegay. Weliba sida aayaddu sii tilmaamayso waxa uu Fircoon Haamaan amar ku siiyey in uu u dhiso sar dheer (tower) taas ayaana u markhaati kacaysa in Haamaan dhismaha shaqadiisu ahayd.

Wuxuu yidhi Fircoon “Madax yahay idiinma ogi ilaah aan aniga ahay, Haamaanoow waxaad shiddaa dab, waxaad iga dhistaa dhoobada fooq sare, si aan u koro oo usoo eego Ilaaha Muuse, waxa aan u malaynayaa in uu been sheegayo’e” (Suuradda Qasas aayadeeda 38aad)

Geba gebadii, jiritaanka magaca Haamaan ee laga helay qoraalkii hore ee Masaaridu, geliya masoo afjarin sheegashadii Qur’aanka lagu sheegay in uu been yahay la iska qoray, laakiin waxaa intaas dheer oo cad in Qur’aanku ka yimid xagga rabbi. Si mucjiso ah, Qur’aanku wuxuu inna siiyey xogo taariikheed aan aad loo fahmin markii Qur’aanku soo degayey ee Nebi Maxamed Noolaa (Nabad geliyo iyo Naxariisi kor kiisa ha ahaatee).

Derejooyinka Madaxdii Masaarida Ee Qur’aanka Ku Jira

Titles of Egyptian Rulers in the Qur'an

Muuse ma ahayn Nebiga keliya oo ku noolaa waddanka Masar, xiligii Masaaridii hore. Nebi Yuusuf ayaa ku noolaa waqti aad uga horeeyey xiligii Muuse.

Si siman ayeynu u eegaynaa marka aynu akhrinayno Nebi Muuse taariikhdiisa iyo Nebi Yuusuf taariikhdiisa. Marka aynu dhuganayno madaxdii waqtigii Nebi Yuusuf xukumaysay waddanka Masar waxaa Qur’aanka lagu sheegay (Malik) oo Qur’aanku u isticmaalay boqor.

“boqorku wuxuu yidhi ‘Ii keena (Yuusuf) waan soo dhowaysanayaaye, markii uu la hadlay waxa uu ku yidhi ‘maanta waxaad agtayada ka tahay mid la aaminay’. (Suuradda yuusuf aayadda 54aad)

Dhanka kale waqtigii Muuse waxaa madax ka ahaa sida Qur’aanku sheegay “Fircoon”.

>“Nebi Muuse waxa aanu siinnay Sagaal Aayadood oo cad cad, waydii reer Israa’iil, markii uu u yimid (Muuse) wuxuu ku yidhi Fircoon “Anigu waxaan kuu malaynayaa Muusoow in lagu sixray” (Suuradda Isra aayadeeda 101aad)

Taariikhda qoran ee maanta adduunyada taallaa waxa inna tusaysaa sababaha dhaqan kala duwannaanshaha boqoradaas. Kelmedda “Fircoon” asalkeeda waxa ay ka timid waxa loo bixin jiray qofka boqortooyo kasoo jeeda ee Qasriyada deggan dhaqanka Masaaridii hore. Qofka xukumayey boqortooyo guun ah lama siin jirin magacan, laakiin waxaa la siin jiray qofka shaqada hoggaaminta ka bilaabay boqortooyo cusub (New Kingdom). Xiligii taariikhda Masaarida. Dhaqankan waxaa lala bilaabay boqortooyadii 18th aad ee Masaarida (1539_1292 Ciise ka hor ) ilaa laga soo gaadhayey boqortooyadii 20th aad (945_730 Ciise hortiis) kelmedda ‘ Fircoon’ waxaa lagu bartay oo loola qabsaday Ixtiraam ahaan.

Hadaba, mucjisada dabeecadda Qur’aanku waxa ay inna tusaysaa in Nebi Yuusuf waqigiisi ay jirtay boqortooyo gabawday oo guun ahayd, sidaa darteed waqtigaas loo isticmaali jiray boqorka “Malik” halkii laga isticmaali lahaa “Fircoon” sidaas oo kale uu Muuse xiligiisi la bilowday boqortooyo cusub, boqortooyadaas cusubna madaxdeedu noqonayso ‘Fircoon’

shaki kuma jiro in qof aqoon u leh taariikhda Masar oo keliya uu sidan u kala saari karo. Si kastaba ha ahaatee taariikhda Masar waxa ay luntay oo la iska ilaaway xilli ku beegan qarnigii 4th aad. Sidaa darteed Hieroglyphics-kiina wixii fahmayey ay iska cidhib go’een. Dibna aan loo soo saarin ilaa laga soo gaadho qarnigii 19th aad. Sidaa darteed ma ay jirin aqoon gun-dheer oo loo lahaa taariikhda Masaarida waqtigii Qur’aanku soo degay. Tanina waa mid ka mida mucjisooyinka aan tirada lahayn ee Qur’aanka caddaynaya in uu xagga Ilaahay ka yimid.

Footnotes

22.Walter Wreszinski, Aegyptische Inschriften aus dem K.K. Hof Museum in Wien, 1906, J. C. Hinrichs' sche Buchhandlung

23.Hermann Ranke, Die Ägyptischen Personennamen, Verzeichnis der Namen, Verlag Von J. J. Augustin in Glückstadt, Band I, 1935, Band II, 1952