10. Yunus - Quraanka
- 1. Kalimada hore waxay ku tusin Mucjisada Quraanka, Taasin waa Aayaadka Kitaabka falkasan.
- 2. Dadka ma waxaa la yaab ku Noqotay inaan u waxyoon Nin ka mida u Dig Dadka, uguna Bishaaree kuwa Rumeeyey inay ku leeyihiin Camal fiican Eebahood agtiisa, waxay Dheheen Gaaladiina kani waa Sixirrow Cad.
- 3. Eebihiin waa kan ku Abuuray Samooyinka iyo Dhulka Lix Maalmood markaas ku istiwooday Carshiga Isagaana maamula Amarka wax Shafeecina Idinkiisa la`aantiisa ma jiro, Kaasi waa Eebihiinna idin Barbaariya ee Caabuda, Miyeydaan wax Xusuusanayn.
- 4. Xaggiisaa laydiin Celin Dhammaan Yabooha Eebena waa Xaq, Eebaa Billaaba Abuurka Haddana soo Celin inuu ku Abaal mariyo kuwa Rumeeyey (Xaqa) oo falay Camal Fiican, si Caddaalada, kuwa Gaaloobayna waxaa u Sugnaaday Cabbid kulul iyo Cadaab Daran Gaalnimadoodai Darteed.
- 5. Eebe waa kan ka yeelay Qorraxda Ifid Dayaxana Nuur una Qaddaray Meelo ay Socdaan, inaad Ogaataan Tirada Sanooyinka iyo Xisaabta wuxuu u Ahuuray Eebe Arrintaas Xaq Wuxuuna u Caddayn Aayaadka Ciddii wax Og.
- 6. Ishadalka Habeenka iyo Maalinta iyo Abuurka Eebe ee Samooyinka iyo Dhulka aayadbaa ugu sugan Ciddii Dhawrsan.
- 7. Kuwaan Rajaynayn la Kulankanaga kuna Raalli Noqday Nolosha Dhaw kuna Xasilay iyo kuwa Halmaansan Aayaadkannaga.