20. Taha - Quraanka
- 1. Dhaahaa (Nabiyow) micna kalana
- 2. maanaan dejin korkaaga Quraanka inaad ku Dhibbooto.
- 3. waase waanada Ciddii cabsan.
- 4. waana soo dejinta Eebaha Abuuray Dhulka iyo Samooyinka sare.
- 5. Eebaha Raxmaana Carshiguu ku Istawooday (si u cunanta).
- 6. waxaana u sugnaaday waxa Samooyinka iyo Dhulka ku sugan iyo waxa u dhaxeeya iyo waxa ka hooseeya Dhulka.
- 7. haddaad kor u Qaaddo Hadalka Eebe waa ogyahay waxa qarsoon iyo waxa la qariyey.
- 8. Eebe Ilaah kale ma jiro isaga mooye, waxaana u sugnaaday Magacyo Fiican.
- 9. ma ku soo Gaadhay warkii (Nabi) Muuse.