HARUN YAHYA
Somali
SO
QURAANKA
An-Naba
1. Maxay iska waydiinayaan (Gaaladu).
2. Warkii waynaa xaggiisa (Qiyayaamada ama Quraanka).
3. Ay isku diiddanaayeen.
4. Saas ma aha ee way ogaan donaan.
5. Haddana way ogaandoonaan (wa xa ka dhaca).
6. Miyaannaan Dhulka gogol ka yeelin.
7. Buurahana Rukummo (ka yeelin).
8. Miyannaan idinka Abuurina Noocyo.
9. Miyannaan Hurdada Raaxo idiinka dhigin.
10. Miyaannaan Habeenka asturaal idiinka dhigin.
11. Miyaannaan Maalinta waqti shaqo idiinka dhigin.
12. Korkiinna miyaannaan ka dhisin Tooddoba xoog leh.
13. Miyaannaan dhexdeeda yeelin Sirraad aad u ifi (Qorraxda).
14. Waxaan idiinka soodajinnay daruuraha biyo badan.
15. Si aan ugu soo bixinno Midho iyo Daaq.
16. Iyo Beero kulansan (badan).
17. Maalinta kalabuxu waxay leedahay waqtu go`an.
18. Waana Maalinta Suurka la afuufi ood u imanaysaan Kooxo.
19. Samadana waa la furi waxayna yeelan Albaabo.
20. Buurahana waa la kaxayn waxayna noqon Dhalanteed.
21. Naarta Jahannamana waxay u darbantahay.
22. (Gaalada) Xadgudbay meelay u noqdaan.
23. Waxayna ku nagaan Dhexdeeda Sanooyin.
24. Mana ku dhadhamiyaan dhexdeeda qabaw (ama Hurdo) ama Cabbid midna.
25. Waxaan ahayn biyo kulul iyo Dhacaanka (ehlu Naarka).
26. Waxaana lagu abaalmariyay si waafaqsan Camalkoodii.
27. Waxayna ahaayeen kuwa aan ka yaabaynin xisaab.
28. Waxayna beeniyeen Aayaadkannaga.
29. Wax walbana waxaan ku koobnay Kitaab.
30. Ee dhadhamiya Caddibaad Gaalooy waxaan caddibaad ahayn idiin kordhinmaynee.
31. Kuwa Eebe ka dhawrsada waxay leeyihiin liibaan.
32. Beero iyo Cinabyana way heli.
33. Waxayna Guursan Haween da`yar oo isle eg.
34. Waxayna heli Cabbid wanaagsan.
35. Jannada kuma dhexmaqlaan hadal macna la`aan ah iyo is beenin midna.
36. Waa abaalmarin Eebe uu siiyay oo ku filan.
37. Eebaha Samada iyo Dhulka iyo waxa u dhexeeya waa Allaha Raxmaan ah, Hadal wax ku soocelinna ma jiro (Qiyaamada).
38. Maalinta Jibriil iyo Malaa`igtu Saf istaagi wax hadli ma jiro Ruux Eebe idmo mooyee oo Hadal xaq ah ku hadla.
39. Maalintaasi waa sugantahay ee Ruuxii doona Eebe xaggiisa meeluu ku noqdo ha ka samaysto.
40. Waxaannu idiinka digaynaa Cadibaad dhaw Maalinta uu arki Ruux walba waxay Gacmihiisu hor marsadeen, Gaalkuna uu dhihi Shallaytadaydee maan Carro noqdo.
SHARE
1. Al-Fatihah
2. Al Baqara
3. Ali `Imran
4. An-Nisa
5. Al-Ma`idah
6. Al-An`am
7. Al-A`raf
8. Al-Anfal
9. At-Tawbah
10. Yunus
11. Hud
12. Yusuf
13. Ar-Ra`d
14. Ibrahim
15. Al-Hijr
16. An-Nahl
17. Al-Isra
18. Al-Kahf
19. Maryam
20. Taha
21. Al-Anbya
22. Al-Haj
23. Al-Mu`minun
24. An-Nur
25. Al-Furqan
26. Ash-Shu`ara
27. An-Naml
28. Al-Qasas
29. Al-`Ankabut
30. Ar-Rum
31. Luqman
32. As-Sajdah
33. Al-Ahzab
34. Saba
35. Faatir
36. Ya-Sin
37. As-Saffat
38. Sad
39. Az-Zumar
40. Ghafir
41. Fussilat
42. sh-Shuraa
43. Az-Zukhruf
44. Ad-Dukhan
45. Al-Jathiyah
46. Al-Ahqaf
47. Muhammad
48. Al-Fath
49. Al-Hujurat
50. Qaf
51. Adh-Dhariyat
52. At-Tur
53. An-Najm
54. Al-Qamar
55. Ar-Rahman
56. Al-Waqi`ah
57. Al-Hadid
58. Al-Mujadila
59. Al-Hashr
60. Al-Mumtahanah
61. As-Saf
62. Al-Jumu`ah
63. Al-Munafiqun
64. At-Taghabun
65. At-Talaq
66. At-Tahrim
67. Al-Mulk
68. Al-Qalam
69. Al-Haqqah
70. Al-Ma`arij
71. Nuh
72. Al-Jinn
73. Al-Muzzammil
74. Al-Muddaththir
75. Al-Qiyamah
76. Al-Insan
77. Al-Mursalat
78. An-Naba
79. An-Nazi`at
80. Abasa
81. At-Takwir
82. Al-Infitar
83. Al-Mutaffifin
84. Al-Inshiqaq
85. Al-Buruj
86. At-Tariq
87. Al-A`la
88. Al-Ghashiyah
89. Al-Fajr
90. Al-Balad
91. Ash-Shams
92. Al-Layl
93. Ad-Duhaa
94. Ash-Sharh
95. At-Tin
96. Al-`Alaq
97. Al-Qadr
98. Al-Bayyinah
99. Az-Zalzalah
100. Al-`Adiyat
101. Al-Qari`ah
102. At-Takathur
103. Al-`Asr
104. Al-Humazah
105. Al-Fil
106. Quraysh
107. Al-Ma`un
108. Al-Kawthar
109. Al-Kafirun
110. An-Nasr
111. Al-Masad
112. Al-Ikhlas
113. Al-Falaq
114. An-Nas