logo HARUN YAHYA

An-Naba - QURAANKA - Haaruun Yaxya

  • 1. Maxay iska waydiinayaan (Gaaladu).
  • 2. Warkii waynaa xaggiisa (Qiyayaamada ama Quraanka).
  • 3. Ay isku diiddanaayeen.
  • 4. Saas ma aha ee way ogaan donaan.
  • 5. Haddana way ogaandoonaan (wa xa ka dhaca).
  • 6. Miyaannaan Dhulka gogol ka yeelin.
  • 7. Buurahana Rukummo (ka yeelin).
  • 8. Miyannaan idinka Abuurina Noocyo.
  • 9. Miyannaan Hurdada Raaxo idiinka dhigin.
  • 10. Miyaannaan Habeenka asturaal idiinka dhigin.
  • 11. Miyaannaan Maalinta waqti shaqo idiinka dhigin.
  • 12. Korkiinna miyaannaan ka dhisin Tooddoba xoog leh.
  • 13. Miyaannaan dhexdeeda yeelin Sirraad aad u ifi (Qorraxda).
  • 14. Waxaan idiinka soodajinnay daruuraha biyo badan.
  • 15. Si aan ugu soo bixinno Midho iyo Daaq.
  • 16. Iyo Beero kulansan (badan).
  • 17. Maalinta kalabuxu waxay leedahay waqtu go`an.
  • 18. Waana Maalinta Suurka la afuufi ood u imanaysaan Kooxo.
  • 19. Samadana waa la furi waxayna yeelan Albaabo.
  • 20. Buurahana waa la kaxayn waxayna noqon Dhalanteed.
  • 21. Naarta Jahannamana waxay u darbantahay.
  • 22. (Gaalada) Xadgudbay meelay u noqdaan.
  • 23. Waxayna ku nagaan Dhexdeeda Sanooyin.
  • 24. Mana ku dhadhamiyaan dhexdeeda qabaw (ama Hurdo) ama Cabbid midna.
  • 25. Waxaan ahayn biyo kulul iyo Dhacaanka (ehlu Naarka).
  • 26. Waxaana lagu abaalmariyay si waafaqsan Camalkoodii.
  • 27. Waxayna ahaayeen kuwa aan ka yaabaynin xisaab.
  • 28. Waxayna beeniyeen Aayaadkannaga.
  • 29. Wax walbana waxaan ku koobnay Kitaab.
  • 30. Ee dhadhamiya Caddibaad Gaalooy waxaan caddibaad ahayn idiin kordhinmaynee.
  • 31. Kuwa Eebe ka dhawrsada waxay leeyihiin liibaan.
  • 32. Beero iyo Cinabyana way heli.
  • 33. Waxayna Guursan Haween da`yar oo isle eg.
  • 34. Waxayna heli Cabbid wanaagsan.
  • 35. Jannada kuma dhexmaqlaan hadal macna la`aan ah iyo is beenin midna.
  • 36. Waa abaalmarin Eebe uu siiyay oo ku filan.
  • 37. Eebaha Samada iyo Dhulka iyo waxa u dhexeeya waa Allaha Raxmaan ah, Hadal wax ku soocelinna ma jiro (Qiyaamada).
  • 38. Maalinta Jibriil iyo Malaa`igtu Saf istaagi wax hadli ma jiro Ruux Eebe idmo mooyee oo Hadal xaq ah ku hadla.
  • 39. Maalintaasi waa sugantahay ee Ruuxii doona Eebe xaggiisa meeluu ku noqdo ha ka samaysto.
  • 40. Waxaannu idiinka digaynaa Cadibaad dhaw Maalinta uu arki Ruux walba waxay Gacmihiisu hor marsadeen, Gaalkuna uu dhihi Shallaytadaydee maan Carro noqdo.
SHARE
Facebook
X
WhatsApp
Telegram
QR Code
QR Code