Al-Muddaththir - QURAANKA - Haaruun Yaxya
-
1. (Nabiga) Isadadayow.
-
2. Istaag oo dig.
-
3. Eebahaana waynee.
-
4. Dharkaagana daahiri.
-
5. Xumuuntana ka hijroo (iyo Sanamyada).
-
6. Hana ku mannaysan Adoo Badsan (waxaad Bixisay).
-
7. Eebahaa Dartiisna u Samir.
-
8. Marka Suurka (yiaame) la Afuufo.
-
9. Maalintaasu waa maalin ku Daran.
-
10. Gaalada oon u Fududayn.
-
11. Isukaanna daa Aniga iyo kaan Abuuray isaga oo kaligiisa.
-
12. Una yeelay Xoolo Badan.
-
13. Iyo Wilaal Jooga oo «Darban».
-
14. Aan una waasiciyay Risqiga.
-
15. Oo haddana sii damci inaan u Badiyo.
-
16. Saas ma aha, ee kaas wuxuu diiday Aayaadkannaga.
-
17. Waxaana ku kalligi (Ku Dhibi) Cadaab daran.
-
18. Gaalkaasu wuu Fikiray waxbuuna Goostay.
-
19. Waxaana loo Lacnaday Siduu wax u goostay.
-
20. Haddana waxaa loo Lacnaday siduu wax u goostay.
-
21. Kadib wuxuu eebay (si uu Quraanka u wax yeeleeyo).
-
22. Wuuna Waji Macbuusay oo Uruuriyay.
-
23. Markaasuu jeedsaday oo is Kibriyay.
-
24. Isagoo Dhihi quraankani ma aha waxaan sixir la soo Guuriyay ahayn.
-
25. quraankani ma aha waxaan hadal Bashar ahayn.
-
26. waxaannu galin kaas (Naarta) saqara.
-
27. Ma taqaannaa Naarta Saqara.
-
28. Hilib iyo laf midna ma Reebto.
-
29. waxayna Doorisaa jidhka (oy Gubtaa).
-
30. waxaana kor jooga (ka shaqeeya) sagaal iyo toban malag (ama saf).
-
31. Ugama Aannaan yeelin naarta kuwa ka shaqeeya malaa`ig, tirana uma aannaan yeelin inay Gaaladu ku fidnoobaan Mooyeen, iyo inay yaqiin sadaan kuwa Kitaabka la siiyay, iyo inay kordhistaan kuwii xaqa Rumeeyay Iimaan, ayna shakiyiinna kuwii Kitaab- ka la siiyay iyo Mu`miniintu, iyo inay Dhahaan kuwa Qalbiga ka buka iyo Gaaladu Eebe muxuu uga Jeedaa Tusaalahan, saasaa Eebe u dhumiyaa Ruuxuu Doono, una Hanuuniyaa Ruuxuu Doono, wax og junuuda Eebe oon isaga Ahaynna ma jiro, waxaan la soo Sheegayna ma aha waano Dadka Mooyee.
-
32. Waxaa sugan dayaxa ku Dhaartaye.
-
33. Iyo Habeenku Markuu Jeedsado.
-
34. Iyo Subaxu markuu iftiimo.
-
35. Ee Naarta Saqara waa waxyaalaha waawayn Midkood (Balaayooyinka).
-
36. Waana Digniinta Dadka.
-
37. Ruuxii Doona inuu Hormaro, iyo Ruuxii Doona inuu dib dhaco, (waa Loodigay).
-
38. Naf walba waxay u xidhantahay waxay Camal fashay.
-
39. Hase yeeshee kuwa Midigta mari (Ehlu khayrka).
-
40. Waxay gali Jannooyin, waxayna iswaydiin.
-
41. Dambiilayaasha.
-
42. Iyagoo ku dhihi Maxaa idin Galiyay Naarta saqara.
-
43. Waxayna ugu Jawabi ka mid ma`aannaan ahayn kuwa Tukada.
-
44. Mana aannaan ahayn kuwa Quudiya Miskiinka.
-
45. Waxaana ahayn kuwa la dhumbada kuwa xumaanta Dumban.
-
46. Waxaana ahayn kuwa beeniya Maalinta Abaalmarinta (Qiyaamada).
-
47. Ilaa ay Dhabtu Nooga Timaado (Geeridu).
-
48. Ma anfacayso kuwaas Shafeecada kuwa Shafeeca.
-
49. Maxaase u sugnaaday iy waanada uga Jeedsadaan.
-
50. ood u moodaa Dameero Diday.
-
51. oo ka Cararay libaax.
-
52. Haddana wuxuu dooni midkasta oo ka mida warqado Qoran (kitaab).
-
53. Saas ma aha Ee kama yaabayaan Aakhiro.
-
54. Waxaa sugan in Quraanku waana yahay.
-
55. Ruuxii Doona yaana waantoobi.
-
56. Mana Waantoobayaan in Eebe Doona Mooyee, Eebana wuxuu mutaa in laga Dhawrsado, wuxuuna Ehel u yahay inii Dambi Dhaafo.
SHARE
1
Al-Fatihah
2
Al Baqara
3
Ali `Imran
4
An-Nisa
5
Al-Ma`idah
6
Al-An`am
7
Al-A`raf
8
Al-Anfal
9
At-Tawbah
10
Yunus
11
Hud
12
Yusuf
13
Ar-Ra`d
14
Ibrahim
15
Al-Hijr
16
An-Nahl
17
Al-Isra
18
Al-Kahf
19
Maryam
20
Taha
21
Al-Anbya
22
Al-Haj
23
Al-Mu`minun
24
An-Nur
25
Al-Furqan
26
Ash-Shu`ara
27
An-Naml
28
Al-Qasas
29
Al-`Ankabut
30
Ar-Rum
31
Luqman
32
As-Sajdah
33
Al-Ahzab
34
Saba
35
Faatir
36
Ya-Sin
37
As-Saffat
38
Sad
39
Az-Zumar
40
Ghafir
41
Fussilat
42
sh-Shuraa
43
Az-Zukhruf
44
Ad-Dukhan
45
Al-Jathiyah
46
Al-Ahqaf
47
Muhammad
48
Al-Fath
49
Al-Hujurat
50
Qaf
51
Adh-Dhariyat
52
At-Tur
53
An-Najm
54
Al-Qamar
55
Ar-Rahman
56
Al-Waqi`ah
57
Al-Hadid
58
Al-Mujadila
59
Al-Hashr
60
Al-Mumtahanah
61
As-Saf
62
Al-Jumu`ah
63
Al-Munafiqun
64
At-Taghabun
65
At-Talaq
66
At-Tahrim
67
Al-Mulk
68
Al-Qalam
69
Al-Haqqah
70
Al-Ma`arij
71
Nuh
72
Al-Jinn
73
Al-Muzzammil
74
Al-Muddaththir
75
Al-Qiyamah
76
Al-Insan
77
Al-Mursalat
78
An-Naba
79
An-Nazi`at
80
Abasa
81
At-Takwir
82
Al-Infitar
83
Al-Mutaffifin
84
Al-Inshiqaq
85
Al-Buruj
86
At-Tariq
87
Al-A`la
88
Al-Ghashiyah
89
Al-Fajr
90
Al-Balad
91
Ash-Shams
92
Al-Layl
93
Ad-Duhaa
94
Ash-Sharh
95
At-Tin
96
Al-`Alaq
97
Al-Qadr
98
Al-Bayyinah
99
Az-Zalzalah
100
Al-`Adiyat
101
Al-Qari`ah
102
At-Takathur
103
Al-`Asr
104
Al-Humazah
105
Al-Fil
106
Quraysh
107
Al-Ma`un
108
Al-Kawthar
109
Al-Kafirun
110
An-Nasr
111
Al-Masad
112
Al-Ikhlas
113
Al-Falaq
114
An-Nas