113. Al-Falaq - Quraanka
- 1. Waxaad dhahdaa (Nabiyow) waxaan ka magangalay Eebeha Subaxa (abuuray).
- 2. Wixii shar leh sharkiisa.
- 3. Iyo Habeenka sharkiisa markuu madoobaado.
- 4. Iyo sharka Sixirrowga wax ku tufa guntimaha.
- 5. Iyo sharka Xaasidka wax Xasda.