• 1. Ma ku soo gadhay Qiyaamada warkeedii.

  • 2. Wajiyaal Maalintaas way dullaysnaan.

  • 3. Waxayna qaban Shaqo dhib ah.

  • 4. Waxayna gali Naar kulul.

  • 5. Waxaana laga waraabin il kulayl daran.

  • 6. Wax cunto ahna kama helaan oon ahayn cunno xun (oo wax dhibta).

  • 7. Taasoon waxna cayilinhaynin Gaajana wax ka taraynin.

  • 8. Wajiyaalna maalintaas way Nicmaysnaan (Waa mu`miniinta).

  • 9. Waxayna ka raalli noqotay camalkeedii.

  • 10. Janno sarana way gali.

  • 11. Kumana maqasho Jannada hadal macna darro.

  • 12. Waxaana ah dhexdeed il socota.

  • 13. iyo Sariiro la koryeelay.

  • 14. Iyo koobab la hor dhigay (ehlu Jannaha).

  • 15. Iyo Barkimooyin la safay.

  • 16. Iyo gogol la fidiyay.

  • 17. Miyayna fiirinaynin sida Deela loo abuuray.

  • 18. Iyo sida Samada loo koryeelay.

  • 19. Iyo sida Ruuraha loo taagay,

  • 20. Iyo sida dhulka loo fidiyay.

  • 21. Ee Waani dadka waxaad tahay waaniyee (Nabiyow).

  • 22. Mana tihid mid xoog ku leh (qasab).

  • 23. Hase yeeshee Ruuxii xaqa ka jeedsada oo Gaalooba (ku soo celi xaqa).

  • 24. Eebana wuu caddibi Caddibaadda u wayn.

  • 25. Xagganagayna u soo noqon (khalqigu).

  • 26. Annagaana xisaabin.