logo HARUN YAHYA

Al-Ghashiyah - QURAANKA - Haaruun Yaxya

  • 1. Ma ku soo gadhay Qiyaamada warkeedii.
  • 2. Wajiyaal Maalintaas way dullaysnaan.
  • 3. Waxayna qaban Shaqo dhib ah.
  • 4. Waxayna gali Naar kulul.
  • 5. Waxaana laga waraabin il kulayl daran.
  • 6. Wax cunto ahna kama helaan oon ahayn cunno xun (oo wax dhibta).
  • 7. Taasoon waxna cayilinhaynin Gaajana wax ka taraynin.
  • 8. Wajiyaalna maalintaas way Nicmaysnaan (Waa mu`miniinta).
  • 9. Waxayna ka raalli noqotay camalkeedii.
  • 10. Janno sarana way gali.
  • 11. Kumana maqasho Jannada hadal macna darro.
  • 12. Waxaana ah dhexdeed il socota.
  • 13. iyo Sariiro la koryeelay.
  • 14. Iyo koobab la hor dhigay (ehlu Jannaha).
  • 15. Iyo Barkimooyin la safay.
  • 16. Iyo gogol la fidiyay.
  • 17. Miyayna fiirinaynin sida Deela loo abuuray.
  • 18. Iyo sida Samada loo koryeelay.
  • 19. Iyo sida Ruuraha loo taagay,
  • 20. Iyo sida dhulka loo fidiyay.
  • 21. Ee Waani dadka waxaad tahay waaniyee (Nabiyow).
  • 22. Mana tihid mid xoog ku leh (qasab).
  • 23. Hase yeeshee Ruuxii xaqa ka jeedsada oo Gaalooba (ku soo celi xaqa).
  • 24. Eebana wuu caddibi Caddibaadda u wayn.
  • 25. Xagganagayna u soo noqon (khalqigu).
  • 26. Annagaana xisaabin.
SHARE
Facebook
X
WhatsApp
Telegram
QR Code
QR Code