• 1. Eebe wuxuu ku dhaartay dabaysha (Carrada kicisa).

  • 2. Iyo daruurta xambaarta culayska (Roobka).

  • 3. iyo doonnida sida fudud u socota.

  • 4. Iyo Malaa`igta amarka qaybisa.

  • 5. Ee dadow waxa laydiinku goodin waa run.

  • 6. Abaalmarintuna waa sugantahay.

  • 7. Samada yuu Eebe ku dhaartay ee quruxda iyo waddooyinka leh.

  • 8. Ee dadow waxaad ku sugantihiin hadal is khilaafsan.

  • 9. Iimaankana waxaa laga iilaa ruux dhumay.

  • 10. Waxaana la nacladay Beenalayaasha.

  • 11. Ee ah kuwa xumaantooda (baadinimadooda) ku dhexhilmaansan.

  • 12. waxay waydiin goorta abaalmarinta (qiyaamada).

  • 13. Waana maalinta naarta lagu gubi.

  • 14. Laguna dhihi dhadhamiya caddibaddii aad dadajisanayseen.

  • 15. Kuwa dhawrsaday waxay ku sugnaan Jannooyin iyo Ilo.

  • 16. Iyagoo qaadan waxa Eebe siiyay, maxaayeelay waxay ahaayeen horay kuwo wanaag fala.

  • 17. Waxayna ahaayeen kuwo wax yar Habeenkii seexda.

  • 18. Waagana way dambi dhaaf waydiisanayeen.

  • 19. Xoolohoodana xaq bay ku leeyihiin kuwa waydiista iyo kadhibaataysan.

  • 20. Dhulkana waxaa ugu sugan calaamooyin kuwa wax yaqiinin.

  • 21. Naftiinna miyaydaan arkaynin (waana qaadasho).

  • 22. Samada yuuna jiraa risqigiinnu iyo waxa laydiin yaboohi.

  • 23. Ebaha Cirka iyo dhulka yaan ku dhaarannaye waxa quraanku sheegi waa suganyahay sida hadalkiinna oo kale.

  • 24. Ma ku soo gaadhay warkii martidii (Nabi) Ibraahiim ee sharafta lahayd.

  • 25. Markay salaameenna, isna uu salaantii ka celiyey yidhi waxaad tihiin kuwo aan la oqoonnin.

  • 26. Markaasu aaday ehelkiisii lana yimid Dibi shilis (una gawracay).

  • 27. Una soo dhaweeyay isagoo ku leh maxaad u cuni waydeen.

  • 28. Wuxuuna naftiisa ka kasay cabsi xaggooda ah, waxayna ku dheheen ha cabsanin, waxayna ugu bishaareeyeen wiil cilmi yeelan,

  • 29. Markaasay soo qaabishay haweenaydiisii iyadoo ku qaylyi wajigana garaaci Ma Habar mandhalays ah (yaa wax dhali).

  • 30. waxayna ku dheheen xaalku waa saas, Eebahaaga falkasan ee waxwalba og yaa yidhi

  • 31. (Nabi Ibraahim) wuxuu ku yidhi xaalkiinnu see yahay kuwayohow la soo diray.

  • 32. Waxayna dheheen waxaa lanoo soo diray qoon dambiilayaal ah.

  • 33. Si aan ugu soo dirro korkooda dhagaxyo dhoobo (kulul).

  • 34. Oo Eebe agtiisa loogu calaameeyay kuwa xadgudbay.

  • 35. Markaasaan ka bixinnay kuwii mu`miniinta ahaa oo ku dhexjiray.

  • 36. kamana aannaan helin waxaan halguri oo muslin ah ahayn.

  • 37. Waxaana kaga tagnay dhexdeeda calaamad (ay ku waana qaatan) kuwa ka cabsan caddibaad daran.

  • 38. (Nabi) Muusana calaamo lagu waana qaatu ahaa markaan u dirray Fircoon isagoo wata xujo cad.

  • 39. Wuuna jeedsaday isagoo la jira colkiisii, wuxuuna ku yidhi waa Saaxir ama waa waalanyahay.

  • 40. Markaasaan qabannay (ciqaabnay) isaga iyo Askartiisiiba, waxaana ku tuurray Badda isagoo la dagaalay.

  • 41. Ree Caadna (calaamo lagu waana qaato yaa ku sugan) markaan ku dirray dabayl wax halaagta.

  • 42. Wax kasta oy martana ka dhigi wax tirtiran.

  • 43. Ree Thamuudna (Calaamo lagu waana qaato yaa ku sugan) markii lagu yidhi taaxaysta ilaa waqti.

  • 44. Waxayna iska kibriyeen amarkii Eebe, waxaana qabtay Qaylo daran iyagoo eegi.

  • 45. Mana ayna karin kicid, isumana ayna gargaarin.

  • 46. (Nabi) Nuux qoomkiisiina waa horreeyeen, waxayna ahaayeen kuwo faasiqiin ah,

  • 47. Samada annagaa u dhisnay si xoog ah, waana waasicinnay.

  • 48. Dhulkana waan gogollay cid wax gogoshana annagaa u fiican (Eebe).

  • 49. Waxwalbana waxaan ka abuurray laba nooc, si aad ugu waana qaadataan.

  • 50. Ee Eebe u carara (toobad keena), waxaana idiin ahay dige cade (muuqda).

  • 51. Hana yeelina Eebe miciisa ilaah kale, waxaan idiin ahay dige cade;.

  • 52. Xaalku waa saas, Gaaladii ReeMakaad ka horreysayna markastoo Rasuul uyimaado waxay dhihi jireen waa Saaxir ama waa waalanyahay.

  • 53. Miyay isu dardaarmeen arrintaas, waase qoom xadgudbay.

  • 54. Ee Nabiyow iskaga jeedsado xaggooda, ma tihid mid la dagaaliye (Eebe agtiisa).

  • 55. Ee wax waani, waanaduna waxay anfici mu`minintee.

  • 56. Jinni iyo Insi waxaan Cibaadadayda ahayn uma abuurin.

  • 57. Kamana doonaayo Risqi, iyo inay i quudiyaan.

  • 58. Illeen Eebe umbaa ah arsuqe xoogbadane.

  • 59. 59 Kuwii dulmiilowga ahaa waxaa u sugnaaday. Qyb (ciqaab ah) oo la mid ah tii saaxiibbadoodii (ka horreeyey) ee ha dadajisanin.

  • 60. Halaag wuxuu usugnaaday kuwii gaaloobay maalintoodii (Qiyaame) ee loogu yaboohay.