Adh-Dhariyat - QURAANKA - Haaruun Yaxya
-
1. Eebe wuxuu ku dhaartay dabaysha (Carrada kicisa).
-
2. Iyo daruurta xambaarta culayska (Roobka).
-
3. iyo doonnida sida fudud u socota.
-
4. Iyo Malaa`igta amarka qaybisa.
-
5. Ee dadow waxa laydiinku goodin waa run.
-
6. Abaalmarintuna waa sugantahay.
-
7. Samada yuu Eebe ku dhaartay ee quruxda iyo waddooyinka leh.
-
8. Ee dadow waxaad ku sugantihiin hadal is khilaafsan.
-
9. Iimaankana waxaa laga iilaa ruux dhumay.
-
10. Waxaana la nacladay Beenalayaasha.
-
11. Ee ah kuwa xumaantooda (baadinimadooda) ku dhexhilmaansan.
-
12. waxay waydiin goorta abaalmarinta (qiyaamada).
-
13. Waana maalinta naarta lagu gubi.
-
14. Laguna dhihi dhadhamiya caddibaddii aad dadajisanayseen.
-
15. Kuwa dhawrsaday waxay ku sugnaan Jannooyin iyo Ilo.
-
16. Iyagoo qaadan waxa Eebe siiyay, maxaayeelay waxay ahaayeen horay kuwo wanaag fala.
-
17. Waxayna ahaayeen kuwo wax yar Habeenkii seexda.
-
18. Waagana way dambi dhaaf waydiisanayeen.
-
19. Xoolohoodana xaq bay ku leeyihiin kuwa waydiista iyo kadhibaataysan.
-
20. Dhulkana waxaa ugu sugan calaamooyin kuwa wax yaqiinin.
-
21. Naftiinna miyaydaan arkaynin (waana qaadasho).
-
22. Samada yuuna jiraa risqigiinnu iyo waxa laydiin yaboohi.
-
23. Ebaha Cirka iyo dhulka yaan ku dhaarannaye waxa quraanku sheegi waa suganyahay sida hadalkiinna oo kale.
-
24. Ma ku soo gaadhay warkii martidii (Nabi) Ibraahiim ee sharafta lahayd.
-
25. Markay salaameenna, isna uu salaantii ka celiyey yidhi waxaad tihiin kuwo aan la oqoonnin.
-
26. Markaasu aaday ehelkiisii lana yimid Dibi shilis (una gawracay).
-
27. Una soo dhaweeyay isagoo ku leh maxaad u cuni waydeen.
-
28. Wuxuuna naftiisa ka kasay cabsi xaggooda ah, waxayna ku dheheen ha cabsanin, waxayna ugu bishaareeyeen wiil cilmi yeelan,
-
29. Markaasay soo qaabishay haweenaydiisii iyadoo ku qaylyi wajigana garaaci Ma Habar mandhalays ah (yaa wax dhali).
-
30. waxayna ku dheheen xaalku waa saas, Eebahaaga falkasan ee waxwalba og yaa yidhi
-
31. (Nabi Ibraahim) wuxuu ku yidhi xaalkiinnu see yahay kuwayohow la soo diray.
-
32. Waxayna dheheen waxaa lanoo soo diray qoon dambiilayaal ah.
-
33. Si aan ugu soo dirro korkooda dhagaxyo dhoobo (kulul).
-
34. Oo Eebe agtiisa loogu calaameeyay kuwa xadgudbay.
-
35. Markaasaan ka bixinnay kuwii mu`miniinta ahaa oo ku dhexjiray.
-
36. kamana aannaan helin waxaan halguri oo muslin ah ahayn.
-
37. Waxaana kaga tagnay dhexdeeda calaamad (ay ku waana qaatan) kuwa ka cabsan caddibaad daran.
-
38. (Nabi) Muusana calaamo lagu waana qaatu ahaa markaan u dirray Fircoon isagoo wata xujo cad.
-
39. Wuuna jeedsaday isagoo la jira colkiisii, wuxuuna ku yidhi waa Saaxir ama waa waalanyahay.
-
40. Markaasaan qabannay (ciqaabnay) isaga iyo Askartiisiiba, waxaana ku tuurray Badda isagoo la dagaalay.
-
41. Ree Caadna (calaamo lagu waana qaato yaa ku sugan) markaan ku dirray dabayl wax halaagta.
-
42. Wax kasta oy martana ka dhigi wax tirtiran.
-
43. Ree Thamuudna (Calaamo lagu waana qaato yaa ku sugan) markii lagu yidhi taaxaysta ilaa waqti.
-
44. Waxayna iska kibriyeen amarkii Eebe, waxaana qabtay Qaylo daran iyagoo eegi.
-
45. Mana ayna karin kicid, isumana ayna gargaarin.
-
46. (Nabi) Nuux qoomkiisiina waa horreeyeen, waxayna ahaayeen kuwo faasiqiin ah,
-
47. Samada annagaa u dhisnay si xoog ah, waana waasicinnay.
-
48. Dhulkana waan gogollay cid wax gogoshana annagaa u fiican (Eebe).
-
49. Waxwalbana waxaan ka abuurray laba nooc, si aad ugu waana qaadataan.
-
50. Ee Eebe u carara (toobad keena), waxaana idiin ahay dige cade (muuqda).
-
51. Hana yeelina Eebe miciisa ilaah kale, waxaan idiin ahay dige cade;.
-
52. Xaalku waa saas, Gaaladii ReeMakaad ka horreysayna markastoo Rasuul uyimaado waxay dhihi jireen waa Saaxir ama waa waalanyahay.
-
53. Miyay isu dardaarmeen arrintaas, waase qoom xadgudbay.
-
54. Ee Nabiyow iskaga jeedsado xaggooda, ma tihid mid la dagaaliye (Eebe agtiisa).
-
55. Ee wax waani, waanaduna waxay anfici mu`minintee.
-
56. Jinni iyo Insi waxaan Cibaadadayda ahayn uma abuurin.
-
57. Kamana doonaayo Risqi, iyo inay i quudiyaan.
-
58. Illeen Eebe umbaa ah arsuqe xoogbadane.
-
59. 59 Kuwii dulmiilowga ahaa waxaa u sugnaaday. Qyb (ciqaab ah) oo la mid ah tii saaxiibbadoodii (ka horreeyey) ee ha dadajisanin.
-
60. Halaag wuxuu usugnaaday kuwii gaaloobay maalintoodii (Qiyaame) ee loogu yaboohay.
SHARE
1
Al-Fatihah
2
Al Baqara
3
Ali `Imran
4
An-Nisa
5
Al-Ma`idah
6
Al-An`am
7
Al-A`raf
8
Al-Anfal
9
At-Tawbah
10
Yunus
11
Hud
12
Yusuf
13
Ar-Ra`d
14
Ibrahim
15
Al-Hijr
16
An-Nahl
17
Al-Isra
18
Al-Kahf
19
Maryam
20
Taha
21
Al-Anbya
22
Al-Haj
23
Al-Mu`minun
24
An-Nur
25
Al-Furqan
26
Ash-Shu`ara
27
An-Naml
28
Al-Qasas
29
Al-`Ankabut
30
Ar-Rum
31
Luqman
32
As-Sajdah
33
Al-Ahzab
34
Saba
35
Faatir
36
Ya-Sin
37
As-Saffat
38
Sad
39
Az-Zumar
40
Ghafir
41
Fussilat
42
sh-Shuraa
43
Az-Zukhruf
44
Ad-Dukhan
45
Al-Jathiyah
46
Al-Ahqaf
47
Muhammad
48
Al-Fath
49
Al-Hujurat
50
Qaf
51
Adh-Dhariyat
52
At-Tur
53
An-Najm
54
Al-Qamar
55
Ar-Rahman
56
Al-Waqi`ah
57
Al-Hadid
58
Al-Mujadila
59
Al-Hashr
60
Al-Mumtahanah
61
As-Saf
62
Al-Jumu`ah
63
Al-Munafiqun
64
At-Taghabun
65
At-Talaq
66
At-Tahrim
67
Al-Mulk
68
Al-Qalam
69
Al-Haqqah
70
Al-Ma`arij
71
Nuh
72
Al-Jinn
73
Al-Muzzammil
74
Al-Muddaththir
75
Al-Qiyamah
76
Al-Insan
77
Al-Mursalat
78
An-Naba
79
An-Nazi`at
80
Abasa
81
At-Takwir
82
Al-Infitar
83
Al-Mutaffifin
84
Al-Inshiqaq
85
Al-Buruj
86
At-Tariq
87
Al-A`la
88
Al-Ghashiyah
89
Al-Fajr
90
Al-Balad
91
Ash-Shams
92
Al-Layl
93
Ad-Duhaa
94
Ash-Sharh
95
At-Tin
96
Al-`Alaq
97
Al-Qadr
98
Al-Bayyinah
99
Az-Zalzalah
100
Al-`Adiyat
101
Al-Qari`ah
102
At-Takathur
103
Al-`Asr
104
Al-Humazah
105
Al-Fil
106
Quraysh
107
Al-Ma`un
108
Al-Kawthar
109
Al-Kafirun
110
An-Nasr
111
Al-Masad
112
Al-Ikhlas
113
Al-Falaq
114
An-Nas