At-Tur - QURAANKA - Haaruun Yaxya
-
1. (Eebe wuxuu ku dhaartay) Dhuurisiina.
-
2. Iyo Kitaabka la dhigay,
-
3. Oo ku qoran warqado la fidiyay.
-
4. Iyo Gurigii cammirraa (Beytulmacmuur).
-
5. IYo saanqaafka la koryeelay (cirka).
-
6. Iyo Baddii la kululeeyay.
-
7. Ee caddibaadda Eebe waa wax dhici (sugan).
-
8. wax celinna ma jiro.
-
9. Waxay dhici caddibaaddaas Maalinta Samadu wareegi.
-
10. Buuruhuna socon.
-
11. Halaagna waxaa iska leh maalintaas kuwa xaqa beeniyay.
-
12. Ee ah kuwa tiimbashada xumaanta ku dhex ciyaari.
-
13. Maalinta Naarta xoog loogu tuurina (waxa lagu dhihi).
-
14. Waatan Naartii aad beenin jirteen.
-
15. Ma sixirbaa, mase waxbaydaan arkayn.
-
16. Gala, ama samra ama ha samrine, waa isugu kiin mid, waxaa uun laydinka abaalmarin waxaad camal falayseen.
-
17. Kuwa Eebe ka dhawrsaday waxay gali Jannooyin iyo Nicmo.
-
18. Iyaga oo ku raaxaysan waxa Eebe siiyay, Eebohoodna wuxuu ka dhawray caddibaadda Jaxiiimo.
-
19. (Waxaana lagu dhihi) cuna oo cabba idinkoo shifaysan camalkiinnii dartiis.
-
20. Idinkoo ku dangiiga Sariiro la safay, waxaanna (Eebe) u guurin Haween Janno (Xuuralcayn).
-
21. Kuwa xaqa rumeeyay ee carurtooduna Iimaanka ka raacday waxaannu haleeshiin carruurtooda (Darajada iyo naxariista), camalkoodana waxba kama nusqaaminayno, Ruuxwalbana wuxuu kasbaday yuu u rahmanaan «u xidhnaani».
-
22. waxaannu u badinnay faakiho iyo Hilib oo ah waxay jecelyihiin.
-
23. Waxayna isku siin Jannada dhexdeeda (iyagoo sheekeysan) Weel (Macaan) kabuuxo, oon hadal xun iyo dambi midna lahayn.
-
24. Waxaana u adeegi wiilal aad moodo Jawhar la dhawray.
-
25. Qaarkood (ehlu-Jannaha) yaa qaarka kale qaabila iyagoo wax is waydiin.
-
26. Waxayna isu dheheen waxaan ahayn horay Adduunkii kuwo ehelkoodii dhexdiisa ku cabsada.
-
27. Eebaase nagu mannaystay (dambi dhaaf), wuxuuna naga dhawray caddibaadda Samuumka (Jahannama).
-
28. Waxaan ahayn horay kuwo barya Eebe, Ilaahayna waa Baarrii naxariista.
-
29. Ee waani (Nabiyow dadka), nicmada darteed ma tihid wax sheege iyo waalane midnee.
-
30. Mise waxay dhihi waa gabayaa ee aan la sugno Geerida.
-
31. Waxaad dhahdaa suga anna waan idin la sugiye.
-
32. Mise caqligooda (xun) yaa saas faray, ma aha ee waa Qoom xadgudbay.
-
33. Mise waxaydhihi isagaa abuurtay (Quraanka) waxba ma ayan rumeynin.
-
34. Ha la yimaadeen hadal la mid ah hadday Run sheegi.
-
35. Mise waxaa la abuuray abuure la`aan, mise iyagaa abuuray (naftooda).
-
36. Mise iyagaa Samaawaadka iyo Dhulka abuuray, saas ma aha ee wax ma ayan yaqiininin.
-
37. Mise agtoodaa khayraadka Eebe yaallaa, Mise iyagaa xisaabin dadka.
-
38. Mise waxay leeyihiin Sallaan ay wax ku Dhageeystaan, ha la yimaado kooda wax dhaagaystay xujo cad.
-
39. Mise Eebaa Gabdho u sugnaaday idinkana wiilal.
-
40. Mise waxaad warsan Nabiyow ujuuro, oo markaas ku cuslaatay.
-
41. Mise waxa maqanbaa agtooda ah oo ay qoraan.
-
42. Mise Dhagar Bay Rabaan, kuwa gaaloobay iyagaa dhakran.
-
43. Mise Ilaah Eebe ka soo hadlay leeyhiin, Eebaa ka fog waxay la wadaajiyeen «Ilaah-nimada».
-
44. Hadday arkaan goosin ka mid ah Samada oo soo dhacaysa waxay odhan waa Daruuro is dulsaaran (madax adayg dartiis).
-
45. Ee iskaga tag Nabiyow intay kala kulmaan maalinta dhexdeeda lagu halaagi doono.
-
46. Maalinta ayan dhagartoodu wax u taraynin wax u gargaarana uusan jirin.
-
47. Kuwa xad gudbay waxaa u sugnaaday caddibaad ka sokaysa (Qiyaamada), laakiin badankoodu ma oga.
-
48. Ee ku samir xukunka Eebahaa (Nabiyow) annagaa ku ilaalinaynee, kuna; tasbiixso oo ku mahadi Eebahaa markaad kici.
-
49. Habeenka qaarkiisna tuko, iyo marka xiddiguhu jeedsadaan.
SHARE
1
Al-Fatihah
2
Al Baqara
3
Ali `Imran
4
An-Nisa
5
Al-Ma`idah
6
Al-An`am
7
Al-A`raf
8
Al-Anfal
9
At-Tawbah
10
Yunus
11
Hud
12
Yusuf
13
Ar-Ra`d
14
Ibrahim
15
Al-Hijr
16
An-Nahl
17
Al-Isra
18
Al-Kahf
19
Maryam
20
Taha
21
Al-Anbya
22
Al-Haj
23
Al-Mu`minun
24
An-Nur
25
Al-Furqan
26
Ash-Shu`ara
27
An-Naml
28
Al-Qasas
29
Al-`Ankabut
30
Ar-Rum
31
Luqman
32
As-Sajdah
33
Al-Ahzab
34
Saba
35
Faatir
36
Ya-Sin
37
As-Saffat
38
Sad
39
Az-Zumar
40
Ghafir
41
Fussilat
42
sh-Shuraa
43
Az-Zukhruf
44
Ad-Dukhan
45
Al-Jathiyah
46
Al-Ahqaf
47
Muhammad
48
Al-Fath
49
Al-Hujurat
50
Qaf
51
Adh-Dhariyat
52
At-Tur
53
An-Najm
54
Al-Qamar
55
Ar-Rahman
56
Al-Waqi`ah
57
Al-Hadid
58
Al-Mujadila
59
Al-Hashr
60
Al-Mumtahanah
61
As-Saf
62
Al-Jumu`ah
63
Al-Munafiqun
64
At-Taghabun
65
At-Talaq
66
At-Tahrim
67
Al-Mulk
68
Al-Qalam
69
Al-Haqqah
70
Al-Ma`arij
71
Nuh
72
Al-Jinn
73
Al-Muzzammil
74
Al-Muddaththir
75
Al-Qiyamah
76
Al-Insan
77
Al-Mursalat
78
An-Naba
79
An-Nazi`at
80
Abasa
81
At-Takwir
82
Al-Infitar
83
Al-Mutaffifin
84
Al-Inshiqaq
85
Al-Buruj
86
At-Tariq
87
Al-A`la
88
Al-Ghashiyah
89
Al-Fajr
90
Al-Balad
91
Ash-Shams
92
Al-Layl
93
Ad-Duhaa
94
Ash-Sharh
95
At-Tin
96
Al-`Alaq
97
Al-Qadr
98
Al-Bayyinah
99
Az-Zalzalah
100
Al-`Adiyat
101
Al-Qari`ah
102
At-Takathur
103
Al-`Asr
104
Al-Humazah
105
Al-Fil
106
Quraysh
107
Al-Ma`un
108
Al-Kawthar
109
Al-Kafirun
110
An-Nasr
111
Al-Masad
112
Al-Ikhlas
113
Al-Falaq
114
An-Nas