HARUN YAHYA
Somali
SO
QURAANKA
At-Tur
1. (Eebe wuxuu ku dhaartay) Dhuurisiina.
2. Iyo Kitaabka la dhigay,
3. Oo ku qoran warqado la fidiyay.
4. Iyo Gurigii cammirraa (Beytulmacmuur).
5. IYo saanqaafka la koryeelay (cirka).
6. Iyo Baddii la kululeeyay.
7. Ee caddibaadda Eebe waa wax dhici (sugan).
8. wax celinna ma jiro.
9. Waxay dhici caddibaaddaas Maalinta Samadu wareegi.
10. Buuruhuna socon.
11. Halaagna waxaa iska leh maalintaas kuwa xaqa beeniyay.
12. Ee ah kuwa tiimbashada xumaanta ku dhex ciyaari.
13. Maalinta Naarta xoog loogu tuurina (waxa lagu dhihi).
14. Waatan Naartii aad beenin jirteen.
15. Ma sixirbaa, mase waxbaydaan arkayn.
16. Gala, ama samra ama ha samrine, waa isugu kiin mid, waxaa uun laydinka abaalmarin waxaad camal falayseen.
17. Kuwa Eebe ka dhawrsaday waxay gali Jannooyin iyo Nicmo.
18. Iyaga oo ku raaxaysan waxa Eebe siiyay, Eebohoodna wuxuu ka dhawray caddibaadda Jaxiiimo.
19. (Waxaana lagu dhihi) cuna oo cabba idinkoo shifaysan camalkiinnii dartiis.
20. Idinkoo ku dangiiga Sariiro la safay, waxaanna (Eebe) u guurin Haween Janno (Xuuralcayn).
21. Kuwa xaqa rumeeyay ee carurtooduna Iimaanka ka raacday waxaannu haleeshiin carruurtooda (Darajada iyo naxariista), camalkoodana waxba kama nusqaaminayno, Ruuxwalbana wuxuu kasbaday yuu u rahmanaan «u xidhnaani».
22. waxaannu u badinnay faakiho iyo Hilib oo ah waxay jecelyihiin.
23. Waxayna isku siin Jannada dhexdeeda (iyagoo sheekeysan) Weel (Macaan) kabuuxo, oon hadal xun iyo dambi midna lahayn.
24. Waxaana u adeegi wiilal aad moodo Jawhar la dhawray.
25. Qaarkood (ehlu-Jannaha) yaa qaarka kale qaabila iyagoo wax is waydiin.
26. Waxayna isu dheheen waxaan ahayn horay Adduunkii kuwo ehelkoodii dhexdiisa ku cabsada.
27. Eebaase nagu mannaystay (dambi dhaaf), wuxuuna naga dhawray caddibaadda Samuumka (Jahannama).
28. Waxaan ahayn horay kuwo barya Eebe, Ilaahayna waa Baarrii naxariista.
29. Ee waani (Nabiyow dadka), nicmada darteed ma tihid wax sheege iyo waalane midnee.
30. Mise waxay dhihi waa gabayaa ee aan la sugno Geerida.
31. Waxaad dhahdaa suga anna waan idin la sugiye.
32. Mise caqligooda (xun) yaa saas faray, ma aha ee waa Qoom xadgudbay.
33. Mise waxaydhihi isagaa abuurtay (Quraanka) waxba ma ayan rumeynin.
34. Ha la yimaadeen hadal la mid ah hadday Run sheegi.
35. Mise waxaa la abuuray abuure la`aan, mise iyagaa abuuray (naftooda).
36. Mise iyagaa Samaawaadka iyo Dhulka abuuray, saas ma aha ee wax ma ayan yaqiininin.
37. Mise agtoodaa khayraadka Eebe yaallaa, Mise iyagaa xisaabin dadka.
38. Mise waxay leeyihiin Sallaan ay wax ku Dhageeystaan, ha la yimaado kooda wax dhaagaystay xujo cad.
39. Mise Eebaa Gabdho u sugnaaday idinkana wiilal.
40. Mise waxaad warsan Nabiyow ujuuro, oo markaas ku cuslaatay.
41. Mise waxa maqanbaa agtooda ah oo ay qoraan.
42. Mise Dhagar Bay Rabaan, kuwa gaaloobay iyagaa dhakran.
43. Mise Ilaah Eebe ka soo hadlay leeyhiin, Eebaa ka fog waxay la wadaajiyeen «Ilaah-nimada».
44. Hadday arkaan goosin ka mid ah Samada oo soo dhacaysa waxay odhan waa Daruuro is dulsaaran (madax adayg dartiis).
45. Ee iskaga tag Nabiyow intay kala kulmaan maalinta dhexdeeda lagu halaagi doono.
46. Maalinta ayan dhagartoodu wax u taraynin wax u gargaarana uusan jirin.
47. Kuwa xad gudbay waxaa u sugnaaday caddibaad ka sokaysa (Qiyaamada), laakiin badankoodu ma oga.
48. Ee ku samir xukunka Eebahaa (Nabiyow) annagaa ku ilaalinaynee, kuna; tasbiixso oo ku mahadi Eebahaa markaad kici.
49. Habeenka qaarkiisna tuko, iyo marka xiddiguhu jeedsadaan.
SHARE
1. Al-Fatihah
2. Al Baqara
3. Ali `Imran
4. An-Nisa
5. Al-Ma`idah
6. Al-An`am
7. Al-A`raf
8. Al-Anfal
9. At-Tawbah
10. Yunus
11. Hud
12. Yusuf
13. Ar-Ra`d
14. Ibrahim
15. Al-Hijr
16. An-Nahl
17. Al-Isra
18. Al-Kahf
19. Maryam
20. Taha
21. Al-Anbya
22. Al-Haj
23. Al-Mu`minun
24. An-Nur
25. Al-Furqan
26. Ash-Shu`ara
27. An-Naml
28. Al-Qasas
29. Al-`Ankabut
30. Ar-Rum
31. Luqman
32. As-Sajdah
33. Al-Ahzab
34. Saba
35. Faatir
36. Ya-Sin
37. As-Saffat
38. Sad
39. Az-Zumar
40. Ghafir
41. Fussilat
42. sh-Shuraa
43. Az-Zukhruf
44. Ad-Dukhan
45. Al-Jathiyah
46. Al-Ahqaf
47. Muhammad
48. Al-Fath
49. Al-Hujurat
50. Qaf
51. Adh-Dhariyat
52. At-Tur
53. An-Najm
54. Al-Qamar
55. Ar-Rahman
56. Al-Waqi`ah
57. Al-Hadid
58. Al-Mujadila
59. Al-Hashr
60. Al-Mumtahanah
61. As-Saf
62. Al-Jumu`ah
63. Al-Munafiqun
64. At-Taghabun
65. At-Talaq
66. At-Tahrim
67. Al-Mulk
68. Al-Qalam
69. Al-Haqqah
70. Al-Ma`arij
71. Nuh
72. Al-Jinn
73. Al-Muzzammil
74. Al-Muddaththir
75. Al-Qiyamah
76. Al-Insan
77. Al-Mursalat
78. An-Naba
79. An-Nazi`at
80. Abasa
81. At-Takwir
82. Al-Infitar
83. Al-Mutaffifin
84. Al-Inshiqaq
85. Al-Buruj
86. At-Tariq
87. Al-A`la
88. Al-Ghashiyah
89. Al-Fajr
90. Al-Balad
91. Ash-Shams
92. Al-Layl
93. Ad-Duhaa
94. Ash-Sharh
95. At-Tin
96. Al-`Alaq
97. Al-Qadr
98. Al-Bayyinah
99. Az-Zalzalah
100. Al-`Adiyat
101. Al-Qari`ah
102. At-Takathur
103. Al-`Asr
104. Al-Humazah
105. Al-Fil
106. Quraysh
107. Al-Ma`un
108. Al-Kawthar
109. Al-Kafirun
110. An-Nasr
111. Al-Masad
112. Al-Ikhlas
113. Al-Falaq
114. An-Nas