logo HARUN YAHYA

Al-Inshiqaq - QURAANKA - Haaruun Yaxya

  • 1. Marka Samadu jeexjeexanto (qiyaamada).
  • 2. Oy Eebe Addeecdo waana xaq addeeciddiisunee.
  • 3. Marka dhulka la fidiyo (qiyaamada).
  • 4. Oo uu soo tuuro waxa ku hoos jira, kana madhnaado.
  • 5. Oos Eeba Addeeco waana xaq adeeciddaasina. (wuxuu la kulmi Ruuxwalba Camalkiisa).
  • 6. Dadow waxaad u dhibboon ood u camalfali xagga Eebe, waadna la kulmi.
  • 7. Ruusiise Kitaabkiisa (fiican) Midigta laga siiyo (waa mu`minkee).
  • 8. Waxaa la xisaabin xisaab fudud.
  • 9. Wuxuuna ku noqon Ciddiisii (Jannada joogtay) isagoo faraxsan.
  • 10. Ruuxiise Kitaabkiisa laga siiyo gadaashiisa (waa Dadka xune).
  • 11. Wuxuu u yeedhan Halaag.
  • 12. Wuxuuna gali Naarta Saciira.
  • 13. Maxaa yeelay Markuu dadkiisii dhexjoogay yuu kabirsanaa (Adduunkii).
  • 14. Wuxuuna malaynhayay inuusan Eebe u soo noqonaynin (qiyaame).
  • 15. Saas ma ahee Eebe waa arkaa.
  • 16. Waxaan ku dhaartay «buu yidhi Eebe» Midabka Qorrax dhaca.
  • 17. Iyo Habeenka iyo wuxuu qariyay.
  • 18. Iyo Dayaxa markuu Nuurku buux Samo.
  • 19. Ee Dadkow waxaad koraysaan xaalado kala duwan/
  • 20. Dadka maxaa u sugnaaday oy la rumaynwaayeen (xaqa).
  • 21. Marka Quraanka lagu akhriyana ayna u sujuudaynin.
  • 22. Saas ma ahee kuwa Gaaloobay waxay beenin (xaqa).
  • 23. Eebana waa ogyahay waxay qarsan.
  • 24. Ugu bishaaree caddibaad daran.
  • 25. Hase yeeshee kuwa rumeeyay xaqa camalfiicanna falay waxay mudan Ajri aan go`aynin.
SHARE
Facebook
X
WhatsApp
Telegram
QR Code
QR Code