logo HARUN YAHYA

Abasa - QURAANKA - Haaruun Yaxya

  • 1. Wajiguu u uruuriyay oo jeedsaday (Nabigu).
  • 2. Inuu u yimid kii Indhaha la`aa.
  • 3. Miyaad ogtahay inay u dhawdahay inuu hanuuno oo Daahir noqdo.
  • 4. Ama uu xusuusto oy xusuustu anfacdo.
  • 5. Ruuxiise is deeqtoonaysiiya (islana waynaada).
  • 6. Ma; Adaa u bambixi.
  • 7. Maxaa kaa saaran hadduusan hanuunin.
  • 8. Ruuxiise kuu yimaadda isagoo dagdagi.
  • 9. Oo Eeba ka yaabi.
  • 10. Miyaad ka shuqloomi.
  • 11. Saas ma; aha ee Aayadahani waa waano.
  • 12. Ruuxii doonana wuu ku waana qaadan.
  • 13. Waxay ku sugantahay (waanadu) Kutub Sharaf leh.
  • 14. Oo la kor yeelay lana Daahiriyay.
  • 15. Oy Gacanta ku hayaan Malaa`ig (wax qorta).
  • 16. Sharafna leh oo baarri ah.
  • 17. Gaalo halla lacnado Gaalnima badanaa.
  • 18. Muxuu Eebe ka abuuray kuwaas.
  • 19. Dhibicbuu ka abuuray wuuna ekeeyay.
  • 20. Jidkana wuu u fudaydiyay.
  • 21. Markaasuu dilaa Qabrina ku Asturaa.
  • 22. Markuu doonana wuu soo bixin.
  • 23. Saas ma; aha (ee Dadku) wixii la faray ma yeelin.
  • 24. Dadku ha fiiriyo Cuntadiisa.
  • 25. Inaan Roob ku soo shubno.
  • 26. Dhulkana markaas aan jeexno.
  • 27. Kana soo bixinno Midho.
  • 28. Iyo cinab iyo Daaqa (Xoolaha)
  • 29. Iyo Zeytuun iyo Timir.
  • 30. Iyo Beerow waawayn.
  • 31. Iyo Faakiho (khudaar) iyo Daaq.
  • 32. Si aad ugu intifaacdaan idinka iyo xoolihiinnu.
  • 33. Markay Qayladii darrayd timaaddo (Suurka).
  • 34. Waa maalinta Ruuxu ka carari Walaalkiis.
  • 35. Iyo Hooyadiis Iyo Aabihiis.
  • 36. Iyo Haweeneydiisii iyo Carruurtiisii.
  • 37. Ruux walbana Maalintaas waxaa shuqlin xaalkiisa.
  • 38. Wajiyaal Maalintaas way Nuuri (Farxi).
  • 39. Wayna Qosli oy bishaaraysan.
  • 40. Wajiyaalna Maalintaas waxaa ka muuqan Dulli.
  • 41. Waxaana dabooli Madow (iyo naxdin).
  • 42. Kuwaasina waa Gaalada Faasiqiinta ah (aadna u xun).
SHARE
Facebook
X
WhatsApp
Telegram
QR Code
QR Code