• 1. Eebe wuxuu ku dhaartay Fardaha Jahaadka u orda iyagoo qaylyi.

  • 2. iyo kuwa dabka Qoobkooda ku ifiya (guuraha).

  • 3. Iyo kuwa Cadawga weerara Subaxdii.

  • 4. Ee Boodhka kiciya.

  • 5. Cadawgana dhexgala.

  • 6. Ee Dadku Eebohood waa diideen.

  • 7. Arrintaasna Dadku wuu ogyahay.

  • 8. Dadkuna Xoola jacaylka waa ku daranyahay.

  • 9. Miyuuna ogayn Marka Xabaalaha waxa ku jira la soo bixiyo.

  • 10. Laabaha waxa ku qarsoonna la muujiyo.

  • 11. In Eebohood Maalintaas ogyahay.