logo HARUN YAHYA

Al-`Adiyat - QURAANKA - Haaruun Yaxya

  • 1. Eebe wuxuu ku dhaartay Fardaha Jahaadka u orda iyagoo qaylyi.
  • 2. iyo kuwa dabka Qoobkooda ku ifiya (guuraha).
  • 3. Iyo kuwa Cadawga weerara Subaxdii.
  • 4. Ee Boodhka kiciya.
  • 5. Cadawgana dhexgala.
  • 6. Ee Dadku Eebohood waa diideen.
  • 7. Arrintaasna Dadku wuu ogyahay.
  • 8. Dadkuna Xoola jacaylka waa ku daranyahay.
  • 9. Miyuuna ogayn Marka Xabaalaha waxa ku jira la soo bixiyo.
  • 10. Laabaha waxa ku qarsoonna la muujiyo.
  • 11. In Eebohood Maalintaas ogyahay.
SHARE
Facebook
X
WhatsApp
Telegram
QR Code
QR Code