HARUN YAHYA
Somali
SO
QURAANKA
Al-Waqi`ah
1. Markay Qiyaamadu dhacdo.
2. Dhiciddaas wax beenin ma jiro (markay arkaan).
3. Waana (mid) hoos u dhiga kor u dhiga ah.
4. Marka la gilgilo Dhulka gilgilid.
5. Buurahana la riqdo.
6. Oy noqoto boodh Firdhisan.
7. Ood ahaataan Saddex nooc, (markaasaa dadka la soo bixin).
8. Kuwa midigta mari (waa Ehlu-Jannehee), ma taqaan kuwa midigta mari.
9. Iyo kuwa bidixda mari (waa ehluNaarkee) ma taqaan kuwa Bidixda mari.
10. Iyo kuwii aad u hormaray.
11. Waa kuwa Eebe dhaweeyay.
12. Waxayna gali Jannooyin Nicma leh.
13. Waana Koox ka mid ah kuwii hore.
14. Iyo wax yar oo ka mid ah kuwii dambeeyay.
15. Sariiro Dahab laga sameeyay yayna ku sugnaan.
16. Oy kuna dangiigsan korkeeda iyagoo is qaabili.
17. Waxaa la dhex wareegi wiilal waari.
18. Koobab iyo kildhiyo iyo weel uu ka buuxo macaan socda.
19. Madax xanuun iyo caqlitagid midna ma leh.
20. Faakihaday «khudaartay» doonaanna way heli.
21. Iyo Hilib Shimbir oo kay rabaan ah.
22. Iyo Haween Janno oo Indha cadcad.
23. Ood mooddo Jawhar la ilaaliyay.
24. Waana abaalmarin waxay Camalfali jireen (oo wanaag ahaa).
25. Kumana maqlaan Jannada hadal micno darra iyo dambi midna.
26. Waxayse ku Maqli Salaan (dhexdooda ah).
27. Kuwa Midigta mari, Ma taqaan kuwa midigta.
28. Waxay heli Geedka Sidriga ah oon Qodax lahayn.
29. Iyo Geedka Dhalxiga ah oo buuxa.
30. Iyo Hoos joogta ah.
31. Iyo Biyo socda (goor walba).
32. Iyo Faakiha badan.
33. Oon la goynaynin lana reebaynin.
34. Iyo Gogol la koryeelay.
35. Annagaa ahaysiin (Da`yarayn Haweenka Jannada).
36. Kana dhigi kuwa aan la taaban.
37. Oy is jecelyihiin (Raggooda) simanna.
38. Liwa Midigta yaa muta (arrintaas).
39. Waana Koox kuwii hore ka mid ah.
40. Iyo Koox kuwa dambe ka mid ah.
41. Kuwa Bidixda mari, ma taqaan kuwa Bidixda.
42. Waxay ku sugnaan Naar daran iyo Biyo kulayl badan.
43. Iyo hoos madow oo wax guba.
44. Aan qaboobayn aragna fiicnayn.
45. Waxay ahaayeen arrintaas ka hor kuwo ku raaxaysta (Xumaanta).
46. Waxayna Daa`imi jireen dambi wayn.
47. Waxayna dhihi jireen ma markaan dhimanno oon Lafo iyo Carro noqonnaa lana soo bixin.
48. Ama Aabayaalkannagii horeeyay.
49. Waxaad dhahdaa kuwii horeeyay iyo kuwii dambeeyayba.
50. Waxaa loo soo kulmin Maalin la yaqaan (Qiyaamo).
51. Markaas Baadiyaalyahow Beeniyayaasha ah.
52. Waxaad wax ka cunaysaan Geed xun.
53. Aad kana buuxinaysaan Caloosha.
54. Waxaadna ku cabbaysaan Biyo kulayl badan.
55. Waxaadna u cabbaysaan sida Geel aad u ooman.
56. Kaasina waa waxa lagu soori (Gaalada) Maalinta abaalmarinta (Qiyamada).
57. (Eebe wuxuu yidhi) Annagaa idin abuurraye maxaad la rumaynwaydeen (soo bixinta).
58. Ka warrama Dhibicda aad tuuraysan «Manida».
59. Ma idinkaa abuura mase Annagaa abuurra,
60. Annaaa idinku eheynay Geerida, Ruux naga fakanna ma jiro.
61. Inaan idinku baddallo kuwo idin la mid ah oon idinka ahaysiinno waxaydaan aqoon.
62. Dhabahaanbaad u ogtihiin abuuriddii hore, maad wax xusuusataan.
63. Ka warrama waxaad beereysaan.
64. Ma idinkaa soo dhaliya mase Annagaa soo dhalinna.
65. Haddaan doonno waxaan ka dhigaynaa burbur (aan wax tarin) markaasaad yaabaysaan (murugoonaysaan).
66. (Idinkoo dhihi) Waa nala khasaariyay.
67. Mase waa nala hoojiyay.
68. Ka warrama Biyahaad cabbaysaan.
69. Ma idinkaa ka soo dajiyay Daruurta mase annakaa soo dajinnay.
70. Haddaan doonno waxaan ka yeelaynaa khadhaadh (aan la hollin karin) ee maad ku mahadisaan (Eebe).
71. Ka warrama Dabkaad Madagta ka shiddaan.
72. Ma idinkaa ahaysiiyay Geedkeeda mase annagaa ahaysiinnay.
73. Annagaa ka dhignay Dabka waano iyo nacfiga kuwa Safarka ah (iyo cidlada).
74. Ee waynee oo u Tasbiixso Magaca Eebaha wayn.
75. (Eebe wuxuu yidhi) Waxaan ku dhaartay halkay Xiddiguhu ku dhacaan (ku qarsoomaan).
76. Waana dhaar wayn haddaad ogtihiine.
77. Quraanku waa shay sharaf leh.
78. Wuxuuna ku suganyahay Kitaab la dhawray.
79. Mana taabto Ruuxan Daahir ahayn.
80. Waxaana soo dajiyay Eebaha Caalamka.
81. Ee ma Quraankan yaad beeninaysaan.
82. Ood ka yeeleysaan (mahaddii) Riqigiinna beenin (Xaqa).
83. Maxaydaan markay Naftu dhuunta gaadho.
84. Idinkuna aad fiirinaysaan (Ruuxa dhiman).
85. Annaguna aan idiinka dhawnahay, Laakiinse aydaan arkaynin.
86. Haddaad tihiin kuwa aan la soo bixinaynin.
87. Maad Nafta ku celisaan, haddaad Run sheegaysaan.
88. Hadduu ka mid yahay (Ruuxa dhiman) kuwa Eebe dhaweeyay.
89. Wuxuu heli naxariis iyo farax iyoJannada Naciima.
90. Hadduu yahay kuwa Midigta marina.
91. Nabadgalyaa u sugnaatay (iyo wanaag).
92. Hadduu yahay kuwa xaqa beeniyay ee dhumayna.
93. Wuxuu heli martiqaad iyo kulaylbadan.
94. Iyo galidda Naarta Jaxiimo.
95. Waxaad (la soo sheegay) waa run dhab ah.
96. Ee tasbiixso Magaca Eebaha wayn.
SHARE
1. Al-Fatihah
2. Al Baqara
3. Ali `Imran
4. An-Nisa
5. Al-Ma`idah
6. Al-An`am
7. Al-A`raf
8. Al-Anfal
9. At-Tawbah
10. Yunus
11. Hud
12. Yusuf
13. Ar-Ra`d
14. Ibrahim
15. Al-Hijr
16. An-Nahl
17. Al-Isra
18. Al-Kahf
19. Maryam
20. Taha
21. Al-Anbya
22. Al-Haj
23. Al-Mu`minun
24. An-Nur
25. Al-Furqan
26. Ash-Shu`ara
27. An-Naml
28. Al-Qasas
29. Al-`Ankabut
30. Ar-Rum
31. Luqman
32. As-Sajdah
33. Al-Ahzab
34. Saba
35. Faatir
36. Ya-Sin
37. As-Saffat
38. Sad
39. Az-Zumar
40. Ghafir
41. Fussilat
42. sh-Shuraa
43. Az-Zukhruf
44. Ad-Dukhan
45. Al-Jathiyah
46. Al-Ahqaf
47. Muhammad
48. Al-Fath
49. Al-Hujurat
50. Qaf
51. Adh-Dhariyat
52. At-Tur
53. An-Najm
54. Al-Qamar
55. Ar-Rahman
56. Al-Waqi`ah
57. Al-Hadid
58. Al-Mujadila
59. Al-Hashr
60. Al-Mumtahanah
61. As-Saf
62. Al-Jumu`ah
63. Al-Munafiqun
64. At-Taghabun
65. At-Talaq
66. At-Tahrim
67. Al-Mulk
68. Al-Qalam
69. Al-Haqqah
70. Al-Ma`arij
71. Nuh
72. Al-Jinn
73. Al-Muzzammil
74. Al-Muddaththir
75. Al-Qiyamah
76. Al-Insan
77. Al-Mursalat
78. An-Naba
79. An-Nazi`at
80. Abasa
81. At-Takwir
82. Al-Infitar
83. Al-Mutaffifin
84. Al-Inshiqaq
85. Al-Buruj
86. At-Tariq
87. Al-A`la
88. Al-Ghashiyah
89. Al-Fajr
90. Al-Balad
91. Ash-Shams
92. Al-Layl
93. Ad-Duhaa
94. Ash-Sharh
95. At-Tin
96. Al-`Alaq
97. Al-Qadr
98. Al-Bayyinah
99. Az-Zalzalah
100. Al-`Adiyat
101. Al-Qari`ah
102. At-Takathur
103. Al-`Asr
104. Al-Humazah
105. Al-Fil
106. Quraysh
107. Al-Ma`un
108. Al-Kawthar
109. Al-Kafirun
110. An-Nasr
111. Al-Masad
112. Al-Ikhlas
113. Al-Falaq
114. An-Nas