Al-Waqi`ah - QURAANKA - Haaruun Yaxya
-
1. Markay Qiyaamadu dhacdo.
-
2. Dhiciddaas wax beenin ma jiro (markay arkaan).
-
3. Waana (mid) hoos u dhiga kor u dhiga ah.
-
4. Marka la gilgilo Dhulka gilgilid.
-
5. Buurahana la riqdo.
-
6. Oy noqoto boodh Firdhisan.
-
7. Ood ahaataan Saddex nooc, (markaasaa dadka la soo bixin).
-
8. Kuwa midigta mari (waa Ehlu-Jannehee), ma taqaan kuwa midigta mari.
-
9. Iyo kuwa bidixda mari (waa ehluNaarkee) ma taqaan kuwa Bidixda mari.
-
10. Iyo kuwii aad u hormaray.
-
11. Waa kuwa Eebe dhaweeyay.
-
12. Waxayna gali Jannooyin Nicma leh.
-
13. Waana Koox ka mid ah kuwii hore.
-
14. Iyo wax yar oo ka mid ah kuwii dambeeyay.
-
15. Sariiro Dahab laga sameeyay yayna ku sugnaan.
-
16. Oy kuna dangiigsan korkeeda iyagoo is qaabili.
-
17. Waxaa la dhex wareegi wiilal waari.
-
18. Koobab iyo kildhiyo iyo weel uu ka buuxo macaan socda.
-
19. Madax xanuun iyo caqlitagid midna ma leh.
-
20. Faakihaday «khudaartay» doonaanna way heli.
-
21. Iyo Hilib Shimbir oo kay rabaan ah.
-
22. Iyo Haween Janno oo Indha cadcad.
-
23. Ood mooddo Jawhar la ilaaliyay.
-
24. Waana abaalmarin waxay Camalfali jireen (oo wanaag ahaa).
-
25. Kumana maqlaan Jannada hadal micno darra iyo dambi midna.
-
26. Waxayse ku Maqli Salaan (dhexdooda ah).
-
27. Kuwa Midigta mari, Ma taqaan kuwa midigta.
-
28. Waxay heli Geedka Sidriga ah oon Qodax lahayn.
-
29. Iyo Geedka Dhalxiga ah oo buuxa.
-
30. Iyo Hoos joogta ah.
-
31. Iyo Biyo socda (goor walba).
-
32. Iyo Faakiha badan.
-
33. Oon la goynaynin lana reebaynin.
-
34. Iyo Gogol la koryeelay.
-
35. Annagaa ahaysiin (Da`yarayn Haweenka Jannada).
-
36. Kana dhigi kuwa aan la taaban.
-
37. Oy is jecelyihiin (Raggooda) simanna.
-
38. Liwa Midigta yaa muta (arrintaas).
-
39. Waana Koox kuwii hore ka mid ah.
-
40. Iyo Koox kuwa dambe ka mid ah.
-
41. Kuwa Bidixda mari, ma taqaan kuwa Bidixda.
-
42. Waxay ku sugnaan Naar daran iyo Biyo kulayl badan.
-
43. Iyo hoos madow oo wax guba.
-
44. Aan qaboobayn aragna fiicnayn.
-
45. Waxay ahaayeen arrintaas ka hor kuwo ku raaxaysta (Xumaanta).
-
46. Waxayna Daa`imi jireen dambi wayn.
-
47. Waxayna dhihi jireen ma markaan dhimanno oon Lafo iyo Carro noqonnaa lana soo bixin.
-
48. Ama Aabayaalkannagii horeeyay.
-
49. Waxaad dhahdaa kuwii horeeyay iyo kuwii dambeeyayba.
-
50. Waxaa loo soo kulmin Maalin la yaqaan (Qiyaamo).
-
51. Markaas Baadiyaalyahow Beeniyayaasha ah.
-
52. Waxaad wax ka cunaysaan Geed xun.
-
53. Aad kana buuxinaysaan Caloosha.
-
54. Waxaadna ku cabbaysaan Biyo kulayl badan.
-
55. Waxaadna u cabbaysaan sida Geel aad u ooman.
-
56. Kaasina waa waxa lagu soori (Gaalada) Maalinta abaalmarinta (Qiyamada).
-
57. (Eebe wuxuu yidhi) Annagaa idin abuurraye maxaad la rumaynwaydeen (soo bixinta).
-
58. Ka warrama Dhibicda aad tuuraysan «Manida».
-
59. Ma idinkaa abuura mase Annagaa abuurra,
-
60. Annaaa idinku eheynay Geerida, Ruux naga fakanna ma jiro.
-
61. Inaan idinku baddallo kuwo idin la mid ah oon idinka ahaysiinno waxaydaan aqoon.
-
62. Dhabahaanbaad u ogtihiin abuuriddii hore, maad wax xusuusataan.
-
63. Ka warrama waxaad beereysaan.
-
64. Ma idinkaa soo dhaliya mase Annagaa soo dhalinna.
-
65. Haddaan doonno waxaan ka dhigaynaa burbur (aan wax tarin) markaasaad yaabaysaan (murugoonaysaan).
-
66. (Idinkoo dhihi) Waa nala khasaariyay.
-
67. Mase waa nala hoojiyay.
-
68. Ka warrama Biyahaad cabbaysaan.
-
69. Ma idinkaa ka soo dajiyay Daruurta mase annakaa soo dajinnay.
-
70. Haddaan doonno waxaan ka yeelaynaa khadhaadh (aan la hollin karin) ee maad ku mahadisaan (Eebe).
-
71. Ka warrama Dabkaad Madagta ka shiddaan.
-
72. Ma idinkaa ahaysiiyay Geedkeeda mase annagaa ahaysiinnay.
-
73. Annagaa ka dhignay Dabka waano iyo nacfiga kuwa Safarka ah (iyo cidlada).
-
74. Ee waynee oo u Tasbiixso Magaca Eebaha wayn.
-
75. (Eebe wuxuu yidhi) Waxaan ku dhaartay halkay Xiddiguhu ku dhacaan (ku qarsoomaan).
-
76. Waana dhaar wayn haddaad ogtihiine.
-
77. Quraanku waa shay sharaf leh.
-
78. Wuxuuna ku suganyahay Kitaab la dhawray.
-
79. Mana taabto Ruuxan Daahir ahayn.
-
80. Waxaana soo dajiyay Eebaha Caalamka.
-
81. Ee ma Quraankan yaad beeninaysaan.
-
82. Ood ka yeeleysaan (mahaddii) Riqigiinna beenin (Xaqa).
-
83. Maxaydaan markay Naftu dhuunta gaadho.
-
84. Idinkuna aad fiirinaysaan (Ruuxa dhiman).
-
85. Annaguna aan idiinka dhawnahay, Laakiinse aydaan arkaynin.
-
86. Haddaad tihiin kuwa aan la soo bixinaynin.
-
87. Maad Nafta ku celisaan, haddaad Run sheegaysaan.
-
88. Hadduu ka mid yahay (Ruuxa dhiman) kuwa Eebe dhaweeyay.
-
89. Wuxuu heli naxariis iyo farax iyoJannada Naciima.
-
90. Hadduu yahay kuwa Midigta marina.
-
91. Nabadgalyaa u sugnaatay (iyo wanaag).
-
92. Hadduu yahay kuwa xaqa beeniyay ee dhumayna.
-
93. Wuxuu heli martiqaad iyo kulaylbadan.
-
94. Iyo galidda Naarta Jaxiimo.
-
95. Waxaad (la soo sheegay) waa run dhab ah.
-
96. Ee tasbiixso Magaca Eebaha wayn.
SHARE
1
Al-Fatihah
2
Al Baqara
3
Ali `Imran
4
An-Nisa
5
Al-Ma`idah
6
Al-An`am
7
Al-A`raf
8
Al-Anfal
9
At-Tawbah
10
Yunus
11
Hud
12
Yusuf
13
Ar-Ra`d
14
Ibrahim
15
Al-Hijr
16
An-Nahl
17
Al-Isra
18
Al-Kahf
19
Maryam
20
Taha
21
Al-Anbya
22
Al-Haj
23
Al-Mu`minun
24
An-Nur
25
Al-Furqan
26
Ash-Shu`ara
27
An-Naml
28
Al-Qasas
29
Al-`Ankabut
30
Ar-Rum
31
Luqman
32
As-Sajdah
33
Al-Ahzab
34
Saba
35
Faatir
36
Ya-Sin
37
As-Saffat
38
Sad
39
Az-Zumar
40
Ghafir
41
Fussilat
42
sh-Shuraa
43
Az-Zukhruf
44
Ad-Dukhan
45
Al-Jathiyah
46
Al-Ahqaf
47
Muhammad
48
Al-Fath
49
Al-Hujurat
50
Qaf
51
Adh-Dhariyat
52
At-Tur
53
An-Najm
54
Al-Qamar
55
Ar-Rahman
56
Al-Waqi`ah
57
Al-Hadid
58
Al-Mujadila
59
Al-Hashr
60
Al-Mumtahanah
61
As-Saf
62
Al-Jumu`ah
63
Al-Munafiqun
64
At-Taghabun
65
At-Talaq
66
At-Tahrim
67
Al-Mulk
68
Al-Qalam
69
Al-Haqqah
70
Al-Ma`arij
71
Nuh
72
Al-Jinn
73
Al-Muzzammil
74
Al-Muddaththir
75
Al-Qiyamah
76
Al-Insan
77
Al-Mursalat
78
An-Naba
79
An-Nazi`at
80
Abasa
81
At-Takwir
82
Al-Infitar
83
Al-Mutaffifin
84
Al-Inshiqaq
85
Al-Buruj
86
At-Tariq
87
Al-A`la
88
Al-Ghashiyah
89
Al-Fajr
90
Al-Balad
91
Ash-Shams
92
Al-Layl
93
Ad-Duhaa
94
Ash-Sharh
95
At-Tin
96
Al-`Alaq
97
Al-Qadr
98
Al-Bayyinah
99
Az-Zalzalah
100
Al-`Adiyat
101
Al-Qari`ah
102
At-Takathur
103
Al-`Asr
104
Al-Humazah
105
Al-Fil
106
Quraysh
107
Al-Ma`un
108
Al-Kawthar
109
Al-Kafirun
110
An-Nasr
111
Al-Masad
112
Al-Ikhlas
113
Al-Falaq
114
An-Nas