111. Al-Masad - Quraanka
- 1. Waxaa khasaaray Gacmihii Abuulahab, halaagmayna.
- 2. Waxna uma tarin Xoolihiisii iyo wuxuu kasbadayna.
- 3. Wuxuuna gali Naar Olal leh.
- 4. Haweenaydiisii Qoryaha xambaari jirtayna (waxay gali Naar).
- 5. Luqunteedana waxaa la yeeli Xadhig Liif ah.