logo HARUN YAHYA

Al-A`la - QURAANKA - Haaruun Yaxya

  • 1. Waynee Magaca Eebe ee Sarreeya.
  • 2. Eebaha abuuray khalqiga ekeeyayna.
  • 3. Eebaha wax walba qaddaray Jidkana tusiyey.
  • 4. Eebaha soo bixiya Daaqa.
  • 5. Kana dhiga markaas ka dib caws ingagagan oo Madow.
  • 6. Waxaan kuu akhriyaynaa Quraanka halmaaminamaysid.
  • 7. Wuxuu Eebe doono mooyee, Eebana waa ogyahay waxa muuqda iyo waxa qarsoonba.
  • 8. Waxaana kuu fududaynhaynaa Waddo fiican.
  • 9. Ee wax waani (Nabiyow) markay wax tari waanadu.
  • 10. Waxaa waantoobi Ruuxa Eebe ka yaabee.
  • 11. Waxaana ka fogaan waanada Ruuxa xune.
  • 12. Ee ah mid gali Naar wayn.
  • 13. Oon kuna dhimanayn dhexdeeda kuna noolanayn.
  • 14. Waxaana liibaanay Ruuxii Daahir noqda.
  • 15. magaca Eebana Xusa, Salaaddana tukada.
  • 16. Saas ma`aha ee Dadku wuxuu doortay nolosha Adduunyo ee dhaw.
  • 17. Aakhiraase khayr badan baaqina ah (hadhi).
  • 18. Arrintaasuna waxay ku sugantahay Kutubtii hore.
  • 19. Kutubtii (Nabi) Ibraahim iyo (Nabi) Muuse.
SHARE
Facebook
X
WhatsApp
Telegram
QR Code
QR Code