logo HARUN YAHYA

Al-Buruj - QURAANKA - Haaruun Yaxya

  • 1. Eebe wuxuu ku dhaartay Samada Xiddigaha leh (iyo Jidadkooda).
  • 2. Iyo Maalinta laysu yaboohay (qiyaamada).
  • 3. Iyo Dadka joogsan Maalintaas iyo waxayaalaha iman Maalintaas.
  • 4. Ee Lacnadi ha ku dhacdo kuwii Godka lahaa (Mu`miniinta lagu cadibo).
  • 5. Ee ahaa Naar olal (iyo shidaal) leh.
  • 6. Gaaladiina ay korfadiyeen Godka.
  • 7. iyagoo daawan waxa lagu fali Mu`miniinta «oo Jirrabaad ah».
  • 8. Waxay ku neceen Dadkaasna ma jiro oon ahayn inay rumeeyeen Eebaha adkaada ee la mahadiyo.
  • 9. Ee leh Samada iyo Dhulka xukunkooda, Eebana wax walba wuu u jeedaa.
  • 10. Kuwa Mu`miniinta Rag iyo Haweenba jirraba haddana aan tawbadkeenin waxay mudan Caddibaadda Jahannamo iyo caddibaad gubi.
  • 11. Kuwa xaqa rumeeyey Camalfiicana falay waxay mudan Jannooyin ay dureeri dhexdeeda Wabiyaal, taasina waa liibaan wayn.
  • 12. Qabashada Eebana (Ciqaabtiisu) way darantahay.
  • 13. Eebe isagaa khalqiga ahaysiiyay soona celin.
  • 14. Waana dambidhaaf badane jecel (kuwa addeeca).
  • 15. Carshiga sharafta lahna isagaa iska leh.
  • 16. Wuuna falaa wuxuu doono.
  • 17. Ma ku soo gaadhay warkii Junuuddii (Gaaladii).
  • 18. Fircoon iyo Thamuud.
  • 19. Hase yeeshee kuwii Gaaloobay waxay ku suganyihiin beenin (xaqa).
  • 20. Eebana waa koobay (kamana baxsadaan).
  • 21. Waase Quraan sharaf leh.
  • 22. Oo ku Qoran Ioox la dhawray (looxulmaxfuudka).
SHARE
Facebook
X
WhatsApp
Telegram
QR Code
QR Code