logo HARUN YAHYA

Al-Infitar - QURAANKA - Haaruun Yaxya

  • 1. Markay Samadu Dildillaacdo.
  • 2. Xiddiguhuna daataan.
  • 3. Badahana laysku furo.
  • 4. Xabaalahana la soo bixiyo (Dadkii).
  • 5. Waxay ogaan nafu waxay hor marsatay iyo waxay dibmarisay.
  • 6. Dadow maxaa kugu kadiyay Eebahaaga sharafta leh.
  • 7. Ee kii ku abuuray ah kuna ekeeyay kuna simay.
  • 8. Siduu doonana kuu sameeyey.
  • 9. Saas ma aha ee waxaad beeninaysaan abaal marinta.
  • 10. Malaa`ig baana idin ilaalinaysa.
  • 11. Oo sharaf leh waxna qori.
  • 12. Ogna waxaad falaysaan.
  • 13. Kuwa wanaagsani waxay gali Naciima.
  • 14. Kuwa xun Xunna waxay gali Jaxiimo.
  • 15. Wayna ku guban Maalinta abaalmarinta.
  • 16. Kamana maqnaadaan Naarta.
  • 17. Maalinta abaalmarinta ma taqaannaa.
  • 18. Haddana ma taqaannaa Maalinta abaalmarinta.
  • 19. Waa Maalinta ayna u hanannin Nafna Naf kale waxba, Amarkana Maalintaas waxaa iska leh Eebe.
SHARE
Facebook
X
WhatsApp
Telegram
QR Code
QR Code