Qaf - QURAANKA - Haaruun Yaxya
-
1. Eebe wuxuu ku dhaartay Quraanka sharafta leh (in dadka la soo bixin).
-
2. Waxayse La yaabeen inuu u yimid dige ka mid ah oy markaas dheheen gaaladii kan waa wax la yaab leh.
-
3. Ma markaan dhimanno oon carro noqonno yaa nala soo celin, taas waa soo celin fog.
-
4. Waan ognahay waxa dhulku ka cunay jidhkooda, agtannadana waxaa yaallaa Kitaab koobay wax walba, oo ilaashan.
-
5. Waxaybase beeniyeen xaqii markuu u yimid, waxayna ku suganyihiin xaal qasan.
-
6. Miyayna eegin Samada korkooda ah sidaan u dhisnay una qurxinay ayna duleella u lahayn.
-
7. Dhulkana waan waasicinnay waxaana ku sugnay Buuro, waxaana ka soo bixinnay dhexdiisa nooc kasta oo quruxsan.
-
8. Inay aragti iyo waano u noqoto Ruux kasta oo Addoon Eebe oo toobad keen badan ah.
-
9. Waxaan ka soo dajinnay samada Biyo barakaysan oon ku soo bixinnay Beero iyo Midho la goosta,
-
10. Iyo timir dheer oo fidsan oo leh fiido wax ka soo dhashaan oo is dul saaran.
-
11. Si Addoommada Eebe loogu irsaaqo, Biyahaana waxaan ku noolaynay Magaalo dhimatay, saasayna soo bixintu tahay.
-
12. Kuwa Reer Makaad hortooda waxaa xaqii beeniyay Qoomkii (Nabi) Nuux iyo Rasi dadkeedii iyo thamuud.
-
13. Iyo Ree Caad iyo Fircoon iyo (Nabi) Luudh walaalihiis (qoomkiisii).
-
14. Iyo kayntii dadkeedii (Nabi Shucayb qoomkiisii) iyo Qoomkii Tubbac, dhammantood waxay beeniyeen Rasuulladdi, waxaana ku dhacay wixii Eebe ugu goodiyay (ciqaabtii).
-
15. Ma waxaan ka noognay abuuriddi hore, waxayse shakisan yihiin abuuridda cusub (soo bixinta).
-
16. Dhab ahaan yaan u abuurray Insaanka (dadka) waana ognahay waxay naftiisu ku waswaasin Annagaana ugsa dhaw xididka dhuunta.
-
17. Markay kulmi malaa`igta ilaalinaysa oo Midigta iyo bidixda ka fadhida.
-
18. Wax kastoo lugu hadlo waxaa la jooga Raqiib iyo Catiid (oo qori).
-
19. Waxaa u yimid sakaraadkii geerida si dhab ah wanataas geeridaad ka cararaysay.
-
20. Suurkii (Qiyaamana) waa la afuufi waana Maalin laysu yaboohay (oo sugan).
-
21. Naf walba way iman iyadoo malag hoggaamin midna ku marag furi.
-
22. Waxaana loo odhan waad halmaansanaydeen ariintan (Qiyaamada) waxaana kaafaydnay daboolkii araggaaguna Maanta waa xoog badan yahay.
-
23. Malaggi la xidhiidhayna wuxuu dhihi waa kan waana darbanyahay, (kiilayxilsaaray).
-
24. Markaasaa lugu dhihi ku tuura Naarta Jhannamo Gaalnimo badane madax adag dhammaantiis.
-
25. Oo khayrka reebidbadan gardarraloowna ah shakiilowna ah.
-
26. Ee Eebe miciisa Ilaah kale yeelay, ku tuura caddibaad daran.
-
27. Saaxiibkiisii (shaydaankiisii) wuxuu dhihi Eeboow anigu ma dhuminnin laakiin isagaa baadi fog ku sugnaa.
-
28. Eebe wuxuu dhihi ha ku murmina agtayda waan idiin hormariyay gooddigii.
-
29. Hadalla agtayda laguma baddalo, mana dulmiyo addoomada.
-
30. Xusuusta Maalinta u dhahayno Naarta Jahannama Ma buuxsantay, oo markaa ay dhihi wax ma la ii siyaadin.
-
31. Jannadiina loo so dhaweeyo kuwii dhawrsaday iyadoon ka fogayn.
-
32. Waxaasina waa wixii loo yaboohay Ruux kasta oo tawbadkeen badan oo dhawrid badan (ballaanka).
-
33. Ruuxii Eebaha Raxmaan ah ka yaaba isagoon arkaynin, oo la yimaada Qalbi toobadkeen badan.
-
34. Waxaa lugu dhihi ku gala Jannada Nabadgalyo waana Maalintii waariddee.
-
35. Jannada waxay ka heliwaxay doonaan, agtannadana waxaa ah siyaado.
-
36. Imisa Qarniyaan halaagnay Reer Makaad ka hor oo kana xoogbadan iyagoo dhulka ku gagaddoomay, meel Eebe looga cararana ma jirto.
-
37. Waxaasina waa waanada ruuxii qalbi leh ama wax dhagaysan isagoo Qalbigiisu joogo.
-
38. Dhabahaan annagaa Samaawaadka iyo Dhulka iyo waxa u dhaxeeya ku abuura lix maalmood, wax daal ahna nama taabanin.
-
39. Ku samir (Nabiyow) waxay sheegayaan, Eebana u tasbiixso adigoo ku mahadin qorrax soo bax ka hor iyo dhicidda ka hor.
-
40. Habeenkana qaar u tasbiixso iyo sujuudda dabadeed.
-
41. Dhagayso Maalinta uu ka dhawaaqi mid dhawaaqa meel dhaw.
-
42. Waa ay maqli qaylada oo dhab ah, waana Maalinta soo bixidda.
-
43. Annagaa waxna noolaynna waxna dilla, xaggannagaana loo soo ahaan.
-
44. Maalinta Dhulka ka dillaaci iyagoo dagdagi, taasina waa soo kulmin noo fudud.
-
45. Annagaa og waxay dhihi, aduguna matihid mid xoogi korkooda, ee ku waani Quraanka Ruuxii Eebe waciidkiisa (goodigiisa) ka yaabi.
SHARE
1
Al-Fatihah
2
Al Baqara
3
Ali `Imran
4
An-Nisa
5
Al-Ma`idah
6
Al-An`am
7
Al-A`raf
8
Al-Anfal
9
At-Tawbah
10
Yunus
11
Hud
12
Yusuf
13
Ar-Ra`d
14
Ibrahim
15
Al-Hijr
16
An-Nahl
17
Al-Isra
18
Al-Kahf
19
Maryam
20
Taha
21
Al-Anbya
22
Al-Haj
23
Al-Mu`minun
24
An-Nur
25
Al-Furqan
26
Ash-Shu`ara
27
An-Naml
28
Al-Qasas
29
Al-`Ankabut
30
Ar-Rum
31
Luqman
32
As-Sajdah
33
Al-Ahzab
34
Saba
35
Faatir
36
Ya-Sin
37
As-Saffat
38
Sad
39
Az-Zumar
40
Ghafir
41
Fussilat
42
sh-Shuraa
43
Az-Zukhruf
44
Ad-Dukhan
45
Al-Jathiyah
46
Al-Ahqaf
47
Muhammad
48
Al-Fath
49
Al-Hujurat
50
Qaf
51
Adh-Dhariyat
52
At-Tur
53
An-Najm
54
Al-Qamar
55
Ar-Rahman
56
Al-Waqi`ah
57
Al-Hadid
58
Al-Mujadila
59
Al-Hashr
60
Al-Mumtahanah
61
As-Saf
62
Al-Jumu`ah
63
Al-Munafiqun
64
At-Taghabun
65
At-Talaq
66
At-Tahrim
67
Al-Mulk
68
Al-Qalam
69
Al-Haqqah
70
Al-Ma`arij
71
Nuh
72
Al-Jinn
73
Al-Muzzammil
74
Al-Muddaththir
75
Al-Qiyamah
76
Al-Insan
77
Al-Mursalat
78
An-Naba
79
An-Nazi`at
80
Abasa
81
At-Takwir
82
Al-Infitar
83
Al-Mutaffifin
84
Al-Inshiqaq
85
Al-Buruj
86
At-Tariq
87
Al-A`la
88
Al-Ghashiyah
89
Al-Fajr
90
Al-Balad
91
Ash-Shams
92
Al-Layl
93
Ad-Duhaa
94
Ash-Sharh
95
At-Tin
96
Al-`Alaq
97
Al-Qadr
98
Al-Bayyinah
99
Az-Zalzalah
100
Al-`Adiyat
101
Al-Qari`ah
102
At-Takathur
103
Al-`Asr
104
Al-Humazah
105
Al-Fil
106
Quraysh
107
Al-Ma`un
108
Al-Kawthar
109
Al-Kafirun
110
An-Nasr
111
Al-Masad
112
Al-Ikhlas
113
Al-Falaq
114
An-Nas