HARUN YAHYA
Somali
SO
QURAANKA
Qaf
1. Eebe wuxuu ku dhaartay Quraanka sharafta leh (in dadka la soo bixin).
2. Waxayse La yaabeen inuu u yimid dige ka mid ah oy markaas dheheen gaaladii kan waa wax la yaab leh.
3. Ma markaan dhimanno oon carro noqonno yaa nala soo celin, taas waa soo celin fog.
4. Waan ognahay waxa dhulku ka cunay jidhkooda, agtannadana waxaa yaallaa Kitaab koobay wax walba, oo ilaashan.
5. Waxaybase beeniyeen xaqii markuu u yimid, waxayna ku suganyihiin xaal qasan.
6. Miyayna eegin Samada korkooda ah sidaan u dhisnay una qurxinay ayna duleella u lahayn.
7. Dhulkana waan waasicinnay waxaana ku sugnay Buuro, waxaana ka soo bixinnay dhexdiisa nooc kasta oo quruxsan.
8. Inay aragti iyo waano u noqoto Ruux kasta oo Addoon Eebe oo toobad keen badan ah.
9. Waxaan ka soo dajinnay samada Biyo barakaysan oon ku soo bixinnay Beero iyo Midho la goosta,
10. Iyo timir dheer oo fidsan oo leh fiido wax ka soo dhashaan oo is dul saaran.
11. Si Addoommada Eebe loogu irsaaqo, Biyahaana waxaan ku noolaynay Magaalo dhimatay, saasayna soo bixintu tahay.
12. Kuwa Reer Makaad hortooda waxaa xaqii beeniyay Qoomkii (Nabi) Nuux iyo Rasi dadkeedii iyo thamuud.
13. Iyo Ree Caad iyo Fircoon iyo (Nabi) Luudh walaalihiis (qoomkiisii).
14. Iyo kayntii dadkeedii (Nabi Shucayb qoomkiisii) iyo Qoomkii Tubbac, dhammantood waxay beeniyeen Rasuulladdi, waxaana ku dhacay wixii Eebe ugu goodiyay (ciqaabtii).
15. Ma waxaan ka noognay abuuriddi hore, waxayse shakisan yihiin abuuridda cusub (soo bixinta).
16. Dhab ahaan yaan u abuurray Insaanka (dadka) waana ognahay waxay naftiisu ku waswaasin Annagaana ugsa dhaw xididka dhuunta.
17. Markay kulmi malaa`igta ilaalinaysa oo Midigta iyo bidixda ka fadhida.
18. Wax kastoo lugu hadlo waxaa la jooga Raqiib iyo Catiid (oo qori).
19. Waxaa u yimid sakaraadkii geerida si dhab ah wanataas geeridaad ka cararaysay.
20. Suurkii (Qiyaamana) waa la afuufi waana Maalin laysu yaboohay (oo sugan).
21. Naf walba way iman iyadoo malag hoggaamin midna ku marag furi.
22. Waxaana loo odhan waad halmaansanaydeen ariintan (Qiyaamada) waxaana kaafaydnay daboolkii araggaaguna Maanta waa xoog badan yahay.
23. Malaggi la xidhiidhayna wuxuu dhihi waa kan waana darbanyahay, (kiilayxilsaaray).
24. Markaasaa lugu dhihi ku tuura Naarta Jhannamo Gaalnimo badane madax adag dhammaantiis.
25. Oo khayrka reebidbadan gardarraloowna ah shakiilowna ah.
26. Ee Eebe miciisa Ilaah kale yeelay, ku tuura caddibaad daran.
27. Saaxiibkiisii (shaydaankiisii) wuxuu dhihi Eeboow anigu ma dhuminnin laakiin isagaa baadi fog ku sugnaa.
28. Eebe wuxuu dhihi ha ku murmina agtayda waan idiin hormariyay gooddigii.
29. Hadalla agtayda laguma baddalo, mana dulmiyo addoomada.
30. Xusuusta Maalinta u dhahayno Naarta Jahannama Ma buuxsantay, oo markaa ay dhihi wax ma la ii siyaadin.
31. Jannadiina loo so dhaweeyo kuwii dhawrsaday iyadoon ka fogayn.
32. Waxaasina waa wixii loo yaboohay Ruux kasta oo tawbadkeen badan oo dhawrid badan (ballaanka).
33. Ruuxii Eebaha Raxmaan ah ka yaaba isagoon arkaynin, oo la yimaada Qalbi toobadkeen badan.
34. Waxaa lugu dhihi ku gala Jannada Nabadgalyo waana Maalintii waariddee.
35. Jannada waxay ka heliwaxay doonaan, agtannadana waxaa ah siyaado.
36. Imisa Qarniyaan halaagnay Reer Makaad ka hor oo kana xoogbadan iyagoo dhulka ku gagaddoomay, meel Eebe looga cararana ma jirto.
37. Waxaasina waa waanada ruuxii qalbi leh ama wax dhagaysan isagoo Qalbigiisu joogo.
38. Dhabahaan annagaa Samaawaadka iyo Dhulka iyo waxa u dhaxeeya ku abuura lix maalmood, wax daal ahna nama taabanin.
39. Ku samir (Nabiyow) waxay sheegayaan, Eebana u tasbiixso adigoo ku mahadin qorrax soo bax ka hor iyo dhicidda ka hor.
40. Habeenkana qaar u tasbiixso iyo sujuudda dabadeed.
41. Dhagayso Maalinta uu ka dhawaaqi mid dhawaaqa meel dhaw.
42. Waa ay maqli qaylada oo dhab ah, waana Maalinta soo bixidda.
43. Annagaa waxna noolaynna waxna dilla, xaggannagaana loo soo ahaan.
44. Maalinta Dhulka ka dillaaci iyagoo dagdagi, taasina waa soo kulmin noo fudud.
45. Annagaa og waxay dhihi, aduguna matihid mid xoogi korkooda, ee ku waani Quraanka Ruuxii Eebe waciidkiisa (goodigiisa) ka yaabi.
SHARE
1. Al-Fatihah
2. Al Baqara
3. Ali `Imran
4. An-Nisa
5. Al-Ma`idah
6. Al-An`am
7. Al-A`raf
8. Al-Anfal
9. At-Tawbah
10. Yunus
11. Hud
12. Yusuf
13. Ar-Ra`d
14. Ibrahim
15. Al-Hijr
16. An-Nahl
17. Al-Isra
18. Al-Kahf
19. Maryam
20. Taha
21. Al-Anbya
22. Al-Haj
23. Al-Mu`minun
24. An-Nur
25. Al-Furqan
26. Ash-Shu`ara
27. An-Naml
28. Al-Qasas
29. Al-`Ankabut
30. Ar-Rum
31. Luqman
32. As-Sajdah
33. Al-Ahzab
34. Saba
35. Faatir
36. Ya-Sin
37. As-Saffat
38. Sad
39. Az-Zumar
40. Ghafir
41. Fussilat
42. sh-Shuraa
43. Az-Zukhruf
44. Ad-Dukhan
45. Al-Jathiyah
46. Al-Ahqaf
47. Muhammad
48. Al-Fath
49. Al-Hujurat
50. Qaf
51. Adh-Dhariyat
52. At-Tur
53. An-Najm
54. Al-Qamar
55. Ar-Rahman
56. Al-Waqi`ah
57. Al-Hadid
58. Al-Mujadila
59. Al-Hashr
60. Al-Mumtahanah
61. As-Saf
62. Al-Jumu`ah
63. Al-Munafiqun
64. At-Taghabun
65. At-Talaq
66. At-Tahrim
67. Al-Mulk
68. Al-Qalam
69. Al-Haqqah
70. Al-Ma`arij
71. Nuh
72. Al-Jinn
73. Al-Muzzammil
74. Al-Muddaththir
75. Al-Qiyamah
76. Al-Insan
77. Al-Mursalat
78. An-Naba
79. An-Nazi`at
80. Abasa
81. At-Takwir
82. Al-Infitar
83. Al-Mutaffifin
84. Al-Inshiqaq
85. Al-Buruj
86. At-Tariq
87. Al-A`la
88. Al-Ghashiyah
89. Al-Fajr
90. Al-Balad
91. Ash-Shams
92. Al-Layl
93. Ad-Duhaa
94. Ash-Sharh
95. At-Tin
96. Al-`Alaq
97. Al-Qadr
98. Al-Bayyinah
99. Az-Zalzalah
100. Al-`Adiyat
101. Al-Qari`ah
102. At-Takathur
103. Al-`Asr
104. Al-Humazah
105. Al-Fil
106. Quraysh
107. Al-Ma`un
108. Al-Kawthar
109. Al-Kafirun
110. An-Nasr
111. Al-Masad
112. Al-Ikhlas
113. Al-Falaq
114. An-Nas