109. Al-Kafirun - Quraanka
- 1. Waxaad dhahdaa, Gaalooy.
- 2. Ma caabudayo waxaad caabudaysaan.
- 3. Idinna ma caabudaysaan Eebahaan caabudi.
- 4. Mana caabudin waxaad caabuddeen,
- 5. Idinkuna (hadda) ma caabudaysaan Eebahaan caabudi.
- 6. Idinkana Diintiina yaad leedihiin, Anna Diintaydaan leeyahay.