• 1. Ma aha Kuwii Gaaloobay ee ahaa ehlu kitaabka (Yahuud iyo Nasaara) iyo Gaaladii kuwo ka taga (xumaanta) intuu uga yimaaddo wax cad (xuja ah).

  • 2. Oo ah Rasuul Eebc oo akhriyi Kutub daahir ah.

  • 3. Oo xukun fiicani ku yaal.

  • 4. Mona kala tagin Gaalada ehlu Kitaabka ah intuu uga yimaaddo xaq cad (xasad dartiis).

  • 5. Dadkana waxaan Eebe caabudiddiisa ahayn lama farin iyagoo u kali yeeli Eebe Diinte, toosanna, Salaaddana oogi Zakadana bixin, Saasina waadiinta toosan.

  • 6. Kuwa Gaaloobay oo ehlu Kitaabka ah iyo Gaaladii waxay gali Naarta Jahannama ayna Ini waari dhexdeeda, kuwaasina waa kuwa ugli sharbadan khalqiga.

  • 7. Kuwa rumeeyayse xaqa Camalfiicanna falay kuwaasi waa kuwa ugu khayr badan khalqiga.

  • 8. Abaalkooda ay Eebe agtiisa kii leeyihiin waa Jannooyin Nagaadi, dhexdeedana ay dureeri Wabiyaal ay kuna waari dhexdeeda waligood, Eebaa ka raalli noqday iyana way ka raali noqdeen, arrintaasna waxay u sugnaatay Ruusii Eeba ka yaaba.