logo HARUN YAHYA

Al-Layl - QURAANKA - Haaruun Yaxya

  • 1. Eebe wuxuu ku dhaartay Habeenku markuu wax qariyo.
  • 2. Iyo markay Maalintu Muuqato (ifto).
  • 3. Iyo Abuuridda Dadka Lab iyo dhaddigba.
  • 4. In Camalkiinnu (dadow) kala duwanyahay.
  • 5. Ruuxiise bixiya (xuquuqda) Eebana ka dhawrsada.
  • 6. Rumeeyana tii wanaaga badnayd (ciwal).
  • 7. Waxaanni u fududaynaa wanaagga (iyo Jidka fiican).
  • 8. Ruuxiise ku bakhayla Xoolaha isna deeqtoonaysiiya «iskibriya».
  • 9. Reeniyana Tii wanaaga badnayd (ciwal).
  • 10. Waxaan u fududaynaa Jidka xun.
  • 11. Xoolihiisuna wax uma taraan markuu halaagsamo.
  • 12. Annagaa wax hanuuninna.
  • 13. Aakhariyo Addunbana Annagaa iska leh.
  • 14. Waxana idiinka digaynaa Naar kulayl daran.
  • 15. Oosan galaynin Ruux xun mooyeen.
  • 16. Oo xaqa beeniyay jeedsadayna.
  • 17. Waxaana ka fogaada (galidda naarta) Ruuxii Eeba ka dhawrsada.
  • 18. Ee bixiya Xoolihiisa si uu u daahirnoqdo.
  • 19. Ruux wax ugu nicmeeyayna oo abaalmarinna ma uusanjirin.
  • 20. Ee Wuxuu u bixin dar Eebaha sareeya.
  • 21. Wuuna raalli noqondoonaa Ruuxaasi.
SHARE
Facebook
X
WhatsApp
Telegram
QR Code
QR Code