logo HARUN YAHYA

Al-Qalam - QURAANKA - Haaruun Yaxya

  • 1. Eebe wuxuu ku dhaartay Qalinka iyo waxa Malaa`igtu qorayso (Camalka dadka).
  • 2. Ee Nabiyow Nicmada Eebe darteed lama waallid.
  • 3. Waxaana kuu sugnaaday Ajri aan go`ayn.
  • 4. Waxaana kuu sugnaaday dabeeco (fiican) oo weyn.
  • 5. Waad arki doontaa nabiyow Gaaladuna way arki doonaan.
  • 6. kinna waalan (ama la caddibo).
  • 7. Eebe waa ogyahay Cidda ka dhunta Jidkiisa, waana ogyahay Cidda hanuunsan.
  • 8. Ee Nabiyow ha maqlin xaq beeniyayaasha (Warkooda).
  • 9. Waxay jecel yihiin inaad u iilato iyana kuu soo iishaan.
  • 10. Ha maqlin dhaar badane dhammaantiis oo dullaysan.
  • 11. oo Xanlow ah, isku diraa ah.
  • 12. Khayrka iyo Xoolahana reebta, gardarrow iyo dambiile ah.
  • 13. Xumaantana ku madax agad isku dhejisna ah (xumaanlow ah).
  • 14. inuu Xoolo iyo Wiilal uu leeyahay darteed (yuu saas u falay).
  • 15. Marka Quraankannaga lagu akhriyana wuxuu dhahaa waa dadkii hore warkoodii.
  • 16. wuxuuse Eebe ka calaamayn Sanqaroorka.
  • 17. Eebe wuu Imtixaanay Gaaladii (Reer Makaad) sidii loo imtixanay kuwii beerta markay ku dhaarten inay Aroortii goostaan.
  • 18. Iyagoon dhihin haddii Eebe idmo.
  • 19. Waxaase Beertii xagaa Eebe uga yimid Amar iyagoo hurda.
  • 20. Waxayna noqotay wax la shafay oo kale.
  • 21. wayna isu dhawaaqeen Subaxdii.
  • 22. iyagoo leh kallaha oo beerta goosta.
  • 23. wayna tageen iyagoo Codka hoos u dhigi.
  • 24. inaan Beerta maanta Miskiin soo gelin.
  • 25. Wayna kallaheen iyagoo diidan (in Miskiin u soo galo).
  • 26. Markay ay arkeen Beertii siday tahay yey isu dhaheen waan soo dhunnay.
  • 27. haddana way isgarteen waxayna dhaheen ma ehee waa la ina hoojiyey.
  • 28. Markaas kii u fiicnaa yiri: miyaana idin dhihin war Eebe weyneeya.
  • 29. Markaasay dheheen Eebaa weyn, waan xad gudubnay.
  • 30. Markaasaa qaarba qaar ku jeedsaday iyagoo is dagaali.
  • 31. Waxayna dheheen Magacaana ba`ye waan xad gudubnay.
  • 32. Eebe wuxuu u dhow yahay inuu noogu beddelo mid ka fiican isagaan Khayr ka rajaynaynaa eh.
  • 33. Caddibaaddu waa saas Caddibaadda Aakharaase ka weyn haddii ay wax ogyihiin.
  • 34. Kuwa Eebe ka dhowrsada waxay Eeba agtiisa ku leeyihiin «Jannada Naciimada».
  • 35. Ma Muslimiinta yaanu kala mid dhigaynaa Dambiilayaasha.
  • 36. Seed u dhihi kartaan saas.
  • 37. Mise Gaalooy waxaa idiin sugnaaday Kitaab aad akhrisataan.
  • 38. oo Waxaad doontaanba aad ka helaysaan.
  • 39. Mise ballan adag yaad naga qaadeen tan iyo Maalinta Qiyaame oo waxaad rabtaaan aad xukumaysaan.
  • 40. Weydii (Nabiyow) Gaalada Cidda damiinka ugu ah Xaalkaas.
  • 41. mise dad la wadaaga Arrintaas yey leeyihiin, ha keeneen kuwaas hadday run sheegi.
  • 42. Maalinta dhudhunka la faydi doono Gaaladana loogu yeedhi doono inay sujuudaan ma karayaan Sujuud.
  • 43. Indhaha Gaaladu Maalintaas waa dullaysan tahay waxaana ku muuqda Walbahaar iyo qoomamo, waxayna ahaayeen (Adduunka) kuwa loogu yeeray Sujuud iyagoo nabad qaba.
  • 44. Isu kaana daa aniga iyo kuwa beeniyey Quraanka waana sasabi iyagoon ogeyn.
  • 45. Waana sugi tan iyo muddo, Maamulka Eebana waa xoog badan yahay.
  • 46. Nabiyow ma waxaad weydiisatay Gaalada Ujuuro oo markaas Cuslleeyey.
  • 47. Mise waxa maqan yaa aktooda yaal ooy wax ka qori.
  • 48. Ku samir Xukunka Eebe hana noqonin sidii Saaxiibkii Xuudka (Mallayga Yuunus) markuu naadiyey Eebihiis isaga oo walbahaarsan.
  • 49. Haddan naxariista Eebe haleelin waxaa lagu tuuri lahaa Cidlo (bannaan) isagoo la dagaalay.
  • 50. Waxaase doortay Eebihiis wuxuuna ka dhigay kuwa wanaagsan.
  • 51. Waxay u dhow yihiin kuwi gaaloobay inay daymada kugu lagdaan markay maqlaan Qur`aanka waxayna dhihi waa waalan yahay (Nabigu).
  • 52. Quraanka iyo Nabiguna waa uun waanada Caalamka.
SHARE
Facebook
X
WhatsApp
Telegram
QR Code
QR Code