HARUN YAHYA
Somali
SO
QURAANKA
Al-Qalam
1. Eebe wuxuu ku dhaartay Qalinka iyo waxa Malaa`igtu qorayso (Camalka dadka).
2. Ee Nabiyow Nicmada Eebe darteed lama waallid.
3. Waxaana kuu sugnaaday Ajri aan go`ayn.
4. Waxaana kuu sugnaaday dabeeco (fiican) oo weyn.
5. Waad arki doontaa nabiyow Gaaladuna way arki doonaan.
6. kinna waalan (ama la caddibo).
7. Eebe waa ogyahay Cidda ka dhunta Jidkiisa, waana ogyahay Cidda hanuunsan.
8. Ee Nabiyow ha maqlin xaq beeniyayaasha (Warkooda).
9. Waxay jecel yihiin inaad u iilato iyana kuu soo iishaan.
10. Ha maqlin dhaar badane dhammaantiis oo dullaysan.
11. oo Xanlow ah, isku diraa ah.
12. Khayrka iyo Xoolahana reebta, gardarrow iyo dambiile ah.
13. Xumaantana ku madax agad isku dhejisna ah (xumaanlow ah).
14. inuu Xoolo iyo Wiilal uu leeyahay darteed (yuu saas u falay).
15. Marka Quraankannaga lagu akhriyana wuxuu dhahaa waa dadkii hore warkoodii.
16. wuxuuse Eebe ka calaamayn Sanqaroorka.
17. Eebe wuu Imtixaanay Gaaladii (Reer Makaad) sidii loo imtixanay kuwii beerta markay ku dhaarten inay Aroortii goostaan.
18. Iyagoon dhihin haddii Eebe idmo.
19. Waxaase Beertii xagaa Eebe uga yimid Amar iyagoo hurda.
20. Waxayna noqotay wax la shafay oo kale.
21. wayna isu dhawaaqeen Subaxdii.
22. iyagoo leh kallaha oo beerta goosta.
23. wayna tageen iyagoo Codka hoos u dhigi.
24. inaan Beerta maanta Miskiin soo gelin.
25. Wayna kallaheen iyagoo diidan (in Miskiin u soo galo).
26. Markay ay arkeen Beertii siday tahay yey isu dhaheen waan soo dhunnay.
27. haddana way isgarteen waxayna dhaheen ma ehee waa la ina hoojiyey.
28. Markaas kii u fiicnaa yiri: miyaana idin dhihin war Eebe weyneeya.
29. Markaasay dheheen Eebaa weyn, waan xad gudubnay.
30. Markaasaa qaarba qaar ku jeedsaday iyagoo is dagaali.
31. Waxayna dheheen Magacaana ba`ye waan xad gudubnay.
32. Eebe wuxuu u dhow yahay inuu noogu beddelo mid ka fiican isagaan Khayr ka rajaynaynaa eh.
33. Caddibaaddu waa saas Caddibaadda Aakharaase ka weyn haddii ay wax ogyihiin.
34. Kuwa Eebe ka dhowrsada waxay Eeba agtiisa ku leeyihiin «Jannada Naciimada».
35. Ma Muslimiinta yaanu kala mid dhigaynaa Dambiilayaasha.
36. Seed u dhihi kartaan saas.
37. Mise Gaalooy waxaa idiin sugnaaday Kitaab aad akhrisataan.
38. oo Waxaad doontaanba aad ka helaysaan.
39. Mise ballan adag yaad naga qaadeen tan iyo Maalinta Qiyaame oo waxaad rabtaaan aad xukumaysaan.
40. Weydii (Nabiyow) Gaalada Cidda damiinka ugu ah Xaalkaas.
41. mise dad la wadaaga Arrintaas yey leeyihiin, ha keeneen kuwaas hadday run sheegi.
42. Maalinta dhudhunka la faydi doono Gaaladana loogu yeedhi doono inay sujuudaan ma karayaan Sujuud.
43. Indhaha Gaaladu Maalintaas waa dullaysan tahay waxaana ku muuqda Walbahaar iyo qoomamo, waxayna ahaayeen (Adduunka) kuwa loogu yeeray Sujuud iyagoo nabad qaba.
44. Isu kaana daa aniga iyo kuwa beeniyey Quraanka waana sasabi iyagoon ogeyn.
45. Waana sugi tan iyo muddo, Maamulka Eebana waa xoog badan yahay.
46. Nabiyow ma waxaad weydiisatay Gaalada Ujuuro oo markaas Cuslleeyey.
47. Mise waxa maqan yaa aktooda yaal ooy wax ka qori.
48. Ku samir Xukunka Eebe hana noqonin sidii Saaxiibkii Xuudka (Mallayga Yuunus) markuu naadiyey Eebihiis isaga oo walbahaarsan.
49. Haddan naxariista Eebe haleelin waxaa lagu tuuri lahaa Cidlo (bannaan) isagoo la dagaalay.
50. Waxaase doortay Eebihiis wuxuuna ka dhigay kuwa wanaagsan.
51. Waxay u dhow yihiin kuwi gaaloobay inay daymada kugu lagdaan markay maqlaan Qur`aanka waxayna dhihi waa waalan yahay (Nabigu).
52. Quraanka iyo Nabiguna waa uun waanada Caalamka.
SHARE
1. Al-Fatihah
2. Al Baqara
3. Ali `Imran
4. An-Nisa
5. Al-Ma`idah
6. Al-An`am
7. Al-A`raf
8. Al-Anfal
9. At-Tawbah
10. Yunus
11. Hud
12. Yusuf
13. Ar-Ra`d
14. Ibrahim
15. Al-Hijr
16. An-Nahl
17. Al-Isra
18. Al-Kahf
19. Maryam
20. Taha
21. Al-Anbya
22. Al-Haj
23. Al-Mu`minun
24. An-Nur
25. Al-Furqan
26. Ash-Shu`ara
27. An-Naml
28. Al-Qasas
29. Al-`Ankabut
30. Ar-Rum
31. Luqman
32. As-Sajdah
33. Al-Ahzab
34. Saba
35. Faatir
36. Ya-Sin
37. As-Saffat
38. Sad
39. Az-Zumar
40. Ghafir
41. Fussilat
42. sh-Shuraa
43. Az-Zukhruf
44. Ad-Dukhan
45. Al-Jathiyah
46. Al-Ahqaf
47. Muhammad
48. Al-Fath
49. Al-Hujurat
50. Qaf
51. Adh-Dhariyat
52. At-Tur
53. An-Najm
54. Al-Qamar
55. Ar-Rahman
56. Al-Waqi`ah
57. Al-Hadid
58. Al-Mujadila
59. Al-Hashr
60. Al-Mumtahanah
61. As-Saf
62. Al-Jumu`ah
63. Al-Munafiqun
64. At-Taghabun
65. At-Talaq
66. At-Tahrim
67. Al-Mulk
68. Al-Qalam
69. Al-Haqqah
70. Al-Ma`arij
71. Nuh
72. Al-Jinn
73. Al-Muzzammil
74. Al-Muddaththir
75. Al-Qiyamah
76. Al-Insan
77. Al-Mursalat
78. An-Naba
79. An-Nazi`at
80. Abasa
81. At-Takwir
82. Al-Infitar
83. Al-Mutaffifin
84. Al-Inshiqaq
85. Al-Buruj
86. At-Tariq
87. Al-A`la
88. Al-Ghashiyah
89. Al-Fajr
90. Al-Balad
91. Ash-Shams
92. Al-Layl
93. Ad-Duhaa
94. Ash-Sharh
95. At-Tin
96. Al-`Alaq
97. Al-Qadr
98. Al-Bayyinah
99. Az-Zalzalah
100. Al-`Adiyat
101. Al-Qari`ah
102. At-Takathur
103. Al-`Asr
104. Al-Humazah
105. Al-Fil
106. Quraysh
107. Al-Ma`un
108. Al-Kawthar
109. Al-Kafirun
110. An-Nasr
111. Al-Masad
112. Al-Ikhlas
113. Al-Falaq
114. An-Nas