logo HARUN YAHYA

Nuh - QURAANKA - Haaruun Yaxya

  • 1. Annagaa Nabi Nuux u dirray Qoomkiisii si uu ugu digo Caddibaadda horteed.
  • 2. Wuxuuna ku yidhi Qoomkayow waxaan idiin ahay dige Cad «oo muuqda»
  • 3. ee Eebe Caabuda kana dhawrsada`anigana i adeeca.
  • 4. Wuu idiin dambi dhaafi wuuna idin dib dhigi ilaa muddo Magacaaban, marka Eebe la yimaaddo ajasha wax dib u dhigi ma jiro haddaad wax ogtihiin.
  • 5. Nabi Nuux wuxuu yiri Eebbow waan u yeeray Qoomkaygii Habeen iyo dharaar.
  • 6. Yeedhiddayduna uma siyaadinin waxaan caraar ahayn.
  • 7. Markasta oo aan u yeedhana si aad ugu dambi dhaafto waxay farahooda yeelaan dhagahooda, maryahoodana way isku dadaan, wayna ku Madax adaygaan xumaanta wayna is weyneeyaan.
  • 8. si kor ah yaan ugu yeedhay, «dadka dhexdiisa»
  • 9. Waana u qaylyey, hoosna waan ugu yeeray.
  • 10. Waxaana ku idhi Eebihiin dambi dhaaf weydiista waa dambi dhaaf badance.
  • 11. Cirkana Roob badan ha idinka keenee.
  • 12. Hana idiin kordhiyo Xoolo iyo Wiilal iyo Beero hana idiin yeelo Wabi yaal.
  • 13. Maxaad leedihiin ood weynida Eebe uga cabsoon weydeen.
  • 14. Isagoo idin abuuray idinkoo soo maray Xaalado kala duwan.
  • 15. Miyaydaan arkaynin sida Eebe u Abuuray toddoba Samo oo isdulsaaran.
  • 16. Dayaxana uga yeelay Dhexdooda Nuur, qorraxdana ka yeelay siraad.
  • 17. Eebe waa Kan idinka soo Bixiyay Dhulka.
  • 18. Haddana idinku Celin doona Dhexdiisa idinkana soo bixindoona.
  • 19. Eebe waa kan Idiinka yeelay Dhulka gogol.
  • 20. Si aad ugu socotaan Dhexdiisa waddooyin waawayn.
  • 21. (Nabi) Nuux wuxuu yidhi Eebow way I caasiyeen waxayna Raaceen kuwo aan xoolohoodu iyo Carrurtoodu waxaan khasaara ahayn u kordhinaynin.
  • 22. Dhagar waynna way Dhakreen.
  • 23. Waxay isu Dheheen ha ka tagina Ilaahyaalkiinna, hana ka Tagina wuddi iyo suwaax iyo yaguuth, iyo Yacuuq iyo Nasri.
  • 24. Waxayna Dhumiyeen dad Badan ee Eebow ha kordhinnin Daalimiinta waxaan baadi ahayn.
  • 25. Gafkoodi Dartiis yaa loo Maansheeyay Naarna Loo Galiyey, mana helayaan Eebe ka soke gargaare,
  • 26. Nuux wuxuu yidhi Eebow ha kaga tagin Dhulka korkiisa Gaalada Ruxna.
  • 27. Maxaayeelay Hadaad kaga tagto waxay Dhumin Addomahaaga, mana dhalayaan waxaan gaal xun ahayn.
  • 28. Eeboow u dambi Dhaaf Aniga iyo waalidiintay iyo ruuxii gala gurigeyga isagoo Mu`min ah Raf iyo haweenba, hana u kordhinnin Daalimiinta waxaan halaag ahayn.
SHARE
Facebook
X
WhatsApp
Telegram
QR Code
QR Code