logo HARUN YAHYA

Al-Fajr - QURAANKA - Haaruun Yaxya

  • 1. Eebe wuxuu ku dhaartay Waabariga.
  • 2. Iyo Habenanada Tobanka ah (Arrafo).
  • 3. Iyo Tirada siman iyo tan is dheer.
  • 4. Iyo Habeenku markuu tagayu.
  • 5. Miyayna arrintaasu ahayn wax loogu dhaarto Qof caqli leh.
  • 6. Ma ku soo Gaadhay sida Eebahaa ku falay Caad.
  • 7. Ee ahaa Irama xooggana lahaa.
  • 8. Wax la mid ahna aan iugu abuurin dhulka.
  • 9. Iyo Thamuud-kii ahaa dhagaxa kuwa ku jarjara Waadiga.
  • 10. lyo Fircoonkii dhakawyada lahaa.
  • 11. kuwiina ahaa ku xadgudbay dhulka.
  • 12. 12 Kuna badiyay dhexdiisa fassaadka.
  • 13. Markaasaana Eeba ku shubay Caddibaad daran.
  • 14. Maxaayeelay Eebe waa u darbanyahay (abaalmarinta).
  • 15. Marks Eebe Dadka imtixaano xoolana ugu nicmeeyo wuxuu dhihi (kan xun) waa lai sharrifay (isagoo faani).
  • 16. Haddiise Eebe imtixaano oo Xoolaha ku yareeyo wuxuu dhihi Eebaa i dulleeyay.
  • 17. Saas ma aha ee waxaydaan dhaqaalaynayn Agoonka.
  • 18. Mana fartaan in masaakiinta wax la siiyo.
  • 19. Waxaadna aad u cuntaan dhaxal xaq darro.
  • 20. Xoolahana waxaad u jeceshihiin si daran.
  • 21. Saas ma aha ee marka dhulka la burburiyo.
  • 22. Eebe iyo Malaguna la yimaaddo amarkiisa Malaa`igtoo safan.
  • 23. Naarta Jahannamana Maalintaas la keeno, Dadku waxay xusuusan waxay faleen, Maxayse xusuusi tari.
  • 24. Waxay dhihi shallaytee maan wanaag hormarsado.
  • 25. Malintaas sida Eebe wax ruux u Cadaabi ma jiro.
  • 26. Wax sida Eebe wax u xidhina ma jiro.
  • 27. Naftase xaqa rumaysay ee Xasillooneey.
  • 28. U noqo Eebaha adoo raalli ah lagana raalli noqday.
  • 29. dhexgalna Addoomadayda (wanaagsan).
  • 30. Galna Jannadayda.
SHARE
Facebook
X
WhatsApp
Telegram
QR Code
QR Code