logo HARUN YAHYA

At-Takwir - QURAANKA - Haaruun Yaxya

  • 1. Marka qorraxda la duubo (Qiyaamada).
  • 2. Xiddiguhuna daataan (iyagoo Madow).
  • 3. Buurahana la kexeeyo (La rujiyo).
  • 4. Geelii rimmanaana la halleeyo.
  • 5. Dugaaggana la kulmiyo (Qisaas darteed).
  • 6. Badahana la kululeeyo.
  • 7. Naf walbana Jidhkeedii lammaaneeyo.
  • 8. Gabdhihii la xabaalnololiyayna la warsado.
  • 9. Maxaa dambi ah oo loo dilay.
  • 10. Kutubta (camalkana) la fidiyo.
  • 11. Samadana la rujiyo.
  • 12. Naarta Jaxiimana la huriyo.
  • 13. Jannadana la dhaweeyo.
  • 14. Waxay ogaan nafu waxay camal fashay.
  • 15. Waxaan ku dhaartay «huu Eebe yidhi» Xiddigaha Qarsooma (Maalintii).
  • 16. Ee socda iftiinka Qorraxdana ku qarsooma.
  • 17. Iyo Habecnku markuu jeedsado.
  • 18. Iyo subaxu markuu soo qaabilo.
  • 19. Ee Quraanku waa hadalka Eebe, Soona raray Malag sharaf lah.
  • 20. Xoogna leh Eeba agtiisana Daraja ku leh.
  • 21. Laguna addeeco halkaas aaminna ah.
  • 22. Saaxiibkiinna (Nabiguna) ma aha ku waalan.
  • 23. Horaybuuna ugn arkay Jibriil Jahadii Caddayd (Bariga Maka).
  • 24. Nabiguna ma aha Ruux lugu shakiyo waxa Maqan.
  • 25. Qaraankuna ma aha hadal shaydaan la fogeeyay.
  • 26. Ee xaggeed Gaalooy aadaysaan.
  • 27. Quraankuna waxaan waanada caalamka ahayn ina aha (waa waano).
  • 28. Ruuxii doona inuu toosnaado (yuuna u yahay).
  • 29. Waxna ma dooni kartaan in Eebaha Caalamku doona mooyec.
SHARE
Facebook
X
WhatsApp
Telegram
QR Code
QR Code