HARUN YAHYA
Somali
SO
QURAANKA
Al-Qamar
1. Waxaa dhawaatay Saacaddii (Qiyaame), dayixiina wuu dillaacay.
2. Hadday Gaaladu arkaan Aayad way ka jeedsadaan waxayna dhahaan waa Sixir daran.
3. Way beeniyeen (Nabiga iyo xaqa) waxayna raaceen Hawadooda, amar kastana wuxuu leeyahay meel uu ku sugnaado.
4. Waxaana ugu yimid dhab ahaan warar ku dheehan waano.
5. Waana Xigmad xeel dheer, maxaysa tari udigidi.
6. Ee iskaga jeedso (sugna) Maalinta mid dhawaaqaa uu ugu yeedhi wax daran.
7. Aragooduna wuu dullaysnaan waxayna ka soo bixi Qubuurahooda iyagood moodid Ayax faafay.
8. Iyagoo u dagdagi dhawaaqaha xaggiisa, waxayna dhihi Gaaladu kani waa Maalin daran.
9. Waxaa beeniyay (xaqa) iyaga hortood (Nabi) Nuux Qoomkiisii, waxay beeniyeen Addonkanagii, waxayna dheheen wuu waalanyahay, waana la guulguulay, «oo la canaantay».
10. Eebuuna tuugay inuu tabaryaryahay oo u gargaaro.
11. Markaasaan ku furay Albaabbada Samada (Cirka) Biyo badanna ka keenay.
12. Dhulkana Eebaa ka dillaaciyay ilo, wayna kulmeen biyihii amar la qadaray dartiis.
13. Waxaanna ku xambaaray Nabi Nuux (Doon) Looxyo iyo Musbaarro leh.
14. Kuna socota illalintanada si loo abaalmariyo cidda Gaalowday.
15. Waxaan uga tagnay (yuu Eebe yidhi) Calaamad (lagu wantoobo) ee ma jirtaa cid wacdoomi (oo wax xusuusan).
16. Seese yahay Caddib Eebe iyo digiddiisu.
17. Waan fududaynnay Quraanka xusuus darteed ee ma jirtaa cid wacdoomi.
18. Caadna way beenisay (xaqii), seese noqotay caddibaaddii Eebe iyo u digitiisii.
19. Waxaan ku dirray korkooda dabayl qabaw daran Maalin baasaysan dhexdeed oo Joogta ah.
20. Oo dadka siibaysa sida Timir gunteedii la rujiyay.
21. Seese ahaa caddibaaddii Eebe iyo u digiddiisii.
22. Waxaan ufududaynay Quraanka xusuus darteed ee ma jirtaa cid ku wacdoomi.
23. Waxaa beenisay (xaqii) loogu digay Thamuud.
24. Waxayna dheheen ma Ruux dad ah oo naga mid ah yaan raacaynaa, markaas waxaan ku sugannahay baadi iyo dhibaato.
25. Ma isagoo na dhexjoogaa waxyi lagu soo dajiyay, saas ma aha ee waa beenbadane kibirlow ah.
26. Way ogaan doonaan barri cidda beenbadane kibirlow ah.
27. Hashii Annagaa soo bixinnay Jirrabkooda dartiis, Ee sug kuna samir.
28. Una warran in biyuhu yihiin qayb (iyaga iyo Hasha), cidbana maalin gaara leedahay.
29. Waxay u dhawaaqeen saaxiibkood hashiina wuu dilay.
30. Seese ahaa caddibaaddii Eebe iyo u digiddiisii.
31. Dhawaaq kaliyaan ku siidaynay, waxayna la mid noqdeen jabad burburay.
32. Quraankana waan u fududaynay xusuus darteed ee ma jirtaa cid ku wacdoomi.
33. Way beeniyeen Qoomkii (NabiLuudh) u digiddii.
34. Waxaana ku dirray korkooda Dabayl Dhagaxyo wadaa, waxaanse ka nabadgalinnay (Luudh) ehelkiisii (rumeeyay) goor Aroor ah.
35. Nicmad xaggannaga ka timid darteed saasaana u abaalmarinnaa ciddii mahadisa (Eebe).
36. Nabi-Luudh wuxuu uga digay qoomkiisii qabashadannada (daran), wayse shakiyeen digiddaas.
37. Waxayna dooneen martidiisii (inay xumeeyaan) markaasaan indhaha tirray, waxaana lagu yidhi dhadhamiya caddibaadda Eebe iyo digiddiisa.
38. Waxaa ku waabariistay caddibaad sugan.
39. Waxaana lagu yidhi dhadhamiya caddibaadda Eebe iyo digiddiisa.
40. Waan fududaynay Quraanka xusuus darteed ee ma jirtaa cid wacdoomi.
41. Fircoon iyo ehelkiisii waxaa uyimid digid.
42. Wayna beeniyeen Aayaadkannagii dhammaanteed, markaasaan u qabannay si xoog iyo awood leh.
43. Ma Gaaladinnan baa ka khayr badan kuwaas mase dambi la`aanbaa idiin ku sugan Kutubta.
44. Mase waxay dhihi koox guulaysan yaanahay.
45. Waa la jabin kooxda, Dabadayna jeedin.
46. Saacadda (Qiyaame) yaa ballan u ah, Saacadduna iyadaa daran oo khadhaadh.
47. Kuwa dambiilayaasha ah baadi iyo fogaansho yay ku suganyihiin.
48. (Waxaana lagu dhihi) Maalinta Naarta WajiWaji loogu ridi dhadhamiya taabashada Saqara.
49. Wax kasta waxaan ku abuurray qadar.
50. Amarkannaguna ma aha mid mooyeen sida Ilbidhiqsi.
51. Dhab ahaan baan u halaagnay kuwa idin la mid ah, ee wax waantoobi ma jiraa.
52. Wax kastoo dadku falo wuxuu ku suganyahay Kutubta.
53. Wax kastoo yar ama waynna waa qoranyahay.
54. Kuwa dhawrsadana waxay gali Jannooyin iyo wabiyaal.
55. Meel la fadhiisto oo xaq ah oo Eebaha awoodda leh agtiisa ah (yaa u sugnaatay).
SHARE
1. Al-Fatihah
2. Al Baqara
3. Ali `Imran
4. An-Nisa
5. Al-Ma`idah
6. Al-An`am
7. Al-A`raf
8. Al-Anfal
9. At-Tawbah
10. Yunus
11. Hud
12. Yusuf
13. Ar-Ra`d
14. Ibrahim
15. Al-Hijr
16. An-Nahl
17. Al-Isra
18. Al-Kahf
19. Maryam
20. Taha
21. Al-Anbya
22. Al-Haj
23. Al-Mu`minun
24. An-Nur
25. Al-Furqan
26. Ash-Shu`ara
27. An-Naml
28. Al-Qasas
29. Al-`Ankabut
30. Ar-Rum
31. Luqman
32. As-Sajdah
33. Al-Ahzab
34. Saba
35. Faatir
36. Ya-Sin
37. As-Saffat
38. Sad
39. Az-Zumar
40. Ghafir
41. Fussilat
42. sh-Shuraa
43. Az-Zukhruf
44. Ad-Dukhan
45. Al-Jathiyah
46. Al-Ahqaf
47. Muhammad
48. Al-Fath
49. Al-Hujurat
50. Qaf
51. Adh-Dhariyat
52. At-Tur
53. An-Najm
54. Al-Qamar
55. Ar-Rahman
56. Al-Waqi`ah
57. Al-Hadid
58. Al-Mujadila
59. Al-Hashr
60. Al-Mumtahanah
61. As-Saf
62. Al-Jumu`ah
63. Al-Munafiqun
64. At-Taghabun
65. At-Talaq
66. At-Tahrim
67. Al-Mulk
68. Al-Qalam
69. Al-Haqqah
70. Al-Ma`arij
71. Nuh
72. Al-Jinn
73. Al-Muzzammil
74. Al-Muddaththir
75. Al-Qiyamah
76. Al-Insan
77. Al-Mursalat
78. An-Naba
79. An-Nazi`at
80. Abasa
81. At-Takwir
82. Al-Infitar
83. Al-Mutaffifin
84. Al-Inshiqaq
85. Al-Buruj
86. At-Tariq
87. Al-A`la
88. Al-Ghashiyah
89. Al-Fajr
90. Al-Balad
91. Ash-Shams
92. Al-Layl
93. Ad-Duhaa
94. Ash-Sharh
95. At-Tin
96. Al-`Alaq
97. Al-Qadr
98. Al-Bayyinah
99. Az-Zalzalah
100. Al-`Adiyat
101. Al-Qari`ah
102. At-Takathur
103. Al-`Asr
104. Al-Humazah
105. Al-Fil
106. Quraysh
107. Al-Ma`un
108. Al-Kawthar
109. Al-Kafirun
110. An-Nasr
111. Al-Masad
112. Al-Ikhlas
113. Al-Falaq
114. An-Nas