Al-Qamar - QURAANKA - Haaruun Yaxya
-
1. Waxaa dhawaatay Saacaddii (Qiyaame), dayixiina wuu dillaacay.
-
2. Hadday Gaaladu arkaan Aayad way ka jeedsadaan waxayna dhahaan waa Sixir daran.
-
3. Way beeniyeen (Nabiga iyo xaqa) waxayna raaceen Hawadooda, amar kastana wuxuu leeyahay meel uu ku sugnaado.
-
4. Waxaana ugu yimid dhab ahaan warar ku dheehan waano.
-
5. Waana Xigmad xeel dheer, maxaysa tari udigidi.
-
6. Ee iskaga jeedso (sugna) Maalinta mid dhawaaqaa uu ugu yeedhi wax daran.
-
7. Aragooduna wuu dullaysnaan waxayna ka soo bixi Qubuurahooda iyagood moodid Ayax faafay.
-
8. Iyagoo u dagdagi dhawaaqaha xaggiisa, waxayna dhihi Gaaladu kani waa Maalin daran.
-
9. Waxaa beeniyay (xaqa) iyaga hortood (Nabi) Nuux Qoomkiisii, waxay beeniyeen Addonkanagii, waxayna dheheen wuu waalanyahay, waana la guulguulay, «oo la canaantay».
-
10. Eebuuna tuugay inuu tabaryaryahay oo u gargaaro.
-
11. Markaasaan ku furay Albaabbada Samada (Cirka) Biyo badanna ka keenay.
-
12. Dhulkana Eebaa ka dillaaciyay ilo, wayna kulmeen biyihii amar la qadaray dartiis.
-
13. Waxaanna ku xambaaray Nabi Nuux (Doon) Looxyo iyo Musbaarro leh.
-
14. Kuna socota illalintanada si loo abaalmariyo cidda Gaalowday.
-
15. Waxaan uga tagnay (yuu Eebe yidhi) Calaamad (lagu wantoobo) ee ma jirtaa cid wacdoomi (oo wax xusuusan).
-
16. Seese yahay Caddib Eebe iyo digiddiisu.
-
17. Waan fududaynnay Quraanka xusuus darteed ee ma jirtaa cid wacdoomi.
-
18. Caadna way beenisay (xaqii), seese noqotay caddibaaddii Eebe iyo u digitiisii.
-
19. Waxaan ku dirray korkooda dabayl qabaw daran Maalin baasaysan dhexdeed oo Joogta ah.
-
20. Oo dadka siibaysa sida Timir gunteedii la rujiyay.
-
21. Seese ahaa caddibaaddii Eebe iyo u digiddiisii.
-
22. Waxaan ufududaynay Quraanka xusuus darteed ee ma jirtaa cid ku wacdoomi.
-
23. Waxaa beenisay (xaqii) loogu digay Thamuud.
-
24. Waxayna dheheen ma Ruux dad ah oo naga mid ah yaan raacaynaa, markaas waxaan ku sugannahay baadi iyo dhibaato.
-
25. Ma isagoo na dhexjoogaa waxyi lagu soo dajiyay, saas ma aha ee waa beenbadane kibirlow ah.
-
26. Way ogaan doonaan barri cidda beenbadane kibirlow ah.
-
27. Hashii Annagaa soo bixinnay Jirrabkooda dartiis, Ee sug kuna samir.
-
28. Una warran in biyuhu yihiin qayb (iyaga iyo Hasha), cidbana maalin gaara leedahay.
-
29. Waxay u dhawaaqeen saaxiibkood hashiina wuu dilay.
-
30. Seese ahaa caddibaaddii Eebe iyo u digiddiisii.
-
31. Dhawaaq kaliyaan ku siidaynay, waxayna la mid noqdeen jabad burburay.
-
32. Quraankana waan u fududaynay xusuus darteed ee ma jirtaa cid ku wacdoomi.
-
33. Way beeniyeen Qoomkii (NabiLuudh) u digiddii.
-
34. Waxaana ku dirray korkooda Dabayl Dhagaxyo wadaa, waxaanse ka nabadgalinnay (Luudh) ehelkiisii (rumeeyay) goor Aroor ah.
-
35. Nicmad xaggannaga ka timid darteed saasaana u abaalmarinnaa ciddii mahadisa (Eebe).
-
36. Nabi-Luudh wuxuu uga digay qoomkiisii qabashadannada (daran), wayse shakiyeen digiddaas.
-
37. Waxayna dooneen martidiisii (inay xumeeyaan) markaasaan indhaha tirray, waxaana lagu yidhi dhadhamiya caddibaadda Eebe iyo digiddiisa.
-
38. Waxaa ku waabariistay caddibaad sugan.
-
39. Waxaana lagu yidhi dhadhamiya caddibaadda Eebe iyo digiddiisa.
-
40. Waan fududaynay Quraanka xusuus darteed ee ma jirtaa cid wacdoomi.
-
41. Fircoon iyo ehelkiisii waxaa uyimid digid.
-
42. Wayna beeniyeen Aayaadkannagii dhammaanteed, markaasaan u qabannay si xoog iyo awood leh.
-
43. Ma Gaaladinnan baa ka khayr badan kuwaas mase dambi la`aanbaa idiin ku sugan Kutubta.
-
44. Mase waxay dhihi koox guulaysan yaanahay.
-
45. Waa la jabin kooxda, Dabadayna jeedin.
-
46. Saacadda (Qiyaame) yaa ballan u ah, Saacadduna iyadaa daran oo khadhaadh.
-
47. Kuwa dambiilayaasha ah baadi iyo fogaansho yay ku suganyihiin.
-
48. (Waxaana lagu dhihi) Maalinta Naarta WajiWaji loogu ridi dhadhamiya taabashada Saqara.
-
49. Wax kasta waxaan ku abuurray qadar.
-
50. Amarkannaguna ma aha mid mooyeen sida Ilbidhiqsi.
-
51. Dhab ahaan baan u halaagnay kuwa idin la mid ah, ee wax waantoobi ma jiraa.
-
52. Wax kastoo dadku falo wuxuu ku suganyahay Kutubta.
-
53. Wax kastoo yar ama waynna waa qoranyahay.
-
54. Kuwa dhawrsadana waxay gali Jannooyin iyo wabiyaal.
-
55. Meel la fadhiisto oo xaq ah oo Eebaha awoodda leh agtiisa ah (yaa u sugnaatay).
SHARE
1
Al-Fatihah
2
Al Baqara
3
Ali `Imran
4
An-Nisa
5
Al-Ma`idah
6
Al-An`am
7
Al-A`raf
8
Al-Anfal
9
At-Tawbah
10
Yunus
11
Hud
12
Yusuf
13
Ar-Ra`d
14
Ibrahim
15
Al-Hijr
16
An-Nahl
17
Al-Isra
18
Al-Kahf
19
Maryam
20
Taha
21
Al-Anbya
22
Al-Haj
23
Al-Mu`minun
24
An-Nur
25
Al-Furqan
26
Ash-Shu`ara
27
An-Naml
28
Al-Qasas
29
Al-`Ankabut
30
Ar-Rum
31
Luqman
32
As-Sajdah
33
Al-Ahzab
34
Saba
35
Faatir
36
Ya-Sin
37
As-Saffat
38
Sad
39
Az-Zumar
40
Ghafir
41
Fussilat
42
sh-Shuraa
43
Az-Zukhruf
44
Ad-Dukhan
45
Al-Jathiyah
46
Al-Ahqaf
47
Muhammad
48
Al-Fath
49
Al-Hujurat
50
Qaf
51
Adh-Dhariyat
52
At-Tur
53
An-Najm
54
Al-Qamar
55
Ar-Rahman
56
Al-Waqi`ah
57
Al-Hadid
58
Al-Mujadila
59
Al-Hashr
60
Al-Mumtahanah
61
As-Saf
62
Al-Jumu`ah
63
Al-Munafiqun
64
At-Taghabun
65
At-Talaq
66
At-Tahrim
67
Al-Mulk
68
Al-Qalam
69
Al-Haqqah
70
Al-Ma`arij
71
Nuh
72
Al-Jinn
73
Al-Muzzammil
74
Al-Muddaththir
75
Al-Qiyamah
76
Al-Insan
77
Al-Mursalat
78
An-Naba
79
An-Nazi`at
80
Abasa
81
At-Takwir
82
Al-Infitar
83
Al-Mutaffifin
84
Al-Inshiqaq
85
Al-Buruj
86
At-Tariq
87
Al-A`la
88
Al-Ghashiyah
89
Al-Fajr
90
Al-Balad
91
Ash-Shams
92
Al-Layl
93
Ad-Duhaa
94
Ash-Sharh
95
At-Tin
96
Al-`Alaq
97
Al-Qadr
98
Al-Bayyinah
99
Az-Zalzalah
100
Al-`Adiyat
101
Al-Qari`ah
102
At-Takathur
103
Al-`Asr
104
Al-Humazah
105
Al-Fil
106
Quraysh
107
Al-Ma`un
108
Al-Kawthar
109
Al-Kafirun
110
An-Nasr
111
Al-Masad
112
Al-Ikhlas
113
Al-Falaq
114
An-Nas