logo HARUN YAHYA

At-Tariq - QURAANKA - Haaruun Yaxya

  • 1. Eebe wuxuu ku dhaartay Samada iyo Xiddigga guura.
  • 2. Ma taqaan Xiddigga guura.
  • 3. Waa Xiddig ifa.
  • 4. Ee Nafwalba waxaa kor jooga ilaaliye (Malag).
  • 5. Ee Dadku ha dayo waxa laga abuuray.
  • 6. Waxaa laga abuuray Biyo booda.
  • 7. Kana soobaxa Dhabar iyo laab dhexdood.
  • 8. Eebana waa karaa soo celinta Dadka (qiyaamada).
  • 9. Maalinta la imtixaani waxa (Laabta) ku qarsoon.
  • 10. Dadkuna Xoog ma leh (Maalintaas) iyo wax u gargaaara midna.
  • 11. Eebana wuxuu ku dhaartay Samada Roobka leh.
  • 12. Iyo Dhulka jeexma (waxna ka soo baxo).
  • 13. Ee Quraanku waa hadal wax kala bixiya (wanaagga iyo Xumaanta).
  • 14. Ciyaarra ma aha (ee waa dhab).
  • 15. Gaaladu waxbay dhakri.
  • 16. Annaguna waanu kaydi (Abaalmarin).
  • 17. Ee u sug Gaalada wax yar.
SHARE
Facebook
X
WhatsApp
Telegram
QR Code
QR Code