10. Kuwa xaqa rumeeyow hadday idiin yimaaddaan Haween Mu`miniin ah oo Gaalada ka soo Hijrooday (ka soo tegay) Imtixaana (inay ka dhabtahay iyo in kale) Eebaa og Iimaankooda, haddaad ogaataan inay xaqa (dhabnimo) u rumeeyeen waa inaydaan Gaalada u celinin, maxaa yeelay Xalaal isuma aha Meherkiina ha u celiyeen Gaalada, inaad isguursataanna waxba kuma jiro haddaad Meher siinaysaan, Haweenka Gaalooba Nikaax isuguma kiin xirna ee ha haysanina, weydiista waxaad Meher u bixiseen Gaaladuna ha weydiisato waxay Meher u bixiyeen, xaaladaasina waa xukunka Eebe uu dhexdiina xukumay, Ilaahayna waa ogyahay (waxa la Camal falo) waana Falsame.