HARUN YAHYA
Somali
SO
QURAANKA
Al-Haqqah
1. Maalinta Xaaqo (Qiyaamadu waa wax sugan).
2. Xaaqo maxay tahay.
3. inaadan aqoon ma laga yaabaa xaaqada.
4. Waxa beeniyeen Reer «Thamuud» iyo «Caadba» Qiyaamada.
5. Thamuudse waxaa lagu halligay Qaylo daran.
6. Caadna waxaa lagu halligay Dabayl daran oo qabow.
7. oo lagu diray korkooda Toddoba habeen iyo Siddeed Maalmood oo iraacsan, waxaadna arkaysaa iyagoo daadsan ood mooddo jirrid Timir (dogob dhacay).
8. wax ka hadhay miyaad aragtaa.
9. Fircoon iyo kuwii ka horreeyeyna waa jireen iyo kuwii gafsanaa ee la daba geddiyey (Nabi Luudh Qoomkiisi).
10. Waxay Caasiyeen rusushii Eebahood Markaasuu si daran u qabtay.
11. Markay Biyihii xad dhaafeen (Waqtigii Nabi Nuux) waxaan idinku xambaarnay (Awoow yaalkiin) Doontii.
12. si aan uga yeelno waano ay una xafiddo dhag wax maqasha.
13. Marka Suurka la afuufo hal mar.
14. Dhulka iyo Buurahana la xambaaro oo la burburiyo hal mar.
15. Maalintaasay Qiyaamadu dhacaysaa.
16. Samaduna Maalintaas way dillaaci wayna tabar yaraan.
17. Malaa`igtuna Cirka gaararkiisa yey ahaan Maalintaas, Carshiga Eebana waxaa dadka korkiisa ku xambaari Maalintaas Siddeed Malag.
18. Maalintaasaa dadka loo soo bandhigi Eebe wax xagooda kaga qarsoonna ma jiro.
19. Ruuxiise Kitaabkiisa midigta laga siiyo wuxuu dhihi (farax daraadiis) akhriya Kitaabkayga.
20. Waxaan yaqiinsanaa (Adduunka) inaan la kulmi Xisaabtayda.
21. wuxuu ruuxaasi ku noolaan nolol laga raalli yahay.
22. Wuxuuna geli «Janno» sarreeysa.
23. Midhaheeduna u dhaw yihiin (Ruuxa guran).
24. Waxaana lagu dhihi Cuna oo Caba idinkoo shifaysan Camalkaad hor marsateen ayaamihii tegay daraadiis (Adduunkii).
25. Ruuxiise Kitaabkiisa laga siiyo Bidixda wuxuu dhahayaa Magacayba`ee maan la i siinin Kitaabkayga.
26. Xisaabtaydana maanan ogaanin.
27. Magaacayba`ee maxaan u soo noolaaday.
28. Xoolahaygi wax iima tarin.
29. Waxaa lumay awooddaydii (iyo xujadaydii).
30. Waxaa loo odhan qabta oo Gacmihiisa iyo luquntiisa isku xira.
31. Naarta Jahannamada geliya.
32. Markaas geliya Silsilad Todobaatan dhudhun ah.
33. maxaayeelay wuxuu ahaa kaan rumaynin Eebaha weyn.
34. aana fari jirin in Masaakiinta wax la siiyo.
35. Maanta (Qiyaamada) kuma leh Saaxiib.
36. Cuunana kuma leh aan ahayn dhaacaanka «Ehlu Naarka».
37. Cunnadaasna ma cuno kuwa gafay waxaan ahayn (Gaalada).
38. Waxaan ku dhaaran waxaad aragtaan (Makhluuqaad ah).
39. iyo waxaydaan arkayninba.
40. ee Qur`aanku waa hadalkii Eebe uu u soo dhiibay Rasuul Sharaf leh.
41. Hadal gabayaana ma aha, wax yar yaadse rumaynaysaan (Xaqa).
42. Hadal wax sheegana ma aha wax yar yaadse waantoomaysaan.
43. (Qur`aanku) wuxuu ka soo degay Eebaha Caalamka.
44. Hadduu nagu been abuurto (Nabi Muxamed).
45. Waxaanu ku qaban gacan adag.
46. Waxaannu gooynaynaa Xididka Wadnaha.
47. Ruux idinka mid ah oo naga eelinnna ma jiro.
48. Qur`aankuna waa waanada kuwa Eebe ka dhawrsada.
49. Waxaan ognahay inay idin ka mid yihiin kuwa beenin (Qur`aanka).
50. Qur`aanku waa qoomamada Gaalada (Maalinta Qiyaame).
51. Qur`aanka waa run dhab ah.
52. Ee Nabiyow u tasbiixso Magaca Eebe ee weyn.
SHARE
1. Al-Fatihah
2. Al Baqara
3. Ali `Imran
4. An-Nisa
5. Al-Ma`idah
6. Al-An`am
7. Al-A`raf
8. Al-Anfal
9. At-Tawbah
10. Yunus
11. Hud
12. Yusuf
13. Ar-Ra`d
14. Ibrahim
15. Al-Hijr
16. An-Nahl
17. Al-Isra
18. Al-Kahf
19. Maryam
20. Taha
21. Al-Anbya
22. Al-Haj
23. Al-Mu`minun
24. An-Nur
25. Al-Furqan
26. Ash-Shu`ara
27. An-Naml
28. Al-Qasas
29. Al-`Ankabut
30. Ar-Rum
31. Luqman
32. As-Sajdah
33. Al-Ahzab
34. Saba
35. Faatir
36. Ya-Sin
37. As-Saffat
38. Sad
39. Az-Zumar
40. Ghafir
41. Fussilat
42. sh-Shuraa
43. Az-Zukhruf
44. Ad-Dukhan
45. Al-Jathiyah
46. Al-Ahqaf
47. Muhammad
48. Al-Fath
49. Al-Hujurat
50. Qaf
51. Adh-Dhariyat
52. At-Tur
53. An-Najm
54. Al-Qamar
55. Ar-Rahman
56. Al-Waqi`ah
57. Al-Hadid
58. Al-Mujadila
59. Al-Hashr
60. Al-Mumtahanah
61. As-Saf
62. Al-Jumu`ah
63. Al-Munafiqun
64. At-Taghabun
65. At-Talaq
66. At-Tahrim
67. Al-Mulk
68. Al-Qalam
69. Al-Haqqah
70. Al-Ma`arij
71. Nuh
72. Al-Jinn
73. Al-Muzzammil
74. Al-Muddaththir
75. Al-Qiyamah
76. Al-Insan
77. Al-Mursalat
78. An-Naba
79. An-Nazi`at
80. Abasa
81. At-Takwir
82. Al-Infitar
83. Al-Mutaffifin
84. Al-Inshiqaq
85. Al-Buruj
86. At-Tariq
87. Al-A`la
88. Al-Ghashiyah
89. Al-Fajr
90. Al-Balad
91. Ash-Shams
92. Al-Layl
93. Ad-Duhaa
94. Ash-Sharh
95. At-Tin
96. Al-`Alaq
97. Al-Qadr
98. Al-Bayyinah
99. Az-Zalzalah
100. Al-`Adiyat
101. Al-Qari`ah
102. At-Takathur
103. Al-`Asr
104. Al-Humazah
105. Al-Fil
106. Quraysh
107. Al-Ma`un
108. Al-Kawthar
109. Al-Kafirun
110. An-Nasr
111. Al-Masad
112. Al-Ikhlas
113. Al-Falaq
114. An-Nas