Al-Haqqah - QURAANKA - Haaruun Yaxya
-
1. Maalinta Xaaqo (Qiyaamadu waa wax sugan).
-
2. Xaaqo maxay tahay.
-
3. inaadan aqoon ma laga yaabaa xaaqada.
-
4. Waxa beeniyeen Reer «Thamuud» iyo «Caadba» Qiyaamada.
-
5. Thamuudse waxaa lagu halligay Qaylo daran.
-
6. Caadna waxaa lagu halligay Dabayl daran oo qabow.
-
7. oo lagu diray korkooda Toddoba habeen iyo Siddeed Maalmood oo iraacsan, waxaadna arkaysaa iyagoo daadsan ood mooddo jirrid Timir (dogob dhacay).
-
8. wax ka hadhay miyaad aragtaa.
-
9. Fircoon iyo kuwii ka horreeyeyna waa jireen iyo kuwii gafsanaa ee la daba geddiyey (Nabi Luudh Qoomkiisi).
-
10. Waxay Caasiyeen rusushii Eebahood Markaasuu si daran u qabtay.
-
11. Markay Biyihii xad dhaafeen (Waqtigii Nabi Nuux) waxaan idinku xambaarnay (Awoow yaalkiin) Doontii.
-
12. si aan uga yeelno waano ay una xafiddo dhag wax maqasha.
-
13. Marka Suurka la afuufo hal mar.
-
14. Dhulka iyo Buurahana la xambaaro oo la burburiyo hal mar.
-
15. Maalintaasay Qiyaamadu dhacaysaa.
-
16. Samaduna Maalintaas way dillaaci wayna tabar yaraan.
-
17. Malaa`igtuna Cirka gaararkiisa yey ahaan Maalintaas, Carshiga Eebana waxaa dadka korkiisa ku xambaari Maalintaas Siddeed Malag.
-
18. Maalintaasaa dadka loo soo bandhigi Eebe wax xagooda kaga qarsoonna ma jiro.
-
19. Ruuxiise Kitaabkiisa midigta laga siiyo wuxuu dhihi (farax daraadiis) akhriya Kitaabkayga.
-
20. Waxaan yaqiinsanaa (Adduunka) inaan la kulmi Xisaabtayda.
-
21. wuxuu ruuxaasi ku noolaan nolol laga raalli yahay.
-
22. Wuxuuna geli «Janno» sarreeysa.
-
23. Midhaheeduna u dhaw yihiin (Ruuxa guran).
-
24. Waxaana lagu dhihi Cuna oo Caba idinkoo shifaysan Camalkaad hor marsateen ayaamihii tegay daraadiis (Adduunkii).
-
25. Ruuxiise Kitaabkiisa laga siiyo Bidixda wuxuu dhahayaa Magacayba`ee maan la i siinin Kitaabkayga.
-
26. Xisaabtaydana maanan ogaanin.
-
27. Magaacayba`ee maxaan u soo noolaaday.
-
28. Xoolahaygi wax iima tarin.
-
29. Waxaa lumay awooddaydii (iyo xujadaydii).
-
30. Waxaa loo odhan qabta oo Gacmihiisa iyo luquntiisa isku xira.
-
31. Naarta Jahannamada geliya.
-
32. Markaas geliya Silsilad Todobaatan dhudhun ah.
-
33. maxaayeelay wuxuu ahaa kaan rumaynin Eebaha weyn.
-
34. aana fari jirin in Masaakiinta wax la siiyo.
-
35. Maanta (Qiyaamada) kuma leh Saaxiib.
-
36. Cuunana kuma leh aan ahayn dhaacaanka «Ehlu Naarka».
-
37. Cunnadaasna ma cuno kuwa gafay waxaan ahayn (Gaalada).
-
38. Waxaan ku dhaaran waxaad aragtaan (Makhluuqaad ah).
-
39. iyo waxaydaan arkayninba.
-
40. ee Qur`aanku waa hadalkii Eebe uu u soo dhiibay Rasuul Sharaf leh.
-
41. Hadal gabayaana ma aha, wax yar yaadse rumaynaysaan (Xaqa).
-
42. Hadal wax sheegana ma aha wax yar yaadse waantoomaysaan.
-
43. (Qur`aanku) wuxuu ka soo degay Eebaha Caalamka.
-
44. Hadduu nagu been abuurto (Nabi Muxamed).
-
45. Waxaanu ku qaban gacan adag.
-
46. Waxaannu gooynaynaa Xididka Wadnaha.
-
47. Ruux idinka mid ah oo naga eelinnna ma jiro.
-
48. Qur`aankuna waa waanada kuwa Eebe ka dhawrsada.
-
49. Waxaan ognahay inay idin ka mid yihiin kuwa beenin (Qur`aanka).
-
50. Qur`aanku waa qoomamada Gaalada (Maalinta Qiyaame).
-
51. Qur`aanka waa run dhab ah.
-
52. Ee Nabiyow u tasbiixso Magaca Eebe ee weyn.
SHARE
1
Al-Fatihah
2
Al Baqara
3
Ali `Imran
4
An-Nisa
5
Al-Ma`idah
6
Al-An`am
7
Al-A`raf
8
Al-Anfal
9
At-Tawbah
10
Yunus
11
Hud
12
Yusuf
13
Ar-Ra`d
14
Ibrahim
15
Al-Hijr
16
An-Nahl
17
Al-Isra
18
Al-Kahf
19
Maryam
20
Taha
21
Al-Anbya
22
Al-Haj
23
Al-Mu`minun
24
An-Nur
25
Al-Furqan
26
Ash-Shu`ara
27
An-Naml
28
Al-Qasas
29
Al-`Ankabut
30
Ar-Rum
31
Luqman
32
As-Sajdah
33
Al-Ahzab
34
Saba
35
Faatir
36
Ya-Sin
37
As-Saffat
38
Sad
39
Az-Zumar
40
Ghafir
41
Fussilat
42
sh-Shuraa
43
Az-Zukhruf
44
Ad-Dukhan
45
Al-Jathiyah
46
Al-Ahqaf
47
Muhammad
48
Al-Fath
49
Al-Hujurat
50
Qaf
51
Adh-Dhariyat
52
At-Tur
53
An-Najm
54
Al-Qamar
55
Ar-Rahman
56
Al-Waqi`ah
57
Al-Hadid
58
Al-Mujadila
59
Al-Hashr
60
Al-Mumtahanah
61
As-Saf
62
Al-Jumu`ah
63
Al-Munafiqun
64
At-Taghabun
65
At-Talaq
66
At-Tahrim
67
Al-Mulk
68
Al-Qalam
69
Al-Haqqah
70
Al-Ma`arij
71
Nuh
72
Al-Jinn
73
Al-Muzzammil
74
Al-Muddaththir
75
Al-Qiyamah
76
Al-Insan
77
Al-Mursalat
78
An-Naba
79
An-Nazi`at
80
Abasa
81
At-Takwir
82
Al-Infitar
83
Al-Mutaffifin
84
Al-Inshiqaq
85
Al-Buruj
86
At-Tariq
87
Al-A`la
88
Al-Ghashiyah
89
Al-Fajr
90
Al-Balad
91
Ash-Shams
92
Al-Layl
93
Ad-Duhaa
94
Ash-Sharh
95
At-Tin
96
Al-`Alaq
97
Al-Qadr
98
Al-Bayyinah
99
Az-Zalzalah
100
Al-`Adiyat
101
Al-Qari`ah
102
At-Takathur
103
Al-`Asr
104
Al-Humazah
105
Al-Fil
106
Quraysh
107
Al-Ma`un
108
Al-Kawthar
109
Al-Kafirun
110
An-Nasr
111
Al-Masad
112
Al-Ikhlas
113
Al-Falaq
114
An-Nas