logo HARUN YAHYA

An-Nazi`at - QURAANKA - Haaruun Yaxya

  • 1. Eebe wuxuu ku dhaartay Malaa`igta Nafta si daran uga siibta (gaalada).
  • 2. Iyo tan si fudud uga qaadda (mu`miniinta).
  • 3. Iyo Malaa`igta Hawada Dabbaalata (si amar fulin).
  • 4. Iyo tan u orotanta wanaagga.
  • 5. Iyo kuwa Maamula amarka (Eebe).
  • 6. Maalinta ay gilgilan afuufka (hore).
  • 7. Oyna raaci tii dambe (waa sugantahay).
  • 8. Qalbiyaduna Maalintaa way cabsan.
  • 9. Araggeeduna wuu dullaysnaan.
  • 10. Waxayna dhihi (Gaaladu) Ma raadkiibaa naloo celin (Adduunkii).
  • 11. Markaan noqonno Lafo duugoobay.
  • 12. Waxay dheheen taasi waa noqosho khasaara ah.
  • 13. Waa uun Hal Qaylo kaliya.
  • 14. Dadkuna markaas ay Dhulka kor iman.
  • 15. Ma ku soo gaadhay warkii (Nabi) Muuse.
  • 16. Markii Eebe uga yeedahy Toggii barakaysnaa ee Dhuwa.
  • 17. Kuna yidhi u tag Fircoon wuu xadgudbaye.
  • 18. Oo ku dheh ma rabtaa inaad daahir noqotid.
  • 19. Oon Eebe Jidkiisa kugu hanuuniyo kana yaabtid.
  • 20. Wuxuuna tusiyay (Nabi-Muuse) Aayad wayn.
  • 21. Wuuse beeniyay oo caasiyay (Fircoon).
  • 22. Wuuna jeedsaday isagoo xumaan la socda.
  • 23. Wuxuuna kulmiyay (Askartii) una Qaylyay.
  • 24. Isagoo dhihi waxaan ahay Eebihiinna sare.
  • 25. Markaasaa Eebe Ciqaabay Aakhiro iyo Adduunba.
  • 26. Arrintaasna waano yaa ugu sugan Ruuxii Eebe ka yaabi.
  • 27. Ma idinkaa daran abuuridda masc Samada Eebaa dhisay.
  • 28. Korna yeelay jurmigeeda ekeeyayna.
  • 29. Habeenkeedana madoobeeyay Maalinteedana soo bixiyay (Ifiyay).
  • 30. Dhulkana markaas ka dib fidiyay.
  • 31. Biyahiisa iyo Daaqiisana soo bixiyay.
  • 32. Buurahana sugay.
  • 33. Si aad idinka iyo Xoolihiinnu ugu nacfidaan.
  • 34. Markay timaaddo Musiibadii waynayd (qiyaamadu).
  • 35. Maalintaas Dadku way xusuusan waxay faleen.
  • 36. Naarta Jaxiimana waxaa loo muujin Ruuxii Arki.
  • 37. Ruuxiise xadgudba.
  • 38. Nolosha Adduunyana doorta.
  • 39. Wuxuu ku dheelman Naarta Jaxiimo.
  • 40. Ruuxiise ka yaaba la kulanka Eebe Naftana ka reeba Hawada (xun).
  • 41. Wuxuu u dheelman Janno.
  • 42. Waxay ku waydiin Saacadda (Qiyaamaha) markay sugnaan.
  • 43. Maxaa ku ogaysiiyay waqtigeeda.
  • 44. Eebe umbuu ku dhammaan ogaansheheedu.
  • 45. Adugu waxaad tahay uun u digaha Ruuxii ka yaabi.
  • 46. Waxay la mid noqon Malintay arkaan (Qiyaamada) yagon nagaanin Galab iyo Barqin mooyeen (Addunka).
SHARE
Facebook
X
WhatsApp
Telegram
QR Code
QR Code