1. waxaa yimid amarkii Eebe Qiyaamihii (iyo ciqaab) ee ha dedejisanina, waxaa ka nasahan oo sarreeya Eebe waxay la wadaajin.
2. wuxuu ku soo dejiyaa Malaa`igta waxyi oo amarkiisa ka mida cidduu doono oo addoomadiisa ka mida oo ah ugu diga inaan Ilaahay mooyee Eebe kale jirin ee ani uun iga dhawrsada.
3. wuxuu u abuuray Eebe Samooyinka iyo Dhulka xaq, wuuna ka sarreeya waxay la wadaajin.
4. wuxuu ka abuuray dadka dhibic markaasuu noqdaa dood badane cad.
26. waxaa wax dhagray kuwii ka horreeyey markuu Eebe (amarkiisii) uga yimid xagga Asaaska (Tiirarka) waxaana kaga dumay saanqaafkii korkooda wuxuuna uga yimid cadaab meelayan ogayn.
27. ka dibna maalinta Qiyaame wuu dullayn wuxuuna dhihi aaway shura- kadaydii aad ku doodayseen dhexdeeda, kuwiina waxay dheheen cilmiga la siiyey (Culimadii) dulli iyo xumaan maanta wuxuu saaranyahay Gaalada.
28. ee ah kuway oofsan Malaa`igtu iyagoo dulmiyey naftooda, waxayna Muujiyaan hogaansi iyagoo dhihi maanaan ahayn kuwo xumaan fala, saas ma aha ee Eebe waa ogyahay waxaad falayseen.
29. ee ka gala irridaha Jahannamo idinkoo ku waari dhexdeeda waxaana xumaan badan Hooyga kuwa iskibriya.
30. Waxaa lagu Dhahaa kuwa dhawrsaday muxuu soo Dejiyay Eebihiin Waxayna dhahaan Khayr, Kuwa Sama falay adduunyadana waxay mudan wanaag Daarta aakhiraana u Khayrroon waxaana wanaag Badan daarta mutaqinta (Kuwa dhawrsaday).
31. Waa jannada cadnin oy gali oy soconna dhexdeeda Wabiyaashii waxayna ka heli waxay doonaan, Saasuuna Eebe ku abaal mariyaa kuwa dhawrsada.
32. Ee ah kuway oofsato Malaa`igtu iyagoo Fiican (Kuna dhihi) Nabadgalyo korkiina ha ahaato ee Ku gala jannada Waxaad camal fali Jirteen Dartiis.
33. Gaaladuse miyay sugi inay u timaado Malaa`igtu mooyee ama u yimaado Amarka Eebahaa, Saasayna Faleen kuwii ka horeeyay, Mana Dulmiyin Eebe iyagaase dulmiyay Naftooda.
34. Waxaana ku dhacay Xumaantii waxay faleen, Waxaana ku dagay (Ciqaahtii) Waxay ku jeesi Jireen.
35. Waxay dhahaan kuwii Eebe la wadaajiyay (Cibaadada) Haduu doono Eebe maanaan caabudneen cid ka Soo Hadhay waxba annaga iyo aabayaalkanno mana Xarrimneen isaga ka sokow waxba, Saasayna faleen Kuwii ka horeeyay ee Rasuullada ma saaran yahay Waxaan gaadhsiin cad ahayn.
36. Waxaan ka bixinay Umad kasta Rasuul inay caabudaan Eebe kana dheeraadaan Dhaaquutka (Cibaadada Eebe ka sokow), Waxaana ka mida dadka Cid Eebe Hanuuniyay, Waxaana ka Mida ciday ku sugnaatay Baadinimo, Ee socda dhulka oo Eega siday Noqotay Cidhibtii Beeniyayaasha.
37. Hadaad ku Dadaashid hanuunkooda Eebe ma hanuuniyo ciduu Dhumiyay mana helaan Gargaare,
38. waxay ugu dhaarteen Eebe dhaar adag inuusan soo bixinayn Eebe cid dhimatay saas ma aha ee waa yabooh Eebe isasaaray (sugan) Dadka badidiise ma oga.
62. Waxayna u yeelaan Eebe waxay Nacayaan, waxayna tilmaami carrabyadoodu Been inuu wanaag u sugnaaday, waxaa sugan in Naar uun u sugnaatay, oo loo hormarin (Luguna dhaafi).
63. Dhaar Eebee waxaan (Rasuullo) u dirray Umado kaa horreeyey wuxuuna u Qurxiyey Shaydaan camalkooda isagaana sokeeye u ah Maanta waxayna mudan Cadaab daran.
64. Quraankana waxaan uun kuugu soo Dejinay inaad u Caddaysid Dadka waxay isku Khilaafsanyihiin iyo Hanuunka iyo Naxariista Ciddii Rumayn.
65. Eebana waa kan ka soo Dejiya Samada Biyo, kuna Nooleeya Dhulka Abaar ka dib, Arrintaasna Calaamad yaa ugu sugan Ciddii wax maqli.
66. Waxaana idiinku sugan Xoolaha Cibrad (Waano qaadasho) waxaana idinka waraabinaa waxa ku sugan Caloosheeda Digo iyo Dhiig dhexdooda ah Caano Saafi ah oo u fudud kuwa Cabbi.
71. Eebe wuu ka fadilay Qaarkiin qaar Risqiga, mana aha kuwa la fadilay kuwii ku celiya Risqigooda waxay gacantoodu hanato oy isku mid ku noqdaan ee Ma Nicmada Eebaad diidaysaan.
72. Eebe wuxuu idinka yeelay naftiinna azwaaj wuxuuna idinka yeelay Haweenkiinna caruur iyo farac idinkuna arsaaqay wanaag ma baadhilbay rumayn oy Nicmada Eebay ka Gaaloobi.
73. waxayna Caabudayaan Eebe ka sokow waxaan uga hananayn Risqi Samooyinka iyo Dhulka waxba, waxna karin.
74. ee hawyeelina Eebe wax la mida Eebe wuu ogyahay idinkuse ma ogidine.
75. Eebe wuxuu ka yeelay tusaale Addoon la leeyahay oon Waxba karin iyo Ruux aannu ku Arzaaqnay rizqi fiican oo u bixin qarsoodi iyo muuqaalba, Ma isku midbaa, Mahad Eebaa iska leh, Badankooduse wax ma oga.
76. Waxaa (kale) oo Eebe tusaale ka yeelay laba Nin oo midkood Af la`yahay (Mahadle) waxna karin dhibna ku ah (Culays) Ilaaliyihiisa meel Kastoos ujeediyana aan wanaag ka imanaynin Ma Egyihiin isaga iyo ruux fari Caddaalada Jid toosanna ku sugan.
77. Eebaa iska leh waxa ku maqan Samooyinka iyo Dhulka, Saacadda amarkeeduna ma aha ilbidhiqsigeed mooyee ama ka dhaw, Eebana wax Kasta wuu karaa.
78. Eebe wuxuu idinka soo bixiyay Caloosha Hooyooyinkiin Waxba idinkoon ogayn wuxuuna Idiin yeelay Ma- qal iyo Arag iyo Quluub inaad Ku Shukridaan Eebe.
109. Waxaa sugan in kuwaasu aakharo ay Iyagu uun Khasaareen
110. Eebahaase kuwa Hijrooday intii la fidmeeyey (la dhibay) ka dib markaas jahaaday oo samray (adkaystay) Eebahaana intaas ka dib waa u dambi dhaafe Naxariista.
111. waana Maalin ay imaan naf walba iyadoo ka doodi (Daafici) nafteeda oo loo Oofin naf kasta waxay fasahay lana duminayn.
116. ha dhihina wuxuu carrabkiina ku tilmaani been kani waa xalaal kanna waa xaaraan, inaad ku been abuurataan Eebe, kuwa ku Been abuurta Eebe ma Liibaanaan.