logo HARUN YAHYA

Al-Jinn - QURAANKA - Haaruun Yaxya

  • 1. Waxaad Dhahdaa (Nabiyow) waxaa lay waxyooday inay Dhagaysteen Koox Jinni ah (Quraanka) Dheheen waxaan maqallay quraan layaab leh.
  • 2. Oo ku hanuunin xaqa waana Rumaynay waxaan Eebe cibaada la wadaajinhaynana ma jiro.
  • 3. Waxaana Sarreeya sharafta Eebeheen, mana yeelan haweenay iyo ilmo midna.
  • 4. Waxay Ahaayeen kuwannagii xumaa inay ku dhaheen hadallo xadgudug ah Eebe.
  • 5. Waxaana u Malaynaynay inuusan insi iyo Jini Midna Eebe ku beensheegaynin.
  • 6. Waxayna ahaayeen kuwo insiga ka mid ah inay Magangalaan kuwo Jinniga ka mida markaasna u kordhiyeen kibir (iyo xad Gudub).
  • 7. Waxayna jinnigu u maleeyeen sidaad u malayseen inaan Eebe soo Bixinhaynin Ruuxna.
  • 8. Waxaan Doonnay samada waxaana hellay iyadoo ka buuxda Ilaalin daran iyo danabyo.
  • 9. Waxaana ahayn kuwo Fadhiista xageeda meelo si aan wax uga dhagaysanno Ruuxiise Dhagaysta hadda wuxuu heli danabyo darban «la kulmi».
  • 10. Mana ogin inay tahay shar lala Doonay dadka Dhulka ku nool ama Eebohood la Doonay hanuun (iyo khayr).
  • 11. Waxaa naga mid ah kuwo suuban iyo kuwo kaleba, waxaan nahay kooxa kala duwan.
  • 12. Waxaanna Ognahay Inaannaan Eebe ku daalinkarin Dhulka Dhexdiisa, kuna Daalinhaynin Cararid.
  • 13. Markaan Maqallay hanuunkana waan Rumaynay, Ruuxii rumeeya Eebihiisana kama yaabo Nusqaan iyo Dulmi Midna.
  • 14. Waxaa naga mida Muslimiin iyo Kuwo xadgudbay, Ruusiise islaama waa mid ku dadaalay hanuun.
  • 15. Kuwiise xadgudbay waxay ahaan Qoryaha Jahannamo.
  • 16. Hadday ku toosaan Dadku jidka (wanaagsan) waxaaan ka waraabinlahayn biyo badan.
  • 17. Imtixaan Dartiis, Ruuxii ka Jeedsada Xusidda Eebihiis wuxuu galin cadaab daran.
  • 18. Masaajidda Eebaa iska leh ee ha kula baryina «caabudina» Eeb Cid kale.
  • 19. Markuu istaagay Addoonkii Eebe (Nabigu) isagoo Caabudi Eebe waxay Jinnigu u dhawaadeen inay korkiisa is dulfuulan.
  • 20. Waxaad Dhahdaa Nabiyow waxaan uun Caabudi Eebahay lana wadaajinmahayo cidna.
  • 21. Waxaad dhahdaa idiin ma hanto shar iyo khayr midna.
  • 22. Waxaad Dhahdaa cidna igama korinayso Eebe, mana helayo isaga ka sakow Magangalyo.
  • 23. Hase yeeshee waxaan hantaa Gaadhsiinta xaqa Eebe iyo Farriimihiisa, Ruuxiise Eebe Caasiya iyo Rasuulkiisa waxaa u sugnaaday Naarta Jahannama isagoo ku waari Dhexdeeda.
  • 24. Markay Gaaladu Arkaan waxa loo yaboohi waxay ogaan cidda Gargaarihiisu tabaryaryahay tirana yaryahay.
  • 25. Waxaad Dhahdaa ma ogi inuu Dhawyahay waxa la idiinku Gooddin ama Eebahay waqti u yeeli.
  • 26. Eebaa og waxa Maqan, umana muujiyo waxaa maqan Ruuxna.
  • 27. Marka laga Reebo ciduu ka raalli Noqday oo Rasuulah, Isagoo hor iyo gadaalba ka ilaalin.
  • 28. Si Eebe u muujiyo inay Gaadhsiiyeen Farriimihii Eebohood, Eebana waa koobay waxa Agtooda ah wayna u tirakoobanyihiin wax walba.
SHARE
Facebook
X
WhatsApp
Telegram
QR Code
QR Code