HARUN YAHYA
logo
HARUN YAHYA

  • Dhammaan Shaqada
  • Buugaag
  • Gotar
  • Muuqaalo
  • Sawirro
  • Maqallada
  • Xigasho
  • Mid kale

SHAQO
BuugaagGotarMuuqaaloSawirroMaqalladaXigashoMid kale
MAWDUUCA
Harun Yahya © 2025
Harun Yahya © 2025
  1. Bogga Hore
  2. Quraanka
  3. 26. Ash-Shu`ara
  • 1. Waxay ku Tusin Mucjisada Quraanka sida soo Hor martay.
  • 2. Taasi waa Aayadihii Kitaabka Cad.
  • 3. Waxaadna u Dhawdahay Nabiyow inaad Halaagto Naftaada Haddayna Rumayn Xaqa.
  • 4. Haddaan Doono Waxaan kaga soo Dejinaynaa Korkooda Samada Aayad oy Noqoto Luquntoodu Miday u Khushuucdo.
  • 5. Waxkasta oo Quraana oo Uga Yimaadda Xagga Eebaha Raxmaana oo soo Darriyo (Cusboonaada) waxay ahaan kuwo ka Jeedsada.
  • 6. Waxayna Beeniyeen (Xaqa) waxaase u Imaan Warka waxay ku Jees Jeesayeen.
  • 7. Miyeyna Arkayn Dhulka Inaan ka soo Bixinno Nooc kasta oo Fiican.
  • 8. Taasna waxaa ku sugan Aayad Badankooduna ma aha Mid Rumeyn (Xaqa).
SHARE
logo
logo
logo
logo
logo
  • 1.Al-Fatihah
  • 2.Al Baqara
  • 3.Ali `Imran
  • 4.An-Nisa
  • 5.Al-Ma`idah
  • 6.Al-An`am
  • 7.Al-A`raf
  • 8.Al-Anfal
  • 9.At-Tawbah
  • 10.Yunus
  • 11.Hud
  • 12.Yusuf
  • 13.Ar-Ra`d
  • 14.Ibrahim
  • 15.Al-Hijr
  • 16.An-Nahl
  • 17.Al-Isra
  • 18.Al-Kahf
  • 19.Maryam
  • 20.Taha
  • 21.Al-Anbya
  • 22.Al-Haj
  • 23.Al-Mu`minun
  • 24.An-Nur
  • 25.Al-Furqan
  • 26.Ash-Shu`ara
  • 27.An-Naml
  • 28.Al-Qasas
  • 29.Al-`Ankabut
  • 30.Ar-Rum
  • 31.Luqman
  • 32.As-Sajdah
  • 33.Al-Ahzab
  • 34.Saba
  • 35.Faatir
  • 36.Ya-Sin
  • 37.As-Saffat
  • 38.Sad
  • 39.Az-Zumar
  • 40.Ghafir
  • 41.Fussilat
  • 42.sh-Shuraa
  • 43.Az-Zukhruf
  • 44.Ad-Dukhan
  • 45.Al-Jathiyah
  • 46.Al-Ahqaf
  • 47.Muhammad
  • 48.Al-Fath
  • 49.Al-Hujurat
  • 50.Qaf
  • 51.Adh-Dhariyat
  • 52.At-Tur
  • 53.An-Najm
  • 54.Al-Qamar
  • 55.Ar-Rahman
  • 56.Al-Waqi`ah
  • 57.Al-Hadid
  • 58.Al-Mujadila
  • 59.Al-Hashr
  • 60.Al-Mumtahanah
  • 61.As-Saf
  • 62.Al-Jumu`ah
  • 63.Al-Munafiqun
  • 64.At-Taghabun
  • 65.At-Talaq
  • 66.At-Tahrim
  • 67.Al-Mulk
  • 68.Al-Qalam
  • 69.Al-Haqqah
  • 70.Al-Ma`arij
  • 71.Nuh
  • 72.Al-Jinn
  • 73.Al-Muzzammil
  • 74.Al-Muddaththir
  • 75.Al-Qiyamah
  • 76.Al-Insan
  • 77.Al-Mursalat
  • 78.An-Naba
  • 79.An-Nazi`at
  • 80.Abasa
  • 81.At-Takwir
  • 82.Al-Infitar
  • 83.Al-Mutaffifin
  • 84.Al-Inshiqaq
  • 85.Al-Buruj
  • 86.At-Tariq
  • 87.Al-A`la
  • 88.Al-Ghashiyah
  • 89.Al-Fajr
  • 90.Al-Balad
  • 91.Ash-Shams
  • 92.Al-Layl
  • 93.Ad-Duhaa
  • 94.Ash-Sharh
  • 95.At-Tin
  • 96.Al-`Alaq
  • 97.Al-Qadr
  • 98.Al-Bayyinah
  • 99.Az-Zalzalah
  • 100.Al-`Adiyat
  • 101.Al-Qari`ah
  • 102.At-Takathur
  • 103.Al-`Asr
  • 104.Al-Humazah
  • 105.Al-Fil
  • 106.Quraysh
  • 107.Al-Ma`un
  • 108.Al-Kawthar
  • 109.Al-Kafirun
  • 110.An-Nasr
  • 111.Al-Masad
  • 112.Al-Ikhlas
  • 113.Al-Falaq
  • 114.An-Nas
9. Eebahaana Waa Adkaade Naxariista.
  • 10. (Xusuuso) markuu ugu Yeedhay Eebahaa (Nabi) Muuse inuu Aado Qoomka Daalimiinta ah.
  • 11. Qoomka Fircoon, Maydhawrsadaan.
  • 12. Wuxuu Yidhi (Nabi) Muuse Eebow waxaan ka Cabsan inay I beeniyaan.
  • 13. Ooy Cidhiidhyanto Laabtaydu Siina Daysmin Carrabkaygu ee Dir la Jirkayga Haaruun.
  • 14. Waxayna igu Leeyihiin Dambi (Godob) waxaana ka Cabsan inay I dilaan.
  • 15. Wuxuu Yidhi Ilaahay saas ma aha ee La aada Aayaadkanaga, Anagaa Idinla Jirra Maqlina.
  • 16. ee u Taga Firecoon una Dhaha Annagu waxaan Nahay Rasuulka Eebaha Caalamka.
  • 17. Ee Dir «u Ogolow» Banii Israa`iil la jirkannaga.
  • 18. Wuxuu Yidhi (Firecoon) Miyaanaan kugu Barbaarinin Dhexdanada Adoo Yar oodan ku Nagaanin Dhexdanada Cimrigaaga Sanooyin.
  • 19. Ood Fashay Arrintaad Fashay Adoo Diidan (Sama Falkii).
  • 20. Wuxuu Yidhi (Nabi) Muuse waan Falay Anoon Wax kasayn.
  • 21. Waana Idinka Cararay Markaan Idinka Cabsaday Markaasuu Eebe I siiyey Nabinimo, Igana Yeelay kuwa La Diray (Rasuul).
  • 22. Taasise ma Nicma aad igu Mannaysanbaa Haddaad Addoonsatay Banii Israa`iil.
  • 23. Fircoon wuxuun Yidhi waa maxay Eebaha Caalamka.
  • 24. Wuxuu Yidhi (Nabi) Muuse waa Eebaha Samooyinka iyo Waxa u Dhaxeeya haddaad wax Yaqiinsanaysaan (Rumaynaysaan).
  • 25. Wuxuu ku Yidhi (Fircoon) kuwii Gaararkiisa ahaa War ma Maqlaysaan.
  • 26. Wuxuu Yidhi Nabi Muuse waa Eebihiin iyo Eebaha Aabayaalkiinii Hore.
  • 27. Wuxuu Yidhi Fircoon Rasuulkiinna laydiin soo diray waa Waalanyahay.
  • 28. Wuxuu Yidhi Nabi Muuse waa Eebaha Bari iyo Galbeed iyo Waxa u Dhaxeeya Haddaad wax kasaysaan.
  • 29. Wuxuu Yidhi Fircoon haddaad Yeelato Ilaah iga soo Hadhay waxaan kaa Yeeli kuwa Xabbisan.
  • 30. Wuxuu Yidhi Nabi Muuse Haddaan kuula Imaaddo wax Cadna.
  • 31. Wuxuu Yidhi Fircoon la Imow Haddaad Run Sheegi.
  • 32. Markaasuu Tuuray Nabi Muuse Ushiishii waxayna Noqotay Mas Muuqda.
  • 33. Wuxuuna Siibay Gacantiisa waxayna ahaatay mid u Cad Dadka Dayi.
  • 34. Wuxuu ku yidhi (Fircoon) kuwii Gaararkiisa ahaa kani waa Sixirre Xeel Dheer.
  • 35. Doonina Inuu Idinkaga Bixiyo Dhulkiinna Sixirkiisa ee Maxaad Faraysaan.
  • 36. Waxay Dheheen Dib u Dhig Isaga iyo Walaalkiis (Xaalkooda) una Dir Magaalooyinka kuwo soo Kulmiya.
  • 37. Ha kuu Keeneen Sixirre kasta oo Xeel Dheer.
  • 38. Waxaana Loo kulmiyey Saaxiriintii Imaatin Maalin la Yaqaan.
  • 39. Waxaana Loo Yidhi Dadkii ma Kulmaysaan.
  • 40. Inaan Raacno Saaxiriinta Hadday Adkaadaan.
  • 41. Markay Yimaaddeen Saaxiriintii waxay ku Dheheen Fircoon Ujuuro ma Leenahay haddaan Adkaanno.
  • 42. Wuxuuna Yidhi haa Waxaadna Noqonaysaan kuwa ii dhow.
  • 43. Wuxuu ku Yidhi (Nabi) Muuse Tuura waxaad Tuuraysaan.
  • 44. Waxayna Tuureen Xadhkahoodii iyo Ulahoodii waxayna Dheheen Sharafta Fircoon yaan ku dhaarannaye Anagaa adkaan.
  • 45. Markaasuu Tuuray (Nabi) Muuse Ushiisii waxayna Ahaatay mid Gurata waxay Dhoodhoobeen.
  • 46. waxaana la Riday Saaxiriintii Sujuud Darteed.
  • 47. Waxayna Dheheen waxaan Rumaynay Eebaha Caalamka.
  • 48. Eebaha (Nabi) Muuse iyo (Nabi) Haaruun.
  • 49. Wuxuu yidhi Fircoon Miyaad Rumeyseen Muuse ka Hor Idankayga, Isagu waa kan idiinku wayn ee idin Baray Sixirka waadse Ogaan doontaan, waxaana u Goyn Gacmahiinna iyo Lugahiinna Isdhaaf, waana idin Wadhi Dhammaantiin.
  • 50. Waxayna dhaheen Dhib ma leh annagu Xagga Eebahannaan u Noqonaynaa.
  • 51. waxaana Dalbaynaa (Damcaynaa) inuu noo Dhaafo Eebahanno Gafafkanaga Inaan Noqonay kuwii ugu Hor Rumeeyey (Xaqa).
  • 52. Waxaan u waxyoonay Nabi Muuse Guuri Addoomadayda waa Laydin Raaciye.
  • 53. Markaasuu u Diray Fircoon magaalooyinka kuwo Soo kulmiya.
  • 54. Isagoo dhihi Kuwaasu «Banii Israa`iil» waa Koox Yar.
  • 55. Wayna Na cadho Galiyeen.
  • 56. Waxaana nahay kuwo Had iyo Jeer Digtoon.
  • 57. Waxaana ka Bixinnay Beero iyo (Biyo) ilo.
  • 58. Iyo Kanziyo iyo Nagaadi Fiican.
  • 59. Waxaana Dhaxalsiinay Banii Israa`iil.
  • 60. Markaasay Raacen (ka daba Duulcen) Qorrax soo Bixii.
  • 61. Markay isu Muuqdeen Labadii Kooxood waxay Dheheen Asaxaabtii Nabi Muuse Inaga waa Layna Haleelay.
  • 62. Wuxuuna Yidhi (Nabi) Muuse Saas ma aha ee Eebahaybaa Ila jira wuuna i Toosin.
  • 63. Waxaana u Waxyoonay (Nabi) Muuse ku Garaac Ushaada Badda wayna kala Jeexantay Baddii wuxuuna Noqday Jeex kasta Buur wayn oo kale.
  • 64. Waana ku soo Dhawayanay Halkaas kuwii kale (Colkii Fircoon).
  • 65. Waxaana Korinay (Nabi) Muuse iyo Intii la Jirtay Dhammaan.
  • 66. Ka dibna waxaan Maanshaynay Kuwii kale.
  • 67. Arrintaasna waxaa ku Sugan Aayad Mana aha Badankood kuwo Rumeeyn.
  • 68. Eebahaana waa Adkaade Naxariista,
  • 69. Ku Akhri Korkooda Warkii Nabi Ibraahim.
  • 70. Markuu ku Yidhi Aabihiis iyo Qoomkiisii maxaad Caabudaysaan.
  • 71. Waxay Dheheen waxaannu Caabudi Sanamyo oonu ahaan kuwo ku Nagaada.
  • 72. Wuxuu Yidhi (Nabi Ibraahim) Maydin Maqlayaan markaad Baryeysaan.
  • 73. Mase idin Anfaci ama idin Dhibi.
  • 74. Waxay Dheheen waxaan Hellay Aabayaalkanno oo Sidaas Fali.
  • 75. Wuxuu Yidhi Bal Warrama waxaad Caabudaysaan.
  • 76. Idinka iyo Aabayaalkiinii Horeeyey.
  • 77. Hadday Iyagu Col ii Yihiin Eebaha Caalamka Mooyee.
  • 78. Ee Eebaha I Abuuray ee ah kan I Hanuunin.
  • 79. Kan I Quudin ee I Waraabin.
  • 80. Markaan Bukoodana Isagaa I Caafiya.
  • 81. Waana kan I dili Ina Noolayn.
  • 82. Ee ah kaan Damci inuu Ii Dhaafo Gafafkayga Maalinta Abaal marinta.
  • 83. Eebow i Sii Xikmo (Nabinimo) Ina Haleeshii kuwa Suuban.
  • 84. Iina Yeel Sheegid Run ah (Fiican) kuwa Dambe.
  • 85. Igana yeel kuwa Dhaxli Janada Naciimo.
  • 86. Una Dambi Dhaaf Aabahay wuxuu ka Mid ahaa kuwa Dhumaye.
  • 87. Hana i Dullayn Maalinta la Soo Bixin (Dadka).
  • 88. Maalintayna wax Anfacayn Xoolo iyo Ilmo midna.
  • 89. Ruux ula Yimaadda Eebe Qalbi Fayow Mooyee (Iimaan).
  • 90. Waana loo Dhawayn Jannada kuwa Dhawrsada (Mu`miniinta Dhabta ah).
  • 91. Waana Loo Muujin Jaxiimo kuwa Baadiyoobay.
  • 92. Waxaana Lagu Dhihi Aaway waxaad Caabudayseen.
  • 93. Oo Eebe ka soo Hadhay Maydiin Gargaarayaan ama Gargaarsanayaan.
  • 94. Waana lagu Hambooriyey (Tuuri) Dhexdeeda iyaga iyo kuwa Baadiyoobay.
  • 95. Iyo Junuudda (Askarta) Ibliis Dhamaan.
  • 96. Waxayna obhan iyagoo Dhexdeeda ku doodi.
  • 97. Eebaan ku Dhaaranaye waxaan ku Sugnayn Baadi Cad.
  • 98. Markaan Idilla Sinay Eebaha Caalamka.
  • 99. Wax na Dhumiyey oon Dambiila Yaasha ahayn ma Jiro.
  • 100. Mana Lihin wax Noo Shafeeca.
  • 101. Iyo Saaxiib Dhaw.
  • 102. Ee hadaan Noqonno oon Ahaanno Mu`miniin.
  • 103. Taas waxaa ku Sugan Calaamad Badankoodna ma Rumeeyo (Xaqa).
  • 104. Eebahaana waa Adkaade Naxariista.
  • 105. Waxay Beeniyeen Qoomkii (Nabi) Nuux Rasuulladii.
  • 106. Markuu ku Yiidhi Walaalkood Nuux Miyeydaan Dhawrsanayn.
  • 107. Anigu waxaan idiin ahay Rasuul Aamin ah.
  • 108. Ee ka Dhawrsada Eebe ina Adeeca.
  • 109. Idinkana Warsanmaayo (Xaqa) Ujuuro, Ajrigayga Eebaha Caalamkaan ka Sugi.
  • 110. Ee Eebe ka Dhawrsada ina Adeeca.
  • 111. Waxay Dheheen ma waxaanu ku Rumayn adooy ku Raaceen kuwa Dullaysan (Xun Xun).
  • 112. Wuxuu Yidhi Maxaan ka Ogahay Waxay Fali.
  • 113. Xisaabtooda Eebe unbaa leh haddaad wax Garanaysaan.
  • 114. Anuguna ma Eryayo Mu`miniinta.
  • 115. Waxaan u Dige Cad ahayna ma ihi.
  • 116. Waxay Dheheen Haddaadan Joogin Nuuxow Waxaad Noqon kuwa la Dhagaxyeeyo.
  • 117. Wuxuuna yidhi Eebow Qoomkaygii waa I beeniyeen.
  • 118. Ee Nakala Xukun Dhexdanada, ina kori Ani iyo Inta ila jirta ee Mu`miniinta ah.
  • 119. Waxaannu ku Korinay Isaga iyo intii la Jirtay Doontii Buuxday.
  • 120. Ka Dibna waxaan Maanshaynay kuwii Hadhay (Gaaladii).
  • 121. Taasna waxaa ku Sugan Calaamad mana aha Badankoodu kuwo Rumayn.
  • 122. Eebahaana waa Adkaade Naxariista.
  • 123. Waxay Beeniyeen Caad Rasuulladii.
  • 124. Markuu ku Yidhi Walaalkood Huud Miyeydaan Dhawrsanayn.
  • 125. Anigu waxaan idiin ahay Rasuul Aamin ah.
  • 126. Ee ka Dhawrsada Eebe Ina Adeeca.
  • 127. Idinkamana Warsanaayo Xaqa ujuuro, Ajrigaygana Eebaha Caalamkaan ka Sugi.
  • 128. Miyaad ka Dhisaysaan Meel Sare oo Dhan Calaamad (Daar) Idinkoo Ciyaari.
  • 129. Ood Yeelanaysaan Masaanic (Dhismo) inaad Waartaan Darteed.
  • 130. Haddaad wax Qabataan Ciqaabtaan una Ciqaabaysaan si Daran.
  • 131. ee Eebe ka Dhawrsada Ina Adeeca.
  • 132. Kana Dhawrsada Eebaha idin Siiyey waxaad Ogtihiin.
  • 133. Wuxuu idin Siiyey Xoolo iyo Caruur.
  • 134. Iyo Beero iyo Ilo.
  • 135. Waxaana Idiinka Digi Cadab Maalin Wayn.
  • 136. Waxay Dheheen waxaa Isu kaanna Mid ah Waanisayaa ama Maadan Waanininaa.
  • 137. Kanna ma aha waxaan Dabeecaddii «Diintii» Dadkii hore ahayn.
  • 138. Nalamana Cadaabayo.
  • 139. Wayna Beeniyeen, markasaan Halaagnay. Taasina waxaa ku Sugan Calaamad, mana aha Badankoodu kuwo Rumayn.
  • 140. Eebahaana waa Adkaade Naxariista.
  • 141. Waxay Beenisay Thamuud suulladii.
  • 142. Markuu ku Yidhi Walaalkood (Nabi) Saalax Miyaydaan Dhawrsanayan.
  • 143. Waxaan idiin ahay Rasuul Aamin ah.
  • 144. ee ka Dhawrsadda Eebe ina Adeeca.
  • 145. Idinkamana Warsanaayo Xaqa ujuuro, Ajrigayga Eebaha Caalamkaan ka Sugi.
  • 146. Ma waxaa Laydinkaga Tagi Halkan idinkoo Aamina.
  • 147. Oo ku Sugan Basaatiin iyo Ilo (Socda).
  • 148. Iyo Beero iyo Timir Fiideedu Bisayl Tahay.
  • 149. Ood ka Qoranaysaan Buuraha Guryo idinkoo Kibirsan.
  • 150. Ee Eebe ka Dhawrsada ina Adeeca.
  • 151. Hana Adeecina «Maqlina» Amarka Xadgudbayaasha.
  • 152. ah kuwa Fasaadiya Dhulka oon Hagaajinayn.
  • 153. Waxay Dheheen waxaad uun ka mid Tahay kuwa la Sixray.
  • 154. Mana Tihid waxaan Dad nala mid ah ahayn ee noo keen Aayad Haddaad run Sheegi.
  • 155. Wuxuu Yidhi Tani waa Hal, Maalinbay Cabbi idinkuna Maalinhaad Cabbaysaan la Yaqaan.
  • 156. Ee ha ku Taabanina Xumaan, oos idin qabto Cadaab Maalin wayn.
  • 157. Wayse Dileen waxayna ahaadeen kuwo Qoomameeya.
  • 158. Waxaana Qabtay Cadaab Taasna waxaa ku Sugan Calaamad, Badankoodna ma aha kuwo Rumayn (Xaqa).
  • 159. Eebahaana waa Adkaade Naxariista.
  • 160. Waxay Beeniyeen Qoomkii (Nabi) Luudh Rasuuladii.
  • 161. Markuu ku Yidhi Walaalkood Luudh Miyeydaan Dhawrsanayn.
  • 162. Waxaan idiin ahay Rasuul Aaminee.
  • 163. ee ka Dhawrsada Eebe ina Adeeca.
  • 164. Idinkama Warsanaayo Xaqa Ujuuro, Ajrigayga Eebaha Caalamkaan ka Sugi.
  • 165. Ma waxaad u Tagaysaan Ragga Caalamka.
  • 166. Ood ka Tagaysaan waxa Eebe idiin Abuuray oo Haweenkiina ah, waxaadse Tihiin Kuwo Xadgudba.
  • 167. Waxay Dheheen haddaadan Joogin Luudhow Waxaad Noqon kuwa la Bixiyo.
  • 168. Wuxuu Yidhi (Luudh) Anigu Camalkiinna waan la Cadhaysnahay.
  • 169. Eebow iga Kori iyo Ehelkaygaba waxay Falayaan.
  • 170. Waana korinay Isaga iyo Ehelkiisiiba Dhammaan.
  • 171. Habar ku hadhay Mooyee (Haweeneydiisii).
  • 172. Markaasaan Halaagnay Intii kale.
  • 173. Waxaa ku soo Daynay (Roob Dhagax Naara) waxaana u Xun Roobka kuwa Loo digay.
  • 174. Taasna waxaa ku Sugan Calaamad, Badankoodna ma aha kuwo Rumayn.
  • 175. Eebhaana waa Adkaade Naxariista.
  • 176. Waxay Beeniyeen Kayntii Ehelkeedii Rasuulladii.
  • 177. Markuu ku Yidhi Nabi Shucayb Miyeydaan Dhawrsanayn.
  • 178. Waxaan idiin ahay Rasuul Aaminee.
  • 179. ee ka Dhawrsada Eebe ina Adeeca.
  • 180. Idinkama Warsanaayo Xaqa Ujuuro, Ajrigayga Eebaha Caalamkaan ka Sugi.
  • 181. Oofiya (Dhammaystira) Beegidda hana ka mid Noqonina kuwa Nusqaamiya.
  • 182. Una Miisama Cadaalad Toosan.
  • 183. Hana ka Nusqaaminina Dadka waxooda hana Xumaynina Dhulka Idinkoo Fasaadin.
  • 184. Kana Dhawrsada Eebaha idin Abuuray iyo Khalqigii Horreeyey.
  • 185. Waxay Dheheen waxaad uun Tahay kuwa la Sixray.
  • 186. Mana Tihid waxaan Dad nala mid ah ahayn, waxaana kuu Malaynaynaa kuwa Beenaalayaasha ah.
  • 187. ee Nagu soo Rid Goosimo Samada ka mid ah haddaad Run sheegi.
  • 188. Wuxuu Yidhi Eebahay baa og waxaad Falaysaan.
  • 189. Wayna Beeniyeen waxaana Qabtay Cadaab Maalintii Hadhka, waana Cadaab Maalin Wayn.
  • 190. Arrintaasna waxaa ku Sugan Calaamad mana aha Badankoodu mid Rumayn.
  • 191. Eebahaana waa Adkaade Naxariista.
  • 192. Quraankuna waa soo Dejin Ebaha Caalamka.
  • 193. Waxaa kula soo degan Ruux Aamin ah (Jibriil).
  • 194. Qalbigaaga inaad ahaato kuwa ku Diga.
  • 195. Af Carabi ahoo Cad.
  • 196. Quraankuna wuxuu ku Sugnaa Kutubtii hore.
  • 197. Miyeyna Calaamad ugu Fillayn inuu Yaqaanno Culimadii Banii Israa`iil/
  • 198. Haddan ku soo Dejino Quraankan Cajamiga Qaarkiis.
  • 199. oo uu ku Akhriyo Korkooda mayna Rumeeyeen.
  • 200. Saasaan u Galinay Diidada Quluubta Dambiilayaasha.
  • 201. Mana Rumaynayaan Xaqa Intay ka Arkaan Cadaab Daran.
  • 202. Oos ugu Yimaaddo Cadaabku Kado Iyagoon Ogayn.
  • 203. Oy Dhahaan ma nala Sugi.
  • 204. Ma Cadaabkanagay Dadajisan.
  • 205. Ka Warraan Haddaan u Raaxayno Sanooyin.
  • 206. Markaas uu u Yimaaddo wixii loogu Goodinaayey.
  • 207. Muxuu uga Tari Xaggooda wixii loogu Raaxeeyey.
  • 208. Magaalo aan Halaagno oon loo Diginna ma Jirto.
  • 209. Waano Darteed, mana nihin Daalimiin.
  • 210. Kumana soo Degto Quraanka Shayaadiintu.
  • 211. Kumana Habboona mana Karaan.
  • 212. Shayaadiintu Maqalka waa ka Fogyihiin.
  • 213. Ee ha Caabudin (Baryin) Eebe Miciisa Ilaah kale ood Noqoto kuwa la Cadaabo.
  • 214. Una Dig Qaraabadaada Kuu sii Dhaw.
  • 215. Una Raarici Garabkaaga (U Naxariiso) Ciddii ku Raacda oo Mu`miniinta ah.
  • 216. Hadday ku Cassiyaanna waxaad Dhahdaa anigu Bari baan ka ahay waxaad Falaysaan.
  • 217. Talo Saaro Eebaha Adkaada ee Naxariista.
  • 218. Ee ku Arka Markaad Kici.
  • 219. Iyo Lagagadoonkaaga kuwa Tukan.
  • 220. Eebana waa Maqle Og.
  • 221. Ma idiinka Warramaa Ruuxay ku soo Degi Shayaadiintu.
  • 222. Waxay ku soo Degi Beenaale Dambi Badan oo Dhan.
  • 223. Waxayna Xadi Maqalka Badankoodna waa Beenaalayaal.
  • 224. Gabayaana waxaa Raaca kuwa Baadida ah.
  • 225. Miyaadan Arkin in Iyagu Tog kasta (Xumaan) ay ku Dhex Wareersanyihiin.
  • 226. Oyna Sheegi waxayna Falayn.
  • 227. Kuwa Xaqa Rumeeyey Mooyee oo Camal Fiican Fala oo Xusa Eebe wax Badan, oo Gargaarta Dulmi ka Dib, waxayna Ogaan doonaan kuwii Dulmi Falay soo Noqoshaday soo Noqdaan (Qiyaamada).