Ash-Shu`ara - QURAANKA - Haaruun Yaxya
-
1. Waxay ku Tusin Mucjisada Quraanka sida soo Hor martay.
-
2. Taasi waa Aayadihii Kitaabka Cad.
-
3. Waxaadna u Dhawdahay Nabiyow inaad Halaagto Naftaada Haddayna Rumayn Xaqa.
-
4. Haddaan Doono Waxaan kaga soo Dejinaynaa Korkooda Samada Aayad oy Noqoto Luquntoodu Miday u Khushuucdo.
-
5. Waxkasta oo Quraana oo Uga Yimaadda Xagga Eebaha Raxmaana oo soo Darriyo (Cusboonaada) waxay ahaan kuwo ka Jeedsada.
-
6. Waxayna Beeniyeen (Xaqa) waxaase u Imaan Warka waxay ku Jees Jeesayeen.
-
7. Miyeyna Arkayn Dhulka Inaan ka soo Bixinno Nooc kasta oo Fiican.
-
8. Taasna waxaa ku sugan Aayad Badankooduna ma aha Mid Rumeyn (Xaqa).
-
9. Eebahaana Waa Adkaade Naxariista.
-
10. (Xusuuso) markuu ugu Yeedhay Eebahaa (Nabi) Muuse inuu Aado Qoomka Daalimiinta ah.
-
11. Qoomka Fircoon, Maydhawrsadaan.
-
12. Wuxuu Yidhi (Nabi) Muuse Eebow waxaan ka Cabsan inay I beeniyaan.
-
13. Ooy Cidhiidhyanto Laabtaydu Siina Daysmin Carrabkaygu ee Dir la Jirkayga Haaruun.
-
14. Waxayna igu Leeyihiin Dambi (Godob) waxaana ka Cabsan inay I dilaan.
-
15. Wuxuu Yidhi Ilaahay saas ma aha ee La aada Aayaadkanaga, Anagaa Idinla Jirra Maqlina.
-
16. ee u Taga Firecoon una Dhaha Annagu waxaan Nahay Rasuulka Eebaha Caalamka.
-
17. Ee Dir «u Ogolow» Banii Israa`iil la jirkannaga.
-
18. Wuxuu Yidhi (Firecoon) Miyaanaan kugu Barbaarinin Dhexdanada Adoo Yar oodan ku Nagaanin Dhexdanada Cimrigaaga Sanooyin.
-
19. Ood Fashay Arrintaad Fashay Adoo Diidan (Sama Falkii).
-
20. Wuxuu Yidhi (Nabi) Muuse waan Falay Anoon Wax kasayn.
-
21. Waana Idinka Cararay Markaan Idinka Cabsaday Markaasuu Eebe I siiyey Nabinimo, Igana Yeelay kuwa La Diray (Rasuul).
-
22. Taasise ma Nicma aad igu Mannaysanbaa Haddaad Addoonsatay Banii Israa`iil.
-
23. Fircoon wuxuun Yidhi waa maxay Eebaha Caalamka.
-
24. Wuxuu Yidhi (Nabi) Muuse waa Eebaha Samooyinka iyo Waxa u Dhaxeeya haddaad wax Yaqiinsanaysaan (Rumaynaysaan).
-
25. Wuxuu ku Yidhi (Fircoon) kuwii Gaararkiisa ahaa War ma Maqlaysaan.
-
26. Wuxuu Yidhi Nabi Muuse waa Eebihiin iyo Eebaha Aabayaalkiinii Hore.
-
27. Wuxuu Yidhi Fircoon Rasuulkiinna laydiin soo diray waa Waalanyahay.
-
28. Wuxuu Yidhi Nabi Muuse waa Eebaha Bari iyo Galbeed iyo Waxa u Dhaxeeya Haddaad wax kasaysaan.
-
29. Wuxuu Yidhi Fircoon haddaad Yeelato Ilaah iga soo Hadhay waxaan kaa Yeeli kuwa Xabbisan.
-
30. Wuxuu Yidhi Nabi Muuse Haddaan kuula Imaaddo wax Cadna.
-
31. Wuxuu Yidhi Fircoon la Imow Haddaad Run Sheegi.
-
32. Markaasuu Tuuray Nabi Muuse Ushiishii waxayna Noqotay Mas Muuqda.
-
33. Wuxuuna Siibay Gacantiisa waxayna ahaatay mid u Cad Dadka Dayi.
-
34. Wuxuu ku yidhi (Fircoon) kuwii Gaararkiisa ahaa kani waa Sixirre Xeel Dheer.
-
35. Doonina Inuu Idinkaga Bixiyo Dhulkiinna Sixirkiisa ee Maxaad Faraysaan.
-
36. Waxay Dheheen Dib u Dhig Isaga iyo Walaalkiis (Xaalkooda) una Dir Magaalooyinka kuwo soo Kulmiya.
-
37. Ha kuu Keeneen Sixirre kasta oo Xeel Dheer.
-
38. Waxaana Loo kulmiyey Saaxiriintii Imaatin Maalin la Yaqaan.
-
39. Waxaana Loo Yidhi Dadkii ma Kulmaysaan.
-
40. Inaan Raacno Saaxiriinta Hadday Adkaadaan.
-
41. Markay Yimaaddeen Saaxiriintii waxay ku Dheheen Fircoon Ujuuro ma Leenahay haddaan Adkaanno.
-
42. Wuxuuna Yidhi haa Waxaadna Noqonaysaan kuwa ii dhow.
-
43. Wuxuu ku Yidhi (Nabi) Muuse Tuura waxaad Tuuraysaan.
-
44. Waxayna Tuureen Xadhkahoodii iyo Ulahoodii waxayna Dheheen Sharafta Fircoon yaan ku dhaarannaye Anagaa adkaan.
-
45. Markaasuu Tuuray (Nabi) Muuse Ushiisii waxayna Ahaatay mid Gurata waxay Dhoodhoobeen.
-
46. waxaana la Riday Saaxiriintii Sujuud Darteed.
-
47. Waxayna Dheheen waxaan Rumaynay Eebaha Caalamka.
-
48. Eebaha (Nabi) Muuse iyo (Nabi) Haaruun.
-
49. Wuxuu yidhi Fircoon Miyaad Rumeyseen Muuse ka Hor Idankayga, Isagu waa kan idiinku wayn ee idin Baray Sixirka waadse Ogaan doontaan, waxaana u Goyn Gacmahiinna iyo Lugahiinna Isdhaaf, waana idin Wadhi Dhammaantiin.
-
50. Waxayna dhaheen Dhib ma leh annagu Xagga Eebahannaan u Noqonaynaa.
-
51. waxaana Dalbaynaa (Damcaynaa) inuu noo Dhaafo Eebahanno Gafafkanaga Inaan Noqonay kuwii ugu Hor Rumeeyey (Xaqa).
-
52. Waxaan u waxyoonay Nabi Muuse Guuri Addoomadayda waa Laydin Raaciye.
-
53. Markaasuu u Diray Fircoon magaalooyinka kuwo Soo kulmiya.
-
54. Isagoo dhihi Kuwaasu «Banii Israa`iil» waa Koox Yar.
-
55. Wayna Na cadho Galiyeen.
-
56. Waxaana nahay kuwo Had iyo Jeer Digtoon.
-
57. Waxaana ka Bixinnay Beero iyo (Biyo) ilo.
-
58. Iyo Kanziyo iyo Nagaadi Fiican.
-
59. Waxaana Dhaxalsiinay Banii Israa`iil.
-
60. Markaasay Raacen (ka daba Duulcen) Qorrax soo Bixii.
-
61. Markay isu Muuqdeen Labadii Kooxood waxay Dheheen Asaxaabtii Nabi Muuse Inaga waa Layna Haleelay.
-
62. Wuxuuna Yidhi (Nabi) Muuse Saas ma aha ee Eebahaybaa Ila jira wuuna i Toosin.
-
63. Waxaana u Waxyoonay (Nabi) Muuse ku Garaac Ushaada Badda wayna kala Jeexantay Baddii wuxuuna Noqday Jeex kasta Buur wayn oo kale.
-
64. Waana ku soo Dhawayanay Halkaas kuwii kale (Colkii Fircoon).
-
65. Waxaana Korinay (Nabi) Muuse iyo Intii la Jirtay Dhammaan.
-
66. Ka dibna waxaan Maanshaynay Kuwii kale.
-
67. Arrintaasna waxaa ku Sugan Aayad Mana aha Badankood kuwo Rumeeyn.
-
68. Eebahaana waa Adkaade Naxariista,
-
69. Ku Akhri Korkooda Warkii Nabi Ibraahim.
-
70. Markuu ku Yidhi Aabihiis iyo Qoomkiisii maxaad Caabudaysaan.
-
71. Waxay Dheheen waxaannu Caabudi Sanamyo oonu ahaan kuwo ku Nagaada.
-
72. Wuxuu Yidhi (Nabi Ibraahim) Maydin Maqlayaan markaad Baryeysaan.
-
73. Mase idin Anfaci ama idin Dhibi.
-
74. Waxay Dheheen waxaan Hellay Aabayaalkanno oo Sidaas Fali.
-
75. Wuxuu Yidhi Bal Warrama waxaad Caabudaysaan.
-
76. Idinka iyo Aabayaalkiinii Horeeyey.
-
77. Hadday Iyagu Col ii Yihiin Eebaha Caalamka Mooyee.
-
78. Ee Eebaha I Abuuray ee ah kan I Hanuunin.
-
79. Kan I Quudin ee I Waraabin.
-
80. Markaan Bukoodana Isagaa I Caafiya.
-
81. Waana kan I dili Ina Noolayn.
-
82. Ee ah kaan Damci inuu Ii Dhaafo Gafafkayga Maalinta Abaal marinta.
-
83. Eebow i Sii Xikmo (Nabinimo) Ina Haleeshii kuwa Suuban.
-
84. Iina Yeel Sheegid Run ah (Fiican) kuwa Dambe.
-
85. Igana yeel kuwa Dhaxli Janada Naciimo.
-
86. Una Dambi Dhaaf Aabahay wuxuu ka Mid ahaa kuwa Dhumaye.
-
87. Hana i Dullayn Maalinta la Soo Bixin (Dadka).
-
88. Maalintayna wax Anfacayn Xoolo iyo Ilmo midna.
-
89. Ruux ula Yimaadda Eebe Qalbi Fayow Mooyee (Iimaan).
-
90. Waana loo Dhawayn Jannada kuwa Dhawrsada (Mu`miniinta Dhabta ah).
-
91. Waana Loo Muujin Jaxiimo kuwa Baadiyoobay.
-
92. Waxaana Lagu Dhihi Aaway waxaad Caabudayseen.
-
93. Oo Eebe ka soo Hadhay Maydiin Gargaarayaan ama Gargaarsanayaan.
-
94. Waana lagu Hambooriyey (Tuuri) Dhexdeeda iyaga iyo kuwa Baadiyoobay.
-
95. Iyo Junuudda (Askarta) Ibliis Dhamaan.
-
96. Waxayna obhan iyagoo Dhexdeeda ku doodi.
-
97. Eebaan ku Dhaaranaye waxaan ku Sugnayn Baadi Cad.
-
98. Markaan Idilla Sinay Eebaha Caalamka.
-
99. Wax na Dhumiyey oon Dambiila Yaasha ahayn ma Jiro.
-
100. Mana Lihin wax Noo Shafeeca.
-
101. Iyo Saaxiib Dhaw.
-
102. Ee hadaan Noqonno oon Ahaanno Mu`miniin.
-
103. Taas waxaa ku Sugan Calaamad Badankoodna ma Rumeeyo (Xaqa).
-
104. Eebahaana waa Adkaade Naxariista.
-
105. Waxay Beeniyeen Qoomkii (Nabi) Nuux Rasuulladii.
-
106. Markuu ku Yiidhi Walaalkood Nuux Miyeydaan Dhawrsanayn.
-
107. Anigu waxaan idiin ahay Rasuul Aamin ah.
-
108. Ee ka Dhawrsada Eebe ina Adeeca.
-
109. Idinkana Warsanmaayo (Xaqa) Ujuuro, Ajrigayga Eebaha Caalamkaan ka Sugi.
-
110. Ee Eebe ka Dhawrsada ina Adeeca.
-
111. Waxay Dheheen ma waxaanu ku Rumayn adooy ku Raaceen kuwa Dullaysan (Xun Xun).
-
112. Wuxuu Yidhi Maxaan ka Ogahay Waxay Fali.
-
113. Xisaabtooda Eebe unbaa leh haddaad wax Garanaysaan.
-
114. Anuguna ma Eryayo Mu`miniinta.
-
115. Waxaan u Dige Cad ahayna ma ihi.
-
116. Waxay Dheheen Haddaadan Joogin Nuuxow Waxaad Noqon kuwa la Dhagaxyeeyo.
-
117. Wuxuuna yidhi Eebow Qoomkaygii waa I beeniyeen.
-
118. Ee Nakala Xukun Dhexdanada, ina kori Ani iyo Inta ila jirta ee Mu`miniinta ah.
-
119. Waxaannu ku Korinay Isaga iyo intii la Jirtay Doontii Buuxday.
-
120. Ka Dibna waxaan Maanshaynay kuwii Hadhay (Gaaladii).
-
121. Taasna waxaa ku Sugan Calaamad mana aha Badankoodu kuwo Rumayn.
-
122. Eebahaana waa Adkaade Naxariista.
-
123. Waxay Beeniyeen Caad Rasuulladii.
-
124. Markuu ku Yidhi Walaalkood Huud Miyeydaan Dhawrsanayn.
-
125. Anigu waxaan idiin ahay Rasuul Aamin ah.
-
126. Ee ka Dhawrsada Eebe Ina Adeeca.
-
127. Idinkamana Warsanaayo Xaqa ujuuro, Ajrigaygana Eebaha Caalamkaan ka Sugi.
-
128. Miyaad ka Dhisaysaan Meel Sare oo Dhan Calaamad (Daar) Idinkoo Ciyaari.
-
129. Ood Yeelanaysaan Masaanic (Dhismo) inaad Waartaan Darteed.
-
130. Haddaad wax Qabataan Ciqaabtaan una Ciqaabaysaan si Daran.
-
131. ee Eebe ka Dhawrsada Ina Adeeca.
-
132. Kana Dhawrsada Eebaha idin Siiyey waxaad Ogtihiin.
-
133. Wuxuu idin Siiyey Xoolo iyo Caruur.
-
134. Iyo Beero iyo Ilo.
-
135. Waxaana Idiinka Digi Cadab Maalin Wayn.
-
136. Waxay Dheheen waxaa Isu kaanna Mid ah Waanisayaa ama Maadan Waanininaa.
-
137. Kanna ma aha waxaan Dabeecaddii «Diintii» Dadkii hore ahayn.
-
138. Nalamana Cadaabayo.
-
139. Wayna Beeniyeen, markasaan Halaagnay. Taasina waxaa ku Sugan Calaamad, mana aha Badankoodu kuwo Rumayn.
-
140. Eebahaana waa Adkaade Naxariista.
-
141. Waxay Beenisay Thamuud suulladii.
-
142. Markuu ku Yidhi Walaalkood (Nabi) Saalax Miyaydaan Dhawrsanayan.
-
143. Waxaan idiin ahay Rasuul Aamin ah.
-
144. ee ka Dhawrsadda Eebe ina Adeeca.
-
145. Idinkamana Warsanaayo Xaqa ujuuro, Ajrigayga Eebaha Caalamkaan ka Sugi.
-
146. Ma waxaa Laydinkaga Tagi Halkan idinkoo Aamina.
-
147. Oo ku Sugan Basaatiin iyo Ilo (Socda).
-
148. Iyo Beero iyo Timir Fiideedu Bisayl Tahay.
-
149. Ood ka Qoranaysaan Buuraha Guryo idinkoo Kibirsan.
-
150. Ee Eebe ka Dhawrsada ina Adeeca.
-
151. Hana Adeecina «Maqlina» Amarka Xadgudbayaasha.
-
152. ah kuwa Fasaadiya Dhulka oon Hagaajinayn.
-
153. Waxay Dheheen waxaad uun ka mid Tahay kuwa la Sixray.
-
154. Mana Tihid waxaan Dad nala mid ah ahayn ee noo keen Aayad Haddaad run Sheegi.
-
155. Wuxuu Yidhi Tani waa Hal, Maalinbay Cabbi idinkuna Maalinhaad Cabbaysaan la Yaqaan.
-
156. Ee ha ku Taabanina Xumaan, oos idin qabto Cadaab Maalin wayn.
-
157. Wayse Dileen waxayna ahaadeen kuwo Qoomameeya.
-
158. Waxaana Qabtay Cadaab Taasna waxaa ku Sugan Calaamad, Badankoodna ma aha kuwo Rumayn (Xaqa).
-
159. Eebahaana waa Adkaade Naxariista.
-
160. Waxay Beeniyeen Qoomkii (Nabi) Luudh Rasuuladii.
-
161. Markuu ku Yidhi Walaalkood Luudh Miyeydaan Dhawrsanayn.
-
162. Waxaan idiin ahay Rasuul Aaminee.
-
163. ee ka Dhawrsada Eebe ina Adeeca.
-
164. Idinkama Warsanaayo Xaqa Ujuuro, Ajrigayga Eebaha Caalamkaan ka Sugi.
-
165. Ma waxaad u Tagaysaan Ragga Caalamka.
-
166. Ood ka Tagaysaan waxa Eebe idiin Abuuray oo Haweenkiina ah, waxaadse Tihiin Kuwo Xadgudba.
-
167. Waxay Dheheen haddaadan Joogin Luudhow Waxaad Noqon kuwa la Bixiyo.
-
168. Wuxuu Yidhi (Luudh) Anigu Camalkiinna waan la Cadhaysnahay.
-
169. Eebow iga Kori iyo Ehelkaygaba waxay Falayaan.
-
170. Waana korinay Isaga iyo Ehelkiisiiba Dhammaan.
-
171. Habar ku hadhay Mooyee (Haweeneydiisii).
-
172. Markaasaan Halaagnay Intii kale.
-
173. Waxaa ku soo Daynay (Roob Dhagax Naara) waxaana u Xun Roobka kuwa Loo digay.
-
174. Taasna waxaa ku Sugan Calaamad, Badankoodna ma aha kuwo Rumayn.
-
175. Eebhaana waa Adkaade Naxariista.
-
176. Waxay Beeniyeen Kayntii Ehelkeedii Rasuulladii.
-
177. Markuu ku Yidhi Nabi Shucayb Miyeydaan Dhawrsanayn.
-
178. Waxaan idiin ahay Rasuul Aaminee.
-
179. ee ka Dhawrsada Eebe ina Adeeca.
-
180. Idinkama Warsanaayo Xaqa Ujuuro, Ajrigayga Eebaha Caalamkaan ka Sugi.
-
181. Oofiya (Dhammaystira) Beegidda hana ka mid Noqonina kuwa Nusqaamiya.
-
182. Una Miisama Cadaalad Toosan.
-
183. Hana ka Nusqaaminina Dadka waxooda hana Xumaynina Dhulka Idinkoo Fasaadin.
-
184. Kana Dhawrsada Eebaha idin Abuuray iyo Khalqigii Horreeyey.
-
185. Waxay Dheheen waxaad uun Tahay kuwa la Sixray.
-
186. Mana Tihid waxaan Dad nala mid ah ahayn, waxaana kuu Malaynaynaa kuwa Beenaalayaasha ah.
-
187. ee Nagu soo Rid Goosimo Samada ka mid ah haddaad Run sheegi.
-
188. Wuxuu Yidhi Eebahay baa og waxaad Falaysaan.
-
189. Wayna Beeniyeen waxaana Qabtay Cadaab Maalintii Hadhka, waana Cadaab Maalin Wayn.
-
190. Arrintaasna waxaa ku Sugan Calaamad mana aha Badankoodu mid Rumayn.
-
191. Eebahaana waa Adkaade Naxariista.
-
192. Quraankuna waa soo Dejin Ebaha Caalamka.
-
193. Waxaa kula soo degan Ruux Aamin ah (Jibriil).
-
194. Qalbigaaga inaad ahaato kuwa ku Diga.
-
195. Af Carabi ahoo Cad.
-
196. Quraankuna wuxuu ku Sugnaa Kutubtii hore.
-
197. Miyeyna Calaamad ugu Fillayn inuu Yaqaanno Culimadii Banii Israa`iil/
-
198. Haddan ku soo Dejino Quraankan Cajamiga Qaarkiis.
-
199. oo uu ku Akhriyo Korkooda mayna Rumeeyeen.
-
200. Saasaan u Galinay Diidada Quluubta Dambiilayaasha.
-
201. Mana Rumaynayaan Xaqa Intay ka Arkaan Cadaab Daran.
-
202. Oos ugu Yimaaddo Cadaabku Kado Iyagoon Ogayn.
-
203. Oy Dhahaan ma nala Sugi.
-
204. Ma Cadaabkanagay Dadajisan.
-
205. Ka Warraan Haddaan u Raaxayno Sanooyin.
-
206. Markaas uu u Yimaaddo wixii loogu Goodinaayey.
-
207. Muxuu uga Tari Xaggooda wixii loogu Raaxeeyey.
-
208. Magaalo aan Halaagno oon loo Diginna ma Jirto.
-
209. Waano Darteed, mana nihin Daalimiin.
-
210. Kumana soo Degto Quraanka Shayaadiintu.
-
211. Kumana Habboona mana Karaan.
-
212. Shayaadiintu Maqalka waa ka Fogyihiin.
-
213. Ee ha Caabudin (Baryin) Eebe Miciisa Ilaah kale ood Noqoto kuwa la Cadaabo.
-
214. Una Dig Qaraabadaada Kuu sii Dhaw.
-
215. Una Raarici Garabkaaga (U Naxariiso) Ciddii ku Raacda oo Mu`miniinta ah.
-
216. Hadday ku Cassiyaanna waxaad Dhahdaa anigu Bari baan ka ahay waxaad Falaysaan.
-
217. Talo Saaro Eebaha Adkaada ee Naxariista.
-
218. Ee ku Arka Markaad Kici.
-
219. Iyo Lagagadoonkaaga kuwa Tukan.
-
220. Eebana waa Maqle Og.
-
221. Ma idiinka Warramaa Ruuxay ku soo Degi Shayaadiintu.
-
222. Waxay ku soo Degi Beenaale Dambi Badan oo Dhan.
-
223. Waxayna Xadi Maqalka Badankoodna waa Beenaalayaal.
-
224. Gabayaana waxaa Raaca kuwa Baadida ah.
-
225. Miyaadan Arkin in Iyagu Tog kasta (Xumaan) ay ku Dhex Wareersanyihiin.
-
226. Oyna Sheegi waxayna Falayn.
-
227. Kuwa Xaqa Rumeeyey Mooyee oo Camal Fiican Fala oo Xusa Eebe wax Badan, oo Gargaarta Dulmi ka Dib, waxayna Ogaan doonaan kuwii Dulmi Falay soo Noqoshaday soo Noqdaan (Qiyaamada).
SHARE
1
Al-Fatihah
2
Al Baqara
3
Ali `Imran
4
An-Nisa
5
Al-Ma`idah
6
Al-An`am
7
Al-A`raf
8
Al-Anfal
9
At-Tawbah
10
Yunus
11
Hud
12
Yusuf
13
Ar-Ra`d
14
Ibrahim
15
Al-Hijr
16
An-Nahl
17
Al-Isra
18
Al-Kahf
19
Maryam
20
Taha
21
Al-Anbya
22
Al-Haj
23
Al-Mu`minun
24
An-Nur
25
Al-Furqan
26
Ash-Shu`ara
27
An-Naml
28
Al-Qasas
29
Al-`Ankabut
30
Ar-Rum
31
Luqman
32
As-Sajdah
33
Al-Ahzab
34
Saba
35
Faatir
36
Ya-Sin
37
As-Saffat
38
Sad
39
Az-Zumar
40
Ghafir
41
Fussilat
42
sh-Shuraa
43
Az-Zukhruf
44
Ad-Dukhan
45
Al-Jathiyah
46
Al-Ahqaf
47
Muhammad
48
Al-Fath
49
Al-Hujurat
50
Qaf
51
Adh-Dhariyat
52
At-Tur
53
An-Najm
54
Al-Qamar
55
Ar-Rahman
56
Al-Waqi`ah
57
Al-Hadid
58
Al-Mujadila
59
Al-Hashr
60
Al-Mumtahanah
61
As-Saf
62
Al-Jumu`ah
63
Al-Munafiqun
64
At-Taghabun
65
At-Talaq
66
At-Tahrim
67
Al-Mulk
68
Al-Qalam
69
Al-Haqqah
70
Al-Ma`arij
71
Nuh
72
Al-Jinn
73
Al-Muzzammil
74
Al-Muddaththir
75
Al-Qiyamah
76
Al-Insan
77
Al-Mursalat
78
An-Naba
79
An-Nazi`at
80
Abasa
81
At-Takwir
82
Al-Infitar
83
Al-Mutaffifin
84
Al-Inshiqaq
85
Al-Buruj
86
At-Tariq
87
Al-A`la
88
Al-Ghashiyah
89
Al-Fajr
90
Al-Balad
91
Ash-Shams
92
Al-Layl
93
Ad-Duhaa
94
Ash-Sharh
95
At-Tin
96
Al-`Alaq
97
Al-Qadr
98
Al-Bayyinah
99
Az-Zalzalah
100
Al-`Adiyat
101
Al-Qari`ah
102
At-Takathur
103
Al-`Asr
104
Al-Humazah
105
Al-Fil
106
Quraysh
107
Al-Ma`un
108
Al-Kawthar
109
Al-Kafirun
110
An-Nasr
111
Al-Masad
112
Al-Ikhlas
113
Al-Falaq
114
An-Nas