logo HARUN YAHYA

Al-Mutaffifin - QURAANKA - Haaruun Yaxya

  • 1. Wuxuu Halaag u sugnaaday kuwa xaqa nusqaamiya.
  • 2. Waa kuwa markay miisina oofsada (dhammaystirta).
  • 3. Markay u miisi ama u miisaamina ka nusqaamiya.
  • 4. Miyayna u malaynaynin kuwaasi in loo soo bixin.
  • 5. Maalin wayn darteed (Qiyaamada).
  • 6. Maalinta Dadku u istaagi Eebaha Caalamka.
  • 7. Saas ma aha ee Camalka kuwa xun wuxuu ku Qoranyahay Sijiin.
  • 8. Ma taqaannaa Sijiin.
  • 9. Waa Kitaab calaamaysan.
  • 10. Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa beeniya (xaqa).
  • 11. Ee ah kuwa beeniya Maalinta abaal marinta.
  • 12. Waxaana beeniya xaqa mid xad gudba oo dambiila ah.
  • 13. Marka Quraanka lagu akhriyana yidhaahda waa warkii Dadkii hore.
  • 14. Saas ma aha ee waxaa fuulay Qalbigooda (mirdhiyay) waxay kasbanjireen oo Dambi ah.
  • 15. Waxaa sugan in Eebohood Maalintaas (Qiyaame) laga xijaabi.
  • 16. Markaasna ay gali Jaxiimo.
  • 17. Waxaana loo odhan tani waa Naartaad ku beeninayseen Adduunka.
  • 18. Saas xaalku ma aha ee Kitaabka iyo Camalka Dadka Wanaagsan wuxuu ku Quranyahay Cilliyiin.
  • 19. Cilliyiin ma taqaannaa.
  • 20. Waa Kitaab la Calaameeyay (oo Dadka fiican magaciisa lagu qoro.
  • 21. Waxaana Gacanta ku haya Malaa`ig Eebe u dhaw.
  • 22. Kuwa wanaagsan waxay gali Naciima (Janno).
  • 23. (Maalinta Qiyaamana) Sariiro yay ku dangiigsanaan oy wax ka daawan.
  • 24. Wajigooda waanad ka garan Nicmada.
  • 25. Waxaana laga waraabin cabbid la dhawray (oo macaan).
  • 26. Waxaana lagu khatimaa Miski iyo udgoon, ee Arrintaas ha u tartameen Tartamayaashu.
  • 27. Waxaana lagu dheehi Cabbitaan.
  • 28. Waa Il ay ka cabbaan kuwa Eebe u dhaw.
  • 29. Kuwii Dambaabay (Gaaloobay) waxay ahaayeen kuwa ku qosla kuwii xaqa rumeeyay.
  • 30. Haday maraanna way xaqirijireen.
  • 31. Markay Guryahoodii u noqdaanna (gaaladu) waxay noqonjireen iyagoo isla Wayn (oo raaxaysan).
  • 32. Markay arkaan Mu`miniintana waxay dhahaan kuwaasi waa dhunsanyihiin.
  • 33. Loomana dirin inay ilaaliyaan Mu`miniinta.
  • 34. Maalinta (qiyaame) kuwa rumeeyay xaqa waxay ku qosli gaalada.
  • 35. Sariiro korkood yayna wax daawan.
  • 36. Miyaan laga abaalmarinnin Gaalada waxay falayeen. (waa laga abaalmariyay).
SHARE
Facebook
X
WhatsApp
Telegram
QR Code
QR Code