logo HARUN YAHYA

Al-Mursalat - QURAANKA - Haaruun Yaxya

  • 1. Waxaan ku dhaartay Dabaysha wanaaga lala Diro.
  • 2. iyo Dabaysha sida daran u dhabata.
  • 3. Iyo Dabaysha roobka kicisa.
  • 4. Iyo malaa`igta Xaqa iyo Baadilka kala Bixisa.
  • 5. iyo malaa`igta waxyiga soo Dajisa.
  • 6. Si Dadka loo waaniyo looguna digo.
  • 7. Ee waxa dadow Eebe ku Yaboohay wuu dhici.
  • 8. Markase xiddiguhu Nuurku ka tago.
  • 9. Oo samadu Dildillaacdo.
  • 10. Oo Buuraha la Rujiyo.
  • 11. Oo Rasuulladii la kulmiyo (iyo Dadkoodii).
  • 12. Maalion wayn oo loo Qabtay Darteed.
  • 13. In dadka la kala Bixiyo Dartiis.
  • 14. Maalinta kala Bixinta ma Taqaannaa.
  • 15. Halaag wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniyay.
  • 16. Miyaannaan Halaagin Ummadihii hore.
  • 17. Haddana Aannaan Raccinhaynin kuwii Dambe.
  • 18. Saasaana ku Falaynaa Dambiilayaasha.
  • 19. Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniya.
  • 20. Miyaannaan Idinka Abuurin biyo tabar yar.
  • 21. Markaasna yeellay meel ilaashan.
  • 22. Tan iyo Muddo la yaqaanno.
  • 23. Annagaa wax Qaddarray, wax Qaddarana u Fiican.
  • 24. Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniya.
  • 25. Miyaanaan ka yeelin Dhulka kafaalaqaade.
  • 26. Nolol iyo Geeriba.
  • 27. Waxaana yeellay Dhulka Dhexdiisa buuro sugan oo waawayn, waxaana idinka Waraabinnay biyo macaan.
  • 28. Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniyay.
  • 29. Aada gaalooy cadaabkii xaggiisa aad Beenin Jirteen.
  • 30. Aada hoos (Qiiba naarta) oo saddex madax ah.
  • 31. Oon hoosinayn, ololla (Kulaylna) wax ka tarayn.
  • 32. Waxayna Naartu tuuri Dhimbilo daran ood Mooddo daar.
  • 33. Ama aad Mooddo geel madaw ah.
  • 34. Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniyay.
  • 35. Taasina waa maalin aynan hadlaynin Dadku.
  • 36. Lamana idmo si Ay u cudurdaartaan.
  • 37. Halaagna wuxuu u sugnaaday maalintaas kuwa xaqa Beeniyay.
  • 38. Maalintan waa maalintii kala Bixinta, Waana idin kulminnay idinka iyo kuwii Horreeyayba.
  • 39. Ee Haddaad wax Dhagrikartaan i Dhagra.
  • 40. Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniyay.
  • 41. Kuwa Eebe ka Dhawrsada waxay ku sugnaan hoos iyo ilo;
  • 42. (Waxayna Cuni) khudaartay Doonaan.
  • 43. Waxaana Lagu dhihi Cuna oo cabba Idinkoo shifaysan Camalkiinnii Dartiis.
  • 44. Sasaana ku abaalMarinaynaa kuwa wanaagga fala.
  • 45. Halaagna wuxuu u Sugnaaday kuwa xaqa Beeniya.
  • 46. (Gaalada waxaa lagu Dhihi) Cuna oo Raaxaysta wax yar, waxaad tihiin Dambiilayaale;
  • 47. Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniyay.
  • 48. Markii la yidhaahdo Gaalada tukada ma tukadaan.
  • 49. Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniya.
  • 50. Hadalkeebay Quraanka Dabadiis Rumaynhayaan.
SHARE
Facebook
X
WhatsApp
Telegram
QR Code
QR Code