• 1. Eebe wuxuu ku dhaartay Qorraxda iyo Barqinkeeda.

  • 2. Iyo Dayuxu markuu Qorraxda raaco.

  • 3. Iyo Maalintu markay ifiso.

  • 4. Iyo Habeenku markuu daboolo (madoobaado).

  • 5. Iyo Samada iyo say u dhisantahay.

  • 6. Iyo Dhulka iyo suu u fidsanyahay.

  • 7. Iyo Nafta iyo sida Eebe u ekeeyay.

  • 8. Una tusiyay Jidka xun iyo ka Eebe kayaabiddaba.

  • 9. Ee waxaa liibaanay Ruxii Naftiisa Daarhiriya.

  • 10. Waxaana khasaaray Ruuxii Naftiisa xumaan dhex galiya.

  • 11. Thamuud waxay beeniyeen (xaqii) kibir dartiis.

  • 12. Marku tagay koodi xumaa (si uu hasha u dilo).

  • 13. Oo Rasuulkii Eebana ku yidhi, iska daaya Hasha Eebe iyo Cabbideeda.

  • 14. Wayna beeniyeen Rasuulkii Hashiina way Dileen markaasaa Eebe si daran u caddibay Dambigooda dartiis.

  • 15. Isagoon Eebe ka yaabaynin cidhib (iyo wax yeello)