91. Ash-Shams - Quraanka
- 1. Eebe wuxuu ku dhaartay Qorraxda iyo Barqinkeeda.
- 2. Iyo Dayuxu markuu Qorraxda raaco.
- 3. Iyo Maalintu markay ifiso.
- 4. Iyo Habeenku markuu daboolo (madoobaado).
- 5. Iyo Samada iyo say u dhisantahay.
- 6. Iyo Dhulka iyo suu u fidsanyahay.
- 7. Iyo Nafta iyo sida Eebe u ekeeyay.
- 8. Una tusiyay Jidka xun iyo ka Eebe kayaabiddaba.
- 9. Ee waxaa liibaanay Ruxii Naftiisa Daarhiriya.
- 10. Waxaana khasaaray Ruuxii Naftiisa xumaan dhex galiya.
- 11. Thamuud waxay beeniyeen (xaqii) kibir dartiis.
- 12. Marku tagay koodi xumaa (si uu hasha u dilo).
- 13. Oo Rasuulkii Eebana ku yidhi, iska daaya Hasha Eebe iyo Cabbideeda.
- 14. Wayna beeniyeen Rasuulkii Hashiina way Dileen markaasaa Eebe si daran u caddibay Dambigooda dartiis.
- 15. Isagoon Eebe ka yaabaynin cidhib (iyo wax yeello)