An-Najm - QURAANKA - Haaruun Yaxya
-
1. Wuxuu ku dhaartay (Eebe) Xiddiggu markuu hoobto.
-
2. Ee saaxiibkiin (Nabigu) ma dhumin, xaqana kama leexan.
-
3. Kumana hadlo hawadiisa.
-
4. quraankuna waxaan waxyi Eebe ahayn ma aha.
-
5. Waxaana wax baray (oo xagga Eebe ka soo gaadhsiiyay) ku xoog wayn, (Malaku Jibriil).
-
6. Ee caafimaad iyo quwaba leh, abuuriddiisuna egtahay.
-
7. Wuxuu joogay jihadii sare (Jibriil).
-
8. Kaddibna u soo dhawaaday kuna soo hoobtay (Nabiga).
-
9. Intuu uga jirsado Qaanso (xadhiggeed) ama ka dhaw.
-
10. Wuxuuna Eebe waxyooday Addoonkiisa (Nabiga) wuxuu u waxyooday.
-
11. Qalbiguna Ma beeniyo wuxuu arkay (Nabigu).
-
12. Ee ma idinkaa ka murmi «kana doodi» wuxuu arkay.
-
13. Dhabnimuu Nabigu u arkay Jibrill mar kale.
-
14. Sidratul-Muntaha agteeda.
-
15. Agteedana waxaa ah Jannatul-ma`waa.
-
16. (Wuxuu arkay) waqtiguu daboolayay Sidrada wax daboola.
-
17. Arragguna kama iilan wuxuu arkay (Nabigu) mana xadgudbin.
-
18. Dhabnimo yuuna u arkay (Nabigu) Aayado Eebe oo waawayn.
-
19. Ka warrama (Sanamyada) Laata iyo Cuza.
-
20. Iya Manaatadii saddexaad ee kale.
-
21. Idinku ma waxaad leedihiin Lab Eebana Dhaddigga.
-
22. Taasi waa qayb dulan ah.
-
23. Sanammaduna magacyo aad magacowdeen idinka iyo Aabayawgiin mooyeen wax kale ma aha, wax xuja ahna Eebe uma soo dajinin, waxaan mala ahaynna ma raacayaan iyo waxa naftoodu doonto, xagga Eebana waxaa uga yimid hanuun.
-
24. Mise dadka waxaa u sugnaaday waxay yididiishaan.
-
25. Aakhiro iyo Adduunba Eebaa iska leh.
-
26. Badanaa Malag Samada ku sugan oon shafeecadiisu waxba anfacaynin in Eebe idmo mooyee, Cidduu la doono oo ka raalli noqdo.
-
27. Kuwa aan rumaynin Aakhiro waxay Malaa`igta ku magacaabi magac dhaddig.
-
28. Wax cilmi ahna uma laha, ee waxay raaci mala uun, malana xaqa wax kama taro.
-
29. Ee iskaga jeedso (nabiyow) Ruux ka tagay xukayga (Quraanka) oon doonin waxaan nolosha Adduunka ahayn.
-
30. Kaasina waa garaadkooda aqooneed intuu gaadhay, Eebana waa ogyahay cidda ka dhuntay jidkiisa, waana ogyahay cidda hanuunsan.
-
31. Samaawaadka iyo Dhulka waxa ku sugan Eebaa iska leh, si uu uga abaalmariyo kuwa xumaanta falay camalkoodii, ugana abaalmariyo kuwii wanaagga falay wanaag.
-
32. Waana kuwa ka fogaada dambiga waawayn iyo xumaanta, wax yaryar mooyeen, Eebana waa waasac dambidhaafkiisu, wuuna idin ogyahay markuu idinka abuuray Dhulka iyo markaad ku asturantihiin uurka hooyadiin, ee Naftiinna ha ammaanina Eebaa og cidda dhawrsashada badane.
-
33. Ka warrama midka xaqa ka jeedsaday.
-
34. Oo wax ar bixiyay inta kalana reebtay.
-
35. Ma agtiisaa cilmiga maqan yaallaa oo wuu arkaa.
-
36. Miyaan looga warramin (dadka) wixii ku yiillay Kitaabkii (Nabi Muuse).
-
37. Iyo kii (Nabi Ibraahimkii) ee oofiyay (wixii lafaray).
-
38. Inaan nafna dambi naf kale qaadaynin.
-
39. Ruuxna wuxuusan camalfalin heleeynin.
-
40. Camalkiisana la arki doono.
-
41. Ka dibna looga abaalmarin doono si buuxda.
-
42. Eebaa xaggiisana loo ahaan.
-
43. Eebe waakan wax ka qosliya kana oohiya.
-
44. Isagaana wax dila waxna nooleeya.
-
45. Isagaana abuuray labada nooc ee ah lab iyo dhaddigba.
-
46. Kana ahaysiiyay dhibic soo baxday.
-
47. Isagaana ahaysiin soo celinta kale.
-
48. Eebe isagaa wax Hodmiya isagaana wax faqiiriya.
-
49. Waana Eebaha xiddigga Shicra.
-
50. Eebe isagaa halaagay Caadkii hore.
-
51. Iyo Thamuudba waxna kama reebin.
-
52. (Nabi Nuux) Qoomkiisiina horuu (uhalaagay), waxayna ahaayeen kuwa dulmi badan oo xadgudub badan.
-
53. Qoomkii (Nabi Luudhna) wuu riday (Eebe).
-
54. Wuxuuna ka daboolay wuxuu ku daboolay (oo caddibaad ah).
-
55. Teebaadse nicmooyinka Eebe shakinaysaan (kana doodaysaan) dadow.
-
56. Kan (Nabiga iyo Quraankuba) waa dige ka mid ah digayaashii hore.
-
57. Wayna dhawaatay Saacaddii Qiyaame.
-
58. Wax Eebe ka soo hadhay oo ogna ma jiro (markay dhici).
-
59. Ma quraankanaad la yaabantihiin.
-
60. Ood qoslaysaan (idinkoo beenin) oydaanna ooyeynin (cabsi darteed).
-
61. Idinkoo waliba hilmaansan (islana wayn).
-
62. Ee dadow Eebe u sujuuda caabudana.
SHARE
1
Al-Fatihah
2
Al Baqara
3
Ali `Imran
4
An-Nisa
5
Al-Ma`idah
6
Al-An`am
7
Al-A`raf
8
Al-Anfal
9
At-Tawbah
10
Yunus
11
Hud
12
Yusuf
13
Ar-Ra`d
14
Ibrahim
15
Al-Hijr
16
An-Nahl
17
Al-Isra
18
Al-Kahf
19
Maryam
20
Taha
21
Al-Anbya
22
Al-Haj
23
Al-Mu`minun
24
An-Nur
25
Al-Furqan
26
Ash-Shu`ara
27
An-Naml
28
Al-Qasas
29
Al-`Ankabut
30
Ar-Rum
31
Luqman
32
As-Sajdah
33
Al-Ahzab
34
Saba
35
Faatir
36
Ya-Sin
37
As-Saffat
38
Sad
39
Az-Zumar
40
Ghafir
41
Fussilat
42
sh-Shuraa
43
Az-Zukhruf
44
Ad-Dukhan
45
Al-Jathiyah
46
Al-Ahqaf
47
Muhammad
48
Al-Fath
49
Al-Hujurat
50
Qaf
51
Adh-Dhariyat
52
At-Tur
53
An-Najm
54
Al-Qamar
55
Ar-Rahman
56
Al-Waqi`ah
57
Al-Hadid
58
Al-Mujadila
59
Al-Hashr
60
Al-Mumtahanah
61
As-Saf
62
Al-Jumu`ah
63
Al-Munafiqun
64
At-Taghabun
65
At-Talaq
66
At-Tahrim
67
Al-Mulk
68
Al-Qalam
69
Al-Haqqah
70
Al-Ma`arij
71
Nuh
72
Al-Jinn
73
Al-Muzzammil
74
Al-Muddaththir
75
Al-Qiyamah
76
Al-Insan
77
Al-Mursalat
78
An-Naba
79
An-Nazi`at
80
Abasa
81
At-Takwir
82
Al-Infitar
83
Al-Mutaffifin
84
Al-Inshiqaq
85
Al-Buruj
86
At-Tariq
87
Al-A`la
88
Al-Ghashiyah
89
Al-Fajr
90
Al-Balad
91
Ash-Shams
92
Al-Layl
93
Ad-Duhaa
94
Ash-Sharh
95
At-Tin
96
Al-`Alaq
97
Al-Qadr
98
Al-Bayyinah
99
Az-Zalzalah
100
Al-`Adiyat
101
Al-Qari`ah
102
At-Takathur
103
Al-`Asr
104
Al-Humazah
105
Al-Fil
106
Quraysh
107
Al-Ma`un
108
Al-Kawthar
109
Al-Kafirun
110
An-Nasr
111
Al-Masad
112
Al-Ikhlas
113
Al-Falaq
114
An-Nas