logo HARUN YAHYA

Al-Hijr - QURAANKA - Haaruun Yaxya

  • 1. Xarfaha hore waa la soo sheegay Macnahooda, Kuwana waa Aayadaha Kitaabka iyo Quraanka cad.
  • 2. Wax badanbay tamanin (Jeclaan) kuwii Gaaloobay (Aakhiro) inay Muslimiin ahaadaan (adduunkii).
  • 3. ka tag ha cuneen hana raaxasyteene Hana Shuqliso yididiilo way ogaan doonaane,
  • 4. Magaalo la halaago oo kasta waxaa u sugnaaday Wakhti la yaqaanno.
  • 5. Kamana hor marto umadi Ajasheeda (wakhtigeeda) Kamana dib marto.
  • 6. Waxay dhaheen kan Quraanka lagu soo dejiyayow Adugu waad waalantahay.
  • 7. Maad malaa`ig noo keentid haddaad run Sheegi.
  • 8. Umana soo Dehinno Malaa`igta xaq mooyee lamana sugeen Gaalada (markaas).
  • 9. Annagaa soo dejinnay Quraanka annagaana Dhawri.
  • 10. waxaan u dirray hortaa (rasuullo) Ummadihii hore.
  • 11. Rasuul kasta oo u yimaaddana waxay ahaayeen kuwo ku jeesjeesa.
  • 12. saasaana u galinaa (Gaalnimada) quluubta dambiilayaasha.
  • 13. mana rumeeyaan Quraanka waxaana tegay (hor maray) sumaddii «Jidkii» kuwii horreeyey.
  • 14. haddaan uga furro korkooda irrid samada ooy ahaadaan kuwo kora
  • 15. waxay odhan lahaayeen waxaan uun la awday (La tiray) aragyadannadii, waxaabanse nahay qoom la sixray.
  • 16. waxaan yeellay samada buruuj (Meelo) waxaan u qurxinnay kuwa dayi (eegi).
  • 17. waxaana ka dhawray shaydaan la tuuray «fogeeyey» dhammaantiis.
  • 18. mid dafa maqalka oo danab cad raaco mooyee.
  • 19. dhulkana waan fidinay waxaana ku ridnay «sugnay» dhexdeeda Buuro, waxaana ka soo bixinay wax kasta oo Miisaaman.
  • 20. waxaana idiinka yeellay dhexdiisa nolol iyo waxaydaan arzaaqi karin.
  • 21. waxaan agtanada khasnadihiisu «kaydkiisu» ahayn ma jiro, umana soo dejinno qaddar la ogyahay mooyee.
  • 22. waxaana dirnaa dabaysha oo Tallaasha (Daruurta) waxaana ka soo dajina samada Biyo aan idinku waraabinno idinkoo ahayn kuwo ka keydsan kara (gudhidda).
  • 23. annagaa wax looleeyna waxna dilla, anagaana wax dhaxalla uun (u hadha).
  • 24. waxaana ognahay kuwiinna hor maray waxaana ognahay kuwiina dib maray.
  • 25. Eebahaana isagaa soo kulmin dadka waana falsame oge ah.
  • 26. annagaana ka abuuray dadka dhoobo doorsoon.
  • 27. Jaankana (Jinniga) waxaan ka abuuray mar hore Naar samuum leh (Kulayl).
  • 28. Xusuuso markuu ku yidhi Eebahaa malaa`igta Anugu waxaan ka abuuri Dad dhoobo doorsoon.
  • 29. Ee markaan ekeeyo kuna afuufo dhexdiisa Ruuxdayda ugu dhaca Sujuud.
  • 30. wayna Sujuudeen malaa`igtii dhammaan oo Kulansan.
  • 31. Ibliis oo diiday inuu ka mid noqdo kuwa Sujuuday mooyee.
  • 32. Wuxuuna yidhi (Eebe) Ibliisow maxaad leedahay oodan u noqonin kuwa Sujuuda.
  • 33. Wuxuuna yidhi ma ihi Mid u sujuudi dad aad ka Abuurtay Dhoobo doorsoon.
  • 34. Wuxuuna yidhi Eebe ka bax xageeda adigu waa lagu fogeeyaye.
  • 35. Korkaagana waxaa ah Lacnad tan iyo Maalinta Abaal marinta (Qiyaamada).
  • 36. Wuxuuna yidhi Eebow i sug tan iyo maalinta La soo bixin dadka.
  • 37. Wuxuuna yidhi Eebe Adugu kuwa la sugi Yaad ka mid tahay.
  • 38. Tan iyo maalinta Wakhtiga la yaqaan leh.
  • 39. Wuxuuna yidhi Ibliis Eebow i baadiyayntaada Darteed waxaan u Qurxin dhulka Dhexdiisa waana Dhumin dhammaan.
  • 40. Addoomadaada cibaadada kuu kali Yeelay mooyee (lana doortay).
  • 41. Eebe wuxuu yidhi kaasi waa Jid igu toosan (oo layska abaal marin).
  • 42. Addoomadayda (toosan) Kuma lihid xujo Cid Ku raacday oo kuwa Baadida ah ka mida Mooyee.
  • 43. Jahanamaana yaboohoodu yahay (inta dhunta) Dhammaan.
  • 44. Waxayna leedahay todoba irridood oo irrid Kastana waxay leedahay Qaddar loo qaybiyay (oo Ibliis iyo Colkiisa ah).
  • 45. kuwa Eebe ka dhawrsadana waxay gali Janooyin iyo Ilo (durduri).
  • 46. waxaana la dhahaa ku gala Nabad galyo iyo Aaminimo.
  • 47. waxaana ka siibnaa waxa laabtooda ku jira oo xiqdi ah, waana walaalo sariira isqaabilsan ku sugan.
  • 48. kumana taabto jannada dhesdeeda dhib xageedana lagama Bixiyo.
  • 49. U warran addomadayda inaan anugu Dambi dhaafe Naxariista ahay,
  • 50. iyo in Cadaabkaygu uu yahay Cadaabka daran uun.
  • 51. Ugana waran dadka Martidii (Malaa`ig) Nabi Ibraahim.
  • 52. Markay u soo galeen kuna Dhaheen salaan Kuna yidhi waanu idinka cabsan.
  • 53. ooy Dhaheena ha cabsan Waxaanu kuugu Bishaarayn Wiil cilmi yeelane.
  • 54. Wuxuuna ku yidhi Ma waxaad ii bishaaraynaysaan Anoo odaynimo Itaabatay, Maxaad iigu Bishaaraynaysaan.
  • 55. Waxayna dhaheen waxaanu Kuugu Bishaarayn Xaq ee ha noqonin Mid quusta.
  • 56. Wuxuuna yidhi yaa ka Quusta Naxariista Eebihiis kuwa Baadida ah mooyee.
  • 57. Wuxuu yidhi Xaalkiinnu muxuu yahay Kuwan la Soo dirayaw.
  • 58. Waxayna dhaheen waxaa naloo Diray Qoom Danbiilayaal ah xagood.
  • 59. Ehelka (nabi) Luudh mooyee oo Waanu korin Dhammaantood.
  • 60. Haweenaydiisa mooyee oo noqon Kuwa ku Hadhi (Halaagga).
  • 61. Markay u yimaadeen Ehelki nabi Luudh kuwii La soo diray.
  • 62. Wuxuu yidhi Idinku waxaad Tihiin Qoom aan la Garanaynin.
  • 63. Waxayna dhaheen saas ma aha ee Waxaannu kuula Nimid waxay Shakisanaayeen (Halaagoodii).
  • 64. Waxaana kuula nimid Xaq, runna waan sheegaynaa.
  • 65. Ee guuri Ehelkaaga qayb Habeenka ka mida Socona Gadaashooda yayna soo Milicsan Ruux ka Mida (Dib) kuna socda meeja Laydin Faray.
  • 66. Waxaana u waxayoonay Amarkaas ah in Cidhibta Kuwaas la goyn Subaxdii.
  • 67. Waxaana yimid dadkii Baladka oo bishaaraysan (aragga martida).
  • 68. Wuxuuna yidhi kuwan waa Martidaydii ee Ha igu ceebaynina.
  • 69. kana dhawrsada Eebe hana i dullaynina.
  • 70. Waxayna dhaheen Miyaanaan kaa Reebin Caalamka (imaad marti galido cidna).
  • 71. wuxuuna yidhi Kuwaasi waa gabdhahaygii Iladaad wax Falaysaan (ood guursanaysaan).
  • 72. Cimrigaagee iyagu Baadibay ku Wareersan Yihiin.
  • 73. Waxaana qabatay Qayladii qorrax soo baxa.
  • 74. Waxaana ka yeellay korkoodii hoostooda Waxaana ku soo daadinnay Korkooda Dhagaxyo Naar ah.
  • 75. Arrintaasna calaamooyin baa ugu sugan Kuwa Fiirfiiriya (Fikira).
  • 76. Waxayna kutaal Magaaladaas waddo toosan (oy maraan oo cad).
  • 77. Arrintaasna calaamad yaa ugu sugan kuwa Xaqa rumeeyay.
  • 78. Waxayna ahaayeen Qoomkii kaynta Daalimiin (Qoomkii Nabi Shucayb).
  • 79. Waana ka aarsanay, waxayna labaduba degenaayeen Waddo cad (oo la yaqaanno).
  • 80. Waxayna beeniyeen Qoomkii Xijrina kuwii Loo soo diray (Saalax).
  • 81. Waana siinay Aayaadkanagii waxayna ahaayeen Kuwa xageeda ka jeedsada.
  • 82. Waxaana ahaayeen kuwo ka qota Buuraha Guryo aamina.
  • 83. Waxaana qabatay Qaylo Aroortii.
  • 84. Waxna uma tarin waxay Kasbanayeen.
  • 85. Samooyinka iyo Dhulka iyo waxa u dhaxeeyana waxaan Xaq ahayn umaanan abuurin Saacaduna way iman ee iska saamax saamixid quruxsan.
  • 86. Eebahaabaa ah abuuraha cilmiga lehe.
  • 87. waxaan ku siinay Todobo soo noqnoqota «faataxada» iyo Quraanka wayn.
  • 88. ee ha u taagin indhahaaga waxaan ugu raaxaynay qaybo ka mida. hana u murugoon una raarici (Jilei) garabkaaga (macaamiladooda) Mu`miniinta.
  • 89. waxaadna dhahdaa anugu waxaan uun ahay u dige cad.
  • 90. sidaan ugu soo dejinay Cadaab kuwii isu dhaarsaday (Dhibka xaqa).
  • 91. ee kayeelay Quraanka Qaybo.
  • 92. Eebahaa baan ku dhaartaye waan warsanaynaa dhammaantood.
  • 93. waxay falayeen.
  • 94. ee Muuji waxa lagu fari iskagana jeedso Mushrikiinta.
  • 95. anagaa kaa kaafiyeyna kuwa jeesjeesa.
  • 96. ee yeela Eebe Miciisa Ilaah kale wayna ogaan doonaan (waxa ku dhaca).
  • 97. waxaana ognahay Laabtaadu inay ka cidhiidhyami waxay sheegi (oo xun).
  • 98. ee ku Tasbiixso mahadda Eebahaa ahawna kuwa Sujuuda.
  • 99. Caabudna Eebahaa intay Yaqiintu kaaga timaaddo (Geeridu).
SHARE
Facebook
X
WhatsApp
Telegram
QR Code
QR Code