• 1. Eebe wuxuu ka dhaaran Magaalada «Makaad ee Sharrifan».

  • 2. Ood Nabiyow daggantahay dhexdeeda.

  • 3. Iyo Nabi Aadam iyo carruurtiisa «Dadka».

  • 4. Ee Eebe Dadka wuu Abuuray iyagoo dhib iyo shaqo (Adduunka kala kulmi).

  • 5. Ma waxayse u maleeyeen inaan cidna awood ku lahayn (dadku).

  • 6. Dadka (Gaalada) waxay odhan waxaan bixiyey xoolo badan (si xaqa loo horjoogsado).

  • 7. Ma wuxuu u maleeyay (xaq diiduhu) inaan cidna arkaynin.

  • 8. Miyaannaan u yeelin Laba indhood.

  • 9. Iyo Carrab iyo Laba bishimood.

  • 10. Oo miyaannaan u caddaynin Labada Jid (khayrka iyo sharka).

  • 11. Ee Dadku muu jiidho Jiirta.

  • 12. Ma taqaannaa Jiirta.

  • 13. Waa qoor la xoreeyo.

  • 14. Iyo cunno la siiyo maalin gaajo.

  • 15. Agoon kuu dhaw.

  • 16. Ama Miskiin Dhulka ku dhagay (dhibaato darteed).

  • 17. Markaas la noqdo kuwa Rumeeyay xaqa, isuna dardaarma Samirka, isuna dardaarma naxariista.

  • 18. Kuwaasina waa kuwa Midigta mari.

  • 19. Kuwaka Gaaloobayse Aayaadkannaga waa kuwa jidka xun mari.

  • 20. Waxaana lagu dabooli Naar.