logo HARUN YAHYA

Al-Balad - QURAANKA - Haaruun Yaxya

  • 1. Eebe wuxuu ka dhaaran Magaalada «Makaad ee Sharrifan».
  • 2. Ood Nabiyow daggantahay dhexdeeda.
  • 3. Iyo Nabi Aadam iyo carruurtiisa «Dadka».
  • 4. Ee Eebe Dadka wuu Abuuray iyagoo dhib iyo shaqo (Adduunka kala kulmi).
  • 5. Ma waxayse u maleeyeen inaan cidna awood ku lahayn (dadku).
  • 6. Dadka (Gaalada) waxay odhan waxaan bixiyey xoolo badan (si xaqa loo horjoogsado).
  • 7. Ma wuxuu u maleeyay (xaq diiduhu) inaan cidna arkaynin.
  • 8. Miyaannaan u yeelin Laba indhood.
  • 9. Iyo Carrab iyo Laba bishimood.
  • 10. Oo miyaannaan u caddaynin Labada Jid (khayrka iyo sharka).
  • 11. Ee Dadku muu jiidho Jiirta.
  • 12. Ma taqaannaa Jiirta.
  • 13. Waa qoor la xoreeyo.
  • 14. Iyo cunno la siiyo maalin gaajo.
  • 15. Agoon kuu dhaw.
  • 16. Ama Miskiin Dhulka ku dhagay (dhibaato darteed).
  • 17. Markaas la noqdo kuwa Rumeeyay xaqa, isuna dardaarma Samirka, isuna dardaarma naxariista.
  • 18. Kuwaasina waa kuwa Midigta mari.
  • 19. Kuwaka Gaaloobayse Aayaadkannaga waa kuwa jidka xun mari.
  • 20. Waxaana lagu dabooli Naar.
SHARE
Facebook
X
WhatsApp
Telegram
QR Code
QR Code