37. As-Saffat - Quraanka
- 1. (Waxaan ku dhaartay) malaa`igta safan.
- 2. Iyo tan kaxaysa daruuraha.
- 3. Iyo tan akhrida Quraanka.
- 4. Ee ilaahiin waa mid (qudha).
- 5. Waa Eebaha samooyinka iyo dhulka iyo waxa udhaxeeya, iyo Eebaha qorrax ka soo bixidda.
- 6. Annagaa ku qurxinay Samada dhaw quraxda xidiga ah.
- 7. Iyo ka dhowrid shaydaan kastoo madax adag.
- 8. Mana dhagaystaan jameecada sare, (Malaa`igta) waxaana laga soo tuuraa dhan kasta.
- 9. Iyagoo la cryi oo cadaab joogta ah usugnaaday.