HARUN YAHYA
Somali
SO
QURAANKA
Ar-Rahman
1. (Eebaha) Raxmaan ah.
2. Wuxuu baray (Nabiga iyo dadka kalaba) Quraanka.
3. Dadkana wuu abuuray.
4. Wuxuuna baray dadka (Hadalka).
5. Qorraxda iyo dayaxuna waxay ku socdaan xisaab.
6. Xiddigga iyo Geedkuba way Sujuudaan (Eebe Dartiis).
7. Samadana Eebaa koryeelay, Garsoorna wuu dajiyay.
8. Si aydaan uga gudbin Caddaaladda.
9. Miisaanka ku hagaajiya Caddaalad, hana nuqaamininna.
10. Dhulkana Eebe wuxuu u dajiyay khalqiga.
11. Dhexdiisa waxaa ah Faakihad (khudaar) iyo Timir Fiido leh.
12. Xubuubna (midho) ball leh iyo udgoona wuu abuuray.
13. Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan (Insi iyo Jinniyow).
14. Dadka Eebaa ka abuuray dhoobo Jilay oo kale ah.
15. Jaankana wuxuu ka abuuray ololka Naarta.
16. Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
17. Ilaaheen waa Eebaha Labada Qorrax ka soo bax iyo Labada Qorrax u dhac.
18. Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
19. Eebe waan kan Labada Badood dariseeyey iyagoo kulmi.
20. Dhexdoodana yeelay soohdin (kala reebta) iskumana xadgudbaan.
21. Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
22. Waxaa lagala baxaa Baddaas Lu`Lu`iyo Murjaan (Jawhar).
23. Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
24. Eebe waxaa u sugnaaday Doomaha socda Badda oo Buuro la mid ah.
25. Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
26. Dhammaan waxa (Dhulka) korkiisa ah wuu tagi.
27. Waxaase hadhi Eebaha wayn ee sharafta leh.
28. Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
29. Waxaa Eebe wax waydiista Samada iyo Dhulka waxa ku sugan, goorwalbana wuxuu maamuli arrin.
30. Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
31. Waana idin xisaabin si dhab ah Insi iyo Jinniyow.
32. Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
33. Jinni iyo Insiyow haddaad kartaan inaad ka baxdaan Samada Hajooyinkooda iyo Dhulka ka baxa, kamana bixikartaan xujo la`aan.
34. Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
35. Eebe (hadduu doono) wuxuu idinku diri Olol Naar ah, iyo Maar (la dhalaaliyay) umana gargaarsanaysaan.
36. Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
37. Markay Samadu dillaacdo oy noqoto ubax guduudan oo subag la mid ah (dhalaasho) markaas dadkaa la abaalmarin).
38. Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
39. Maalintaas Ruux la warsan dambigiisa Insi iyo Jinniba ma jiro.
40. Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
41. Dambiilayaasha waxaa lagu aqoonsan astaamahooda, waxaana la qaban Foodda iyo gommadaha (Naartaana lagu tuuri).
42. Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan,
43. Tani waa Jahannamadii ay beeniyeen Dambiilayaashu (yaa lagu dhihi).
44. Waxay ku meereysan Jahannamo iyo biyo kulayl daran dhexdooda.
45. Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
46. Ruuxii ka yaaba Eebe hor istaaggiisa wuxuu mudan Laba Janno.
47. Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
48. Jannooyinkaas oo midabyo leh (iyo Laamo).
49. Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
50. Waxaa laga helaa ilo socda.
51. Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
52. Waxaa laga helaa nooc kasta oo Faakiha ah (Khudaar ah).
53. Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
54. Waxay ku dangiigsan (ehlu Jannuhu) Gogol ay tahay hoosteedo istabraq (xariir) Midhaha Jannooyinku waa u dhawyihiin.
55. Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
56. Jannooyinka iyo Firaashka waxaa ku sugan Haween Indha waawayn oo dhawrsoon oosan taabanin horay Insi iyo Jinni midna.
57. Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
58. Waxaad moodaa Haweenkaas Yaaquut iyo Murjaan (Jawhar midab leh).
59. Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
60. Wanaag abaalkiisu soo wanaag ma aha.
61. Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
62. Waxay heli Labadaas Janno ka sokow kuwa kale.
63. Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
64. Waana Laba Jannoo madow (cagaaran).
65. Nicmooyinka Eebe teebad beeninaysaan.
66. Waxaa dhexdeeda ah Laba ilood oo burqan.
67. Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
68. Dhexdooda waxaa ah Faakihad (khudrad) iyo Timir iyo Rummaan.
69. Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
70. Dhexdooda waxaa ah Haween khayr leh oo Quruxsan.
71. Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
72. Waa Haween Indhacad oo Gurigooda jooga.
73. Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
74. Waa Haween uusan horay u taabanin Insi iyo Jinni midna.
75. Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
76. Waxayna ehlu-Jannuhu ku dangiigsan Barkimo cagaaran iyo Gogol Quruxsan,
77. Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
78. Waxaa barakadiisu badnaatay Magaca Eebaha wayn ee shrafta leh.
SHARE
1. Al-Fatihah
2. Al Baqara
3. Ali `Imran
4. An-Nisa
5. Al-Ma`idah
6. Al-An`am
7. Al-A`raf
8. Al-Anfal
9. At-Tawbah
10. Yunus
11. Hud
12. Yusuf
13. Ar-Ra`d
14. Ibrahim
15. Al-Hijr
16. An-Nahl
17. Al-Isra
18. Al-Kahf
19. Maryam
20. Taha
21. Al-Anbya
22. Al-Haj
23. Al-Mu`minun
24. An-Nur
25. Al-Furqan
26. Ash-Shu`ara
27. An-Naml
28. Al-Qasas
29. Al-`Ankabut
30. Ar-Rum
31. Luqman
32. As-Sajdah
33. Al-Ahzab
34. Saba
35. Faatir
36. Ya-Sin
37. As-Saffat
38. Sad
39. Az-Zumar
40. Ghafir
41. Fussilat
42. sh-Shuraa
43. Az-Zukhruf
44. Ad-Dukhan
45. Al-Jathiyah
46. Al-Ahqaf
47. Muhammad
48. Al-Fath
49. Al-Hujurat
50. Qaf
51. Adh-Dhariyat
52. At-Tur
53. An-Najm
54. Al-Qamar
55. Ar-Rahman
56. Al-Waqi`ah
57. Al-Hadid
58. Al-Mujadila
59. Al-Hashr
60. Al-Mumtahanah
61. As-Saf
62. Al-Jumu`ah
63. Al-Munafiqun
64. At-Taghabun
65. At-Talaq
66. At-Tahrim
67. Al-Mulk
68. Al-Qalam
69. Al-Haqqah
70. Al-Ma`arij
71. Nuh
72. Al-Jinn
73. Al-Muzzammil
74. Al-Muddaththir
75. Al-Qiyamah
76. Al-Insan
77. Al-Mursalat
78. An-Naba
79. An-Nazi`at
80. Abasa
81. At-Takwir
82. Al-Infitar
83. Al-Mutaffifin
84. Al-Inshiqaq
85. Al-Buruj
86. At-Tariq
87. Al-A`la
88. Al-Ghashiyah
89. Al-Fajr
90. Al-Balad
91. Ash-Shams
92. Al-Layl
93. Ad-Duhaa
94. Ash-Sharh
95. At-Tin
96. Al-`Alaq
97. Al-Qadr
98. Al-Bayyinah
99. Az-Zalzalah
100. Al-`Adiyat
101. Al-Qari`ah
102. At-Takathur
103. Al-`Asr
104. Al-Humazah
105. Al-Fil
106. Quraysh
107. Al-Ma`un
108. Al-Kawthar
109. Al-Kafirun
110. An-Nasr
111. Al-Masad
112. Al-Ikhlas
113. Al-Falaq
114. An-Nas