logo HARUN YAHYA

Ar-Rahman - QURAANKA - Haaruun Yaxya

  • 1. (Eebaha) Raxmaan ah.
  • 2. Wuxuu baray (Nabiga iyo dadka kalaba) Quraanka.
  • 3. Dadkana wuu abuuray.
  • 4. Wuxuuna baray dadka (Hadalka).
  • 5. Qorraxda iyo dayaxuna waxay ku socdaan xisaab.
  • 6. Xiddigga iyo Geedkuba way Sujuudaan (Eebe Dartiis).
  • 7. Samadana Eebaa koryeelay, Garsoorna wuu dajiyay.
  • 8. Si aydaan uga gudbin Caddaaladda.
  • 9. Miisaanka ku hagaajiya Caddaalad, hana nuqaamininna.
  • 10. Dhulkana Eebe wuxuu u dajiyay khalqiga.
  • 11. Dhexdiisa waxaa ah Faakihad (khudaar) iyo Timir Fiido leh.
  • 12. Xubuubna (midho) ball leh iyo udgoona wuu abuuray.
  • 13. Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan (Insi iyo Jinniyow).
  • 14. Dadka Eebaa ka abuuray dhoobo Jilay oo kale ah.
  • 15. Jaankana wuxuu ka abuuray ololka Naarta.
  • 16. Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
  • 17. Ilaaheen waa Eebaha Labada Qorrax ka soo bax iyo Labada Qorrax u dhac.
  • 18. Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
  • 19. Eebe waan kan Labada Badood dariseeyey iyagoo kulmi.
  • 20. Dhexdoodana yeelay soohdin (kala reebta) iskumana xadgudbaan.
  • 21. Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
  • 22. Waxaa lagala baxaa Baddaas Lu`Lu`iyo Murjaan (Jawhar).
  • 23. Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
  • 24. Eebe waxaa u sugnaaday Doomaha socda Badda oo Buuro la mid ah.
  • 25. Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
  • 26. Dhammaan waxa (Dhulka) korkiisa ah wuu tagi.
  • 27. Waxaase hadhi Eebaha wayn ee sharafta leh.
  • 28. Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
  • 29. Waxaa Eebe wax waydiista Samada iyo Dhulka waxa ku sugan, goorwalbana wuxuu maamuli arrin.
  • 30. Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
  • 31. Waana idin xisaabin si dhab ah Insi iyo Jinniyow.
  • 32. Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
  • 33. Jinni iyo Insiyow haddaad kartaan inaad ka baxdaan Samada Hajooyinkooda iyo Dhulka ka baxa, kamana bixikartaan xujo la`aan.
  • 34. Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
  • 35. Eebe (hadduu doono) wuxuu idinku diri Olol Naar ah, iyo Maar (la dhalaaliyay) umana gargaarsanaysaan.
  • 36. Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
  • 37. Markay Samadu dillaacdo oy noqoto ubax guduudan oo subag la mid ah (dhalaasho) markaas dadkaa la abaalmarin).
  • 38. Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
  • 39. Maalintaas Ruux la warsan dambigiisa Insi iyo Jinniba ma jiro.
  • 40. Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
  • 41. Dambiilayaasha waxaa lagu aqoonsan astaamahooda, waxaana la qaban Foodda iyo gommadaha (Naartaana lagu tuuri).
  • 42. Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan,
  • 43. Tani waa Jahannamadii ay beeniyeen Dambiilayaashu (yaa lagu dhihi).
  • 44. Waxay ku meereysan Jahannamo iyo biyo kulayl daran dhexdooda.
  • 45. Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
  • 46. Ruuxii ka yaaba Eebe hor istaaggiisa wuxuu mudan Laba Janno.
  • 47. Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
  • 48. Jannooyinkaas oo midabyo leh (iyo Laamo).
  • 49. Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
  • 50. Waxaa laga helaa ilo socda.
  • 51. Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
  • 52. Waxaa laga helaa nooc kasta oo Faakiha ah (Khudaar ah).
  • 53. Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
  • 54. Waxay ku dangiigsan (ehlu Jannuhu) Gogol ay tahay hoosteedo istabraq (xariir) Midhaha Jannooyinku waa u dhawyihiin.
  • 55. Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
  • 56. Jannooyinka iyo Firaashka waxaa ku sugan Haween Indha waawayn oo dhawrsoon oosan taabanin horay Insi iyo Jinni midna.
  • 57. Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
  • 58. Waxaad moodaa Haweenkaas Yaaquut iyo Murjaan (Jawhar midab leh).
  • 59. Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
  • 60. Wanaag abaalkiisu soo wanaag ma aha.
  • 61. Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
  • 62. Waxay heli Labadaas Janno ka sokow kuwa kale.
  • 63. Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
  • 64. Waana Laba Jannoo madow (cagaaran).
  • 65. Nicmooyinka Eebe teebad beeninaysaan.
  • 66. Waxaa dhexdeeda ah Laba ilood oo burqan.
  • 67. Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
  • 68. Dhexdooda waxaa ah Faakihad (khudrad) iyo Timir iyo Rummaan.
  • 69. Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
  • 70. Dhexdooda waxaa ah Haween khayr leh oo Quruxsan.
  • 71. Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
  • 72. Waa Haween Indhacad oo Gurigooda jooga.
  • 73. Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
  • 74. Waa Haween uusan horay u taabanin Insi iyo Jinni midna.
  • 75. Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
  • 76. Waxayna ehlu-Jannuhu ku dangiigsan Barkimo cagaaran iyo Gogol Quruxsan,
  • 77. Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
  • 78. Waxaa barakadiisu badnaatay Magaca Eebaha wayn ee shrafta leh.
SHARE
Facebook
X
WhatsApp
Telegram
QR Code
QR Code