114. An-Nas - Quraanka
- 1. Waxaad dhahdaa «Nabiyow» waxaan ka magangeley Eebaha dadka barbaariya.
- 2. Ee dadka xukuma.
- 3. Ee ah Ilaaha dadka.
- 4. Sharka «iyo xumaanta» waswaasiyaha qarsoon.
- 5. Ee waswaasiya laabta «Qalbiga» dadka.
- 6. «Kuwaas wax waswaasinayna» oo ah jinni iyo insiba.