logo HARUN YAHYA

Al-`Alaq - QURAANKA - Haaruun Yaxya

  • 1. Wax ku akhri Nabiyow Magaca Eebe ee abuuray (khaliqiga).
  • 2. Dadkana ka abuuray Calaq.
  • 3. Akhri Eebana waa kan Sharafta lehe.
  • 4. Ee Dadka baray sida Qalinka wax loogu qoro.
  • 5. Dadkana baray waxayna aqoonin.
  • 6. Saas ma aha ee Dadku (Gaaladu) waa gudbeen.
  • 7. Markuu isku ogaaday Hodontinnimo.
  • 8. Eebaha xaggiisaase loo noqon.
  • 9. Ka warrama midka ka reebaya.
  • 10. Addoon (Eebe) oo tukan Salaadda.
  • 11. Bal ka warrama hadduu ka laga reebi hanuunsanyahay (waa Nabiga).
  • 12. Ama uu fari Eeba ka yaabid.
  • 13. Balse ka warrama hadduu midka wax ka reebi uu beeniyay (xaqa) kana jeedsaday (waa AbuuJahal iyo wixii la mid ahe).
  • 14. Miyuusan ogayn in Eebe arko.
  • 15. Saas ma aha ee hadduusan joogin waxaannu qaban Foodda.
  • 16. Food beenaleey ah ghafna badan.
  • 17. Ha u yeedho gargaarihiisa.
  • 18. Waxaanu u yeedhi Malaa`ig darane.
  • 19. Saas ma aha ee warkiisa ha maqlin Sujuudna una dhawow (Eebe).
SHARE
Facebook
X
WhatsApp
Telegram
QR Code
QR Code