76. Al-Insan - Quraanka
- 1. Dhab ahaan waxaa dadka soo maray waqti wax la sheego uusan ahayn (uusan jirin).
- 2. Annagaa ka abuuray dadka dhibic isku Dheehan, Imtixaan Dartiis, waxaana ka yeellay wax maqle wax arka ah.
- 3. Annagaa Dadka tusinnay Jidka, waxayna Noqdeen mid Shukriya (mahadiya) iyo mid Gaalnimo Badan.
- 4. Annagaa u darabnay Gaalada silsilado iyo katinado iyo naarta Saciira.
- 5. kuwa Baarriyiinta ah waxay ka cabbi weel Buuxa oo lagu Dheehay kaafuur.
- 6. Waa il ay ka Cabbaan Addoomada Eebe, ayna ujiidaan say Doonaan,
- 7. Wayna oofiyaan Nadarka, waxayna ka yaabi maalin sharkeedu fidi (qiyaamada).
- 8. Waxayna Quudiyaan iyagoo jecel miskiinka Agoonka iyo kan xabbisan (Dhibban).
- 9. Iyagoo Dhihi waxaan idiin quudinnay dar Eebe, mana idinka doonaynno Ahaalmarin iyo Mahadnaq Midna.
- 10. Waxaan ka Yabaynaa Eebahanno Maalin (wajigu) doorsoomi oo Daran.
- 11. Eebana waa ka Dhawray sharka Maalintaas, wuxuuna siiyay nuur iyo Farax.
- 12. Wuxuuna ku abaal Mariyay Samirkooda Dartiis jano iyo Xariir.
- 13. Waxayna ku Dangiigsan Sariiro Sare, iyagoon ku arkayn qorrax iyo Dhaxan midna.
- 14. Waxaana u dhaw hooska jannada, waxaana loo soo Raariciyay Midheheeda.
- 15. Waxaa lala kor socon weelal Fidla ah iyo Koobab Quruurado ah.
- 16. Quruuradahaas oo fidla ah si fiicanna u Qiyaasan.
- 17. Waxaana laga Waraabiyaa Ehlu jannaha Sharaab macaan oo lugu Dheehay sinjibiil.
- 18. Waana il lugu Magacaabo Salsabiil (ay ka cabbi).
- 19. Waxaana u ageegi wiilal waari, Haddaad Aragtana aad u malayn Jawhar la saydhay.
- 20. Haddaad Aragto halkaas waxaad arki nicmo iyo sharaf wayn.
- 21. Dharkooduna (Ehlu Jannaha) waa xariir Jilicsan oo cagaaran iyo Xariir adagba, waxaana loo xidhi fidlo Gacmaha la Gashado, Eebana wuxuu ka waraabiyaa sharaab nadiifah.
- 22. Kaasi waa Abaalmarintiinii Falkiiniina wuxuu Noqday mid la Mahadiyay.
- 23. Annagaa Quraanka Nabiyow kugu soo Dajinnay.
- 24. Ee ku Samir Xukunka Eebe, hana Maqlin Dambiile iyo Gaalnima Badane (warkiis).
- 25. Xus magaca Eebe subax iyo Galabba.
- 26. Habeenkana Eebe u sujuud, una tasbiixso Habeenkii (u tuko) waqti Dheer.
- 27. Kuwaasi waxay Jecelyihiin tan soo Dagdagaysa (Adduunyada) waxay kaga Tagayaan Gadaashoodana Maalin Culus (Qiaamada).
- 28. Annagaa Abuurray Dadka, Adkaynayna xubnohooda, Haddaan Doonnana waxaan ku Baddalaynaa kuwa la mid ah.
- 29. Suuraddani waa waano, Ee Ruuxii Doona ha ka yeesho Eebe Xaggiisa waddo.
- 30. Waxna ma dooni kartaan in Eebe doona mooyee, Eebana waa wax walba oge falsan.
- 31. Wuxuu galiyaa naxariistiisa ruuxuu doono, daalimiintana wuxuu u darbay cadaab daran.