HARUN YAHYA
Somali
SO
SHARE
1. Al-Fatihah
2. Al Baqara
3. Ali `Imran
4. An-Nisa
5. Al-Ma`idah
6. Al-An`am
7. Al-A`raf
8. Al-Anfal
9. At-Tawbah
10. Yunus
11. Hud
12. Yusuf
13. Ar-Ra`d
14. Ibrahim
15. Al-Hijr
16. An-Nahl
17. Al-Isra
18. Al-Kahf
19. Maryam
20. Taha
21. Al-Anbya
22. Al-Haj
23. Al-Mu`minun
24. An-Nur
25. Al-Furqan
26. Ash-Shu`ara
27. An-Naml
28. Al-Qasas
29. Al-`Ankabut
30. Ar-Rum
31. Luqman
32. As-Sajdah
33. Al-Ahzab
34. Saba
35. Faatir
36. Ya-Sin
37. As-Saffat
38. Sad
39. Az-Zumar
40. Ghafir
41. Fussilat
42. sh-Shuraa
43. Az-Zukhruf
44. Ad-Dukhan
45. Al-Jathiyah
46. Al-Ahqaf
47. Muhammad
48. Al-Fath
49. Al-Hujurat
50. Qaf
51. Adh-Dhariyat
52. At-Tur
53. An-Najm
54. Al-Qamar
55. Ar-Rahman
56. Al-Waqi`ah
57. Al-Hadid
58. Al-Mujadila
59. Al-Hashr
60. Al-Mumtahanah
61. As-Saf
62. Al-Jumu`ah
63. Al-Munafiqun
64. At-Taghabun
65. At-Talaq
66. At-Tahrim
67. Al-Mulk
68. Al-Qalam
69. Al-Haqqah
70. Al-Ma`arij
71. Nuh
72. Al-Jinn
73. Al-Muzzammil
74. Al-Muddaththir
75. Al-Qiyamah
76. Al-Insan
77. Al-Mursalat
78. An-Naba
79. An-Nazi`at
80. Abasa
81. At-Takwir
82. Al-Infitar
83. Al-Mutaffifin
84. Al-Inshiqaq
85. Al-Buruj
86. At-Tariq
87. Al-A`la
88. Al-Ghashiyah
89. Al-Fajr
90. Al-Balad
91. Ash-Shams
92. Al-Layl
93. Ad-Duhaa
94. Ash-Sharh
95. At-Tin
96. Al-`Alaq
97. Al-Qadr
98. Al-Bayyinah
99. Az-Zalzalah
100. Al-`Adiyat
101. Al-Qari`ah
102. At-Takathur
103. Al-`Asr
104. Al-Humazah
105. Al-Fil
106. Quraysh
107. Al-Ma`un
108. Al-Kawthar
109. Al-Kafirun
110. An-Nasr
111. Al-Masad
112. Al-Ikhlas
113. Al-Falaq
114. An-Nas
QURAANKA
Al-Insan
1. Dhab ahaan waxaa dadka soo maray waqti wax la sheego uusan ahayn (uusan jirin).
2. Annagaa ka abuuray dadka dhibic isku Dheehan, Imtixaan Dartiis, waxaana ka yeellay wax maqle wax arka ah.
3. Annagaa Dadka tusinnay Jidka, waxayna Noqdeen mid Shukriya (mahadiya) iyo mid Gaalnimo Badan.
4. Annagaa u darabnay Gaalada silsilado iyo katinado iyo naarta Saciira.
5. kuwa Baarriyiinta ah waxay ka cabbi weel Buuxa oo lagu Dheehay kaafuur.
6. Waa il ay ka Cabbaan Addoomada Eebe, ayna ujiidaan say Doonaan,
7. Wayna oofiyaan Nadarka, waxayna ka yaabi maalin sharkeedu fidi (qiyaamada).
8. Waxayna Quudiyaan iyagoo jecel miskiinka Agoonka iyo kan xabbisan (Dhibban).
9. Iyagoo Dhihi waxaan idiin quudinnay dar Eebe, mana idinka doonaynno Ahaalmarin iyo Mahadnaq Midna.
10. Waxaan ka Yabaynaa Eebahanno Maalin (wajigu) doorsoomi oo Daran.
11. Eebana waa ka Dhawray sharka Maalintaas, wuxuuna siiyay nuur iyo Farax.
12. Wuxuuna ku abaal Mariyay Samirkooda Dartiis jano iyo Xariir.
13. Waxayna ku Dangiigsan Sariiro Sare, iyagoon ku arkayn qorrax iyo Dhaxan midna.
14. Waxaana u dhaw hooska jannada, waxaana loo soo Raariciyay Midheheeda.
15. Waxaa lala kor socon weelal Fidla ah iyo Koobab Quruurado ah.
16. Quruuradahaas oo fidla ah si fiicanna u Qiyaasan.
17. Waxaana laga Waraabiyaa Ehlu jannaha Sharaab macaan oo lugu Dheehay sinjibiil.
18. Waana il lugu Magacaabo Salsabiil (ay ka cabbi).
19. Waxaana u ageegi wiilal waari, Haddaad Aragtana aad u malayn Jawhar la saydhay.
20. Haddaad Aragto halkaas waxaad arki nicmo iyo sharaf wayn.
21. Dharkooduna (Ehlu Jannaha) waa xariir Jilicsan oo cagaaran iyo Xariir adagba, waxaana loo xidhi fidlo Gacmaha la Gashado, Eebana wuxuu ka waraabiyaa sharaab nadiifah.
22. Kaasi waa Abaalmarintiinii Falkiiniina wuxuu Noqday mid la Mahadiyay.
23. Annagaa Quraanka Nabiyow kugu soo Dajinnay.
24. Ee ku Samir Xukunka Eebe, hana Maqlin Dambiile iyo Gaalnima Badane (warkiis).
25. Xus magaca Eebe subax iyo Galabba.
26. Habeenkana Eebe u sujuud, una tasbiixso Habeenkii (u tuko) waqti Dheer.
27. Kuwaasi waxay Jecelyihiin tan soo Dagdagaysa (Adduunyada) waxay kaga Tagayaan Gadaashoodana Maalin Culus (Qiaamada).
28. Annagaa Abuurray Dadka, Adkaynayna xubnohooda, Haddaan Doonnana waxaan ku Baddalaynaa kuwa la mid ah.
29. Suuraddani waa waano, Ee Ruuxii Doona ha ka yeesho Eebe Xaggiisa waddo.
30. Waxna ma dooni kartaan in Eebe doona mooyee, Eebana waa wax walba oge falsan.
31. Wuxuu galiyaa naxariistiisa ruuxuu doono, daalimiintana wuxuu u darbay cadaab daran.