Al-Ma`arij - QURAANKA - Haaruun Yaxya
-
1. Midbaa wuxuu Eebe warsaday in Caddibaad ku dhacda Gaalada (loo soo dedejiyo).
-
2. Caddibaadaasna wax Gaalada ka Celin ma jiro.
-
3. Waxayna ka imaan Caddibaaddaasu Eebaha sarraynta iyo Sharafta u Saaxiiba.
-
4. Ee Malaa`igta kale iyo Jibriilba u koraan Maalin qaddarkeedu dhan yahay Konton Kun oo Sano.
-
5. Ee Nabiyow Samir Samir wanaagsan.
-
6. Gaaladu waxay Caddibaadda u arkaan inay fogtahay.
-
7. Annaguna waxaan u aragnaa inay dhawrdahay.
-
8. Caddibaaddaasu waxay dhici Maalinta Cirku noqon bir la dhalaaliyey oo kale.
-
9. Buuruhuna ay noqon Suuf la tifay oo kale.
-
10. Sokeeyana uusan sokeeye wax warsanaynin.
-
11. Wayna is arkayaan, dambiiluhuna wuxuu jeelaan inuu iskaga furto Maalintaas Caddibaadeeda Caruurtiisa.
-
12. Haweenaydiisa, Walaalkiis.
-
13. iyo qaraabadiisii soo dhawaynayey.
-
14. iyo waxa Dhulka ku sugan dhammaan markaa uu nabad galo.
-
15. Saas ma aha ee waxaa jirta Naar kulul (oo ay geli).
-
16. Waxayna siibi Galka (Madaxa iyo Jirka).
-
17. Waxayna u dhawaaqi dadka jeedsaday xaqana diiday.
-
18. Xoolahana kulmiyey oo hayey (oon xaqa ku bixinin).
-
19. Dadka waa la abuuray iyaga oo Naf jaclaysi badan.
-
20. Haddii dhib taabto wuu argagaxaa.
-
21. Hadduu khayr helana wuu reebaa.
-
22. Marka laga reebo Muslimiinta tukata.
-
23. Ee ah kuwa Salaaddooda daa`ima.
-
24. Kuwa Xoolahoodana xaq la ogyahay ka bixiya.
-
25. Siiyana kuwa baryootama iyo kuwaan wax haysan.
-
26. Kuwa rumeeya Maalinta Qiyaame (ee Abaal marinta).
-
27. Kuwa ka Cabsaday, Caddibaadda Eebahood.
-
28. Maxaa yeelay Caddibaadda Eebe wax ka Aamin ah ma jiro.
-
29. Kuwa ka ilaaliya Xubinta (dhalmaha) sino.
-
30. 30 Waxa ka soo haray Xaaskooda ama ay hanteen, taasna laguma dagaalo.
-
31. Ruuxiise doona wax gudubsan kuwaa waa mid xad gudbay.
-
32. Kuwa waxa lagu aaminay iyo Ballankaba ilaaliya.
-
33. Kuwa maraggooda si fiican u furay.
-
34. Kuwa Salaaddooda xafida (dhawra).
-
35. Kuwaasi waxay geli Jannooyin lagu Sharrifo.
-
36. Maxaa u sugnaaday Gaalada oo ay xagga Nabiga u deg degi (iagoo beenin).
-
37. Iyagoo midigta Nabiga iyo Bidixdiisaba Koox Koox u jooga.
-
38. Ma wuxuu damci Ruux kasta oo ka mid ah in geliyo Jannatu Naciima.
-
39. Saas ma aha ee waxaan ka abuuray waxay ogyihiin.
-
40. Waxaan ku dhaaran Qorrax ka soo baxyada iyo Qorrax u dhacyada ee waan karraa.
-
41. Inaan ku baddallo kuwa ka khayr badan, nagamana dheerayn karaan.
-
42. Ee iska dhaaf ha dhumbadeen eh (xumaanta) hana Ciyaareen intay kala kulmaan Maalintoodii Qiyame ee loogu gooddiyey.
-
43. Maalinta ay ka soo bixi Qubuuraha iyagoo deg degi ood mooddo inay u laxaadsan Calaamo loo taagay (xaggooda).
-
44. Aragooduna waa dullaysan yahay Maalintaas, waxaana ka muuqda oo dabooli dulli, Maalintaasuna waa Maalintii loogu yaboohay (Abaal marinteeda).
SHARE
1
Al-Fatihah
2
Al Baqara
3
Ali `Imran
4
An-Nisa
5
Al-Ma`idah
6
Al-An`am
7
Al-A`raf
8
Al-Anfal
9
At-Tawbah
10
Yunus
11
Hud
12
Yusuf
13
Ar-Ra`d
14
Ibrahim
15
Al-Hijr
16
An-Nahl
17
Al-Isra
18
Al-Kahf
19
Maryam
20
Taha
21
Al-Anbya
22
Al-Haj
23
Al-Mu`minun
24
An-Nur
25
Al-Furqan
26
Ash-Shu`ara
27
An-Naml
28
Al-Qasas
29
Al-`Ankabut
30
Ar-Rum
31
Luqman
32
As-Sajdah
33
Al-Ahzab
34
Saba
35
Faatir
36
Ya-Sin
37
As-Saffat
38
Sad
39
Az-Zumar
40
Ghafir
41
Fussilat
42
sh-Shuraa
43
Az-Zukhruf
44
Ad-Dukhan
45
Al-Jathiyah
46
Al-Ahqaf
47
Muhammad
48
Al-Fath
49
Al-Hujurat
50
Qaf
51
Adh-Dhariyat
52
At-Tur
53
An-Najm
54
Al-Qamar
55
Ar-Rahman
56
Al-Waqi`ah
57
Al-Hadid
58
Al-Mujadila
59
Al-Hashr
60
Al-Mumtahanah
61
As-Saf
62
Al-Jumu`ah
63
Al-Munafiqun
64
At-Taghabun
65
At-Talaq
66
At-Tahrim
67
Al-Mulk
68
Al-Qalam
69
Al-Haqqah
70
Al-Ma`arij
71
Nuh
72
Al-Jinn
73
Al-Muzzammil
74
Al-Muddaththir
75
Al-Qiyamah
76
Al-Insan
77
Al-Mursalat
78
An-Naba
79
An-Nazi`at
80
Abasa
81
At-Takwir
82
Al-Infitar
83
Al-Mutaffifin
84
Al-Inshiqaq
85
Al-Buruj
86
At-Tariq
87
Al-A`la
88
Al-Ghashiyah
89
Al-Fajr
90
Al-Balad
91
Ash-Shams
92
Al-Layl
93
Ad-Duhaa
94
Ash-Sharh
95
At-Tin
96
Al-`Alaq
97
Al-Qadr
98
Al-Bayyinah
99
Az-Zalzalah
100
Al-`Adiyat
101
Al-Qari`ah
102
At-Takathur
103
Al-`Asr
104
Al-Humazah
105
Al-Fil
106
Quraysh
107
Al-Ma`un
108
Al-Kawthar
109
Al-Kafirun
110
An-Nasr
111
Al-Masad
112
Al-Ikhlas
113
Al-Falaq
114
An-Nas