• 1. Midbaa wuxuu Eebe warsaday in Caddibaad ku dhacda Gaalada (loo soo dedejiyo).

  • 2. Caddibaadaasna wax Gaalada ka Celin ma jiro.

  • 3. Waxayna ka imaan Caddibaaddaasu Eebaha sarraynta iyo Sharafta u Saaxiiba.

  • 4. Ee Malaa`igta kale iyo Jibriilba u koraan Maalin qaddarkeedu dhan yahay Konton Kun oo Sano.

  • 5. Ee Nabiyow Samir Samir wanaagsan.

  • 6. Gaaladu waxay Caddibaadda u arkaan inay fogtahay.

  • 7. Annaguna waxaan u aragnaa inay dhawrdahay.

  • 8. Caddibaaddaasu waxay dhici Maalinta Cirku noqon bir la dhalaaliyey oo kale.

  • 9. Buuruhuna ay noqon Suuf la tifay oo kale.

  • 10. Sokeeyana uusan sokeeye wax warsanaynin.

  • 11. Wayna is arkayaan, dambiiluhuna wuxuu jeelaan inuu iskaga furto Maalintaas Caddibaadeeda Caruurtiisa.

  • 12. Haweenaydiisa, Walaalkiis.

  • 13. iyo qaraabadiisii soo dhawaynayey.

  • 14. iyo waxa Dhulka ku sugan dhammaan markaa uu nabad galo.

  • 15. Saas ma aha ee waxaa jirta Naar kulul (oo ay geli).

  • 16. Waxayna siibi Galka (Madaxa iyo Jirka).

  • 17. Waxayna u dhawaaqi dadka jeedsaday xaqana diiday.

  • 18. Xoolahana kulmiyey oo hayey (oon xaqa ku bixinin).

  • 19. Dadka waa la abuuray iyaga oo Naf jaclaysi badan.

  • 20. Haddii dhib taabto wuu argagaxaa.

  • 21. Hadduu khayr helana wuu reebaa.

  • 22. Marka laga reebo Muslimiinta tukata.

  • 23. Ee ah kuwa Salaaddooda daa`ima.

  • 24. Kuwa Xoolahoodana xaq la ogyahay ka bixiya.

  • 25. Siiyana kuwa baryootama iyo kuwaan wax haysan.

  • 26. Kuwa rumeeya Maalinta Qiyaame (ee Abaal marinta).

  • 27. Kuwa ka Cabsaday, Caddibaadda Eebahood.

  • 28. Maxaa yeelay Caddibaadda Eebe wax ka Aamin ah ma jiro.

  • 29. Kuwa ka ilaaliya Xubinta (dhalmaha) sino.

  • 30. 30 Waxa ka soo haray Xaaskooda ama ay hanteen, taasna laguma dagaalo.

  • 31. Ruuxiise doona wax gudubsan kuwaa waa mid xad gudbay.

  • 32. Kuwa waxa lagu aaminay iyo Ballankaba ilaaliya.

  • 33. Kuwa maraggooda si fiican u furay.

  • 34. Kuwa Salaaddooda xafida (dhawra).

  • 35. Kuwaasi waxay geli Jannooyin lagu Sharrifo.

  • 36. Maxaa u sugnaaday Gaalada oo ay xagga Nabiga u deg degi (iagoo beenin).

  • 37. Iyagoo midigta Nabiga iyo Bidixdiisaba Koox Koox u jooga.

  • 38. Ma wuxuu damci Ruux kasta oo ka mid ah in geliyo Jannatu Naciima.

  • 39. Saas ma aha ee waxaan ka abuuray waxay ogyihiin.

  • 40. Waxaan ku dhaaran Qorrax ka soo baxyada iyo Qorrax u dhacyada ee waan karraa.

  • 41. Inaan ku baddallo kuwa ka khayr badan, nagamana dheerayn karaan.

  • 42. Ee iska dhaaf ha dhumbadeen eh (xumaanta) hana Ciyaareen intay kala kulmaan Maalintoodii Qiyame ee loogu gooddiyey.

  • 43. Maalinta ay ka soo bixi Qubuuraha iyagoo deg degi ood mooddo inay u laxaadsan Calaamo loo taagay (xaggooda).

  • 44. Aragooduna waa dullaysan yahay Maalintaas, waxaana ka muuqda oo dabooli dulli, Maalintaasuna waa Maalintii loogu yaboohay (Abaal marinteeda).