logo HARUN YAHYA

Ad-Duhaa - QURAANKA - Haaruun Yaxya

  • 1. Eebe wuxuu ku dhaartay Barqinka.
  • 2. Iyo Habeenku markuu xasilo (Madoobaado).
  • 3. Inaan Eebe ka tagin Nabiyow kuuna cadhoonin.
  • 4. Aakharana kaaga khayr badan Aduunka.
  • 5. Eebaana ku siindoona (wanaag) waadna raalli noqon.
  • 6. Miyuusan ku helin Eebahaa Adigoo Agoon ah oosan ku dhawaynin.
  • 7. Miyuunase ku helin Adigoo baadi ah oosan ku hanuuninin.
  • 8. Miyuunase ku helin Adigoo caydhi ah oosna ku hodminin (kuu waxyoonin).
  • 9. Ee Agoonta ha xoogin (hana dhihin).
  • 10. Ka wax su`aalina ha canaanan.
  • 11. Nicmada Eebahaana ka sheekee (ku mahadi).
SHARE
Facebook
X
WhatsApp
Telegram
QR Code
QR Code